SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

DOWLADAHA QAARKOOD OO OLOLE UGU JIRA INEY DIB DHIGAAN WAKHTIGA DOORASHADA MADAXTINIMDA SOOMAALIYA.
  • Haddii  Doorashada madaxweynaha dib looga dhigo 15-ka Oktoobar, waxaa shaki galaya jiritaanka jagada Gudoomiyaha Barlamaan

SomaliTalk.com | Nairobi | October 3, 2004

Maalaahan waxaa magaalada Nairobi ku soo kordhaya warar sheegaya in arimihii shirka ay soo faragalinayaa dowlado badan oo daneynaya Soomaaliya. Qaarkood waxay ka fakarayaan iney xiriir hoose la yeeshaa kuwa ugu cadcad musharaxiitna jagada madaxtinimda, si hadii ay ku guuleystaan ay u suuragaasho iney danahooda ka fushadaan. Wadamadaas waxay wararku sheegayaan iney yihiin wadamo kamid ah dalalka Yurub iyo Carabta.

Waxaa kaloo ilaa iyo shalay la isla dhexmarayey in dowaldaha qaar ay wadaan qorshe ah in doorashada dib loo dhigo, iyadoo ay rabaan in lagaarsiiyo soonka dabadii, haddii aan arintaas baarnay, waxay warar lagu kalsoonyahay noo sheegeen in sababtu ay tahay dowladahaas oo doonaya iney soo saaraan musharaxa ay iyagu wataan, waxayna u dib dhigayaan iyagoo doonaya iney wakhti fiican u helaan olalaha doorasho ee musharaxa ay wataan. Ma'aynan helin warar lagu kalsoonaan karo oo noo cadeeya qofka ay dowaladahaasi wataan iyo magacyada dowladaha fikradan wada. Waxaase la tilmaamaya in dowladaha hawshan wada ay yihiin qaar kamid ah wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.


"Haddii ay dhacdo in laga dib dhigo wakhtigaas (doorashada madaxweynaha ee 15.ka Bisha Oktobar) waxay shaki galin kartaa jiritaanka jagada Gudoomiyaha Barlamaan" sharci yaqaanno


Ragga aqoonta u leh sharciyadda oo aan wax ka weydiinay saamaynta ay yeelan karto haddii wakhtiga doorashada la dib dhibgo ayaa ku jawaabay: Sida dastuurku dhigayo marka ladoorto Gudoomiyaha Baarlamaan waxaa khasab ah in bil gudaheed lagu doorto Madaxweynihii, wakhtigaasna wuxuu ku egyahay 15.ka Bisha Oktobar. Haddii ay dhacdo in laga dib dhigo wakhtigaas waxay shaki galin kartaa jiritaanka jagada Gudoomiyaha Barlamaan.

Sidoo kale Xil-dhibaanaddii golaha Barlamaanka ayaa dhib weyn kahaystaa qofkii ay codkooda siin lahaayeen, iyagoo go'aan ka gaari la' wixii ay yeeli lahaayeen, taasoo ay Mudanyaashu leeyihiin 70.Mushrax si aan u kala dooranno manaqaan. Dhinaca kale Musharaxiinta laftooda waxay ka cabanayaan in Xildhibaannada qaarkood ay caado ka dhigteen iney musharax walba ku dhahaan adiga ayaan ku dooraneynaa, taasoo shaki iyo baqdin weyn ku abuurta Musharaxiinta jagada Madaxweyne. Maanta oo Axad ah waxaa bartamaha magaalada Nairobi ka dhacaya dhawr xaflad qado oo ay kala samaynayaan qaar kamid ah Musharaxiinta.

Doorashada madaxweynaha Dowlada KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa markii hore la qorsheeyay in ay qabsoonto 22/09/04 laakiin Kulankii baarlamaanka ee September 18keedii ay iskugu yimaadeen ayaa laga soo saaray in dib loo dhigay illaa Bisha  Oktoobar 10 keeda, taariikhdaas weeye tan laga yaabo in markale dib loo sii dhigo.

Shirka Soomaalida ee hadda socda Nairobi waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret ee dalka Kenya, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo raray Mbagathi, Nairobi. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto). Sannad guuradii labaad ee shirka ayaa ku beegan bishan Oktoobar ee 2004. Mudadaas labada sano ah Soomaalida waxaa la dhehi karaa waa u siyaadey waa in ay sii korortay sunta lagu aasay xeebaha Soomaaliya ama ay maraakiibta shisheeyuhu sii xaalufiyeen khayraadkii badaha Soomaaliya.

Somalitalk | Nairobi.

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2004


Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse.. Guji... Sept 16

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG
- Qaar kamid ah xildhibaanada oo doorashada ku tilmaamay musuqmaasuq iyo dagaallo ka dhacay Jubooyinka... Guji... sept 15

Bulxan: Dowlada Soomaaliyeed waxaa la dhisi doonaa bishan dhamaadkeeda
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka ee KMG oo u warameyey... Guji...

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

MAGACYADA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA  LA DHAARIYAY
Liiska xubnaha la dhaariyey ka akhri halkan... Aug 23

Baarlamaan aan Dhamaystirnayn oo Soomaalida Loo Dhaariyey
»203 xubnood oo Nairobi lagu dhaariyey..
 ka akhri halkan.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD