SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

Col. Barre  Hirale oo Col. C/Laahi Yusuuf ku eedeeyey in uu gacan Siinayo Gen. Morgan

Col. Barre Adan Shire Hirale oo ah guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba ayaa ku eedeeyey Puntland in ay taageero siinayaan Gen. Moorgan.

"Dhammaan ciidamadaiisa (morgan) waxaa laga soo diray Puntland, kuwaas oo uu ansixiyey Col. C/Laahi Yuusuf Axmed [hogaamiyaha Puntland", sidaas waxaa yiri Barre Hiiraale oo u waramayey hay'ada Qaramada Midoobey wararka uga soo tebisa Koonfurta Soomaaliya. Barre Hiraale waxa uu sheegay in Ciidamada Gen. Moorgan ay kusugan yihiin Bu'aale oo 210 km u jirta Kismaayo, kuwaas oo ka kooban '500-600 oo maleesiyo ah oo wata 31 gaawaarida dagaalka ee loo yaqaan tegnikada' ayuu yiri Berre Hiitraale.

Shegashadaas Barre Hiiraale waxaa beeniyey afhayeen u hadlayeye Puntland, 'haddii aan nahay Puntland wax lug ah kuma lihin in carqaladeyta gobol'na" sidaas waxa yiri Awad Ashara.

IRIN waxa ay sheegtay in laga cabsi qabo in weerarkaasi uu wiiqo baarlamaanka dhowaanta lagu doortay kenya, baarlamaanka oo hadda guddoomiye kumeel gaar ah u doortay Hirsi Bulxan Faarax, oo 83-jir ah. Baarlamaaanka oo lagu wado in uu madaxweyne soo doorto bishan September 22-keeda.

Dhanka kale Bethel Kiplagat (kenya) waxa uu sheegay in ugu dambaynta maxkamad lasoo taagi doono  Gen Muhammad Sa'id Hersi "Morgan" haddii uu weerar ku qaado dekeda Kismaayo.,

ISHA: Guji halkan...

Xaaladda Magaalada Kismaayo

Warar ay werisey hay'adda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xaalada magaalada Kismaayo ay kacsan tahay. Waxaa warku intaas ku daray in 1,200 maleysiyo ah iyo 32 gaari oo ku hubaysan hubka culus oo uu wato General Maxamed Siciid Xirsi Morgan in ay ku siqayaan magaalada dekeda ah ee Kismaayo ayagoo ka imanaya dhanka gobolka Gedo. Waxa arintaas ka jawaabey boqolaal ka soo hor jeeda oo difaac ka galay bannaanka magaalada.

FOGAANTA DHULKA:::
Luuq Garba Haarey 69 km
Garba Haarey Baardheere 129 km
Baardheere Baydhaba 195 km
Baardheere Jilib 260 km
Jilib Kismaayo 114 km
Kismaayo Afmadow 139 km
Kismaayo Dhoobley 195 km

ISHA: khariidada uu qoray Maxamed Abshir Cali.  
 

"Xaaladda magaaladu aad ayey u kacsanayd saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, kaddib markii maleysayadii magaalada joogtey ay bannaanka magaalada uga baxeen si ay u difaacaan magaalada" sidaas waxaa yiri Hussein Timojilic oo u waramayey weriyayaal sida ay werisey Reuters. 

Magaalada Kismaayo waxay 500km koonfur ka xigtaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waana deked ganacsi.

Moorgan waxa uu magaalada Kismaayo qabsaday Sannadkii 2001, laakiin maalmo gudohood waxaa dib uga saaray isbahaysiga Dooxada Jubba, kuwaas oo markii hore Moorgan magaaladaas ka saaray sannadkii 1999 kaddib markii uu halkaas ka talinayey lix sano.

Warkaas waxaa hay'ada wararka ee Reuters siiyey Mohamed Ali Bile, cinwaanka warkaasina waxa uu ahaa:
Tension rises around southern Somali port

Moorgan oo Ku Siqaya Kismaayo

Sida ay werisey BBC-da qaybta afka Ingiriisiga ee UK, ugu yaraan 50 gaari oo ah kuwa gaashamaan oo ah ciidamada Morgan ayaa la sheegay in ay joogaan meel u dhow Kismaayo. Waxaa warku intaas ku daray in Isbahaysiga Dooxada Juba ay difaac ku jiraan isla markaasna uu halkaas Axadii shalay iska hor imaad u dhexeeya labadaas qaybood uu ku dhexmay aagaas. EEG Militia advances on Somali port

Wixii kusoo kordha wararkaas: Ha eeg halakan.... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2004


Dowlada Soomaaliyeed waxaa la dhisi doonaa bishan dhamaadkeeda
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka ee KMG oo u warameyey... Guji...

Baaq ku Wajahan Warkii Amb Kiplagath ee Gen  Morgan
Haddii Kiplagath Ku Adkaysto Hanjabaadiisa Waxaan Qaadicidoonaa Dowlad Lagu soo Dhiso Kenya... Guji... Sept 6

500 oo arday oo Seminaar loogu soo Gabagabeeyay  Laascanood
Waxaa siminaarka lagu soo gabagabeeyay machadka Al-imaam Al-shaafici ee magaalada L/caanood... Guji.. Sept 6

Riyaale Wuxuu  Sanadkii Mushahar u Qaataa 0.5 Million
Sidaas waxaa yiri...
Guji...

Soomaalida Minneapolis oo $160,000 ugu Deeqay Mashruuca Abuubakar
Soomaalidii xalay isugu timid mu'tamarka ka socda Minneapolis ayaa mashruuca Abuubakar u ballan qaaday in.. Guji... Sept 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD