SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cad iyo Caano ( Ex. Nabad iyo Caano) 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Nin reer baadiye ahaa baa mar wuxuu laasimay oo sanado badan agfadhiyey sheekh caalim ahaa kuna xeeldheeraa axaadiista oo la oran jiray Sufyaan Binu Cuyeynah oo ahaa shiikha shuyuukh badan ooy lahaayeen Bukhaar iyo Muslimba (RC). Maalintii dambe ayaa reer baadiyihii goostay inuu dhulkiisii ku noqdo; markuu sheekha sagootinayey baa sheekhii weydiiyey culuuntii iyo axaadiistii uu dhagaysan jiray kuwooda cajab geliyey? Reer baadiyihii wuxuu xusay seddexdan xaddiis: 

  1. Nabiga (SCW) oo mac-macaanka jeclaa.
  2. In qofka musaafirkaa ay u furantahay inuu Soonka cuntadiisa iska cuno oo hadhow qalleeyo.
  3. Haddii salaadda la aqiimo oo cashada/raashinka la soo dhigo, ku bilaaba cashada/raashinka.

Seddexda xaddiisba waa saxiix; labada dambe waxay tusayaan naxariista Ilaahay ee addoomahiisa laakiin waxaa la yaab leh in ninkaasi, wuxuu axaadiis qaadanayey kusoo koobay kuwa cunto la xiriira! 

Soomaalidii hore waxay oran jireen nabad iyo caano. Adduunyada kale qaar waxay dhahaan “bread and Peace” oo ah rooti iyo nabad. Haddaan saan u qoray u kala horreeyaan waxay muujinaysaa in Soomaalidu ay nabadda ka hormariso cuntada. 

Inkastooy ku fiicnayd in dhulka hooyo loogu yeero ama ugu yaraan Maandeeqdii gabadha ahayd laakiin aan ka hadalno Hasha Maandeeq. Maxay hal-abuuradu u dhaheen: aan maalno hasheenna Maandeeq? Inkastoo hal-abuuradu waxay rabaan sheegaan laakiin oraahdaasi waxay dabo joogtaa: nabad iyo caano. Hal-abuurku wuxuu leeyahay mar haddii caawa gumaysigii la cayrinayo nabad waan is haynaa marka waa inaan helnaa caanihii Maandeeq. Hal-abuurku markaas wuxuu wax u cabbiray sidii ugu saxsanayd. Hal-abuuruhu ma oran, hasha,  cadkeenna noo gooya maxaa yeelay cadow baa laga cad-goostaa ee marka nabad iyo xukun laga hadlayo lama soo qaato wax dhiig iyo raq ah. Maahmaah Carbeed baa jirta oo Soomaali ahaan ah: ninka wax waraabinaya (sooraya) wuxuu noqdaa kooda ugu dambeeya ee wax cabba/cuna. Soomaalidu mid u dhow bay leedahay laakiin waxaa ka muuqata kalsooni-darro iyo hunguri. Waxay dhahaan: qeybiyaa qad ama qoora weynaa.  Carabta oo xagga dagaalka iyo geela kala mid ahayd Soomaalida ma oran ninkii hilbo qaybinaya ha noqdo kan hilibka ugu hor cuna; maxaa yeelay kalmadda dhiigga waxaa la xusaa markii cadow iyo dagaal loo socdo laakiin markii xukun iyo nabad laga hadlayo lama soo qaato. Cad iyo caano waxaa la xusaa marka nala weydiiyo cunta Soomaalidu dhaqanka u lahayd. Dadka Ingiriiska ayaa iyagun cunta ahaan uga dambeeyey “fish and chips” oo ah kalluun iyo baradho. 

Hal-abuurkii kale markuu ka hadlayey dhibta Xabashidu ku hayso Soomaaliya wuxuu yiri: 

  • Hashii gooddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
  • Inaan gorayo-cawl uga tagaa waa wax soo guraye.

Mid kale wuxuu yiri: 

  • Gowraca walaalkey Gaarhayoow gibilkey xanuunee Gaarhayoow.

Mid kale wuxuu yiri: 

  • ·         Haddii aanan dhulkeygoow dhiig cadaawe kuu gelin

  • ·         Soomaali kama dhalan

Waxaan xasuustaa dugsiyo Qur’aankii Soomaaliya oo qofkii macallinku u xanaaqo inta uu arday kusoo diro oo loo duubo lagu qaadi jiray “WASH- SHAMSI WAT-TUXAAHAA” ilaa hadda ma fahmin falsafaddii macallimiintu uga dan lahaayeen arrintaas keliya waxaan ogahay inay Suuraddaas lagu xusay qisadii Hashii nabi Saalax (CS) iyo kuwoodii ugu dhibka badnaa oo hashii feylo gooyeen. Hadday macallimiintu sidaas ka wadeen haddee iyaga iyo ardayda wax qanjaruufanaysa ayaa noqonaya “idinbacatha ashqaahaa”. Si kastaba ha ahaatee hashii la yiri: aan maalno hasheenna Maandeeq waxaa Ilaahay u soo diray dowladdo iyo dagaal-oogayaal feylo gooyey. Kaaga darane, oraahdii ahayd nabad iyo caano waxaa bedelay cad iyo caano! Meeshii oo dhan cuntaa qaadatay. 

Horay waxaa loo yiri “kullu fitnah cinda geel” laakiin hadda waxaa lagu daray: kullu fitnah cinda kursi”. Hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliyeed waxaan gowraca Maandeeq ahayn iyo kursi waa laga kari la’yahay. Waxay soo saareen oraah kale oo ah: cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey! Maxay u jirtay inay dhahaan haruubyahow ku cabbay ama ku daadiyey? Waxay ka raadgadanayaan nabaddii oo waxaan dhiig la daadsho ahayn uma muuqdo. Haddaad u rumaysan waydaan arka hogaamiye-kooxeedyada oo leh aan ceeriin wax ku qaybsanno! Maxaa ceeriin lagu qaybsadaa? Waa cad/hilib. Caqliga Soomaaliyeed ee caafimaadka qaba wuxuu yaqaan (caano-qayb) oo loo isticmaalo iskaashi iyo wax-wada-qabsasho u dhaxaysa dadka Soomaaliyeed iyo Hilbo-qayb/cad-goosasho oo ku wajahan cadow.  Oraahdii Carabta soo aragnay; sidoo kale adduunka kale ma xusaan raq markii doorasho madaxweyne iyo nabad laga hadlayo; waxay meesha soo dhigtaan doolshe “cake”. Waxay dhahaan rootigaas ama doolshahaan aan qaybsanno. Waxaa jiray xisbi  u tartamayey inuu qabto hogaanka Zambia sanadkii 1991; xisbiga waxaa magaciisa loo soo gaabin jiray MMD waxaana hal-hays u ahayd “the hour has come” oo ah waqtigii baa lasoo gaaray ama saacaddii baa timid. Hogaamiyaha mucaaradkaas oo markaas ku guulaystay doorashadii madaxweynaha oo Chiluba la oran jiray wuxuu dacaayad-doorasho ka dhigtay isagoo inta rooti soo qabsaday dabadeedna mindi soo qaatay, dad saf u soo galaya, qofka gabal rootiya u gooynaya oo siinaya. 

Marka hadaynaan hal magaceed deyneyn waxay ku fiicnayd in dadka madaxweynanimada u tartamayaa ay dacaayad ka dhigtaan iyagoo Maandeeq haneedaya oo haruub-gaal haysta oo carruur, dumar iyo rag saf uga soo jira u dhiibaya doobi caano ah oo xoori afka ka joogto. Waa wax la fahmi karo inuusan qof tartamayaa haddeer sheegi karin qofka kale ee hasha la lisaya (ra’iisul wasaaraha) maaddaama meesha qabiil wax lagu qaybsanayo. 

Waxaa la sheegaa in rag jamhad ahaa inta hilib karsadeen uu kariyihii hilibka u qaybinayo. Waxaa la yiri isagoo qaybinaya baa waxaa ku soo baxay cad qurux badan markaasuu gacanta bidix ku qabsaday. Gacantii kale buu ku sii watay inuu hilibka kusii qaybiyo. Cabbaar markuu qaybinayey baa waxaa ku soo baxay cad kale oo qurux badan markaasu goostay inuusan cadkaas dhaafin dabdeedna gacantii midig ku haystay isagoo dadkii ku leh: nin walboow cad la bax iley gacan u bannaan oo uu wax ku qabiyaa ma lahee isagoo kor istaagay si uu isha ugu hayo sida wax loola baxayo. Markii cabbaar raggii hilibka guranayo ayaa raggii safka ku jiray ee hilibka la baxbaxayey midkood wuxuu la soo booday cad kale oo qurux badan; kariyihii oo labada gacmood labo cad oo qurux badan ku kala haysta baa yiri: ina adeeroow cadkaas afka ii geli! 

Waxaan aamminsanahay doorashada madaxweynanimada ee la leeyahay 10 Oktoobar bay dhacaysaa haddaanba dib loo dhigin in rag badan haddii laga raayo meesha looga qaadi doono bareele ama wadnuhu istaagi doono; maxaa yeelay waxaan naf-jeclaysi iyo macangagnimo ahayn lama barin. 

Maaddaama hashii Maandeeq la feylogoyyey oo horay loo cunay, fiicnaan lahaydaa in la yiraahdo ugali/soor haloo qaybiyo Soomaali ee waxaan ka baqayaa in naloo qalo xayawaan la leeyahay waxaa lagu dhaqaa xerada Mbagathi ama meel aan ka fogeyn dabadeedna la yiraahdo qaybsada hilbihiisa!

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga kusaxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD