SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Maba dhalane dhoowrteeysan ogidaa!!!

Eng:C/qaadir xaashi Maxmed

Email: madaalaha@yahoo.co.uk

 

 

Dowladda lagu dhisay Nairobi iyadoon jirsan 2 usbuuc ayey bilaabeen madaxweeyneheedii iyo gudoomiyihii baarlamaanka in eey jebiyaan axdigii iyo sharcigii lagu dhisay iyaga oo an dhameeystirin intii kale sida golihii xukuumada iyo hey'adihii kale ee dowladda maxaase keenay go' aankaas madaxweeynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku kaligood qaateen dabadeedna lagu macneeyey arin kedis aheeyd oo qalad u dhacday kadib markii dantii la lahaa la gaaray ???

 

Sidoo kale waxaa waxaa uu madaxweeynuhu magacaabay ilaa 6 qof oo xogheeyn afhayeen iyo wakiilo isug jira oo kuli ilma adeeradiis ah iyo wiilkiisa oo wafdi usoo hogaamiyey Yaman (boqortooyo biloowgeed) taasna waa aragti iyadana somalida qabiilka caabuda lagu yaqaanse loomase waa bariisan ayey ila tahay

 

Waxaa jira sadex  arimood oo aad u muhiim ah oo uu madaxweeynuhu u aaday adis kuwaas oo ah :

Tan koowaad: madaxweeynaha la doortay oo gacanta meesha keentay marki horayba eey aheeyd itoobiya oo labadii wiig ee uu jiray wax kalsooni ah ka waayey saaxiibadiisa kale hogaamiye kooxeedyada somaliya ee ku jira baarlamaanka tayadiisu aadka u hooseeyso ee lagu soo dhisay qabiilka kuwaaas oo nin walba oo ka mida uu doonayo kursi uu san cilmigeeda iyo diblomaasiyadeeda laheeyn (c/laahina ku doortay shirqool eeysan fahamsaneeyn oo wadanka loo dhigay) taas oo ku kaliftay c/laahi inuu maciin bido cadowgii u adeegi jiray doorashadiisana ka danbeeyey waa(itoobiyee) taas oo uu qeeyladhaantiisii ugu  horeysay kabilaabay caasimada soomaliya(Adis ababa)  ee xiliga kala guurka soo socda taasoo si toosa looga hagi doono siyaasada iyo dhaq dhaqaaqa wadanka taasoo bilaabatay durbaba iyadoo aan lala ganban cidnana lagala tashan waa sidii laga sugaayey korneeylkee -NIN ABEESO KORIYOOW ADIGAA U AAYA AXDI MALAHA XABASHIDU LAGU AAMINAAYEE -arintaas oo eey  dad badan u arkeen ineey wax u dhintay taageerada c/laahi ee gudaha wadanka iyo dalabkiisa ciidan shisheeye oo wadanka u qabta iyadoo hogaamiye kooxeedyadi hubeysnaa ee saaxibadiis ahaa  midna aan horay safarkaas loogu sii wadin  sidii col. shaati guduud uu c/qaasim u geeyey new york oo kale  taasoo muujineeysa inuusan c/laahi kalsoonidooda heeysan uuna ka doorbiday kalsoonida tigreega oo ah ciidanka dhabtaa ee hadiiba eey dhacdo uu heli karo c/laahi iyadoo eeysan jirin ciidan kale oo iyadoo la diidan yahay imaankara muqdisho iyo somaliya intaba aduunkuna shardi uga dhigay ineeysan cid somaliya oo diidan jirin ciidanka  waayo waxaa la wada xasuusanyahay dhibaatadii loo geeystay ciidankii Unisom2 1993 dii oouu hogaaminayey mareeykanka oo dhulka lagu jiiday ciidankii ugu taba barka fiicnaa dunida sida eey sheegtaan.

 

Sidoo kalana go'aan kaas aaney waxba ka ogeeyn barlamaanka iyo hogaamiye kooxeedyada aan waxba ka aqoon maamul iyo siyaasada midna iyagoo ah raga dowlad kasta hortaagnaa oo hadana baarlamaanka katirsan, go aankaas jebinaya sharciga iyo dastuurkana uu c/laahi gaaray kaligis iyadoo aan barlamaan las oo marin  isagoo dhegta ugusii sheegay inuu sii raaco oo kaliya gudoomiya baarlamaanka oo u muuqda mid sidii boorso ookale jeebka loosii gashtay.

 

Tan labaad:waa in uu korneeylku codsadaa ciidankii u qaban lahaa wadanka iyo hogaamiye kooxeedyada Ex saaxiibadiis uu ugu weeyn yahay ee shacabka soomaaliyeed lagu saliday ka hor inta uusan ku dhawaaqin jagada rai'sulwasaaraha oo aad leeysugu dilayo taasoo keenaysa ku dhawaaqisteedu in rag badan oo hada u aamusan c/laahi iyo kuwa la shaqeeya ama damac uga jiro in iyaga loo magacaabo iyo weliba kuwa badan oo balamo in lala galay sheeganaya eey dib ugu laaban doonaan wadanka halkaasna sidii caadada u aheeyd eey diidi doonaan taasoo darba cusub ku noqoneeysa dowlada aan taageerada shacabka heeysan ee dabada eey ka riixayaan cadowga umada soomaaliyeed(itoobiya, talyaaniga iyo Kenya) ugu horeeyaan .

 

Tan sadexaad:in lagu xayiro Nairobi hogaamiye kooxeedyada iyo inta kale ee aan raaliga ka aheeynba qorshaha sida uu usocdo   inta looga dhawaaqayo raisul wasaaraha oo eey kasii doodaan topics aan muhiim aheeyn sida ma waxaa laga keenayaa banaanka mise barlamaanka ra'isul wasaaraha ?? taasoo inta go aanka c/laahi hirgalayo eey ku sugaan meesha iyagoo aan hadli Karin, doodi Karin, bixina Karin hadhow goor go' aankaas la ansixiyey eey baxaan hadeey doonaantaasoo muujineeysa inuusan xiligaan hogaamiye kooxeed wadanka maamuli Karin ha ahaado mid weeyn sida c/laahi oo kale ama mid yar, figrada eedeeyneeysa  reer muqdishana waa mid qaldan waayo muqdisho ma ahan meel qabiil,reer,koox,urur ama hogaamiye kooxeed maamulo ee waa meel caalamku maamulo kadib markii eey dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa door iyo joogitaan siyaasadeed iyo weliba mid ciidan kuleh itoobiya oo cadowga koowaad ah sidoo kale waxaa raad muuqda oo danahooda u adeegaya  kuleh Kenya Jabuuti Masar Liibiya Yaman Maraykanka  iyo Talyaaniga oo ka wakiil  ah wadama yurub(EU)    waayo waa miraayadii wadanka afrikaana caasimadaa laga xukumaa hadii maamulkeedu hagaago inta kale weey hagaagtay hargeeysa,baydhabo boosaso dhuusamareeb iyo kismaayo ayaa noqon lahaa sida xamar hadii eeysan jirin muhiimadaas.

 

Ugu danbeeystii waxaan hadalkeeyga kusoo gebagebeynayaa tixdan:

 

Ma dhabbaa warkaagani

Riyo miyaad dhexqaadoo

Webi aan dhamaan iyo

Dhulka baaxadiisiyo

Ma buurbaad dhiseeysaa

Ereyada aan kala dhigay

Haku dhaadheceenoo

Yey noqonin dhaantee

U dhugyeelo hadalkaan

 

Halyey nimadu waa hibo

Ee maahan hiil ka raadsi

Nin aannaan heeyb wadaagin

Ha hungoobin wiiloow

Soomaalaan hiil u raadin

Iyo hooy barakeeysan

Hubaal maaha warkaasi

Humaag baa ku dahsoon

Iyo hoowlo qarsoon

Horaa looyiri heeyboow

Hoos inuu kugu jiido

Ninkii hiinka ku gooyey

Waa hadal aan sal laheeyn

Qarankii aan hungeeyey

Ayaan heybad udooni

Miyaan kaa hanqalnaa

Doqonaan wax ogeeyne

Damiinaan wax fahmeeyne

Ma dammanaad wax usheegi

Iyo duulaan wax dareemin

Koleey diidnay warkaase

Koleey diidnay warkaas.

 

Afeef:

Qoraalkeeygan inta aragtidoodu gaabantahay waxa laga yaabaa ineey u fahmaan inaan qabiil u hadlayo ama la hadlayo waxaanse la hadlayaa inta dareenka leh ee wax garadkaa kana fekereysa danta dadka iyo dalka somaaliyeed ee lana socota waxa soconaya odorosi kartana dheriga karaya waxa uu xambaar sanyahay si aan loogu laaban 1992 dii iyo 93 dii markale  kana digtoon dibin daabyada cadowga muuqda iyo kan qarsoon.

 

W/Q:

Eng:C/qaadir xaashi Maxmed

Email: madaalaha@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD