Wareysi aan la
yeelannay nin 15-sano degganaa Dalka Sucuudiga
"Joornaalka
ay ku sawiran yihiin dhalinyaradaan waxa aan ku soo helay qaab
la yaab leh.." A.M.
Aadan
Iyadoo maalmahaan la
hadal hayay dilkii foosha xumaa ee dhallinyarada Soomaaliyeed
loogu geystay dalka Sucuudiga ayaan si aan wax uga ogaanno
waxaan wareysi la yeelannay nin 15-sano degganaa dalka Sucuudiga,
waxaana wax ka weydiinnay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo
Sucuudiga, waxaana ninkan oo magiciisa ku soo gaabiyey A.M Aadan
diideyna in uu dhameystiro arrimo dhinaca amaanka ayaa sheegay
in shacabka Sucuudiga iyo dhiggiisa Sucuudiga uu ka dhexeeyo
xiriir wanaagsan, balse dhinaca dowladda uu xiriirkaa yahay mid
aad u xun, isagoo sheegay in ay ka door bidaan dadka Islaamka ah
kuwa Gaalada ah, tusaale ahaan waxa uu sheegay A.M. Aadan
1989-shir lagu qabtay magaallada Daa’if ee Sucuudiga oo ay ka
soo qayb galeen dhammaan Madaxweyneyaasha dalalka Islaamka ah
ayaa madaxweyinihii waqtigaasi ee dalka Pakistan Ziyaa Al-Xaaq
waxa uu Boqortooyada dalka Sucuudiga u soo jeediyey in dadka
aqoonta leh ee ka imaanaya waddammada Islaamka ay siiyaan shaqo,
waxaana markiiba u jawaabay Boqor Fahad, wuxuuna yiri “Ninkaan
doonno ayaanu siinaynaa shaqo, laakiin shaqsi ula mucaamili
mayno qof Muslim ah”, taasina waxay ku tusineysaa buu yiri in
Sucuudigu uu aad u daneeyo dadka Gaalada ah.
Dadka Soomaaliyeedna dowlad
la’aanta ayaa u keentay in ay macaamil la yeeshaan dhinaca
xukuumadda, tusaale: Nin Soomaali ah oo darajadiisu ahayd Col.
una shaqeynayay safaaradda Soomaalida ee Sucuudiga ayaa nin
Askari ah oo Sucuudiyaan ah ugu soo galay gurigiisa 1993-kii,
markiibana xabbad ayuu ku dhuftay, hase yeeshee waxaa dhacday in
ninkii Sucuudiyaanka ahaa ee askariga ahaa la qabtay, waxaana ay
dowladdu hadal ka soo saartay arrintaasi, iyadoo ku tilmaantay
ninkii Askariga ee Sucuudiyaanka ahaa nin tuug ah oo aan akhlaaq
ahayn. Mar aan wax ka weydiinnay qaabka baaritaanka loogu
sameeyo dadka dembiyada gala ayaa waxa uu A.M.Aadan ku jawaabay
“Sidey doonaan oo ay maslaxaddoodu ugu jirto ayay baaritaankaasi
u sameeyaan, ninka Qareen-ka ah siduu doono oo ay dowladdu
raalli ka tahay ayuu wax u socodsiiyaa”.
Mar aan wax ka weydiinnay
lixdii dhallinyarada ahayd ee dhowaan looga jaray dalka
Sucuudiga waxa uu A.M. Aadan ku jawaabay “U malayn maayo in
dhallinyaradaasi lagu fuliyey xukun caddaalad ah, waayo
shareecada Islaamku waxay dhigeysaa in ninka tuugga ah gacanta
laga gooyo, laakiin qofkii dembi weyn oo jarriimo ah gala taasi
waa qoor gooyo”.
Ehellada dhallinyaradii qoorta
looga jaray dalka Sucuudiga ayaa waxa ay sheegeen in wiilashooda
si qarsoodi ah loo dilay oo maalin aan ahayn maalinta
qoorgooyada xitaa qudha laga jaray, mar aan A.M.Aadan arrintan
dambe aan wax ka weydiinnayna waxa uu yiri “Waxaan ogahay in
dalka Sucuudiga dadka muteysta dembiyada qudha la isaga gooyo in
marka laga soo baxo salaadda Khudbadda Jimcaha ah meel fagaare
ah qoorta looga gooyo”.
Waxaa kale oo uu A.M wargeyska
soo gaarsiiyey Jaraa’id ay ku sawiran yihiin 10-qof oo Soomaali
ah, indhahana ka xiran, laguna soo sawiray wargeyska Cukaad
1991-kii, waxaana weydiinnay sida uu ku helay Jaraa’idkani,
waxaana uu yiri “Anigoo maalin fadhiya xafiiska shirkad aan u
shaqeynayay ayaa la keenay jaraa’idkaasi, waxayna markiiba
indhahaygu qabteen tobankaasi qof ee Soomaalida ah ee indhaha ka
xiran, gabarina ay ku jirto, markiiba waxaan la baxay qaybtii ay
arrintaasi ku qornayd, waxaana dhacday in ninkii qaybinayay uu
arkay dad kale oo eegaya sawirrada dembiileyaashaasi, isla
markiiba waxa uu sheegay in ninkii jaraa’idkaasi horey u
qaybiyey uu mar kale dib uga soo urusaday dadkii uu siiyey,
arrintanina waa mid ay si aad ah uga fajeceen ummadda
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
“Dadku dembi way
geli karaan, laakiin inta sawir laga qaado, indhahana laga xiro
jaraa’idyada lagu soo sawiro waa wax aan ku wanaagsanayn diinta
Islaamka iyo xuquuqda Aadanahaba” ayuu yiri A.M.
Waxaan wax ka
weydiinnay qaabka uu jaraa’id-kani ugala soo baxay dalka
Sucuudiga, wuxuuna ku jawaabay “4-sano kaddib markii uu soo
baxay jaraa’idkaasi ayaan boorso aan lahaa inta qaybteeda hoose
jeexay, halkaasi ku soo qariyey, waxaana arrintan u sameeyay in
marka ay noo dhalato dowlad Soomaaliyeed aan Sucuudiga kula
xisaabtanno arrintan, gaar ahaan xukuumadda”.
Dhammaan dadka
jaraa’idka ku sawiran ayuu sheegay A.M. Aadan in uu jaraa’idku
ku tilmaamay in ay ahaayeen ciidammada qalabka sida ee
Soomaali-yeed, xitaa gabadha waxa uu ku sheegay in ay ahayd
Askariyad ka tirsanaan jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,
waxaana A.M uu sheegay in uu aflagaaddo xoog leh kula kacay
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo beeniyey in dadkaasi
ka tirsanaayeen ciidanka xoogga, waxaana uu caddeeyey in A.M
Aadan kaddib uu maqlay in dadkii jaraa’idka lagu soo sawiray
qaarkood la laayay, halka qaar kalena ay xabsiyada ku jireen.
Isku soo duuboo dadka
soomaaliyeed ee ku xir xiran dalka Sacuudiga waxaa lagula kacaa
tacadiyo farabadan oo ka baxsan shareecada islaamka iyo
xaquuqul insaanka qaarkood muddo fog ayey isaga xiran yihiin
wadankaas sidaa darteed shacabka soomaaliyeed ma hilmaami
doonaan dhalinyaradii 4 bishan sida gardarada ah qoorta looga
gooyey dalka Sacuudiga waxayna kala yihiin dhalinyarada
Magacyadooda Cali Shiikh Yuusuf, C/fitaax Cali Xasan, C/llaahi
Aadan C/llaahi, C/nuur Max’ed Weheliye, C/llaahi Xasan Cabdi iyo
Xuseen Haaruun Max’ed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya