SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 

SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS MA AHA DAGAAL OOGE;.

Xaliimo Jaamac Cilim (Qarad)

ALLE ayaa mahad iska leh, ku dayashana waxaa mudan Rasuulkiisa oo gutay Amaanadii ALLE u soo dhiibay. Akhristoow, waxaa maalmahaan la hadal haya in dalka ka keeni doono 20-kun oo ciidan afrikaan ah kuwaasoo la sheegay inay hubka ka dhigayaan malleeshiyooyinka Soomaaliyeed ayaa arrintani waxay keentay khilaafyo badan oo ah kuwo diiddan iyo kuwo taageersan, hase ahaatee culummada Soomaaliyeed badankooda waxay ka soo horjeesteen in la keeno ciidan shisheeye oo ay u arkeen inay xadgudub ku tahay diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Culummadaas waxay horay u soo saareen bayaannno fara badan,. Waxaana ugudambeeyay bayaankii ay shalay soo saareen dalladda culummada Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen inay si weyn uga soo horjeedaan in ciidan shisheeye la keeno dalka, waxayna soo jeediyeen in gacan la siiyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay sheegeen inay ku filan yihiin hub ka dhigista kxooaha Soomaaliyeed.

Hadabba, culummada afkaarahooda soo bandhigay kana soo horjeeda in dalka la keeno ciidan shisheeye waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Macallin Daahir Aweys isagoo sheegay inay ka hortagi doonaan ciidankaasi haddii ay cagaha soo dhigaan ciidda Soomaaliyeed, iyadoo dad badan oo la wereystay ay ku tilmaameen Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu yahay dagaal ooge.

Haddaba Sheekh Xasan Daahir Aweys ma ahan dagaal ooge ee waa nin wadaad ah kana run sheega diinta islaamka, magac iyo muunadna ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, haddaba anigoo ah gabar Soomaaliyeed ahna gabdhaha xijaaban ayaa waxaan ayidayaa sheekha Hadalkuu yiri ee ahaa haddii hal askri oo shisheeye ah la keeno dalka waan jihaadaynaa, Cimriga Sheekha ALLAHA dheereeyo, su’aashuse waxay tahay sidee loo galayaa ciidan shisheeye kuweennnii ayaa diyaar ah oo gaajaysan?, lacagta la siinayo ciidamada shisheeyaha maa ku weenna la siiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamed Cali Yuusuf oo been abuur cad ku sameeyay Sheekha ayaa waxa uu yiri: "Sheekhu wuxuu weerarayaa dowladda Federalka ah markay dalka timaaddo", balse waxaa iska cad cilmaaniyiinta iyo kuwa u adeega siday u neceb yihiin culummada Soomaaliyeed.

C/llaahi Yuusuf waxaa sugaya Howl culus haddii uu fududeeyana fudud, waa isagoo adeegsada ciidanka Soomaaliyeed noocay doonaanba ha ahaadaane iyo maxaakimta islaamiga ah, laakiin maalintuu Col. C/llaahi Yuusuf diinta far gashto waxaba uma hirgeli doonaan anigu shakhsiyan ma mucaaradayo mana taageerayo illaa aan arko habka uu wax u qabanayo, hadduu soo celiyo Qarannimadii iyo sharaftii Soomaaliyeed ee dhuntay diinta Islaamkana nagu xukumo waan taageerayaa waanan la shaqeynayaan habeen iyo maalinba ALLENA wuu guulaynayaa idankiisa.

Balse la arki doonee xaalka suu noqdo iyo meesha uu ku dhammaado. Dowlad Jaa’ir ah waxay dhaantaa dowlad la’aan ILAAHOOW na sii dowlad caadil ah oo nagu xukunta Islaamka Soomaalina mideysa.

Waxaa Qortay: Xaliimo Jaamac Cilim (Qarad)

E-mail: qarad22@hotmail.com

amiinkhasaaro yuusuf <amiinkhasaaro@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD