SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

SOMALILAND IYO PUNTLAND WAXAA LA GAADHAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU IMAN LAHAA

 

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

 

Waa Hubaal in dagaal cid ku dhimato mooyaane cid ku dhalata aan la arag, daliil marag ma doonta ah waxaa inoogu filan 40 sannadood ee inna dhaafay oo dalkii la isku odhan Jiray Soomaaliya ay ku naf waayeen dad aan anigu ku qiyaasay 1 milyan oo qof oo soomaali ah oo iskugu jira aqoonyahan, muatacalimiin, siyaasiyiin, indheer garad, iyo qayb kasta oo bulshada ka tirsan oo runtii Maanta dadka Afka Soomaaliga ku hadla ee ku dhaqan geeska Africa ay lugtu u go’antahay.

 


RIYAALE vs SAXAAFADDA.. GUJI

15 Sannadood ee ugu danbeeyey 40-ka sanno ee aan kor ku soo tibaaxay gobolada Somaliland iyo Puntland waxay ahaayeen qaar naacawda nabadda iyo macaankeeda dhex dabaalanaya, waxay noqdeen qaar dadkoodu is dhex galaan, hawraarta Nabadda iyo shaqadh la’aanta heefta rasaastu qalbiyada labada dhinac burcad iskugu beertay, waxay ahaayeen labadii Umadood ee keligii taliyahii Siyaad Barre ugu gacanta adka markii ay heeryadii saarayd iska dul qaadeena noqday labada umadood ee ugu xasilan geeska Africa  waxay noqdeen labada qoomiyadood ee dega geeska Afrika ee ganacsiga ugu badan is dhaafsada taasi oo aan qabo inaanay wixii intaa ka horeeyey taariikhda aanay dhicin, Ganacsadaha degen Hargeysa ama Burco wuxuu alaabtiisa kala soo degi jiray Dekedda Boosaaso oo aynu ognahay in ay xagga qiimaha cashuurta ka jabantahay dekedda Magaalada Berbera sidoo kale Ganacsatada ay u raranyahiin xamuulka aadka u badan ee aanay dekedda Boosaaso dabooli Karin wuxuu si isku hallayn ah ugala soo degi jiray dekedda caalamiga ah ee Magaalada Berbera isaga oo ay wejigiisu farxad iyo tamashaad ku ladhantahay marnabana aan ka baqayn inuu la kulmo wax dhibaato ah ayuu jidka dheer ee isku xidha Berbera ilaa Garoowe ama Berbera ilaa Boosaaso alaabtiisa ula soo mari jiray, Akhristow waxaan qaba in xididnimada labada dhinac ay intaa ka dheertahay waxaan aaminsanahay in la is dhallay oo abtiyaal iyo ilmadeer iyo eddooyin iyo Habaryaro la isku yahay, muddo 200 oo sannadood ka badanna ay labada mujtamac dheefeyeen wadar dhaqameed aad u xidid dheer oo aan Soomaalida inteeda kale wadaagin.

 

15 sannadood ee inna dhaafay waxaan qaba in labada umadood ay wadaageen waxaanay Soomaali inteeda kale wadaagin, waxay wadaageen Nabad kuwada noolaansho, waxay wadaageen dhaqan iyo dheef, waxay wadaageen ganacsi, waxay wadaageen xididnimo iyo darisnimo aan qiimaheeda meel la saaro aan la garanayn.

 

Sidaan rumaysanahay 9 sannadood oo  hogaanka Somaliland uu hayey Madaxweynahii weyna ee Somaliland alla naxariistii Janno ha siiye Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dadka mandaqadda labada dhinac u dhexeysa dega marnaba kuma fikirin in arrinku noqdo Xabbad ku hadal, balse President Egal wuxuu mar walba ka eegayey arrimaha siyaasadeed ee mandaqadda labada dhinac  ku maygaaran xagga diblomaasiyadda oo ah qodob dhalin kara is faham iyo wax isla eegid, wallow aan odhan karo cadaadis siyaasadeed oo onkomaayey ayaa xagga gudaha President Egal wakhtigaasi kaga imanaayey, balse sida la wada ogyahay wixii ka danbeeyey 2002 siyaasaddii Somaliland way is bedeshay waxaana yimid Hogaan Cusub dabcanna marka hogaan cusub hawl la wareego wuxuu la yimaadda ajandayaal siyaasadeed oo cusub iyo waji siyaasadeed oo cusub Madaxweynaha Somaliland Mudane Riyaale isagu sidaan qabo khalad kuma laha furdaaminta dhibaatada ka taagan Sool, balse dhibaatada koobaad waxay ka timid dadka sheeganaya Masuuliyiinta ee ka soo jeeda Gobolka Sool ee labada dhinacba jooga ee wax ka cunaya, dabcan sidaynu ognahay Somaliland iyo Puntland isku mid maaha Puntland waa Maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya balse Somaliland waa Jamhuuriyadd Xorriyadeeda dib ula soo noqotay markaa waxaa haboonan lahayd in Masuuliyiinta labada dhinac ka kala tirsan sida ragga lagu magacaabo Maxamed Aadan Qaybe, Maxamed Xaashi, Xaabsade iyo ragggaasi ay isku tagaan oo masayrkooda oo aan cidi qasbayn ay gaadhaan shacabkoodana u taliyaan, dhulkan Sool-na loo diyaariyo Afti inay Somaliland ka mid noqonayaan iyo inay Puntland ku biirayaan balse anigu waxaan diidanahay in raggaasi aan magacyadooda sheegay iyo weliba inta kale ee ku jirta labada dhinac maamuladoodu ay ka dhigaan arrinka sida ay Soomaalidu ku MaahMaahdo “Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun” Masuul kasta oo labada dhinac ka tirsani wuxuu u haliilaya ka kale waar nimanyahow dadkan la isku dilaya waa dadkiina idinka ayaa ah hogaamiyayaashooda ee intaad meel iskugu tagtaan dhinac wax meel u rida, ee yaan arrinta laga dhigin sida Kashmir ee Hunduska iyo Muslimiintu isku dilayso.

 

Qodobka kale ee aan doonaayo in aanan kala hadlo ragga xukuma labada dhinac waxa weeyaan horta labadiina dhinacba waxaad jabiseen quraarad in badan la xafidaayey oo laba boqol jirsatay oo dhaqan iyo dheef badan la isku waydaarsaday, waxaad umadaha labada dhinac ka dhigteen laba umadood oo isku col ah oo aan isku qalbi fayoobayn, taasina waxaan qaba inay tahay danahiina Siyaasadeed balse Shacabka labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland waxaan leeyahay ka foojignaada Caadifadda qabiileed, ka tanaasulo danaha Siyaasiyiinta, fadlan ka taxadara dann Shakhsiyeedka iyo beerlaxawsiga una soo jeesta sidii Gobolka Sool gaar ahaan xaruntiisa Laas Canood dadka ku dhaqan loo gaadhsiin lahaa xal waara, waxaan leeyahay Siyaasiyiinta Labada dhinac “Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo odhan  feedhahay wax yeelaan.

 

Aan ku soo gunaanado

 

 Saaxiibkayow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diirrran
Marka xiga samow heedhe
Ha ka nixin si-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Xeerkeedu waa saase.

Saaxiibkayow heedhe
Anba saaka qaybteeda
Sirsirraan ka joogaaye
Xadhiggiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiidey
Iyo salabka ii qaaran
Iyo suudha guudkayga

Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgiley Samaw haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad weliba xeeshiiye
Kol hadday silloonaato
Samaheedu waa dhiige
Sumuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jirey weeye

Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho

Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.

Nin ku yidhi anaa saasa
Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe
Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo
Waxa furan sidaas maaha

Qof saluugey maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha

Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.
 

 Qoraalkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD