SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 Wararkii: Agoosto 27, 2006
  • Warbixin ku Saabsan Heerka uu Marayo ololaha Baaxadda leh ee Nadaafadda Gobolka Banaadir
  • Garowe: Mudaharaadka dhanah wasiirka waxbarashada Puntland oo ay soo abaabuleen ardayda Gambool oo ka dhacay Garoowe....

Warbixin ku Saabsan Heerka uu Marayo ololaha Baaxadda leh ee Nadaafadda Gobolka Banaadir

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu si xawli ah uga socdo ololaha nadaafadda gobolka Banaadir, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan dadweyne boqolaal ruux kor u dhaafaya kaddib markii midowga maxaakiimta islaamiga ah ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Muqdisho ayaa waxa uu haatan ololahaasi marayaa heer dhex-dhexaad ah iyadoo wejiga koowaadna lagu wado in la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda.


Nadiifinta Muqdisho


Qashinka

Goobaha uu sida xawliga ah uga socdo ololahaasi ayaa waxaa ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood oo ay ku jiraan kuwo 16kii sano ee ugu dambeeyay si weyn loogu dagaalamay, isla markaana haatan ah kuwo bur-bursan oo ay hareeyeen qashin iyo carro iyo weliba geedo aad u waaweyn oo nuxur tiray quruxdii iyo bilicdii lagu yiqiinay magaalada Muqdisho.

Waxaa ii suurto gashay inaan wareysi la yeesho mid ka mid ah xoogagga ku howlan ololahaasi oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbiyada is beddel doonka ah ee ka jira Muqdisho gaar ahaanna xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Cali Tima-jilic), waxaana wax ka waydiiyay sida uu haatan u socdo ololahaas iyo cidda gacanta ku siisa, wuxuuna ku jawaabay "Sidaad arkeyso maanta waxaan mareynaa shinemo Somalia, waddadii weyned ee Maka Al-mukarrama, waxaana howshan ka soo billownay barxaddii weyned ee ex-baarlamaankii hore ee Soomaaliya ee dalka jirka Dahsoon, waxaan ku soconaa dhinacaa iyo Km4,   waddadaana waxay aheyd mid xiran muddo 16 sano ah kaddib markii Ilaahay na siiyay saxansaxada dabeyshan udgoon ee nabad gelyada magaalada Muqdisho, annagu haddii aan nahay midowgii xisbiyada isbeddel doonka Soomaaliya waxaan isku xil qaannay oo aan isku soo bannaan bixinay inaanu ka faa'iideysano arintaas, waxaana faa'iido ah in guulaha laga gaaray isku furidda waddooyinka ka mid ah in maanta waddadan Maka Al-mukarrama uu saaran yahay gaadiidkii BL-ka ahaa ee dadweynaha oo ka soo qaadaya ilaa Baar Shabeelana geynaya si nabad ah, dadweynuhuna waxay waddadan ugu socdaan sidii berisamaadkii, xaruntayaduna waa gurigii hore ee haweenka, halkaas ayaana ka soo ambaqaadnay howshan aan wadno, howsheenuna waa howl iskaa wax u qabso, ma ahan barnaamijkan midkii ay wadday hay'adda waddaniga Saacid kaasoo aan u aragno inuu dib u dhac u yahay dalka horumarkiisa, waayo haddii qashinka lacag lagu qaado waa mid ku soo noqonaya, waxaana aaminsanahay qashin haddii lacag lagu bixiyo inuu qashin dhalayo, waxaanu leenahay barnaamijkaas qashinka lacagta lagu qaadayo wax kale ha loo beddelo sida warshado, warshadahaasna shaqaale looga abuuro dadka danyarta ah, waxayna noola muuqataa in halkaasi wax laga bilaabo, balse maanta haddii la yiraahdo shaqaalaha ayaa waxaa laga bilaabayaa iskoobe, waa meel aad u hooseysa,  waxaana ogahay inaan 15 sano dib u dhacnay oo aan dadkii ka harnay, waxaana soo jeedineynaa wixii dadkan wada howsha nadaafadda loo qabanayo ay noqdaan wax kaalmo ah, waxaana ka soo horjeednaa in mushaar lagu qoro iskoobe, annaguna ma nihin kuwo wax ku doonaya howshan, mar haddii nabaddii aan muddada dheer ku taamaynay ay dib noogu soo noqotay, maxkamaduhuna ay yiraahdeen annaga ayaa ammaanka sugeyna waa mid aan ku qanacsanahay.  Waxaa la og yahay inaan horay uga soo shaqeynay garoonkii weynaa ee Muqdisho iyo dekeddii caalamiga aheyd kuwaasoo haatan furan, sidoo kale waxaan wax ka qabanay masaajidkii weynaa ee isbahaysiga oo 16 sano aan lagu tukan, maantana aad arkaysid sida uu yahay, taas Ilaahay baan wax uga dooneynaa ee bini'aadam wax uga dooni mayno, waxaana naga go'an inaan dib u soo ceshano bilicdii magaalada Muqdisho.


Shaneemo Soomaaliya

Gurigii shaqaalaha

Waxaa la waydiiyay cidda gacanta ka siisa howshan oo ay taageerada ka helaan, wuxuuna ku jawaabay Timajilic "Cid aan gacan ka helnaa ma jiraan, waxa kaliya ee aan wax waydiinayna waxay aheyd hay'adda waddaniga ah ee Saacid oo qeyb ka ah ololahan, taasoo aanu weydiisanay inay naga caawiso qalabkii wax lagu xaaqi lahaa sida badiiladii, gaari gacmeedkii, dambiiladii, taasina nooma aysan suurto gelin oo waa ay noo diideen, waxaana u aragnaa in howshan aan wadno ay tahay mid dadka oo dhan ka wada dhexeysa sida ganacsatada, hay'adaha Qaramada Midoobay sida WHO iyo UNiCEF, waxaana leenahay dadkan howsha wada gacmahooda ayay wax ku xaaqayaan waa inaad na siisaan badiiladii, fargeetooyinkii, iskoobayaashii iyo wixii loogu talo galay in dalka lagu nadiifiyo, haddii ay baqaar isaga jiraan oo aan looga shaqeyn dalka waxba tari maayo, aad iyo ayaan ugu baahanahay ciddii gacan nagu gacan siinayso, balse hadda ka hor ma jirto cid naga gacan siisay.  

Waxaa la waydiiyay Guddiga ololaha nadaafadda ee hoos taga midowga maxkamadaha islaamiga ma idinkala qeyb qaata miyaa howshan aad waddaan xisbi ahaan, wuxuuna ku jawaabay "Waad ogtahay golaha maxaakiimta islaamiga ah lacag ma haystaan, qalab ma haystaan, masuuliyadda qaranka ayay horsocdaan oo ay hormuud ka yihiin, qaran markuu cusub yahayna axsaabta siyaasadeed, kuwa nabadeed iyo dadweynaha ayaa taageera, annagu waxaan nahay axsaabtii ugu horreysay ee taageerta ayaanu nahay, ayaguna wax xoolo ah ku eedi mayno, laakiin howsha way nala wadaan, wax walba oo aan u baahanahayna waan uga saacidaan gaar ahaan dhinaca amniga, waana u mahad celineynaa, balse cidda aan dhaliilaynaa oo aan gacan ka waynay waa hay'adaha localka ah iyo qaramada Midoobay iyo ganacsatada oo iska indho tiraya dadka iskaa wax u qabso ku shaqeynaya, waxaana soo jeedineynaa in la dhiirageliyo dadka sida mutadawacnimada ah ku shaqeynaya, si qarankii dib ugu soo noqdo oo uu uga daba tago dadkii naga tagay, warshadihii iyo ganacsigii dalkana dib loogu soo celiyo.

Waxaa la waydiiyay waxyaabaha ay qabato hay'adda waddaniga ah ee Saacid dhinaca nadaafadda, wuxuuna ku jawaabay "runtii xaafadaha Muqdisho min boqol qof ayay ka howl gelisay, waxayna jecel yihiin halkii buur oo ciid ah meel laysugu geeyo inaanay ka dhammaan muddo bil ah oo ay boqolkaasi qof bishaas mushaar ku qaataan, tabeelooyinkoodii meel walba waa suran yahay, wax howl ahna kama socdaan, waxaana loo baahan yahay in la ogaado in tabeelle ay ILO ku qoran tahay wax ma nadiifiyo, shaqo ayaa loo baahan yahay, annagu tiro ahaan 800 qof ayaanu nahay, waxaanu is leenahay 800 oo kale ayaa ku soo biiraya isbuuca soo socda, howshan waxaan rabnaa in si mutadawacnimada ah wax looga qabto oo lagu wareejiyo midowga maxaakiimta islaamiga, laakiin waxaad mooddaa in hay'adda Saacid ay jeceshahay inay xagal daaciso howshii la rabay inay muddo hal bil ah ku dhamaato, annagu waxaan soo jeedinaynaa in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si mutadawacnimo ah wax uga qabtaan, waxana haya'daha gudaha iyo dibaddaba ee haysta dhaqaalaha u soo jeedineynaa inaysan daaqadda naga fiirsan ee ay wax nala qabtaan, waxaana arrintaasi dhowaan u gudbin doonaa dacwad ka dhan midowga maxkamadaha Islaamiga, waxaana uga digayaa goobihii horay loo nadiifiyay inaan mar dambe qashin loogu soo shubin ama aanay dhallinyarada ku cayaarin kubbadda, taasina waxay keeneysaa in mar kale qashinkii la nadiifiyay uu dib ugu soo noqdo, adduunkana waad ogtihiin baakad sigaar ah looma oggola in lagu rido meel aan ku habbooneyn ganaax ayuuna ku muteystaa qofkii arrintaasi sameeya.

Muuse Maxamuud Jiisow somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya |   002521576666 /002521653623


Garowe: Mudaharaadka dhanah wasiirka waxbarashada Puntland oo ay soo abaabuleen ardayda Gambool oo ka dhacay Garoowe....

AGoosto 26: Mudaharaadkii ugu waynaa oo ay soo abaabuleen ardayga gobalka Nugaal gaar ahaan kuwa dugsiga sare ee Gambool ayaa maanta kadhacay magaalada Garowe.

Ardaydan ku mudaharaadaysay wasiirka waxbarashada ayaa ka dhan ahaa sidii uu wasiirku isku casili lahaa isla markaana ay ugu baaqeen in uu soo gudbiyo imtixaankoodii  oo lakeenay nadijadii sixitaanka imtixaanka kaasi oo uu wasiirku ku tilmamaay in uu yahay imtixaan laqishay oo aan suurta gal ahayn in arday gobalka nugaal ahi aysan marna keeni karin natiijada la soo gudbiyay taasi oo ka caraysiisay ardayga iyo guud ahana  shacab waynaha puntlandoo ay ku tilmaameen in wasiirku uu ku gor gor tamayo natiijada imtixaanka sida ay ardayduba carabaabeen. 

Si kastaba ha ahaatee mudaharadkaan ay ardaydu dhigeen maanta  waxay socod kumareen wadooyinka waawayn ee magaalda  garowe iyaga oo muujiyaya mudaharaad nabad galyo kii ugu waynaa hadana ugu hufnaa isla markaana ka dhan ah wasir ka mid ah wasiirada puntland.

waa markii 3aad  ee mudo sadex bilod ah gudohood lagu mudaharaado wasiirka waxbarashada Puntland, horay ayay labajeer macalimiinta puntland ugu banaanbaxeen wasiirka iyaga oo ka cabanayay si xun oo uu wasiirku ula dhaqmay.

Ardayda mudahaaradaysay ayaa waxay waayeen hal wasiir ama mas'uul katirsan puntland oo la hadla intii ay ku guda jireen mudaharadkooda maanta taasina waxay ku kaliftay in ay afka isaga shubaan guriga islaan ciise islaan maxamed oo ay hordhigeen cabashadooda.

Islaan ciise islaan macamed ayaa ugu baaqay ardayda in ay isdajiyaan islamarkaana ka balan qaaday in uu u soo dhicinayo xaqooda ka maqan waxana  uu labalamay in malainta isniinta ay ardaydu iska soo xulaan gudi la xaajooda islaanka oo ka dhaadhiciya waxa kamaqan iyo waxa ay doooonayaa si buu yiri islaanku aan u raad raaco muradkiina. 

kala soco mardhaw insha alla asawirada mudaharaadka maanta.

A/rizak koronto
Garoowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 27, 2006

»BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA
Shir ay shalay galabnimadii isugu yimaadeen wax-garad ka soo jeeda gobollada Puntland oo deggen magaalada London ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo ku kala wajahan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo... AKhri....

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 26, 2006

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD