SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 WEBSITE/yada SOOMAALIDU KAADSIINYO DARANAA!

Maxamed S M Xirsi
HerMoham@aol.com

Bismillaah, ACWW - Shabakadaha kore, fadlan maqaalkan ii daabaca haddii ay suurtowdo -
 
Mahadsanidin
 
Maxamed S M Xirsi
 
Soomaalidu marka ay ka ducaysanayso akhbaar naxdin leh oo dhibta maqalka iyo qalbiga waxay la soo boodaan duco la soo gaabiyey oo ah "war xumow lagu waa" oo ka dhigan allow an akhbaartaasey dib laguu maqlin.  Sidoo kale, marka la maqlo akhbaar wax fasasinaysa, wax isku diraysa ama xiisad kicinaysa waxaa ciddii laga soo wariyey lagu habaaraa "war xun sheege warkii ha ba'o"
 
Ninna waxaa laga sheegay inuu yiri "hubsiino hal baan daafsaday ama ku iibsadey".  Iyadoo la ogyahay qiimaha wayn oo uu Soomaalidii hore ugu fadhiyey geelu ayuu haddana jirey nin isagu hashiisii geela ahayd ku iibsadey xigmad uu ku ilaaliyo sharaftiisa si aysan uga tegin wax uusan hubsan in ay sax yihiin.  Mabda'an waxaa asal u ah "hadal wuxuu ammaano kuu yahay intuusan afkaaga ka bixin".  Marka la doonayo in layska fogeeyo hadal loo arkay inuusan habboonayn markaana lagu kali yeelo qofkii laga maqlay, waxaa la yiraahdaa "waa nin sheega ma dhaafto".
 
Dhamman xikmadaha kore waxay u socdaan Website/yada ama Shabakadaha Internetka ee Soomaalida dhammaantood ama badidood waxaanna jeclahay in aan halka uga soo jeediyo cabasho culus oon isla markaas ka codsanayo in ay wada faafiyaan. 
 
Shabakadahu wax weyn ayay ka tareen isgaarsiinta Soomaaliya 14kii sano oo la soo dhaafay oo dawlad la'aanta ahayd, qaar badani waxay kaabayeen saxaafadda xorta ah ayagoo soo bandhigayey boqollaal araa'da dadweynaha iyo macluumaad kale sida wararka.  Waxaa u dheeraa iyagoo wax weyn ka taray xayeesiinta iyo ganacsiga iwm.
 
Intaa oo waxtar ah waxaa garab socdey iyagoo looga taag waayey in ay laliyaan oo nagu xididdeeyaan awoodda dagaal-oogayaasha markaana nagu shabbadeeyey in ay yihiin Leader/rada Soomaaliya uguna yeerayey erayada ay ka mid yihiin: hoggaamiye, mudane iwm.  Haddaba marka aan isu miisaamo waxtarka kore iyo dhibaatada hoose waxaa noo culus tan hoose oo ah kobcinta dagaal-oogayaasha oo tirtiraysa horumarka kore oo ay Soomaalidu ku kasbatay sida rafaadka iyo naf la caariga ah.
 
Waxay Shabakaduhu cayiliyeen shirbeenaadkii ka socdey Nairobi 2da sano kaasoo dadkii isugu tegey ay ahaayeen kuwo aan matalaad, dirsasho iyo kalsooni midna ka haysan ummad waynta Soomaaliyeed.  Shirkaas sida la ogyahay waxaa hoggaaminayey dagaal-oogayaal waxaana kala qaybgalay shaqaalahooda iyo dad iska gurdan raac ahaa oon shirka ku lahayn talo iyo go'aan midna.
 
Sidaas darteed, qaanuun ahaan shirkaasi wuxuu ahaa mid aan waxba ka jirin oon lahayn sal sharciyeed (illegal).
 
Website/yada anigu marna kama akhriyin mid si cad u muujiyey in uu shirkaasi ahaa mid aan sharci ahayn walow ay jireen araa' ay dad badan oo ay daabaceen.
 
Waxaynnu ognahay in "wax aan sharci ahayni aysan dhalin wax sharci ah".
 
Haddii aynu sidaas isku raacno, shirkaas kama uusan dhalan baarlamaan (parliament) sharci ah, haba yaraatee.
 
Baarlamaan aan sharci ahaynina (illegal parliament) ma dhali karo ama ma magacaabi karo madaxweyne.
 
Sidaas darteed, waxa loogu magac daray "madaxweyne" Soomaaliya oo laga maqlay shirkaasi waa wax kama jiraan qaanuun ahaan.  Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo "hal xaaraan ahi ma dhaso nirig xalaal ah".
 
Anigu ma garanayo ihaano ka wayn beentaas oo loo gaysan lahaa ummaadda Soomaaliyeed.
 
Haddaba, Website/yada Soomaaliyeed oo sannadihii la soo dhaafay ahaa indhihii Soomaalida ama meelaha ay wax ka akhristaan, halka BBCdu ay ka ahayd dhegihii ama halka ay ka dhegeystaan akhbaaraadka waxay labaduba nagu shaabbadeeyeen in ay wax aan jirin ama aan lahayn aasaas sharci ah ay run noogu ekaysiiyaan.
 
Waxaan si cad uga digayaa Shabakadahaas khatarta iyo cawaaqib xumida ka soo socota haddii ay sii wadaan isticmaalka erayada iyo jagooyinka beenta ah oo ay ku mihinayaan dadwaynaha Soomaaliyeed sida: xildhibaan, mudane, guddoomiye baarlamaan, ku xigeen, madaxweyne iwm oo laga soo xaabsaday Nairobi kuwaasoo aan lagu kasban magaca dadkeenna laguna matali karin.  Cidna kama dahsoona in ay jagooyhinkaas qaybisay xabashidu ifafaaluhuna uu yahay sidii ay rabtey iyo in ay noo soo hooyaan burbur iyo dhiig daadasho kale iyo in ay sii durugto rajadii laga qabey dib u dhalasho dawlad Soomaaliyeed.
 
Shabakaduhu haddaba ha ogaadeen, in ay sumcad xumo u tahay cayilinta dagaal-oogayaashu isla markaana ay dembi ka galayaan ummadda Soomaaliyeed haddii ay sii wadaan xayeesiinta xukuumad beenaadka.
 
Waxay runtii dad badani is leeyihiin: KAADSIINYO DARANAA Website/yada Soomaaliyeed may wax hubsadaan inta aysan dagaal-oogayaasha ugu wanqalin darajooyinka beenta ah oon shaqayn doonin ummadda Soomaaliyeedna hafrin ama ihaanayn.
 
 
Wa Billaahi Towfiiq
 
Maxamed S M Xirsi
HerMoham@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD