SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK

Waftigii Xisbiga Ucid ee Bookhashda ku yimi Denmark oo lagu Qaabilay golaha Baarlamaanka iyo xarunta wasaarada arimaha debeda

Copenhagen: Wafti ka koobnaa seddex xubnood oo kala ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysa ali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka seddexaad Marwo Amina Mohamed Warsame iyo Naasir Xaaji Cali Shire oo isna ah Gudoomiya Xisbiga ee Europe ayaa bookhashadii labada maalmood ahayd ee ay ku yimaaden dalka Denmark ay noqotay mid wax ku ool ah oo midho dhalaysay, ka dib markii ay la kulmeen Masuul sare oo ka socotay Wasaarada Arimaha debeda iyo Madaxda Xisbiga Social Democratic oo ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Denmark.

 
Maalintii Salaasadii ee taariikhdu ahayd 05.10.2004 ayaa waftiga waxa ku soo dhaweeyey xarunta Wasaarada Arimaha debeda oo kula shiray masuulka sare ee wasaarada u qaabilsan Arimaha dalalka Africa oo magaceeda layidhaahdo Anne Meldgaard.
 
Shirka dhexmaray waftiga iyo wasaarada oo aan anigu shakhsiyan....Mr Sool ka qaybqaatay goob joogna ka ahaa ayaa ku bilaabmay waji deggen oo farxad iyo soo dhaweyn leh.
 
Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Faysal oo lagu sharfay in uu shirka furo ayaa ku bilaabay mahad celin uu uga mahad celinayo caawimad Boqortooyada Denmark ay u fidiso Somaliland.
 
Gudoomiyaha oo hadalkii sii wata ayaa si wanaagsan u qaadaa dhigay xaalada dalkiisu ku suganyahay oo yidhi dalkayga Somaliland... Wax ka jira Dawlad dimoqraadiya, Xisbiyo Qaran oo Siyaasi ah, Sharci iyo Cadaalad, Nabadgelyo waafiya oo taabo gashay, waxa aanu samaysanay Distoor aanu si cadaalad ah ugu codaynay, waxa aanu qabanay oo ku guulaysanay doorashooyinkii dawladaha hoose iyo tii Madaxwenaha.
 
Mudane Faysal ayaa u cadeeyey masuuliyiintii danish..ka ahaa ee dhegaysanaysay mawqifka somaliland ka taagantahay shirka Somaalida ee Nairobi ka socda......Isaga oo yidhi boqolaal jeer oo horena waanu sheegnay iminkana waa sheegaynaa Shirkaasi mid anaga na khuseeya ma aha....Cid kasta oo ka qayb gashaana ma mataylaso dalkayga iyo dadkayaga midnaba.
 
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisii ku soo afjaray codsi ah in dawlada Denmark gacan ka geysato Doorashada Baarlamaanka Somaliland ee la qabanaayo sanadkan soo socda *2005* Caawimadaas oo noqonaysa Goobjoogayaal loo diro Doorashada iyo dhaqaalaba. waxa kale oo uu intaa raaciyey in Somaliland ay ka jiraan Abaaro kulul oo loo baahanyey in caalamku u gurmado. Ugu danbayntii waxa Faysal u dhiibay oo gacanta ka galiyey Masuulkii wasaarada ka socday Warqad xidhan oo ka socotay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale, Warqada ayaa ku soctay Ra'iisal wasaaraha dalka Denmark Mr. Fogh Rasmusen.
 
Markii Guduumiyihii Xisbigu xogwarankiisii dhameeyey ayaa waxa hadalkii u baxay Gudoomiye ku xigeenka seddexaad ee xisbiga.. Marwo Amina Maxamuud Warasame.
Amina...Milgo oo ah gabadh aqoonyahanad ah oo cilmi sare leh, Luqada Ingiriisidana si faseex ah ugu hadasha ayaa ku nuuxnuuxsatay ujeedadeedii iyada oo leh.....Somaliland waxa ay safka hore kaga jirtaa dawlada sifiican u ilaaliya Xuquuqda Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Haddii aanu nahay Haweenka siyaasiyiinta ah ee xisbiyada Qaranka ku jira iyo dawladaba waxa aanu ku baraarujinaa Haweenka in ay ka qaybqaatan Talada dalka iyo dib u dhiskaba.
 
Anne Meldgaard oo soo gabogabaysay shirkii ayaa tidhi waxa aanu la soconaa kana dheregsanahay Mawqifka Somaliland ka taagan tahay shirka Somaalida ee Nairobi ka socda.
Waxaan idiinku bushaaraynayaa waftigiinan sharafta leh idiinkuna balanqaadayaa in aan gaadhsiiyo xogwarankiina iyo warqadaba Raiisal wasaraaha iyo Wasiirka arimaha debedaba. waxaanan rajaynayaa in aa jawaabta si dhakhso ah u helaysaan. 
 
 
Kulankii labaad ee dhexmaray Masuuliyiinta dalka Denmark iyo Waftigii Xisbiga Ucid.
 
Maalintii Arbacadii ee taariikhdu ahayd 06.10.2004....Waftiga waxa lagu soo dhaweeyey Xarunta weyn ee Danish Refugee Council oo ku Taala koonfurta Copehagen.
Madaxda danish refugee Council iyo waftiga ayaa maalintaa shirar googoosa yeeshay oo ku saabsanaa Caawimada Joogtada ah ee Hayadu somaliland soo gaadhsiiso iyo sidii loo sii kordhin lahaa.
 
Isla maanlintaa Arbacadii markay saacadu ahayd 2:00 Duhurnimo ayaa Waftigii Xisbiga ucid oo uu hogaaminaayo Faysal Ali waraabe si habsame ah loogu qaabilay Guriga golaha Barlamaanka ee Denmark.
Xildhibaan Frode sorensen oo ahaa wasiirkii Cashuuraadka ee dawladii hore ayaa Xafiiska ku yaala baarlamanka gudihiisa ee uu leeyahay Gudoomiyaha Xisbiga Social Dimuqraadigu ku qaabilay waftiga oo kula shiray.
 
Waftiga ayaa Qoraal dheer oo ka waramaaya, nabadgelyada waafiga ah ee dalka ka jirta, Doorashada golaha shacabka ee la qabandoono sanadka soo socda, Mawqifka Somaliland ka taagan tahay shirka Somaalida ee Nairobi ka socda u gudbiyey golaha baarlamaanka ee Denmark. 
 
Waxa kale oo waftiga Ucid iyo Madaxda Xisbiga social dimuqradigu ka wada hadleen wada shaqaynata ka dhaxaysa labada xisbi ee ku salaysan Mabaadida ah in daryeelka bulshada kor loo qaado, danyartana loo roonaado.
 
Xaflad si fiican loo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyey Waftiga.
 
Xaflad heer sare ah oo ay si wada jir ah u soo wada qabanqaabiyeen Wakiilka Ucid u jooga Copenhagen Mr. Caabi iyo Ururka Haweenka Somaliland ee Denmark ayaa iyana lagu qabtay magaalada Copenhagen.
Xaflada oo aad loo soo camiray ayaa waxa ka soo qayb galay dad faro badan oo rag iyo dumarba lahaa. 
 
Ururka Haweenka Somaliland ee Denmark oo ay hogaaminayaa Sacda Sheef iyo Khadija ayaa runtii wacdaro ka gaystay xaflada oo suurta galiyey in qaabkaa fiican u dhacdo xaflado.
 
Waxa furtay Xaflada Xildhibaanad Danish ah oo la yidhaahdo Jette Bergenholz......Xildhibaanadaa oo ay soo casuumeen ururka haweenka somaliland ayaa hadalkeedii ku bilawday waxaan ku soo dhaweynayaa Denmark maanta Gudoomiyahan Xisbiga ucid iyo waftigan uu hogaaminaayo ee ka soo jeeda Somaliland.
 
Sida aan ka akhriyey Qoraalkii i soo gaadhay waxa xisbiga aan ka socdo ee social dimuqraadiga iyo xisbigan Ucid ay wadaagan Siyaasada ah daryeelka danyarta iyo kor u qaadida arimaha bulshada
waxa kale oo ay ka warantay taariikh dheer oo siyaasi ah oo uu xisbigan social dimuqraadigu soo maray xilligii lala dagaalamaayey Mabaadidii Hantigoosiga ee xuquuqda danyarta lagu duudsiyaayey. waxa ay ku soo afjartay Miss, Jette khudbadeedii, waxaa somaliland u rajaynayaa Barwaaqo iyo nabadgelyo waarta....Waxaan gudoomiyaha Ucidna urajeeynayaa in uu ku guulaysto Hogaanka ama Madaxweynenimada Somaliland. 
 
Gudoomiyaha xisbigan ucid ee Europe Mudane Naasir xaaji cali shire iyo ku xigeenka seddexaad ee xisbiga Marwo Amina Maxamuud warasame ayaa laba dooduba ka jeediyey xaflada hadalo gaagaaban oo qiimo leh oo ku saabsanaa siyaasada xisbiga iyo Xaalda dalku maanta maraayo.
 
Ugu danbeyntii waxa microfoonkii loo dhiibay Gudoomiyihii Xisbiga Mr. Faysal Ali Waraabe.
Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisii ku bilaabay, waxaa tihiiin dad wanaagsan oo nasiib leh, waayo waxa leedihiin maanta dal nabad gelyo ah, waxa dalkiina ka jira dawlada, waxa ka jira sharci iyo kala danbeyn.....Waxa ka jira wanaag iyo walaatinimo aanay haysan dagaal ogayasha Nairobi ku gorgortamaya dhiigii ubadkooda iyo dhaawaca guryahooda yaala.
 
Waxa aanu doonaynaa oo jeclahay in aanu deris wanaag ku la noolaan Dalalka jaarkayaga ah oo dalka somalia ka mid yahay.
 
Daandaansiga Majeerteenia gacmaha ka laaban mayno dhakhso ayaanu talaabada ku haboon ugu qaadaynaa........Cabdillahi Yussuf nabarka gacantiisa ka sugi mayno ee waanu ka hortegaynaa.
 
Dagaal ka dhici maayo Gudaha Somaliland iyo Laascaanood hareeraheeda......Dagaalku waxa uu ka dhacayaa Somalia iyo halka Cabdillahi Yussuf ku sugan yahay.
 
By: Osman Abdillahi sool *Fuaad Gaagaale*.....Freelance Journalist. Copenhagen. 08.10.2004
<sooldhuub@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD