Faranjigow Anigu waxaan ahay Aji, isaguna waa Midgaan!!!
Getty Images; 1/11/2003 |
Aji:
Waxaanu nahay dad dhalad ah oo Ayrish(Irish) ah.
Faranji:
Waa yaab! Haddii aad adigu Ayrish tahay, aniguna maxaan noqonayaa?
Aji:
Maya, maya waan khaldamay ee raali noqo. Ma ahi Ayrish ee waxaan ka soo
jeedaa Carab!
Faranji:
Haddii aad adigu Carab noqotay, Carabtuna maxay noqonaysaa.
Aji:
Kaas ma arkaysaa waa Jareer adoon ah. Kaas kalena waa Midgaan uraya. Kaasina
waa Yibir, Tumaal…
Faranji:
Iyaga gartay ee adigu maxaad tahay?
Aji:
waxba garan maysid ninyahow Mareykan dhega xiran baad tahay! Dadkii na
yaqaanay adiga ma tihid! Illaahow bal muu Ingriis ahaado! Xataa isuma
sheegeen!
Franji:
Waa runtaa oo miyaan idin kala aqaanaa idinkaa iskala gurayee. Aniga
dhamaantiin waxaad ii tihiin daanyeero madmadow oo fool xun-xun. Waxaa kuu
wanaagsan in waxaad tahay aad ogtahay!
Meel
walba oo aad tagto, dadku waxay ka siman yihiin in Bini Adamku isku meel ka
soo jeedo. Dadku ha ku kala duwanaadeen xagga midabka iyo muuqaalkaba,
laakiin waa isku abtiris iyo isku asal. Waxaa geesaha dunida maanta ka socda
olole looga soo horjeedo is kala gurka iyo kala sareynta. Tusaale ahaan,
waxaa meel walba oo magaaladan Minneapolis ah suran boodhadh waaweyn oo ay
ku sawiran yihiin dadyow kala sinji duwan oo isweydiinaya su’aashii uu Cali
Azhar weydiiyey Soomaalida shirkii lagu qabtay Jaamacada Minnisota ee ay
Ardaydu soo abaabuleen. Su’aashaasi waa “Horta anigu yaan ahay”?. Jawaabta
isla looxaantaas waaweyn ee ka taagan jid walba ku qorani waa “ Anigu waxaan
ahay Bini Aadam”. Dadka qaar baa ku oranaya waa iska caadi ee maxaa loogu
soo qorayaa, haddaba waa caadiye ma ku dhaqantaa? Ma waxaad ka timid
Adam(cs) oo ciid ahaa mise kii iska sareysiiyey ee Ibleys ahaa? Waa maxay
asalkaagu? Waa maxay qabiilkaagu? Maxaa qabiilkaaga laandheere ka dhigay?
Ogow diintaa noo sheegtay iyo diintaanu ku dhaqanaa waa laba hal!

Getty Images; 1/11/2003 |
Looxaantaasi
waxay cashar qof caqli lihi wax ku qaato ka bixinayaan in laandheere kasta
ahaw, meeshaad doontid ka soo jeed, sidaad doontid u ekoow, laakiin aad
aakhirka Aadam(cs) aad ku biya shubanaysid oo aadan cidna wax dheereyn.
Waxaa weliba xayeysiiskani uu aad u dhibayaa dadyowga ku caanbaxay
cunsuriyada iyo takoorka ee uu Neo-Nazi-ga madaxa diiran iyo Ajigu ka mid
yahay. Waxaa dhibaysa Naaziga cunsuriga ah qof aan Cadayn baa kula siman oo
aad wax la wadaageysaa isna dhexgaleysaan sida ay guud ahaan Ajiga u dhibto
Midgaan baa kula siman oo aad wax wadaagi kartaan.
Markaanu u soo leexano Cunsuriyada iyo takoorka Ajigu ku hayo walaalahood,
maxaa loo waayey aqoonyahano, culumo iyo madaxyaweyn kacda, dhiidhida oo la
safata Midgaha kana hortimaada dhibaatada ay Islaweynta kale ku hayaan. Ka
hadlid shir ama meel wax ku qorid wax badan tari mayso ee waxaa loo baahan
yahay in laga tusaale qaato sida ay noogu arxamayaan dadyowga kale ee aan
nala jinsiga ahayn marka Ajiga Cadi uu Ajiga Madow iyo Midgaankaba uusan
kala garanayn ka nasabka ah ama laandheeraha ah.
| EEGA
QORAALKA LA BILILIQAYSTAY |
| Goormaynu
u sheygaynaa miirkayaga sinaan, ixtiraam cadaalad iyo isxaqdhawr.
Bal ila akhriya halkan.. |
Waxaa
kale oo wanaagsan in uu Ajigu haddii uu diiday in uu walaalahood ka qaado
cunaqabateynta uu ilaaliyo xaqdhowrana sharaftooda iyo maalkooda. Horaa loo
boobay dhulkii ay lahaayeen Midguhu, Xoolahoodii, sharaftoodii iyo
taariikhdoodii, waxa keliya ee maanta soo ifbaxaya waa baraarug iyo sidii ay
qawmiyadani wax ula qaybsan lahayd kuwa ka faanaya ee cuna qabateeyey.
Waxaase ka daran haddiiba aan waxba loo ogolayn xataa qoraal la qorayba
allaha ka dhigee. Akhristayaal, bal ila akhriya ninkan sawirkiisii ku soo
daabacay maqaal dheer oo horay ugu soo baxay somalitalk iyo Midgaan.com.
Ninkani wuxuu xilligan la joogo isku dayayaa in uu raaco tubtii abkoowgii ee
ahaa dhaca, boobka iyo minguurinta taariikhda iyo qoraalada ummad ka facweyn
oo kaga soo horeysay ceelkan Soomaaliya. Goormaynu u sheygaynaa miirkayaga
sinaan, ixtiraam cadaalad iyo isxaqdhawr. Bal ila
akhriya halkan..
Waxaa
lacag aan la koobi Karin uu ka faaiidey ninkii Carabka ahaa ee isagu duubay
banaanbixii nacaybka iyo takoorka watay ee ka dhacay sanadkii hore magaalada
Lewiston ee Gobolka Maine ee dalweynaha Mareykanka. Waxaa soo qaban qaabiyey
banaanbaxaa dadka cunsuriga ah ee madaxa diiran ee loo yaqaan Naaziga
Cusub(Ajiga Cad) iyo Kaniisadooda loo yaqaan World
Church of the Creator. Dadkani waxay rumeysan yihiin in Qofka
Cadi uu ka sareeyo dhamaan makhluuqaadka kale oo dhan, sidaa daraadeed ay
mamnuuc tahay in lays dhex galo, laysla derso, laysla fariisto, wax laysla
cuno amaba laysku milmo. Waxaan filayaa in uu Ajigu arrintan aad u fahansan
yahay! Maxaa isku mid ka dhigay Naasiga
Cusub iyo Ajiga? Jawaabtu waa sahal; Ibliis Sheekadiis lee ahaa!
Ninkaas carabka ahi wuxuu u bixiyey dukumuntaariyadii uu ka duubay
banaanbaxaas “ The Letter” ama Warqadii. Waxaa mudan in la xuso in Lewiston
ay tahay magaalada keliya ee dalweynaha Mareykanka ay ugu badan yihiin dadka
Cadaanka Sooca ah waana 97% Cadaan aan la badhxin.
Balaayadoo dhami waxay ka kacday markii ay Soomaalidu ka soo qulquleen
Gobolada Koonfureed ee Mareykanka soona aadeen Gobolka Waqooyi ee xadka la
leh Kanada, gaar ahaan Lewiston oo ah magaalo bucshuro ahaan iyo shaqa
ahaanba waa hore dhimatay oo ay dadkeedu inta badan shaqo la’aan yihiin.
Waxaa kaloo magaaladan u dhow tuulo yar oo uu ka dhashay ninkii Mareykanka
ahaa ee lagu jiidayey jidadka Muqdisho.
Haddaba waxaa ishayn kari waayey Duqii Magaalada Lewiston oo warqad u qoray
Odayaasha Soomaaliyeed ee kusoo horeeyey Magaalada, una sheegay in ay
dadkoodu xaalufinayaan wixii yaraa ee dhaqaala ahaa ee ay magaaladani lahayd.
Wuxuu ka codsaday in ay Soomaalidu u sheegto dadkan isa soo bara kiciyey ee
marba meeshii naq leh(Caydha) aadaya ay istaajiyaan oo ay u sheegaan in
aanan waxba haysan, meeshoodana joogaan. Warqadaas iyo warkii ku qornaa ayaa
meel kasta gaaray oo hadal haynteedu waaya dhan socotay. Dadyowga aan
Cadaanka ahayn ee laga tira badan yahay iyo kuwii Cali Beysteenka ahaa oo
iyagu dhulka waaya hore lahaan jirey ee loo awood sheegtay(sida Midgaha)
ayaa iyagu qaylo iyo bulaan bilaabay. Waxaa loo sheegay Duqa Magaalada
Raymond in uu isba awoowgii iska yimid oo aan cidna weydiin meesha uu degi
lahaa iyo sida uu u noolaan lahaa.
Halkan ka akhri warqadii uu Duq Raymond u diray Somalida
EEG HALKAN.....

By Pat Wellenbach, AP |
Intaa
loogama harine Duqowdii iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Lewiston ayaa u diray
warqad cabasho ah oo ay kaga dalbanayaan in uu raali gelin ka bixiyo
warkiisii takoorka iyo quudhsiga xambaarsanaa ee ay dunidu baahisay.
Waxaanse isweydiiyaa goorta ay Duqowda soomaalidu raaligelin ka bixin
doonaan takoorka iyo quudhsiga lagu hayo Midgaha. Halkan ka akhri warqadii
ay Soomaalidu ugu jawaabtay Duqa magaalada Lewiston..
EEG HALKAN.....
Waxaa
markiiba is abaabulay dadkii deganaa magaaladaas oo u soo hiiliyey
Soomaalida, kadib markii laga war helay in
Kaniisada World
Church of the Creator loo ogolaaday in ay magaalada yimaadaan
dhoola tusna ku sameeyaan si dhamaan dadka Midabka lehi khaas ahaan
Soomaalida loo argagax geliyo. Waxaa meel walba buux dhaafiyey dad Cad-Cad
oo u hiilinaya Soomaalida iyadoo tiradii Soomaalida ahay ee banaanbaxaa iyo
kuwa la mid ahba ay mar walba ka yaryihiin 50-meeyo.
Waxay
dadkaasi noqdeen kumaankun ka kala yimid gobolo fogfog si ay u difaacaan
Soomaalida. Waxaana sawaxankii, Durbaankii, caydii iyo afxumadii
Cunsuriyiinta ka qayla dheeraaday tii lagu taageerayey Soomaalida. Waxaa ka
soo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka, Xeer Ilaaliyaha iyo Madax badan oo ku
jirtay Golaha Odayaasha u metela Magaaladaas. Waxaa qudbado muhiim ah loo
akhriyey dadkii loona sheegay sida ay Soomaalidu magaalada ugu soo
kordhiyeen baayacmushtar, Shaqo jacayl iyo sida dadka Magaalada degani shaqo
u heleen ilaa iyo intii ay soogelootigani yimaadeen. Waxaa la xusay in
Soomaalidu shaqaysato lagana shaqaysto, in ay guryihii duuga ahaa ee
banaanaa ay buuxdhaafiyeen, in magaalada ay ku soo kordhiyeen lacag, in
canshuur badan laga qaato, in iskooladii dawlada iyo kuwii Seeraaleyaashu
buuxdhaafeen iwm.
Inta
ay ummadu bulaankaa iyo qaylada ku jirtay, ninkan Carabka ahi isagu duubasho
iyo filim qaadasho ayuu ku jiray. Maantana Filimkiisan goosgooska ahi waxaa
laga codsaday meel kasta oo Mareykanka ah iyo Jaamacad kasta. Gorgortan lala
galay awgeed ayuu mustaqbalka dhow wuxuu soo bixi doonaa isagoo lasoo
habeeyey oo uu ku heli doono malyuumaad.
AJIGII
CADAA ARAGNAYE KAN MADOOBI GOORMUU WAX GARAN
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Bal ila akhriya halkan:: WAA BILILIQO SAWIRA
KU DHEGSATEY..