SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! 

Cabdinuur Aadan Faarax (Borås, Sweden)
abdinoor63@yahoo.se


Buugga mahuraan

Nin soomali ah oo waddankan Sweden qaxootinnimo ku yimid ayaa maalin maalmaha ka mid ah la kulmay haweenay ka socota Hay’adda qaabilsan socdaalka dadka qalaad. Ninku wuxuu haweenayda ka rajaynayey in ay ka caawiso arrimo la xiriira qiimeyn lagu sameeyo shahaado Jaamacdeed oo uu watay. Haweenayda oo aad u xiisaynaysa arrimaha soomaaliya ayaa waxay weydiisay ninkii:

  • - ”Magaci Madaxweynihiinnu?”

  • - Suuye, ”maba lihin Madaxweyne!”

  • - Sayte, ”oo haddaa ma boqortooyaad tihiin?”

  • - Suuye, ”boqortooyo iyo boqor toona ma lihin” 

Haweenaydii oo yaabban, aanse ku qanacsanayn jawaabaha ninkani ka bixiyey wixii ay su’aashay ayaa shahaadadii yare rogrogtay si ay isha u mariso.  Haddaba waxaa meeshii ka soo baxday in ay waqti dheer u baahan tahay waxka qabashada qiimeynta iyo la xiriirka Jaamacddii Ummadda ee Xamar si loo caddeeyo jiritaanka Shahaada. Dabadeedna waxay ku tiri, ”Waxaan isku dayi doonaa in aan kaa caawiyo arrinta shahaadada, balse si loogu diro hay’addii kuu tasdiiqi lahayd oo fadhigeedu yahay Stockholm waa in aannu marka hore la xiriirno Jaamacaddii Muqdisho eed ka soo qalinjebisay.” 

  • - Suuye, ”oo maba ogid miyaa in wax Jaamacad ahba aannaan lahayn?”

  • - Sayte, ” Oo maxaa ku dhacay jaamacadihiinnii?”

  • - Suuye, ”Guryo reero ku noolyihiin bay noqdeen hadda?”

  • - Sayte, “Oo xaggee dokumintigii la geeyey?”

  • - Suuye, “Waa la bililiqeystay?”

  • - Sayte, “Markii dokumintiga la dhacayey, xaggee jiray Booliskii waddanku?”

  • - Suuye, “Boolisba ma qabno?”

  • - Sayte,  “Haddii aydaan Jaamacad lahayn  xaggee ardaydiinna dugsiyada sare ka baxaa, waxbararasho u aadi doonaan?”

  • - Suuye, “In aan dugsiyo sare leennahaa ka horreysa taas”

  • - Sayte, ”Taas macnaheedu ma waxaa weeye, in aad dugsi hoose uun leedihiin?”

  • - Suuye, ”Adaaba sheegaya dugsi hoose, oo dugisyaba kama jiraan waddankii”

  • - Sayte, ”Maxay dawladdiinnu arrimahaan wax uga qaban kari la’dahay?”

  • - Suuye, ” Ma kuu dhab, dawladba ma lihin”

  • - Sayte, ”Oo haddaan dawladi jirin, yaa shacriga ilaalinaya?”

  • - Suuye, ”Wax sharci ahi waddankayga kama jiraan”

Haweenaydii oo mar labaad la dhakafaarsan, waxa ninku ku andacoonaya ayaa waxay is tustay, in malaha is faham la’aani jirto, taas oo laga yaabo in ay la xiriirto xagga luuqadda Swedishka. Haddaba waxay go’aansatay in ay qof turjumaan ah u ballansato arrintaan. Saa ninkii baa wuxuu ku wargeliyey, in isaga qudhiisu uu ku shaqeeyo Turjumaannimo, oo aan loo baahnayn mid kale oo isagii wax ka sii turjuma. Naagtii oo garan la’a meesha waxa ka socda ayaa u sheegtay saaxiibkii in ballan ay u qabato,  si bal isagoo deggen oo caadi ah uu waqti kale u yimaado. 

Ninkii oo islahadaya ayaa markuu albaabka ka sii baxayey lahaa isagoo kor u qaylinaya, “Alloow ha na ceebayn! Waa meel halaag meeshaan ka imid. Waa dad aan dawlad lahayn, jaamacado, Dugsiyo waxbarasho, Boolis, millateri midna laguma oga, madaxweyne, parlammaan iyo wasiiro iyaga haba sheegin, wax safiirra ah oo dunida u joogana lama arko. Haddaba aniga qudhayda ayaanba qiyaasi karin waxa waddankaygii dhammaa ee  dhisnaa ku dhacay, ee maxaan hadda miskiintaan iyo qof ajnabi ah oo  waddan kale ka yimid kala yaabayaa?” 

Qisadaani haddaba waxay ku tusaysaa sida ummad jirtay qarniyo oo dawlad ahaan jirtay muddo dheer ay u dhalan rogmi karto. Marka dadka ay isaga darsamaan xumaanta iyo wanaagga oo ay nimcada Ilaahay siiyo iimaansan waayaan, waxay ku dambeeyaan baaba’ iyo halaag aysan marnaba dib uga soo waaqsan karin. Tanoo kale waxay dhacdaa kolka taladu ay dariiqeeda saxda ka haboowdo oo ay u gacandasho cid aan ehel u ahayn.  Bal eega maanta waxa Ciraaq haysta, shalayna Falastiin ku dhacay.  Haddii ay ummadda soomaaliyeed tashan waayaan waa loo tashan doonaa dabadeedna loo talin doonaa.  

Haddeer waxaa inoo  taliyey waddammada IGAD taladoodiina waxay ka badin wayday in ay qaab qabiilo wax inoo ku qaybiyaan si aan qaran u noqonno.  Qof bukaa boqoli u talisay. Haddii dawladnimadeennii dawadeedu isugu soo biyo shubatay in aynu qabiil wax ku qaybsanno, waxay ahayd malaha in lagu qanco taas, balse marka aynu cagaheenna isku taagno waxaa marag ma doonto ah, haddii aan Ilaahay caqligeenna wanaajin, in qabyaalad lala dhex tegi doono xafiisyada dawladda iyo xarumaha adeegga bulshada. Haddii taasi dhacdana ogaada marka labaad waxaa inoo tashan doona kuwa ka tuman waa weyn dhawrka waddan een raas wadaagga nahay. Dabadeedna waxaa xigi doonta Alle kama dhigee!  in lagu cataabo oraahdii ahayd: “Markaan tabar hayeyna talo ma hayn, haddoon tabar gabayna talo waxba iiguma taal.” 

Xigasho: Waxaa meel shir ah ka jeediyey dhacdadaan qoraa Soomaaliyeed oo la yiraahdo C/laahi Sh. Xuseen (Hantiwadaag) oo ku nool magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Cabdinuur Aadan Faarax (Borås, Sweden)
abdinoor63@yahoo.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD