WARARKII MAANTA:::
- Kulan ay isugu yimaadeen xarunta dhaqan celinta Naafadda ee Bish-cas ee Soomaaliyeed iyo isbitaalada Muqdisho iyo…
- Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyada FKM ee Soomaaliya Mudane Ali Faqi Ayaa markii ugu horeysey warsaxaafadeed ka soo saaray qorshaha golaha xukuumada iyo shirka uga soconay Naivasha
- WAFTIGII
UU
HOGAAMINAYAY
JOHN
EGLAM.
OO
KA
TIRSAN
QARAMADA
MIDOOBAY
AYAA
MAANTA
KA
DUULAY
GEGIDA
DIYAARADAHA
EE
MAGAALADA
GAROOWE..
Kulan ay isugu yimaadeen xarunta dhaqan celinta Naafadda ee Bish-cas ee Soomaaliyeed iyo isbitaalada Muqdisho iyo…
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dec 6, 2004
Kulan balaaran yaa maalintaii shalay ka dhacay xarunta dhaqan-celinta naafadda ee Ururka Bish-Cas ee Magaaladda Muqdisho, waxaan kulankaa ka qeybgalay Howlwadeennada xaruntaa, Taqaatiirta ka howlgasha Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho iyo kuwa Jaamacadaha, waxa uuna kulankaas u jeedadiisu ahayd sidii ay iskaashi ay u wada yeelan lahaayeen Xarunta, Isbitaaladda, Taqaatiirta iyo Jaamacadaha, gaar ahaan kuwaa caafimaadka,sida Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadda Muqdsho, waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay Aqaasimaha Xarunta dhaqan celinta naafadda ee Ururka Bisha-Cas Proff. C/llaahi Cabdi Rooble, waxa uuna sheegay in xaruntaan la aas-aasay 1982-dii waxa uuna sheegay in xaruntaan ay wax u qabato naafadda ku soo cuuryaamay dagaaladda Sokeeye iyo kuwa ku naafoobay cuduradda kala duwan, waxa uuna sheegay in dhinaca dhaqaalaha ay gacan ka helaan Laan-Qeyrta cas ee Norway, waxa uuna intaas ku sii daray in xaruntu ay isugu jirto 2-Qeybood oo ay mid tahay Physiotherapy iyo qeyb qaabilsan dhinaca farsamada, gaar ahaan sameynta lugaha ay dadku ku socdaan, biraha lagu boodo oo isugu jira 2-nuuc oo biraha socodka oo loogu talagalay dadka naafada ah.
Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Dr. Xanafi oo ka mid ah dhaqaaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Al-Xayaat, waxa uuna sheegay in dadka intiisa badan aysan ku Baraarugsaneyn oo uu sheegay in loo baahan yahay Baraarujin fara badan si ay dadka u ogaadaan wax qabadka xarunta, waxaa kale oo uu sheegey in iskaashi uu dhex maro howl-wadeenadda Xarrunta iyo Isbitaaladda dalka ka jira, si ay ula socdaan xaaladda Naafadda.
Waxaa kaloo ka hadlay agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Sheekh Doon, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in tababar dhinaca physiotherapy la siiyo dhinaca shaqaalaha Isbitaaladda, si ay u daboolaan baahida ay isbitaaladdu u qabaan Physiotherapy.
Kulankaa waxaa isna ka hadlay Dr. Ibraahim Jiya oo sheegay in isbitaaladda qaarkood ay jiifaan 150-qof oo bukaan ah, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in xarrutu ay soo dirto subax kasta 1-dhaqtar . oo dhinaca Physiotherapy. ah Waxaa kale oo ka hadlay Hormuudka Kulliyadda Caafimaad ee Jaamacadda Banaadir Dr. Salaad Faarax Guutaale oo isagu sheegay in kulliyadda Caafaimaadka ee Banaadir ay furi doonto Dugsi lagu barto dhinaca Physiotherapy, si ay u soo baxaan Macallimiin daboosha baahidda loo qabo Physiotherapy-da.
Kulnkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan 2-dhinac ayaa waxaa ka hadlay Macallimiin ka socotay Xarunta dhaqan celinta Naafadd ee ururka Bish-cas ee soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Drs. Xaliimo, Dr. Liibaan iyo Dr. Cismaan waxa ayna sharraxaad ka bixiyeen dhibaatooyinka ay mar-mar kala kulmaan Bukaanadda naafadda, iyagoo sheegay in dhibaatadaas ay ka timid qalliinkii markii hore lagu sameeyay bukaanka, waxay kale oo ay sheegeen in loo baahan yahay in xiriir joogta ah uu dhex maro mar walba dhaqtarka iyo macallimiinta physiotherapy, si ay u yaraato dhibaatadda mararka qaarkood la soo gudboonaada Bukaanadda Naafadda .
Waxaa kale oo ka hadlay mas’uul ka socday Jaamacadda Muqdsho oo lagu magacaabo Dr. Aadan waxa uun halkaas ka ballan qaaday in Jaamacadda Muqdisho ay gacan ka siin doonto wixii tababar ah oo ay u baahan tahay xarrunta Dhaqan-celinta Naafada , waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay wacyigalin farabadan oo la xiriirta wax qabada xarrunta.
Ugu dambeyntii waxaa la isku afgartay in tababar kooban oo dhanka Physiotherapy la siiyo qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaallada iyo kuwa jaamacadaha, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan tababarkaas.
Waxaa halkaasi erayo mahadcelin ah ka soo jeediyay guddoomiyaha xarunta dhaqan celinta naafada ee ururka bisha cas ee Soomaaliyeed Prof. C/llaahi Cabdi Rooble, waxaana kulankii shalay goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socota Bisha Cas ee Hargeysa iyo Baydhabo, waxaana ka mid ah xubnihii ka qaybgalay: Madiina Hospital, Keysaney Hospital, Al-Xayaat Hospital, Carafaat Hospital, Banaadir One Hospital, Banaadir Two Hospital, Muqdisho Hospital, Al-xikma Hospital, Al-Cimra Hospital iyo jaamacaha Muqdisho iyo Banaadir. Wuxuuna kulankaasi ku dhammaaday jawi is af-garasho iyadoo mar kale dib la isugu soo laaban doono.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dec 6, 2004 Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyada FKM ee Soomaaliya Mudane Ali Faqi Ayaa markii ugu horeysey warsaxaafadeed ka soo saaray qorshaha golaha xukuumada iyo shirka uga soconay Naivasha
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi Somalitalk
Dec 5, 2004
wasiirka warfaafinta DKMG fedraaliga ah ee Soomaaliya mudane Ali Mohamed Faqi ayaa markii ugu horeysey warsaxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa isaga oo ka mida golaha wasiirada ee haatan ku shirsan Magaalada Niavasha, waxaa uu wasiirku warkiisaas saxaafadeed uga hadlayey hawsha ay haatan golaha xukuumadu ka hayaan halkaasi isaga oo shaacana ka qaaday in golaha xukuumadu ay sida ugu dhaqsaha badan u guda geli doonaan howsha adag ee haatan hortaala ee samata bixinta dalka soomaaliya ee 14ka sanadood buruburku naafeeyey.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ku Meel Gaarka ee Soomaaliya oo uu 3-dii bishan December Shir uga bilowday Hotel-ka Lake Niavasha Country Club ee ku yaal duleedka Magaalada Niavasha, magaaladaas oo 90KM ka xigta Galbeedka Magaalada Nairobi,ayay wasiiradu haatan si toosa uguda galeen qaabkuu ay ku waajihi lahaayeen guda gelida howlaha hor yaala.
Kulankaas oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha DKMG federaaliga ah ee Somaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, waxa ay Golaha Wasiiradu uga wada xaajoonayaan ajandayaasha horyaalla Xukuumadda kuwaas oo ay ugu horreeyaan:
Diyaarinta Qorshaha Xukuumadda ee la hordhigi doono Golaha Shacabka.
Diyaarinta Qaab-dhismeedka iyo Masuuliyadda Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaranka.
Diyaarinta Xiriir Guud ee labada dal ee deriska ah Somaliya iyo Kenya
Waxaa kale oo ay Golaha Wasiiradu diyaarinayaan mabda iyo siyaasad midaysan oo ku wajahan xallinta iyo qaabaynta hawlaha adag iyo fursadaha dawladda hor yaalla.
warkaan saxaafadeed waxaa ku saxiixan wasiirka warfaafinta mudame Ali M.Faqi ###
WAFTIGII
UU
HOGAAMINAYAY
JOHN
EGLAM.
OO
KA
TIRSAN
QARAMADA
MIDOOBAY
AYAA
MAANTA
KA
DUULAY
GEGIDA
DIYAARADAHA
EE
MAGAALADA
GAROOWE..
Axad
5/12/04.
Garoowe:
(Somalitalk).
Waxaa
maanta
ka
dhoofay
magaalada
garoowe
ee
xarunta
maaml
goboeedka
Puntland
wafti
ka
koobnaa
afar
iyo
toban
xubnood
ka
kala
socdayna
sadex
jaho
oo
ka
la
ah
Qaramada
midoobay,
Dalka
Danmark,
iyo
Jamacadda
carabta.
Waftigan
oo
ku
sugnaa
magaalada
garoowe
muddo
gaaraysa
afar
iyo
labaatan
saacadood
gudaheeda
ayaa
waxaa
ku
soo
dhoweeyay
garonka
magaalada,
madaxwaynaha
dowlad
goboleedka
PL,
Maxamed
Cabdi
Xaashi
iyo
xubno
kale
oo
ka
kala
tisan
golaha
xukuumadda,
hay,addaha
caalamiga,
iyo
NGOska
ka
howlgala
magaalada
garoowe.
Waftiga
ayaa
kulan
la
yeeshay
golaha
xukuumadda,
waxaana
shir
gudoominayay
shirka
Maxamed
Cabdi
Xaashi
waxayna
kawadahadleen
arimo
dhowra
oo
ay
kamid
ahaayeen
mashaariicda
loogu
talagalay
Soomaliya
sanadka
labadakun
iyo
shanta,
waxyeeladii
ay
gaysteen
roobabkii
dayrta
iyo
in
ay
soo
indha
indheeyaan
goobihii
ay
waxyeelada
u
gaysteen
roobabka
ayna
ku
sugnaayeen
dadka
xooladhaqatada
ah.
Waftiga
ayaa
maantaba
waxay
soo
indha
indheeyeen
deegaanadii
ay
waxyeeelada
ka
soo
gaaraty
roobabkii
dayrta
ayna
uga
horaysay
abaartii
xilagaa
jirtay
oo
ay
uga
luntay
maal
iyo
mood
intaba.
Intaa
kadib
waxay
waftiga
sadex
xagalka
ah
iyo
golaha
xukuumadda
PL,
kawada
hadleen
arimo
dhowra
oo
ay
kamidyihiin
sidii
wax
loogu
qabanlahaa
dadka
tabaalaysan
iyo
qaybbo
kale
oo
ay
kamidyihiin
horumarinta
mashaariicda
kaladuwan
ee
goblka
Puntlan,
ayagoo
ku
balamay
in
ay
gudbin
doonaan
dhamaan
waxyaabihii
ay
kala
kulmeen
maamulka
iyo
masuuliyiinta.
Waftiga
ayaa
horay
uga
yimid
safarkoodii
ay
ku
soo
gaareen
DGPL
dhinaca
maamulka
Somaliland.
Ayagoo
la
soo
kulmay
masuliyiinta
ku
sugan
magaalada
hargaysa,
islamaantana
waxa
ay u
ambabaxeen
magaalada
xudur
xaruntiisa
dagmada
wajid
ee
gobolka
bakool.waxayna
maantaba
la
kulmeen
isla
maamulka
magaalada
xudur
Waxaana
ay
waftigu
sheegeen
maalinta
isniinta
ah
ee
ku
began
6,
bisha
12,
ee
sanadkan
aynu
kujirno
in
ay
la
kulmi
doonaan
madaxwaynaha
DFKS
mudane
Cabdulaahi
Yusuf
Axmed.
Waxayna
kawada
hadli
doonaan
arimaha
ku
aadan
danaha
soomaaliya.
sahrosiglan@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec
6, 2004
Sheekh Cumar Faaruuq
oo Bixiyey Waraysi
Dhinacyo Badan Taabanaya
Waraysiga waxaa qaaday Siciid A. |
K/Afrika.. Guji...
Beesha Gaaljecel
oo Shir ku Qabtay Kismaayo
Warbixintii Faysal Xaaji |
Guji Dec 5
Beesha Yaxye
Saalax oo Baaq u Dirtay Dawlada Cusub
Qoraalka uu soo tebiyey Dr. Saciid Xuseen |
Guji
Dec 5
Joojin Dagaalka
Gelinsoor
»Baaq
nabadeed kasoo baxay DGPL
»Golaha
wasiirada DFKMG: Baaq colaad joojineed
- Gelinsoor
»Bayaan
Nabadeed ay soo saareen culumada Gobolka Mudug
»Salaadiinta
Beelaha Daarood oo Baaq u Diray Gelinsoor..
»Dagaalka
oo ka socda deegaan dhan ilaa 250 Km..
»Baaq ku
socda Beesha Habargidir...
Dhammaan ka akhri halkan...
| Dec 5
Qorshe la doonayo
in maamul goboleed loogu dhiso gobolada jubooyinka
| Kismaayo |
Dec 5
Golaha Wasiirada
Lamagacaaby oo weli sugan Hotelka Lake Naivasha | Boqashadii Axmed
Muuse | Dec 5
Wafti kasocda
Qaramada Midoobey, Denmark iyo Jaamacaad carabta oo Booqday Garoowe
| Somalia | dec 5
Wareysi Xoghayaha
Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed |
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" |
Dec 5
Dadweynaha reer Hiiraan oo si Buuxda u Taageeray Dawlada Federaalka
Soomaaliya
Warsaxaafadeed:
Hiiraan Information Center...
Guji
Dec 4
Ciidamada Wayaanaha oo boobay dukaano ku yaalla magaalada Jigjiga
[Radio Xorriyo]
Isimada Puntland oo
Taageeray Qaylo Dhaankii Culimada ee ku aadanayd Dhibaatooyinka Roobka
Dayrta Dec 4
Digniin Laga Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::
Dhakhaatiirta Boosaaso oo sheegay in ay jiraan dad badan oo
qaba AIDS-ka laakiin aan loo sheegi karin sababtoo ah..
Guji
Baaq Nabaded Ku Wajahan Dagaalada Gelinsoor
Dagaaladaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 28 qof, waxaana baaq ka soo saaray... Guji.. Dec 3
Magacyada
Wasiirada DFKMG iyo Qabiiladooda
Golaha Wasiirada
cusub oo maanta loo Qaaday Goob ka baxsan Nairobi
iyo Wasaaradaha qaar oo uu wali ka jiro khilaaf.
Guji..
Dec 2
Qaylo Dhaan:
Cawinaad u raadin dadkii ay Xooluhu kaga Dhammaadeen Roobabkii
Dec 2
Wasiirka Koowaad ee
Soomaliya Ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Soomaliya
Waxaa lagu dhawaaqay
wasiirada DFKMG kuwaas oo magacyadoodu yihiin.....
Guji... Dec 1
Hay'adda
Amnesty International oo Ku Baaqday in Baaritaan Madax Bannaan Lagu Sameeyo
Arinka Samsam:: Qoraal kasoo baxay.
Guji
Shan
Soomaali ah oo Loo Xiray Dilkii Yasmin
USA: Shan Soomaali ah ayaa
lagu soo oogey dembiga ah in ay geysteen dilkii Yaasmiin Cali Geelle oo
ahayd gabar Soomaaliyeed oo lagu diley Minneaplis. Magacyadooduna waxay kala
yihiin..
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|