SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!!

Waxay umada soomaaliyeed soogashay dagaal-sokeeye oo dabadheeraaday, kaasa oo beelihii isku'hayay xukunka iyo waxyaabihiikale ee soobaxay kadib markii uu qarankii burburay ay guul kama-danbays ah ku kala-gaadhi kari waayeen. hadaba maadaama hawlkasta oo siwada-jir ah loo qabto, ay dad gaar ihi kubadiyaan, loona baahanyahay in dadkaas sigaar ah loo calaamadiyo, ayaa waxaan jeclaanay inaan tartansiino qa'baa'ilka soomaaliyeed ee waawayn, si jaa'izo loo siiyo cidii koobka kuqaaday dagaalkii sokeeye.

Hadaba maadaama oy beelwaliba usoo-hanqal taagi doonto jaa'izadaas, muxuu yahay halbeega aan u adeegsanayno qiimaynta hawl-qabadkaasi? Inagoo su'aashan kajawaabayna, waxaan wax kumiisaamaynaa [2]laba arimood

1- inay dhibcaha uguyar kaqaadato, daadinta dhiiga soomaaliyeed.

2- iyo inay dhibcaha ugubadan kaqaadato, u adeega daha-guud ee umada soomaaliyeed .

hadaba waxaan sooqaadanaynaa beelaha waawayn ee afarta ah, qaybo kamid ah. beelaha kalena golaha arintan loosaaro ayaa qiimayndoona, kama-dhigna tani, hada cida aanaan sheegin inayna jaa'izada xaq u lahayn, ee kali waa tusaale waxa aan ku soohordhigaynaa akhristoow. Sidookale xaga dhiig-daadinta golahaas ayaan udaynaynaa, laakiin waxaan halkan kusooqaadaynaa kaliya qodobka, "u adeega danta umada soomaaliyeed" guud ahaanba mudada wax laguqiimaynayaana, waa intii ay burburtay dawladii.

1- beesha HAWIYE, waxaan u helay qodob aad muhiim u ah, waana sida sharafta iyo xil-kasnimada leh, ee ay dawladan usoodhaweeyeen, taageerada buuxdana usiiyeen.

2- beesha RAXANWAYN, waxay awooday inayna cidna kuduulin, oyna kudoonanin dagaankiisa.

3- beesha, ISAAQ, waxay kuguulaysatay qodob qiimihiisu waynyahay, oo ah inay nabadgalyo ka hirgaliso dagaankeeda,oy runtii arintani tahay guul aad muhiim u ah, hase-yeeshee waxaa tan dhaawac-wayn ugaystay, markay furteen suuqyo dhalinyarada soomaaliyeed xabashi lagaga iibiyo.anaga oo aad uga-xun inaan arintan sheegno hadana amaanada cilmiga ayaa diiday inaan ka'aamusno.

4- beesha, DAAROOD, oon laba qoys kasooqaadanayno[ maadaama oyn waynay beeshan wax kulmiya]

- a- harti, wuxuu kumashquulay markii lagatago nabada uu ka'hirgaliyay dagaankiisa, in soomaali dawlad loodhanyahay loodhiso, arintan oo sida aan uaragnay ayna beelkale kubixinin dadaalkii uu qoyskaasi kubixiyay.

- B-absame, qoyskani iyaguna waxay soo-hooyeen laba-guulood oo aad muhiim u ah
[1] inay dagaamadoodii soomaali oodhan hoy uga dhigaan, oo meesha kaliya ee soomaali kawada xidhiidho ama kuwada-qixikarto ay noqoto, S.galbeed iyo N.F.D.
[2] qodobka kale ee kan kaqiimaha-badan ee beeshaa loo helay ayaa wuxuu noqday, inay mudadaas tirade-badan cadawgii soomaaliyeed ee taariikhiga ahaa[ xabashi] xabad lahortaagnaayeen, iyaga oo kuleh, cadawga,"waan noolahay wali hadii aan soomaali nahay." Arinkan oo oo qiimo-wayn uleh dhamaan daha soomaaliyeed.

5- Waxaan jecelahay soomaaliyow, in laga gudbo qaab-u-qiimaynta kusalaysan caqliga-duurka, oon bilawno inaan wax ku miisaano, cilmi iyo halbeeg xadaaradeed.

6- Soomaaliyeey guul iyo hormar.

Qore: Siyaad hereri.
saabir_95@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2004


»Soo islaamidii: Maxamed Knut Bernström
»Soo Islaamidii: Daina Paetty
»Markaad Geel Leedahay baa Geel-jire la Samaystaa | C/Waaxid
»HAL-KA-HALEE: Faalladii Rashiid Sh. C/laahi X. Axmed  
»"Jabkeygii iyo kii Walaashey" | Qaybtii 4aad | Alhasani
»WEERARKA LAGU HAYO BOGAGGA ISLAAMKE EE INTERNETKA
»
Bogga Wararka Samsam Axmed Ducaale... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD