Musharaxiinta Qaarkood
oo maanta Qabtay Shir ay ku diidan yihiin go'aanka
baarlamanka ee lacagta.
Qaar ka mid ah
musharaxiinta ayaa maanta shir ku qabtay Chaster
House,musharaxiintan oo u badan inta dabaqada
hoose(markaan leeyahayna waxaan ula jeedaa aan
siyaasada badi ka muuqanin ee ah dad u badan qunyar
socod aan qarash iyo siyaasad kale wax ku raadinin)
ayaa ka soo horjeeda go'aankii uu baarlamaanka ka
qaatay dhawaan dadka soo gudbiyay araajida tartanka
madaxweyne oo gaaraya todobaatan musharax"70"oo ah
in musharax walba laga qaado lacag gaaraysa
US $2000,lacagtaas waa mid uu musharax walba uga
qaybgalayo tartanka hadii uu dhibi waayana uu
halkaas ku harayo,lacagtan ma jirto wax soo celis
dambe waana sida ay u baxday sida aan ka soo xigtay
xoghaynta baarlamaanka warar ku dhaw dhaw.
Baarlamaanka ayaan laf
ahaantooda isku raacsanayn in lacagtan laga qaado
musharaxinta una arkayay in ay tahay mid qalad oo
uusan baarlamaanku xaq u lahayn in uu xiligan
sameeyo sharci muwaadiniinta kala saramarinaya oo
aan si isku mid ah loogu simin kan wax haysta iyo
kan aan waxba haysanin ee aan awoodin uu bixiyo
qarashkaas iyo kan hal maalin ku bixinaya dhowr kun
oo dolar qado uu ku soo jiidanayo
baarlamaanka,waxayn ku tilmaameen in baarlamaanku uu
ku xadgudbay sharciga iyadoo la joogo xili dib u
heshiisiineed in uu dadka sii kala fogeeyo kuna
tilmamay arrin ah mid lala yaabo.
Balse arrintan
lafteeda waa mid horay uu baarlamaanka ugu dooday
iyadoo codkii ugu badnaa uu ahaa in lacagtan la
qaado,waliba la soo jeediyay in laga badiyo
intaas,iyagoo ku tilmaamay in qof aanan heli karin
lacagtaas yar uusan xaq u lahaan karin in uu u soo
istaago hogaamin ummad dhan baarlamaankana uu yahay
hay'adda sharci dajin xaqn uu leeyahay in waxii uu
doono sameeyo oo aan wax u dhimi karin danta
shacabka.
Gudoomiye ku xigeenka
1aad Prof,Dhalxa oo aan wax ka waydiiyay maanta sida
uu arko eedaynta ay u soo jeediyeen musharaxiinta
qaarkood ayaa iiga waramay isagoo ay carro ka
muuqato in ay tahay wax aysan u dulqaadan karin in
uu xilka ummada mid walba oo waalan,danayste
ah,aqoon xileed aan lahayn uu isku soo taago isagoo
ujeedooyin badan ka leh,balse waxay doonto ha
ahaatee kuma dhihin xilkas uma qalantaan ee waxaan
soo saarnay oo kaliya go'aan waana mid ay dunida
nala wadaagto, baarlamaankana waa hay'dda ugu
sareysa waxaan u aragno xal ayaan samaynaynaa,mid
walba oo ka mid ah oo keeni waaya lacagtaasna waa
ka baxayaa liiska musharaxiinta.isagoo intaas ku
daray gudoomiye ku xigeenka 1aad in ay hadda ka
hayaan lacag qaar ka mid ah musharaxiinta.
Si kastaba ha ahaatee
arrintan ayaa keeni karta in qaar badan oo ka badan
musharaxiintaas ay casilaan lacagta awgeed habkay
doonaanba ha u mareen qaar qaba in baarlamaanku
xadgudbay iyo qaar kale oo leh waan awoodnaa laakiin
waxaan diidanahay in waxani sharci uu ka dhigto
baarlamaanka waligeedna ay socoto si aysan taasi u
dhicina waan ka tanaasulnay xilkan.
Ing, Caddow oo maanta
shaaciyay in uu yahay musharax.
Ing Maxamad Xuseen
Caddow oo ah musharaxii ugu dambeeyay ee is sharaxa
oo xilkaasna isku taagay mudo shan maalmood ka hor
ah ayaa maanta Qabtay Munaasabad Qaddo sharaf ah oo lagu
qabtay Hilton Hotel.
Ing Caddow oo wax
badan ay isku siyaasad ahaayeen Muuse Suudi yalaxow
oo laf ahaantiisa u sharaxan xilka madaxweyne ayaa
maalmahan yari waxaa aad u hadal haya dad badan
iyagoo qaba in ay wataan beesha caalamka iyo waliba
IGAD sida wararkaas ay tilmaamayaan (laakiin xaqiiq
rasmi ah aan ahayn somalidana qofkii ay arkaan
isagoo dad dibada ah la shiraya u qaata in ay garab
siinayaan)
munaasabadan oo lagu
casuumay baarlamaanka qaarkiis una badnaa beesha
mudulood ganacsato dad kale oo caadi ah ugu horeyn
waxaa halkaasi ka hadlay Cali Ugaas C/lle oo sheegay
in beesha mudulood ay isku raaceen in uu musharax u
noqdo Ing Caddow sida uu hadalka u dhigay, kana
dalbaday musharaxiinta kale in ay u
tanaasulaan,balse waxaan imaanin goobtaas Maxamad
Dheere,Muuse Suude,Faarax Sendiko,oo dhamaantood ay
yihin isku beel wadana dadaalkooda
musharaxnimo,walina aan wax war ahi ka soo baxin.
Ing Caddow oo ka
hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in uusan ku
fakarin in uu xilkan u istaago balse ay ku dhalatay
maalmo ka hor markii taageero ka helay sida uu
sheegay Ing caddow qaar ka mid ah Asaxaabtiisa
siyaasadeed,beesha uu ka dhashay iyo saaxiibo kale
oo uusan sheegin,waxa uuna sheegay in uu ku qanacsan
yahay in uu xilkan u istaago hadii la doortana uu
wax wayn soo kordhin doono,isagoo waaya aragnimo
badan haysta sida uu tilmaamay,waxa uu qaban doona
ugu horeysin doona Nabad ka dhalata dalka isku
keenida shacabka iyo waliba hubka la aruuriyo.
Isla munaasaban waxaa
isku casilay sadax musharax oo ka mid ahaa beesha mudulood
iyagoo sheegay in ay u tanaasuleen Ing
Caddow.musharaxintan ayaa kala ahaa.
1.C/qaadir xuseen
macalin.
2.Sacid tooxow Maxamad.
3.Yuusuf Maxamad
foodey Xaji Dol.
Dhamaantood waxay
sheegeen in ay u tanaasulayaan Ing caddow ayna
taageerayaan isaga,waxay sheegeen in beeshooda
muduloodna ay ninka u daayeen jagada musharaxnimo.
Musharaxinta badankood
ayaa ku dhisan hab siyaasadeed ah in ay codadka ay
helaan saxiibadood ama beelahooda ay siiyaan marka
ay doorashada gababo tahay musharaxa ay ka dhaxayso
siyaasadda.Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>