SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
C/WAAXID KHALIIF MUXUU XAL U ARKAA?

Salaamu calykum

Salaan ka dib, walaalayaal dhowaanahan Dadka Somalidu waxa ay Shabakadaha wararka ku soo qorayeen qoraalo iska soo horjeeda kuwaasoo qaarna taageerayeen Madaxweyhana DFKM iyo Ra'iisal Wasaaraha oo dhinac ah qaarna taageerayaan qabqablayaasha Muqdisho iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah.

Walaalayaal  marka hore, sideedaba arin marka ay timaado dadkuna ay ka wada hadlayaan waxa wanaagsan in dhinacayo badan laga eego oo la rogrogo, si loo helo xalka ugu fiican ee laga qaadan karo arintaas.

waynu la soconaa xaaladda Somalia sida ay tahay iyo halka ay maanta taagan tahay, 15-kii sanadood ee igu danbeeyay, xaaladda Somalia ma ay deganayn xadgudubyada ka dhacayna waynu og nahay.

inta jeer ee la isku dayay in  Dawlad dhexe loo sameeyo Somalida oo loo qabtay Shirar waynu og nahay dhamaanteen, shirkarkaas qaar way fashilmeen, oo miiskiiba ma soo dhaafin, qaarna waxbaa ka soo baxay oo Dawlado ayaa lagu soo dhisay, sida tii CARTA,  waxaase xigay inay dawladahaasi socon waayaan, si kasta ha ahaato arintu, caqabada ugu wayn ee hor istaagtay inay dawladahaasi shaqayn waayaana waxa ay ahayd arinta MUQDISHO.

Magaalada Muqdisho, waxaynu og nahay in cidna aanay maamulin oo gacanta ku hayn, waxa kaliya ee ka socdaana ay tahay qofkii xoog badan in uu inta kale xukumi karo, dadka Somaliyeed hantidoodii, guryahoodii, maalkoodii iyo wax alla wixii qaranku lahaa  ee 50 sano ka badan la soo tabcayay waxa ay gacanta ugu jiraan Shakhsiyaad gaar ah, Walaalayaal  marka arinta daacadda laga yahay waxba ma xumaadaan.

Malaayiin Soomaali ah oo aan waxba galabsan ayaa muqdisho iyo meelo kale oo soomaaliyeed lagu laaayay, waxa dhacay xad gudub kii ugu xumaa oo Qof lagula kaco, intaas oo dhan ayaa hadana  kooxaha muqdisho joogaa aanay wali diyaar u ahayn in Dawladd la helo hadii aanay iyagu ahayn kuwa madaxda ka noqonaya dawladaas.

marka hadii imika la yidhaahdo aynu xamar tagno umana baahnin wax  ciidan ah, oo muqdisho la tago, oo madaxweynaha, Ra'iisal wasaaraha iyo dhamaan barlamaanku ay is wada raacaan,  miyay idinla tahay in si nabad galyo ah wax loo qaban karo, waxaan filayaa in  jawaabta su'aashaas lagu kala duwanaan karo xaqiiqaduse waxa ay tahay in aan si nabad ah loogu hawl gali karin muqdisho.

Qofka insaanka ah marka uu waxa mustaqbalka qiimayn ku samaynayo, waxa uu u baahan yahay inuu helo xog(Data) ku saabsan wixii hore u dhacay si uu u odoroso waxa dhici kara mustaqbalka dhow.

hadaba iyada oo  taas aan  ka duulayno waxa hore aynu u baranay  oo marar badan aynu aragnay in Raga Muqdisho joogaa ayna marna   ogolaanayn in ay dawlad timaado  kuna  wareejiyaan hubka, waxa kaliya ee ay ku qanci karaana ay tahay in ay iyagu gacanta ku hayaan dawladaas.

Shalay arintu waxay taagneyd ma doonayno Itoobiya, maantana waxay taagan tahay gebi ahaanba ma rabno ciidan ajnabi ah waana la jihaadaynaa haday cag soo dhigaan dhulka

Hadaba maalmahan waxaad arkaysaa dad soo qoraya qoraalo dadka shicibka ah lagu kicinayo, kuwaasoo intooda badan aan loo meel dayin.

waxa aan marar badan la yaabay qoraalada ay soo qoraan walaaladay DR HIRAABE iyo C/WAAXID KHALIIF. inta badana waxa ay taageeraan Indha Cade, Daahir Awees, iyo Qabqablayaasha, iyaga oo dhanka kale ee Dawladana ku sheegaya xumaan.

Akhristoow Garanay in Qofku taageero meesha uu u arko dan inay ugu jirto, waxaase is waydiin mudan C/waaxid Khaliif iyo qayrkiis sidee ayay  wax u rabaan

  • ma in aan Dawlad la helin oo wadanku bilaa dawlad ahado oo fowdo lagu jiro  ayuu rabaa
  • ma in aan hubka la gurin oo dawladu Magan u noqoto Kooxo hubaysan ayuu rabaa.
  • ma in dawlada hada la burburiyo oo cid kale madaxweyne loo doorto oo Fowdo Hor leh la galo ayuu rabaa

si kasta isu waydiiyay nimankaasi waxa ay rabaan, waan waayay jawaab aan u helo oo aan ka ahayn inay taageraan kooxaha Muqdisho, hadii ay jawaabtiisu tahay waxaan rabaa in aan Itoobiya la keenin wadanka, qoraaladiisa maka muuqdaan dhexdhexaad nimo iyo Daacadnimo arinta taagan ah? wali ma aan arag qoraal ay kula hadlayaan kooxaha muqdisho iyo sidii  xalku noqon lahaa waxa kaliya ee aan ka arko ee  uu soo qoro waa isaga oo dhinaca Madaxweynaha iyo Dawlada ka hadlaya kaliya?.

waxay aniga ila tahay Dawladani waa Curdin waxa ay haysataana waa 5 Sano, mana rabno 5 sano oo danbe oo umada ka khasaarta, marka Dawlada ha loo daayo arimaheeda sida ay wax u xalinayso iyadaa taqaan sow looma dhiibin masuuliyadeeda.

oo halaga daayo qoraalada dacaayada ah ee dadka kicinaya  ogow Qoriga mooryaanku haysto oo kaliya maaha waxa fidnada wadaa, 5-ta sano hadii ay dhamaato markaas halagula xisaabtamo dawladu waxay qabatay haday wanaag tahay iyo haday xumaan tahayba.

kolay sida ay wax noqonayaan waxa ay u taallla wadamada IGAD ee soo waday Shirka 2-da sano hantida badana ay kaga baxday, waxay ila tahay in aan cidna laga  yeelayn in dawladu burburto iyaga ayay u taalaa siday wax yeeli lahaayeen.

waynu eegnaa sida wax noqdaan,  

Salamu calaykum

Faysal Siciid Warsame
Hogolroob@hotmal.com, Daljir_7@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Haddii Suudaan Ciidan u soo Direyso Soomaaliya.. [C/Waaxid]

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

»KAFAN!! MISE KABO?? (Faallo) [Inj. Nabaddoon]
»Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.1-aad) [Eelay]
»Midgaankii Cali Khaliifow calankaa ha dhaco! [Eelay] 
»RRA, markaan Indhocade ha ka horeeyso dhulka Digil.. [Dirir]
»Intay Fidno Abuuri lahayd, Ha Fashilantaa ka Roon [Garaad]
»Siyaasada iyo indho sarcaadinta soo dhaweynti Muqdisho [Jagne]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD