SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  HOOYO TIMIRO

 BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.                
                     
UJEEDO:- HAMBALYO IYO DARDAARAN.
 
Ku :- GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA AH,
::: GUDOOMIYE KU XIGEENNADA BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA AH
::: IYO DHAMMAAN XILDHIBAANNADA BARLAMAANKA KU MEEL GAARKA AH EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED
= SALDHIGOODU YAHAY NAIROBI= 

Taariikh: Octoobar 9, 2004


Hooyo Timiro Cukaash:
Halgamayaashii umadda Soomaaliyeed ee SYL - Gololka Jubbada Hoose, Kismaayo
.
e-mail : leego_1952@hotmail.com

"Waxaa iga dardaaran ah dadkii guryadoodii iyo deegaankoodii laga barakiciyayna in aad dib ugu soo celisaan deegaankoodii sida kuwa ku jira xeryaha qoxootiga ee u baaba’aaya macaluusha, gaajada, hoy la’aanta iyo daawo la’aanta. Waana arrinta ugu muhiisan maanta ee la idin ka doonaayo in aad ku dhaqaaqdaan marka hore. Haddii kale waa jug jug meeshaada joog."


 Walaalayaal, marka hore, mahad Eebbe ayaa iska leh, Naxariis iyo Nabadgeliyo waxay u sugnaatay Nabigeennii Muxammad ( NNKH ).

Marka labaad, waxaad iga gudoontaan salaanta Eebbe ee Naxariista iyo Nabadgeliyada leh kuligiin idinkoo ka kooban Gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa iyo dhammaan xubnaha Xildhibaannada Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaaliga Soomaaliyeed intiinna nool. Intii geeriyootaynna waxaan Eebbe uga baryaynnaa in uu ka waraabiyo Jannada, Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marka sedexaad, waxaad iga gudoontaan Hambalyo aan idiin soo diraayo dhammaantiin oo ka soo go’day qalbigayga qaaliga ah oo ay ku dheehan tahay jecel Soomaalinimo iyo wadaninimo anigoo ah hooyo Timiro Cukaash oo ka mid ah muwaadhiniintii Soomaaliyeed ee maalkooda iyo naftoodaba u soo huray halgankii loogu jiray gumeysi ka xorayntii cariga Soomaaliyeed gaar ahaanna Gobolka Jubbada Hoose iyo ha noolaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo. Anigoo ka mid ahaa haweenkii horseedka SYL ee lagu xiray xabsigii Kismaayo anigoo xaamilo ah intii aan xirnaan ku dhexfooshay xabsiga gudahiisa maalinkastana inta aannu xabsiga ku jirnay waxaa naloo gaysan jiray jir-dil, hanjabaad, gaajo, oon, silic iyo rafaad, naxariis la’ aan iyo ayadoo ay noo dheerayd in nala cabsiiyo biyaha badda si aannu u sheegnno horseedka kale meesha ay jiraan ama cidii abaabushay ha noolatada Kismaayo iyo la dagaalanka gumeysiga.

        Walaalayaal, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay idiinkuna hambalyaynaayaa sidii la idiin soo xulay oo maantay la idiinku soo doortay in aad xilkaasi qaadaan. Runtii waxaa ku farxaaya qofkasta oo Soomaali ah, wadani ah oo jecel dalkiisa iyo dadkiisa in ay ka baxaan hooggaan iyo halaaggan ay ku jiraan maanta  ummadda Soomaaliyeed. Xilkan aad qaadayn waa mas’uuliyad adag waxaana ka bixi kara oo keliya qof wadani, daacad ah, xilkas ah, jecel midnimada iyo wada jirka Ummadda Soomaaliyeed waxaa kaloo ka bixi kara qof ka maran caadhifadda nin jeclaysiga iyo nin necbaysiga, danaysi gaar ahaaneed  iyo xukun jecelka. Waxaan filaayaa xilkaan aad maanta u dhaarateen in uusan noqon midkii ay rag badan oo Soomaaliyeed horay intay ugu dhaarteen haddana dhinac maray dhaartoodii. Walaalayaal iga raali ahaada waxaan idiin sheegaayaa nin diin leh inuu damiir leeyahay, dadnimo leeyahay, wax qabad leeyahay iyo ballanba. Waxaan idiin rajeynaayaa in aad noqotaan kuwii dhaartooda oofiya kuna guulaysta.

     Walaalayaal, Ummadda Soomaaliyeed waxay soo martay welina maanta ay ku jirtaa; hoog iyo ba’, bur bur iyo baaba, dhac iyo dil, xasuuq iyo barakidin, kufsi iyo gumaad, faqri iyo gaajo, tafaraaruq iyo kala firdhad, maamul xumo iyo hoggaamin la’aan.                     

Haddaba, maanta waxaa idin horyaala howl aad iyo aad u culus oo u baahan adkeysi iyo dulqaad, midnimo iyo wada tashi, cadaalad iyo maamul loo siman yahay. Waxay ku haboon tahay ninkii aan qaadi karin in uu haddaba isaga haro. Anigu waxaan u arkaa maanta mas’uuliyadan inay ka duwan tahay kuwii hore noo soo maray ee ka mid noqoshada Baarlamaanadii hore ee dalka Soomaaliyeed.Sababtoo ah dalkayagu wuxuu ku jiraa burbur iyo baaba muddo 14 sannadood, hoggaamin iyo maamul la’aan.

Walaalayaal, idinkoo iga raali ah anigoo kaashanaaya waayo aragnimadayda waxaa iga dardaaran ah:- Wax kastoo aad qabanaysaan waa in aad Bisinka u qabataan.In aad la timaadaan qowl iyo ficil mid ah. Wada tashi iyo wada jir. Dulqaad iyo adkeysi. Waxaa iga dardaaran ah dadkii guryadoodii iyo deegaankoodii laga barakiciyayna in aad dib ugu soo celisaan deegaankoodii sida kuwa ku jira xeryaha qoxootiga ee u baaba’aaya macaluusha, gaajada, hoy la’aanta iyo daawo la’aanta. Waana arrinta ugu muhiisan maanta ee la idin ka doonaayo in aad ku dhaqaaqdaan marka hore. Haddii kale waa jug jug meeshaada joog. Waa in aad iska ilaalisaan awood sheegasho xadgudub ah  iyo in aad samaysataan isbahaysi ku dhisan boob iyo dhac iyo dil. Markasta iyo meelkasta oo aad joogtaanna waa in aad badisaan Alle ka cabsiga. Waxaa iga dardaaran ah in aad la tashataan  aqoonyahannada, wax garadka iyo culumada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si aad guul u gaartaan.  Walaalayaal, maanta waa maalin taariikh leh la ogaan doonee maanta maalinteeda waxa aad muteesataan guul iyo khasaaraba. Waxaan Eebbe ka wada baryaynaa in aad ku fashilmin xilkaasi oo aad ku guulaysataan, taariikhda Ummadda Soomaaliyeedna aad baal dahab ah ka gashaan.

Hal heeskiinuna ha noqdon,   “ Soomaaliyeey Toosoo, Toosooy isku tiirsada, maanta waa maalintii hal la’ ahaa.”     

Wabilaahi towfiiq.                                               

e-mail : leego_1952@hotmail.com
Phone: 0044 207 7019066

=(   Hooyo Timiro Cukaash )=

HALGAMAYAASHII UMMADDA SOOMAALIYEED EE SYL GOBOLKA JUBBADA HOOSE ( KISMAAYO ).

QORAALKII HORE: QORAALKII TIMIRO EE 2001-kii

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]

Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..



HTML CD