Cabdullaahi Yuusuf oo
majaxaabiyey ololihiisa doorashada madaxtinimada
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
EPFC, University of Brussels
Email: Ingiriis@yahoo.com
Ololaha
doorashada dalka Mareykanka waxaa dhowaan qalqaliyey xayeysiin la magac
baxday Swift Boat oo ay soo saareen niman howlgab ah oo kala qayb galay
dagaalkii Vietnam musharraxa xisbiga Dimoqraadiga John Kerry.
Raggan, waxa ay
Kerry ku eedeeyeen inuu laayey dad aan waxba galabsan intuu socday
dagaalka. Waxa arrintani ay kalliftay in musharraxa dimoqraadigu si
dhaqso leh warqad ugu qoro Guddida doorashada, taasoo uu ku
weydiisanaayo in la joojiyo Swift Boat.
Saameynta
xayeysiintani yeelatay waxaa ka mid ahaa in kalsoonidii Kerry ay hoos u
soo dhacdo. Sida ay muujinayso aftida ay wadajirka u sameeyeen CNN,
Time iyo Galllup, Bush waxa uu Kerry ka horreeyaa hadda 52%, halka Kerry
ka leeyahay 42%. Waxaa dib laga ogaaday in Swift Boat ay diyaariyeen
xubno Republican ah oo fadhigoodu yahay Texas.
Toddobaadkan iyo kii ka horreeyey, Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah
musharrixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxa uu isu adeegsaday
Swift Boat. Waxa uu muujiyey inuusan taageereynin hadduu guuleysto
ninka uusan isagu jecleyn. Kulankii Soomaalida uu kula yeeshay Sharjah,
waxa uu qeexay inuusan soo dhoweynaynin hadduu guuleysto dadka wax
bartay ee aqoonta leh.
"Cabdullaahi
Yuusuf isagaa isugu filan mucaaradnimo," sidaa waxaa laga soo xigtay
inuu yiri nin aqoonyahan ah oo ay aad isu yaqaannaan. Waxa uu
Cabdullaahi sheegay inuu xoog ku maquunin doono dadweynaha hadduu
guuleysto. Waxaa kaloo uu intaa ku daray inuusan u arag muhiim in Xamar
caasimad sii ahaato.
Qodobkan
waa kan ay mar kasta soo daliishadaan kooxaha ka soo horjeeda
musharraxnimadiisa, waana shakiga shaqsiyan dadku ay ka qabaan. Sidaas
darteed, xeeladahaas Cabdullaahi isticmaalay waxa ay u muuqdaan kuwo aan
marna shaqeynayn. Ma jiro qof macquul u arka inuu codkiisa siiyo
musharrax ballanqaadaya inuu dhiiggiisa daadin doono.
Dad badan
waxa ay is weydiiyaan Cabdullaahi Yuusuf jaceylka uu u qabo
dhiig-daadinta ma wuxuu kaga dayday oo ka iqtiraacay Adolft Hitler iyo
Napoleon Panoporte?
Ninkan,
waxa uu caan ku yahay qabiil-ku-gorgortan iyo qabiil-awr-ku-kacsi.
Qoraagga buugga Sababaha Burburka Soomaaliya, waxa uu yiri "heerka
qabyaaladda Cabdullaahi Yuusuf waxay ku joogsataa kala qaad laba bahood
oo ah meesha ugu dambaysa ee qabyaaladdu ku istaagto."
Lixdii sano
ee uu hortaagnaa Puntland xukunka ka jira waxa uu ahaa mid jabhadeed.
Puntland, waxa ay eedday lix sano oo ay ku hoos jirtay calaacasha
Cabdullaahi Yuusuf, dowladda keliya ee jirtaana ay ahayd isaga (one-man
show Presidency). Waxaa kaloo uu caan ku yahay inuu mar kasta maamulka
siyaasadeeyo.
Inkastoo uu
yahay nin askari/jabhad ah oo aanan ku dhaliili karin muxuu doorashooyin
local ah uga qabanqaabin waayey Puntland, sida Somaliland oo kale
haddana runtu waxay tahay inuusan dhisin haykal maamul. Xitaa hal
instutition uma dhisin dhulkuu xukumayey.
Maalin
walba waxaa Puntland laga soo sheegayaa abaar, iyadoon la ogeyn daqliga
canshuuruhu meeshu uu maro. Weliba Puntland waa gobolka labaad ee
Soomaaliya ku yaalla ee hay'adaha samafalka u ah gabbaadka, marka laga
reebo Somaliland. Dadka eedeeya waxay yiraahdaann dhaqaalihii
maamulkiisa wuxuu u adeegsaday Spesso Politico.
Wasiir ka tirsan
maamulkiisa ayaan hadda ka hor weydiiyey sababta ay u sameyn kari
waayeen tirakoob (consensus) iyo doorashooyin hoose (local elections).
Waxa uu iigu jawaabay "Cabdullaahi hadduu doorashooyin oggolaado, wuxuu
ka baqanayaa cid isaga ka wanaagsani inay soo baxdo, wax walbana wuxuu
ka hormarinayaa ilaalinta kursigiisa, sidaas darteed ma oggola
broad-based scheme ee isagaa wax walba isku koobaya."
Waxa uu
intaa ku daray "Haddii nin masuul ahi gacantogaaleeyo malaayiin dollar
ma daneeyo, haddiise hal siyaasi hadal ku kululeeyo weligii waa gocdaa.
Waa nin dadka hadalka ku maaga, haddii loo jawaabana aan dulqaad yeelan."
Waxaan xusuustay
hadalladii Maxamed Cabdi Xaashi oo ah ku xigeenkiisa oo yiri "Puntland
waa Cabdullaahi, Cabdullaahina waa Puntland." Waxa ay tani iga shaafisay
inaan is weydiiyo halbeegga Cabdullaahi wax ku maamulo.
Waagii aan annagoo
xayn weriyeyaal ah oo isugu jirna Soomaali iyo Mareykan booqannay
Puntland bishii December 2001 ayaa dareenka dadweynuhu waxa uu u badnaa
‘yaa talow idin ka horwareejiya odayga?’
Raggii maalintaas ay
is raacsanaayeen waxaa ka mid ahaa Cabdishakuur Mire Aadan Cobol, Faarax
Duxa-joog iyo Ibraahim Cartan Faarax (Xaaji Bakiin). Saddexdoodii
maanta ninna lama safna Cabdullaahi.
Waxyaabaha
hadda shakigu ka jiro waxaa ka mid ah sababta uu xilka u wareejin la’
yahay, taasoo dad badan u fasiraan inay tahay xeesha kama dambaysta ah
ee uu rabo inuu ku gorgortamo.
Waxaa mudan
in la is weydiiyo halbeegga lagu soo xuli karo Cabdullaahi Yuusuf.
Sidee xilka looga qaadi doonaa haddii Madaxweyne loo doorto maadaama uu
yahay nin ku caan-baxay inuusan aqbalin rabitaanka dadka "will of the
people."
Yaa damaanad-qaadaya
inaan dhiig ku daadanayn sidii Maxamed Siyaad Barre oo kale "qori-caaradiis
ayaan ku qabsaday, qori caaradiis ayaana la igaga qaadi karaa."
Baarlamaanka
cusub shaki baa ku jira sharci ahaanshihiisa
Ingiriis@yahoo.com