SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 

SAYIDKEYGII JOHN, CHARLES IYO VALADMIR BAA IGULA SOO DARDAARMAY!!!!!! 

EELAAY  <eediran@yahoo.com>

Waxaa dhalinyaro badani hor dhoobnaayeen Wasaaradii Tacliinta ee Dawladii Kacaanka ahayd ee galbatay. Waxaa la akhriyayaa deeq waxbarasho oo arday Soomaaliyeed ay wax ka soo baran doonaan dalal ka mid ah Shuucigii Bari iyo kuwa ka mid ah Rer Galbeedka.Waxaa halkaa ka qudbeeyey nin madax hoosaad ka ahaa Wasaarada una sheegay in Imtixaanka la qaadi doono lagu soo xayeeysiin doono wargeyska Xiddigta Oktoobar oo ahaa wargeyska keliya ee wadanka ka jirey kuna hadli jirey afka Dawlada. Ardayda ugu buunda sareysa ayaa soo baran doonta qaybaha kala duwan ee Basaasida, Baarida denbiyada, tababarka Booliska iyo Militeriga, Horumarinta Waxbarashada, Beeraha iyo Shuuciyada. Markay soo noqdaana waxay noqon doonaan madax sare oo tababarta una gudbisa cilmigii ay soo barteen wadanka intiisa kale. 

Mudda ka dib ayaa isla Wargeyskii lagu soo qoray in ay ardaydii ku baastay imtixaankii aadka u adkaa loo sameynayo xaflad oo ay u ambabixi doonaan dibada si ay wax u soo bartaan. Ummadii oo dhan baa yaabtay: Goormaa imtixaankii la qaaday? Iskooladee ka qayb galay? Maxaa loosoo daabici waayey ardayda ku baastay magacyadooda aanu soo niraahno Augurio?. Nin meesha taagnaa baa ardaydii isweydiineysay su’aalahaa soo jaleecay isagoo war doon ah. Waxaa loogu jawaabay saaxiib Ma oran! Ma maqal! Ma arag! Ma urin! Ma aqaan!

 Akhristayaal dawladu dad dibada u dirtaye, yay dirsatay? Waxay Soomaalidu dirsatay oo lacagtii canshuurta ahayd ee dadweynaha lagu quudinayey dad markii ay soo noqdeen na baday hoog iyo halaag aan la hilmaami Karin. Waxaa dibada loo diray dad muuqaalka qof weyn uga eg maskaxdana ka ah denbi laawe saqiir ah. Qofkan weyn ee haddana ah “carruur caga weyn” ayaa maskaxdiisu ay tahay sida sanduuqa oo kale waayo wixii lagu shubtaaba waxaa loogu imanayaa iyagoon waxba laga bedelin oo sidoodii ah.  Fikir shakhsiyadeed, maxay ku dhacday iyo maxaan anigu ahay intaba maankiisu ma suureysan karo. Laakiin maxaa lagu soo naasnuujiyey oo ay maskaxdiisu dib u soo sawirtaa: Sayidkeygii aan jeclaa ee wax isoo baray John, Charles, Valadmir iyo Guzman waxay yiraahdeen….

Ardeydii ku baastay darjada sare ee aanu dibada u dirsanay Soomaaliyana matelayey ayaa hiraaboodkii soo fariistay kuraasta Jaamacadihii ay aadeen si ay u bilaabaan waxbarashadoodii. Macallinkii Ruushka, Ingriiska, Mareykanka ahaa ayaa qola walba meeshay joogeen u soo galay si uu waajibaadkiisa waxbarasho u guto. Ardaydii buu salaamay oo u sheegay in aysan 6 bilood ka badaneyn barashada luqadu kadibna ay dhexgeli doonaan tababarkooda. Waxaa markiiba inuu miir doorsoomo ku dhowaaday macallimiintii wax u dhigaysey ardaydeenii mataleysay Qarnkii Soomaaliyeed. Waxaa la yaab ku noqotay Macallimiintii iyo Maamulayaashii Machadyada kala duwanaa in Qaran dhan oo Soomaaliya la yiraahdo ay ardaydooda ugu heerka sareysay ee ay dibada u soo diraan ay noqdeen kuwa aan waxna qorin, waxna akhrin! Waxay garan waayeen meel ay wax uga bilaabaan: Sidee qof aan afkiisa qori Karin uu ku baran karaa Warisgaarsiin iyo Babaasnimo ama Baarida iyo war ka keenida qof maxbuus ah oo la tuhunsanyahay in uu denbi galay! Ama kaba darane sidee buu ku baran karaa cilmiyada Beeraha iyo Horumarinta Waxbarashada iwm. Haddaba maxay ahaayeen qoladani, beerka lagu dhufay? Maxaase la soo baray?

Waxaan ka mid ahaa 10-kii dhalinyaro ee ugu soo horeysay ee qaxootinimo ku timid Gobolkan Minnesota kana soo dhergay takoor iyo quudhsi. Waxaanu dhex seexan jirnay warshada digaaga aanu ka shaqayn jirnay, kana qubeysan jirnay waayo guryihii baa nalaga kireyn waayey. Markaanu qadhmuunka warshada iyo dacaayada dadkaanu la shaqayno aanu u adkeysan weynay ayaanu go’aan ku gaadhnay in aanu gawaadida dhex seexano. Waxaa walwal weyn nagu hayey qaboow iyo baraf baas oo laga sheekeynayo, kadibna waxaanu go’aansanay in aanu ka faaiideysano maalma fasax ahaa oo aanu magaalada weyn ee la sheegayo soo eegno. Anagoo habqan ah oo iska bulaamana, marba wadooyinka magaalada dhinac u raacayna ayaa qol yar oo ka waardiyaha oo kale ah laga dhex qayliyey: “Waryaa, ma Soomaali baad tihiin! Bismillaahi weligey ma arag intaasoo Soomaali ah oo isla socota”. Mar keliya anagoon xataa wadada iska eegin ayaanu sidii adhi weer ku dhex dhacay xagii laga qaylinayey ku yaacnay! Alla walaale haa Soomaali baanu nahay! Alla nasiibkayaga! Alla farxad weynaa!. Wuxuu ahaa Cabdi Wagad oo ilaa 10 sano naga soo horeeyey ahaana nin aad u wacnaa oo nala raadiyey guriyeyn iyo shaqo. Jaarkiisii baanu noqonay, Meesha gawaadhida la dhigto (Parking) oo uu ka shaqaynayey buu naga shaqaalaysiiyey. Alla maxaa ku nasiib ah!.  

Cabdi Wagad wuxuu ahaa nin waaya hore dugsiyadii Talyaaniga ee Xamar wax kusoo bartay. Wuxuu ahaa nin waxa Soomaaliya ka socda, oo ay ahayd xilligii ugu darnaa ee umula dooxa iyo qabyaalada ay Soomaalidu la wareegayso, aanba war u hayn. Anagu waxaanu isugu jirnay dhamaan qabiilada Soomaalidu ay ka kooban tahay kuwaasoo isku qalaya waddankii. Waxaa magaalada la joogay Cabdi Wagad ilaa 7 dhalinyara ah oo ay isku wakhti ahaayeen ama isu dhowaayeen oo ama dawladii soo diratay ama dadkoodu waxbarasho u soo diray.

Waa sanadkii 1992, waxaa bilawday sahankii ay Soomaalidu caanka ku ahayd. Telefoonkayaga meel laga helay garan mayno, laakiinse muusan kala joogsan jirin: Walaalow waxaan joogaa Gegida Diyaaradaha, Basaska, waan soo socdaaye ii diyaar garooba!. Waxaanu go’aan ku gaarnay in dhibkii nasoo maray uusan qof Soomaali ah uusan dib u taaban. Waxaan dadka iska soo daba dhacayey ka caawin jirnay shaqooyinka, guriyeynta, turjumaada iyadoon Jaaliyadaha faraha badan ee sanooyin danbe noo yimid aysan joogin laakiin ay maanta sheegtaan in ay iyagu dadka wax u tareen. Waa Soomaali iyo Caadadeed in aysan karaameyn ama aysan hormoodkooda iyo halyeeyadoodii hore aysan waxba u qirin waxna u quurin!

Waxaa jiray nin keliya oo Jaamacada Minnesota dhigan jirey wuxuuna aad noogu guubaabiyey in aanan noqon dadkii lasoo dirsaday ee gees maray ujeedadii loosoo diray, dadkoodiina lacagtii ka dhameeyey. Wuxuu nagu waaniyey Muxiyadiin in aanu waxbarano oo  aanu ka faaiideysano fursada aanu helnay taasoo wadankii dadka waxbartay lala gees mari jirey iyadoo lasoo dirayo reermiyi aan waxba akhrin Karin waxna qori Karin! Doodan ayaana na dhexmartay.

Alidheere: Maxaad ugu sheegi wayday in asxaabtaada kale ay wax bartaan?

Muhiyadiin: Saaxiib waan ka daalay

Cali-baashi: Xilligan Muxiiyadiinow ma anagaaba xataa afka naqaana?

Muhiyadiin: Waxaan idiin sheegayaa meel aad afka ka barataan ee diyaar ma tihiin

Eelay: Saaxiibow waad mahadsan tahay laakiinse maatadii ayaa meel walba daadsan oo qaxooti ah markaa sidee baanu wax u baran karnaa?

Muhiyadiin: Eebe ayaa quudin kara dadka ee la soco! Mida kale miyaadan gelina shaqaysan Karin, gelina wax baran Karin

Daahir Weyne: Laba shaqo ka yar nama anfacasee ka warran?

Muhiyadiin: Saaxiibayaal waxaad is arki doontaan idinkoo 10 sano kadib weli laba shaqo ka shaqeeya dadkiina aydan dherjin ee qorshe samaysta.

Abdalle: War nimanyahow ninkan waa nala taliyee aanu taladiisa raacno

Eelay: Heey! Cabdalle waa gartaa oo dadkaaga oo dhan baa jooga! Abooto, ayeeyo, macooyo!

Alidheere: Heey wakhtigii waa lagaaray nasoo wada! Bugta yaysan dhicin!

Muhiyadiin: Haddii aad ii baahataan sabti iyo Axada iigu kaalaya Matxafka Jaamacadda

Kuligeen: Nabadeey saaxiib

 Usbuucii ku xigay ayaan meel aan aado intaan garan waayey baan Muxiyadiin ka raadiyey Matxafkii Jaamacada. Mise waa dhex yuururaa! Salaan ka dib wuxuu ii bilaabay sheeko dheer oo aan weligay hilmaamayn, wuxuuna ku bilaabay sidan: 

Eelaayow dhibaatada ugu badan ee nahaysata tii Eebe ka sokow waa aasaaskii oo laga tegey, waxaanan ka baqayaa in haddii wadankeenii uu mar uun mustaqbalka dego in ay dhibaatada aan ka baqayaa dib noogu soo noqoto!.

Waxaa la soo diri jiray Arday Soomaaliyeed oo ay soo dirsan jireen dad Madax ah oo soo boobay hantidii qaranka ama dad xoola leh oo fara ku tiris ahaa. Carruutoodii oo aan aasaas waxbarsho fiican lahayn ayaa markii ay yimaadeen dhulkan la qabsan waayey waxa laga hadlayo. Waxaa bil walba loosoo diraa masruuf laba jibaar kabadan, markaasay bilaabeen mukhaadaraad iyo ciyaalsuuqnimo. Waalidkood ma oga in ay meelahaas dhacdhacaan oo waxay ugu sheekeeyaan Jaamacaddii waan dhamayn rabaa ee lacagta soo badi. Maantana indhihiina ayaad ku aragtaan idinkoo qaxooti ah in aysan waxbadan idin dhaamin! 

Eelaayow kuwaa waxaa ka siidaran kuwa Dawladii Kacaanku soo diratay oo Hantidii Qaranka iyo Canshuurtii Hooyooyinkeen lagu soo masruufayey. Waxay ahayd in imtixaan la qaado oo ardayda ugu buunda sareysa dawladu soo dirto. Mase dhicine, ninkasta oo Wasiir ahaa ama Madax ahaa Inaadeerkiis oo aan weligiis iskool soo marin aqoona sida wax loo akhriyo buu soo diray. Waxaa la soo diray kuwo dhega xiran oo sida haanta oo kale wixii lagu shubo sidooda u haynaya, wixii la amrana sideeda u fulinaya. Waa qolo aan isweydiin Karin “ Waayo”?  Markaasna! Ayaan ku idhi. 

Markaasna waad aragtaa ayuu yidhi waxa dhacay! Macallimiintii ajnabiga ahaa markii ay fahmi waayeen oo ay arkeen in ay Soomaaliya Xoolo soo dirsatay ayay dhinac iska dhigeen duruustii ay siin lahaayeen, waxayna bareen casharo aan u baahnayn hadal iyo aqoon ee u baahan fara ka hadal: sida dadka korontada loogu dhejiyo, sida loo garaaco, sida loo ciqaabo, sida argagax dadka loogu rido, sida loo kufsado, sida miig loogu xiro, sida loo toogto, sida loo faafiyo anshax xumada, sida loo ceebeeyo dadka, sida dadka laysaga horkeeno, sida mukhaadaraadka loo isticmaalo sida haddii war lagaa waayo dadkaaga laguugu hor dilo, sida gabdhahaaga iyo haweenkaaga laguugu hor kufsado haddaad hadli waydo, iwm.  

Intaa marka ay khabiir ku noqdeen dadkan la soo marin habaabiyey ayaa loo shegaa in ay ku qalin jabiyeen daraja sare lana siiyaa shahaado amaan ah oo ka sheekeyneysa wixii la soo baray wax aan ahayn. Tusaale ahaan waxaa lagu soo qoraa wuxuu ka soo qalinjebiyey basaasnimo iyo telefoon talaalid iyo dhegeysasho, xaqiiqduse waa in la soo baray sidii uu dadkiisa u halaajin lahaa. Wuxuu ku soo noqdaa wadankii hooyo isagoo aad ula dhacsan wixii uu soo baray Sayidkiisiii uusan hadalka ku celin keri jirin.  

Iyagoo isgodaya ayaa si heer qaran ah loogu soo dhoweeyaa Soomaaliya, darajooyin sare iyo xilal sarena loo dhiibaa. Ka dibna muxuu barayaa dadka uu tababarka u furayo ama dadka uu xukumo? Yaase isaga imtixaan ka qaaday bal inuu wax soo bartay iyo in kale?

Taliyahan baasi isaga oo sidii uu garbaha iyo faraha u qalqaloocin jiray Sayidkiisii wax soo baray u qalqaloocinaya ayuu ku amraa askar, boolis ama dharcad ka sii jaahilsan oo aan hadal ku soo celinayn in la garaaco oo koronto lagu dhejiyo, la kufsado, la toogto dad aan denbi gelin oo masaakiin ah ama kuwo denbi galay oo uu baahan in si biniaadinima ah loo xanaaneeyo inta sharciga lala tiigsanayo! 

Maanta oo la joogo xilligii uu Muxiyadiin ka cabsi qabay in ay arrintaasi soo laba kaclayso ayaan aniguna ka baqayaa in Mooryaan, Jirri, Dagaal Ooge Dhiigyacab ah laga dhigo Ciidamada Xooga Dalka, kuwa booliska iyo kuwa Nabad Sugida. Waxaa dunida kale Ciidan ama Sirdoon u ah dad wax bartay oo ugu yaraan ilaa Dugsi Sare ka soo baxay haddii aysan ka sii badsan. Waxaa ay dadkani ka dhisan yihiin cilmi diin iyo mid adduunba si ay u kala gartaan waxa san iyo waxa xun. Waxaa ay soo maraan imtixaan aad u adag oo aan aniguba soo arkay. Haddii ay ku dhaqaaqaan wax xun sida mararka qaar dhacda waxaa u geeya cunsuriyad, nacayb iyo ula kac iyagoo weliba og waxa ay sameynayaa in ay ku khaldan yihiin haddii lagu ogaadana laga abaalmarin doono.  

Waxaan kula dardaarmayaa dhalinta Soomaaliyeed ee wax baratay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska wadanka oo aan looga dheereyn jagooyinka oo dhan iyo Ciidamadaba. Haddii kale waxaa na xukumi doona kuwa jaahil ah oo aan naxariis lahayn, biniaadamna ahayn oo ku leh waxaan ka soo baxay Jaamacadii John, Charles, Valadmir iyo Guzman cid kale warkeedana ma rabo. Waxaa na xukumi doona nin nala jinsi ah laakiin aan nala caqiido, wadaniyad, iyo fikir midna ahayn nooguna soo geli doona guryaheena, Masaajidada, iskoolada iyo makhaayadaha iyagoon waxna na weydiin nagu bilaabaya qoobab, suxulo, jilbo iyo madax ka garaac aad u daran. Haddii dhallinta waxbaratay aysan meelna ka qayb gelin waxaa soo baxaysa in Aw Dhoore oo dhami uu madax noqdo ka dibna lala diriri doono cilmiga iyo qofkii wax garad ah oo is yiraahda ka hadal darxumada iyo dhibaatada. Markaa xagee lala qabanayaa cilmiga iyo waxbarashada? Sow dibada u carar maaha? Sow xabsi gal maaha ama Sow Nacamlee maaha? 

Dhalinyaro, yeeynaan ka xishoon qabashada xil aan noo qalmin! Yeynaan oran Injineer baan ahay oo askari noqon mayo ama Dr. baan ahay oo daraja hoose ma rabo. Dhalinyaro ogow in xilkasta oo aad qabataa ay tusaale wacan u noqonayso jiilka soo socda oo kugu dayanaya. Dhalinyaro haddii adigii wax bartay aad ka carartay qabashada xilalkaa sow mid aan kuu turayn oo ku afgaranayn maadan siin boos. Dhalinyaro iska ilow madaxdu diin ma leh, wadaado maaha, gar maleh, waxba lama qaybsan karno oo qaabkaan u ekahay baa laydiidayaa in aan jaqo qabto. Dhalinyaro, qaabkaaga ilow, wixii basiid ah ka tag oo u gunto badbaadada ummadeena. Dhalinyaro aynu u horseedno dadkayaga iyo dalkayaga masiir wanaagsan kana qayb qaadano camirida iyo buuxinta jagooyinka na sugaya inta aysan noqon Ciyow Waa ka Baryey oo aysan hadhow na qabsan calaacalkii Abwaankii ka muraara dilaacsanaa sida ay wax u dhacayeen ee markaa yidhi: 

MA OGTAHAY ASKARI JAAHILAAN AMAR KA QAATAAYE!!!!!!!

EELAAY  <eediran@yahoo.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD