SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

AAN IS MAQALNO MUDANE XILDHIBAAN

SICIID CABDISALAAN
 <ahmedliban15@yahoo.com>  

Mudane xildhibaan sharaf weyn baad xambaarsan tahay,sharaf aan cidina inkiri karin waase hadii aadan noqon sidii "xayawaankii malabka ku rarnaa, ka bahnaa cowskana ka doortay mudo dheer markuu ku soo rarnaa malabkaas'.

Umaleyn maayo inaad sidaas nowoneysid waayo aadanaad tahay Ilaahey suubane  sareeye  caqli siiyey  karaameeyeyna, una maleynmaayo inaad ku sirmi doontid  markale hadalada macmacaan, qurxoon dhagartuna ka dambeyso ee ardadii kuliyadihii "jaamacadihii kelitashidka " ee xukunkii milleteriga ahaa ee 21 ka sano xildhibaan caag ah baarlamaan ku sheeg kusoo uruuriyey calooshana u galiyey cajalad ay ku duubneyd " sax weeye, sax, sax weeyey"  qalad kasta madaxweyanaha taliskaasu  ugeysto, wasiirkiis jago mawaayaha ah iyo nolol birbir qeysa u maleymaayo in wasiiradii ma dhacayaadha, lama casilayaasha, lama xisaabtamayaasha, hayeyaalashii , xarfaantii qalin ku dhagrayaashii hantidii dadweynaha, kuwaasoo ilaa Lagos caasimada Neyjeriya keligii taliyihii  lacago culus ugu geeyey.  Yaa lahaa lacagtaas ? halkey ka keeneen?  yaase leh lacagaha haatan ay wataan iyo jeegaga sida fudud   loo saxiixayo. 

Aniga muwaadinka ah yaa lahaa adigaa lahaa xildhibaan, ganacsatadan haatan soo baxday , warshadaha fudud ee faraha badan ee sameysmay kadib burburkii , xukunkii kali tashadka ee dalkeena maamulayey ayaa leh , islaanta cowska ka keenta iyo xaabada miyiga muqdisho ayaa lahaa.  Kuwaasoo canshuur bixiyeyaashii ahaa qalinka wasiirada maaliyada iyo ganacsiga aaney marnaba u nixin una naxariisan !!! 

Ma kuwaasaad xildhibaan codkaaga siin, ma waxaad codka siineysaa maskax daxaleysatay , mirirtay goor hore oon haatan aheyn naxariistii ka guurtay ? maya xildhibaan maantu kuwii heeryada kelitashadka, dulmiga iyo daalimiinta hertii cadeyd eryey ayay codka siinayaan, waa hadii aaney la ceynad aheyn kuwii "jeegu" maskaxda iyo miyirkaka qaadi jirey.

Xildhibaan badbaadi saxaafada xorta ah. 

Ku dheeraan maayo qoraalkan maanta codkaagu yuu sababin maskaxihii daxaleystay ee xukunkii keli tashadka ahaa ee 21kii Oktoobar iney markale dib usoo noqdaan. 

Kuwaano waa cadowgii saaxaafada waayo saxaafada xorta ah ee ka dul dhisantay burburkii xukunkii milliteriga ahaa sidii qoraagii ruushka ahaa yir "TOLOSTOJ" waa    Saxaafadu waa buunkii nabada, waa codkii ummada, waa seeftii xaqa ee DAALINKA  kala jareysay, waa meeshii qofka dulman soo magan galayey, carshiyadii kelitashidka ayay gilgishaa, raadadkii keligood tashadayaasha ayay dudumisaa. 

TOLOSTOJ 

Umaleynmaayo in maskaxdaas daxaleystay  Shabeele Times iyo saxxafad la mid ah ee jid toosan haysta u dulqaadan kareyso ee xildhibaan maskax cusub , feker cusub  dad leh dad qoyan oon qalalin dooro.   

wq.  qoraa sare  SICIID CABDISALAAN
 <ahmedliban15@yahoo.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD