SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Aqoonyahanka yaan la Gumaadin!

Mohamed Haji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Nov 23, 2004

Soomaalida waxaa beryahaan ka dhex socday dilal iyo dacaayado lala beegsanayey aqoonyahanka dalka oo ah hantida keliya ee u hartay dalka xaalufay. Kuwii dilay Gen. Maxamed Cabdi iyo Cabbaas Cabdi Cali iyo kuwa aflagaadeynaya Prof. Axmed iyo Cabdi Ismaaciil Samater waxba kuma kala duwana, waana dameer iyo labadiisa dhegood.

Prof. Axmed iyo Prof. Cabdi, waxa ay ka mid yihiin aqoonyahannada ugu waaweyn Soomaalida, haddeysan ahayn labada ugu horreysa. Waa laba nin oo wada dhashay oo Soomaalida u ah maanta 'role model.' Dariiqa ay jeexeen ee ay mareen ayaa shardi nagu ah inaan marno si aan u tiigsanno himiladii ay Soomaalida u horseedeen oo ah aqoon dhaxalgal ah oo lagu soo hirto.

Ma mudna in la ammaano keliya ee waxa ay mudan yihiin hadday dhintaan in qabrigooda loogu geeyo ubax. Waxay kaloo mudan yihiin in loo duceeyo. Cabdi iyo Axmed waxay hoggaamiyeyaal u yihiin Soomaalida u qalab qaadatay wax u barashada dadkooda iyo dalkooda. Soomaalida oo aan dadkeeda aqoonta wax laga barin waa calaacal timo ka soo baxaan inay waddankooda dhisaan oo ku dhisaan jidka saxa ah.

Ilaahay subxaanahu watacaalaa wuxuu Qur'aankiisa Kariimka ah ku yiri "Qoom Ilaahay ma dooriyo illaa ay iyagu is dooriyaan." Ummadda Soomaaliyeed waxay go'aansatay inay is dooriso, Ilaahayna waa doorin doonaa sababtoo ah waxay soo hormarisay kii ugu sharta badnaa, uguna jaahilsanaa.

Soomaalidu maanta waxay ku jirtaa tiihii reer Banii Israa'iil, ma kala garan karaan sax iyo qalad, ma kala garan karaan xaqa iyo baadilka, ma kala garan karaan walaalka iyo cadowga, mana kala garaan samawadaha iyo dhiig daadiyaha, hadday kala garan karaan miisaan lama wada saareen sheekh mufti ah iyo tuug qaa'inul waddan ah.

Waxaan maqli jiray 'Geelow sii soco oo soo soco, markaad ciinka cunto ayaa laguu yaabaa.' Faylasoof Faransiis ah ayaa wuxuu yiri 'marka aad rabto inaad bulsho baa bi'iso, waxaa la baa bi'iyaa aqoonyahankooda.' Waxaa fool xumo ah in la xagxagto aqoonyahanka u soo ban baxay badbaadinta dadka dhinaca nolosha, waxbarashada iyo siyaasadda. Taageerada indha la'aanta ah ee dadka qaarkood ay siiyaan qabqableyaasha dagaalka yeysan ku darin inay aqoonyahanka ku cambaareeyaan.

Haddaba, qoraagii weynaa, Ernest Hemingway ayaa waxa uu sida caadiga ah wax ka qori jiray waaya aragnimada lagala kulmo dagaallada. Buuggiisa Farewell to Arms oo uu qoray 1929-kii ayuu kaga hadlay cawaaqib xumada ay leedahay in aqoonyahanka lagu laayo colaado ahli ah.

Labada aqoonyahan, Axmed iyo Cabdi, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu kheyrka waafajiyo, waxaana ku boorinayaa inaysan ka seexan har iyo habeen wanaajinta iyo u digista dadkooda jahliga iyo faqrigu isugu darsamay ee sutiga iyo hoggaanka u dhiibtay warlordsyadii cabbay dhiiggooda 14ka sano, waxaana kula dardaarmayaa inaysan dheg u dhigin hadallada warxumatashiilka fara ku tiriska ah, waxaa ka badan inta samaha jecel.

Ummadda Soomaaliyeed "Nin ganay og, nin galladeyna og."

Mohamed Haji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 23, 2004

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD