SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

 
WERIYAYAAL MAGAALADA NAIROBI AY BBC-DU KU SIISAY TABABAR SAXAAFADEED

WD. Fahad Yaasiin

BBC World Serviceka qaybteeda tababarka ayaa u qabatay Siminaar tababar Saxaafadeed ah, qaar kamid ah Wariya-yaasha Soomaalida ee ku sugnaa Nairobi. Tababarkaas wuxuu soconayey 7.ilaa 12.kii Bishan Oktobar, waxaana lagu qabtay Silver Springs Hotel. Wuxuuna ahaa Tababar ay bixinayeen Saxaafiyiin Soomaaliyeed. Waxay aad ugu sharxeen ardaydii kasoo qaybgashay Siminaarkaas, waxa laga rabo Saxafiga, sida uu diyaarinayo warbixinnada, sida waraysiyada loo qaado, iyo anshaxa laga rabo qofka Saxafiga ah. Waxaana xoogga la saarayey arimaha sida tooska ah u taabanaya shaqada qofka saxafiga ah.

Macalimiinta casharadaas bixinayey oo uu kamid ahaa C/Laahi Xaaji , ayaa si faahfaahsan uga waramay qaababka loo qaado waraysiyada iyo in wariyuhu uu xusuusnaado marka uu su'aalah u gudbinayo ninka siyaasiga ah, inuu yahay safiir matalaya dadweynaha, sidaas awgeedna looga baahanyahay inuu dadka si dhab ah u matalo, maxaa yeelay qof walba uma suuragleyso inuu arko Siyaasiga ama Madaxweynaha dalka.

Yuusuf Xasan ayaa isaguna si dhamaystiran uga bixiyey qaababka wararka loo qoro iyo sida warbixinada muhiimka ah loo diyaariya. Wuxuu kaloo tilmaamo cad ka bixiyey sida ay u kala duwan yihiin hadba waxa aad ka soo waramayso. wuxuuna yiri. Marka aad doorasho ka soo waramayso lama mid ahan marka aad goob dagaal ka soo waramayso.

Yuusuf Garaad ayaa isaguna ka hadlay qaababka loo qoro wararka, isagoo xooga saarayey sida afka Soomaaliga loo adeegsado marka aad dhacdo kasoo waramayso, wuxuuna tusaalayaal ka bixiyey sida loo hagaajiyo wararka qoristiisa. Wuxuuna aad uga sheekeeyey khibaradihii uu ka soo maray saxaafadda Soomaalida iyo guud ahaan intii uu ku dhexjiray warbaahinta, isagoo ka sheekeyey farqiga u dhaxeeya faallo qorista iyo warar qorista.

Cali Muuse ayaa kawramay sida ay u shaqeeyaan Wakaaladaha wararka ee dunida, wuxuuna si qeexan u fahamsiiyey ardaydii qaababka kala duwan ee ay u shaqeeyaan wakaaladaha caalamiga ah, iyo sida wararka looga soo qaato ama looga dhex baarto.

Waxaa iyaduna kamid ahayd macalimiintii siminaarka wax ka dhigayey ( Celeste) oo ah Gabadh ka tirsanayd qaybta tababarka Saxaafada ee BBC-da. Waxayna aad uga faallootay anshaxa laga rabo saxafiga, iyo asluubta looga baahanyahay inuu ku dhaqmo inta uu shaqada ku dhexjiro. Waxay Saxafiyiinta kula dardaarantay iney dhawraan dhaqanka wanaagsan si ay u noqdaan saxafiyiin laqadarinayo.

Siminaarkan wuxuu ahaa mid loo baahan yahay oo ay wax ka dhigayeen rag aad looga yaqaano saxaafadda Soomaalida guud ahaan, kuwaas oo ay kamid yihiin Yuusuf Garaad, C/Laahi Xaaji, Yuusuf Xasan, iyo Cali Muuse. Iyagoo ka sheekeeyey qisooyinkii cajiibka ahaa ee ka soo maray hawsha saxaafadda. C/Laahi Xaaji ayaa la jecleystay markii uu ka waramay waryasidii adkaa ee uu ka qaadi jiray Madaxweynihii hore ee Soomaalida M/S/Barre. Halka Yuusuf Garaadna uu ka sheekeeyey sidi uu saxaafadda ku soo galay. wuxuuna ardayda ku boorriyey iney muujiyaan hawl-karnimo iyo shaqo wanaag. Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay iney aad wax u akhriyaan, iskuna dayaan iney yeeshaan aqoon muhim ah oo la xiriirta saxaafadda, si mar walba wax lagaaga weydiiyo arintaas.

Siminaarkan waxaa si toos ah u maamulayey Ustaad Yuusuf Xasan oo gacanta ku hayey dhamaan wadista iyo socodsiinta siminaarka, isagoo kamid ahaa macalimiinta wax ka dhigayey siminaarka, wuxuuna ardayda siiyey furasado dhaadheer oo ay ku weydiiyaan su'aalahooda iyo dareenka ay qabaan.

Ardaydii wax ka dhigatay siminaarkan oo ahaa Wariya-yasha ka hawlgala magaalada Nairobi oo si joogto ah uga soo warama wararka muhimka ah ee ka jira magaaladan, waxaana saxafiyiintaas ka muuqday iney siweyn ugu riyaaqeen ugana faa'iidaysteen siminaarkan, waxay wada lahayeen hal siminaar naguma filna oo waxaan u baahanahay siminaarro kale oo aqoon kororsi ah.

Fahad Yaasiin.
fahadsom@hotmail.com
Editor@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


MAQAALADA DADWEYNAHA:::

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD