SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..


Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalka Itoobiya Kusoo Qaaday Soomaaliya.
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Soomaaliya

:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


Shabakadda The Conservative Voice oo ka hadleysey dagaalka uu Zenawi ku qaaday Soomaaliya, waxay tiri Eygii Waalaa Meles Zenawi oo Dagaal ku dhawaaqay... AKhri

  • Wararkii Dec 25, 2006

Ciidamada Itoobiya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Dec 25, 2006: Saakay subaxnimaddii ayaa guuxa diyaaradaha Ciidamada itoobiya laga maqlay hawada Magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradahaasi ay argagax geliyeen dadweynaha ku nool magaalada.

Diyaaradahaasi ayaa markii dambe waxay gantaal ku dhifteen garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarkaasi dhaawac ka soo gaaray Haweenay kuwa nadiifiya garoonka ka mid ah, waxayna duqeyntu markii ay socotay garoonkaasi aysan ku sugneyn wax diyaarado ah, iyadoo garoonka isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo ka careysnaa weerarkaasi kuna tilmaamay mid nafla caarinimo ah, waayo waxay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay ku jabeen dhinaca dhulka.

“Shacabka Muqdisho horey u soo arkeen duqeyntii ciidamada Mareykanka ee sanadihii sagaashameeyadii wax guul ahna kama aysan gaarin” ayuu yiri nin odey ah oo aad uga careysnaa weerarkaasi oo u soo jeediyey shacabka Muqdisho inay ogaadaan in diyaarad aan waxba lagu qaadi doonin.

Hawlihii garoonka ayaa dib u bilowday, waxaana garoonka ka soo degay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir oo iyagu la sheegay in ay ka yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka soo degay Garoonka Muqdisho...

Waxaa  garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo degay labada mas’uul ee ugu sareysa golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Intii aysan soo degin mas’uliyiintaani ayaa waxaa garoonka duqeeyay diyaaradaha Tikreega oo waxyeelo aan sidaasi u weyneyn gaarsiiyey Garoonka, balse markii dambe, waxaa Garoonku uu dib u bilaabay hawlihiisii, waxaana ka ka soo degay dhowr diyaaradood.

Soo labaashada mas’uuliyiintaan ayaa waxay dardargelineysaa dagaalka lagula jiro ciidamada Xabashida ee ku soo xad-gudbay dalka Soomaaliya, waxaana markiiba bilowday abaabul kii ugu balaarnaa oo looga hortagayo ciidamada Xabashida.

Guddoomiyaha Shuurada ayaa markiiba labistay tuutihii ciidamada, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u aado goobaha dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ayaa waxay sheegayaan in dagaal aad u qaraar uu ka socdo Aaga Daynuunaay oo iyadoo ciidamada Maxaakiimta ay horey ugu dhaqaaqeen dhinaca Magaalada Baydhabo, waxaana la maqlayey rasaasta xoogga leh ee ka soo dhaceysa dhinaca Maaya-Foolka.

Dhinaca Bandiiradley waxaa isna ka socda dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayo hubka culus iyo midkiisa fudud, waxaana la sheegay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada xabashida lagu soo riday jiidda dagaalka ee Bandiiradley.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Bandiiradlay

 
Dagaalkii ka dhacay shalay magaalada Bandiiradlay ayaa ahaa mid culus oo aan waxba la isu reeban, la isuna adeegsaday Diyaarado.
 
Bandiiradlay waa magaalo aan sidaa u waynayn ciidamada Soomaalida waxay ka joogeen dhina koonfureed ee magaalada, kuwa Itoobiyaanka ahna waxay joogeen dhinaca Waqooyiga magaalada, waxay noo sheegeen masuuliyiin wargal ah in lagu jabiyey ciidan kii lugta ahaa, lagana kiciyey goobahoodii loona gaystay ciidamada cadawga Itoobiya khasaare lixaad leh.
 
Wararka ayaa tibaxay: Tirada dhimashada marka la isku daro Gaalada iyo gaalo raacyadaba waa in kabadan 31, waa sida warku u dhigay'e, dhinaca dhaawacana waa in kabadan sideetan. "Sida uu noo sheegay qof isbitaalka Gaalkacayo isagu tagay. Sidoo kale waxay wararku intaa kudarayaan in diyaarad kuwa dagaalka ah dhaawac laga gaar siiyey Cadowga soo duulay aana la hubin meesha ay ku danbaysay - balse warar dhowaan soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaraddaas la soo ridey kaddib markii ciidamada diffaaca Soomaaliyeed ay gantaal la heleen.
 
Dhinaca Mujaahidiinta Soomaalida waxaa ka shahiiday 4 waxaana ka dhaawacmay tiro aan gaarin 10. Xaaladda Bandiiradlay ee hadda Ciidamada Soomaalida waxay ku soo noqdeen fariisimahoodii, dib ayey uga soo gurteen meelihii ay shalay gaareen, kuwa Cadowga Itoobiyana waxay iyana ku soo dhawaadeen meelihii shalay laga kiciyey. Xaalada ayaa daganayd Saaka, markii warkan la qorayey.
 
Iidaale
 
Iidaale waxaa ka dhacay dagaal aad iyo aad u kharaar aadna loogu isticmaalay madaafiicda goobta. waxaa la riixay ciidamada Itoobiya lana jabiyey, waxaana lagaar siiyey khasaase laxaad leh. Dhimashada loo gaystay ayaa ah mid aan xad lahayn maydka ayaa daadsan goobahii laga kiciyey, wararka ayaa intaa ku daraya inay Ciidmada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah ay cagta mariyeen ciidan Itoobiyaan ahaa oo dhabar jabin loogu soo diray. Sidoo kale warar aad u xoog badan ayaa sheegaya in laga dilay Itoobiyaanka laba Genaral kadib markii si gaadmo ah taliskoodii loogu tagay.
 
Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabtay goobahoodii hore dhinaca iidaale xeelad dagaal darteed, marka la isku soo duubo khasaaraha lagu gaarsiiyey Ciidanka Itoobiya, waana mid aan qarsoomi doonin lagana dareemi doono dalka Itoobiya. waasida warbixinta aan ku helay.
 
Dhinaca Puntland sidee looga arkay Dagaalka Itoobiya kusoo qaaday Soomaaliya.
 
"Waxaa nasiib daro ah in maanta Airporkii loo dhisay in Soomaaliya laga difaaco maanta laga weerarayo Soomaaliya, Airporka Gaalkacayo inay ka kacaan diyaaradaha Itoobiya waxay noo tahay dadnimo xumo" sidaa waxaa yiri qof reer Puntland ah oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin, sidoo kalena mid kale ayaa yiri" waxaa meesha ka baxay in reer Puntland loo sheego waxaa idin soo weeraraya Maxaakim ama hawiye, kaddib markii Itoobiya cadaysay maanta inay Soomaaliya dagaal kula jirto, isticmaalaysana Gaalkacayo oo Puntland maamusho" shacabka reer Puntland intiisa badan ayaa aad uga xun sida guracan ee Maamulka Puntland u maamulayo siyaasadda iyo in ay saldhig u noqdaan cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya inuu maanta Soomaaliya ka duqeeyo Puntland, waliba shacabka reer Gaalkacayo ayaa waxay soo xasuusteen markii dagaalkii 1977 uu socday ee ay ka carari jireen markay maqlaan guuxa diyaaradaha cadowga, ayna ka nasteen markii la ebyey saldhiga cirka ee magaalada Gaalkacayo, kaasoo maanta Itoobiya Isticmaalayso.  
 
Dhinaca daynuunay
 
Wararka kusaabsan Daynuunay dib ayaan ka soo sheegi doonaa.
 
Gababada warbixintaan ay qaybta wararka ee Somalitalk isku soo duba riday ayaan markasta idiin soo tabin doonaa hadba meesha xaalada cusub ee uu galay dalka Soomaaliya.

Soomaaliya oo La Soo Weeraray
Somalia Under Attack

  • Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya
  • Sarkaal Itoobiyaan ah lagu diley Gudaha Baydhabo
  • Ciidamada Itoobiya oo markii ugu horeysey u isticmaaley Dagaalka Diyaaradaha..
  • Askar Itoobiyaan ah oo ka baxsaday dagaalka oo gaarey wadanka..
  • Banaanbax looga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay..
  • Maamulka Puntland oo si weyn looga dareemey dagaalka u dhaxeeya..
  • Dowlad Kenya oo dooneys in ay kala dhexgasho Itoobiya iyo soomaaliya..
  • Maalinta Carruuta Soomaaliyeed oo laga xusey Dalka..
  • Wasiirka arrimaha dibada Sweden oo walaac ka muujiyey dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya

Wararkii ugu Axadii ee Dagaalka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

Waxaa maalintii lixaad galay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada itoobiya iyo kuwa maxaakiimta islaamiga, waxaana illaa shalay iyo xalayba socday dagaalo aad u kharaar kuwaasoo ka dhacay Aaga DeyNuunaay, Manaas, Kala Beyrka oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Bandiradleey oo ka tirsan Gobola Mudug, dagaalkaasna waxaa soo qaaday ciidamada Itoobiya oo markii ugu horreysey adeegsaday diyaradaha dagaalka, gaar ahaa aagga gobolka Hiiraan oo ay wax yeelo ugu geysteen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada B/weyne.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga oo iyagu guulo ka soo hooyay dagaalada ka socda gobolka Bay ayaa iyagu haatan ku sii siqaya magaalada Baydhabo oo fadhiga Dawladda FKMG ah, waxaana ciidamada maxaakiimtu ay gaareen halka lagu magacaabo Gasarta oo Baydhabo u jirta illaa 20 kiilo mitir halka ciidamadii ka dagaalamayay Aagga Iidaale ay ku soo dhawaadeen halka lagu magacaabo Xerada Manaas oo ah halka ay tababarada ku qaataan Ciidamada Dawladda FKMG.

Dagaalka ka socdey aagga kala bayrka ayaa waxa lagu waramay inuu ku dhawaaday degaanka Feer Feer, sidoo kale dagaalkii ka socday degaanka Bandiiradleey ayaa isaguna lagu tilmaamay inuu ahaa dagaalkii ugu kharaaraa ee dhex mara ciidamada Itoobiya iyo Maxaakiimta, waxaana dagaalkaas ka qayb galay diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya kuwaasoo ka soo duulay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, dagaalkan ayaa u muuqda mid ku faafaya dhamaan gobolada soomaaliya, waxaana si weyn looga dareemay gudaha itoobiya iyadoo Isbitaalada Magaalada Addis ababa ay buux dhaafiyeen Dhaawaca Ciidamada Itoobiya, sidoo kale mas’uuliyiinta maxkamadaha waxay sheegeen in wixii hadda ka danbeeya uu dagaalku ku faafi doono waddamada geeska afrika iyadoo ciidamo Itoobiyan ah oo dagaalka ka baxsaday ay isku dhiibeen dawladda Kiinya, gaar ahaan magaalada Mandheera.

Sarkaal Itoobiyaan ah lagu diley Gudaha Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba waxay sheegayaan in sarkaal Itoobiyan ah saakay lagu dilay bartamaha baydhaba kaddib markii ay soo weerareen koox dableey ah oo diidan joogitaanka ciidamada itoobiya ee gudaha soomaaliya.

Dilka sarkaalkaas waxaa wel wel iyo walbahaar uu ku abuuray ciidamada Itoobiya ee baydhaba ku sugan, waxaana magaalada Baydhabo lagu arkayaa ciidamo Itoobiyan ah oo si aad ah isu ilaalinaya.

Mas’uuliyiinta xukuumadda federaalka iyo saraakiisha ciidamada itoobiya ayaa la sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay, khilaafkaas oo la xiriira dhina dagaalka kaddib markii ciidamo fara badan oo dawladda u xaraysnaa ay u baxsadeen dhinaca Maxkamadaha.

Magaalada baydhaba ayaa shalay waxaa laga gooyay isgaarsiinta, waxaana gooyay Saraakiisha Itoobiyanka ah ee ku sugan magaaladaas baydhabo kaddib markii ay saraakiishu dareemeen in wararka ay bixiyaan isgaartsiinta hase yeeshee mar danbe ayay is gaarsiintii dib u soo laabatay, sidoo waxaa magaalada Baydhabo maalinimadii shalay ahayd laga furay Idaacad u gaar ah dawladda, waxaana furey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Ciidamada Itoobiya oo markii ugu horeysey u isticmaaley Dagaalka Diyaaradaha..

Dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha iyo Ciidanka Itoobiya ayaa markii ugu horeysey u isticmaalay dagaalka Diyaaradaha gaar ahaan Aagga kala bayrka oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxayna diyaaradahaas geysteen khasaarooyin naf iyo maalba leh waxaana la arkayay dad rayid ah oo ka qaxayay guryahoodii oo magaalada Beled-weyne.

Siddeed diyaaardood oo noocoodu yahay Miig ayaa ka qayb galay dagaalkaas, wuxuuna dagaalkaa u muuqda mid u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waayo waxaa meesha ka baxay mar marsiinyadii Dawllada Itoobiya oo ahaa inay difaacayso Dawladda taagta daran ee ku ururtay magaalada Baydhabo Ciidamada Itoiobiya ayaa haatan u muuqda kuwo doonaya inay dib isaga riixaanb ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo ku sii siqaya Xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba inuu dagaalku u gudbo Gudaha Waddanka Itoobiya.

Dagaalka Bandiiradleey ayay Ciidamada Itoobiya u adeegsadeen diyaaradaha Helikobtariska, nin Oday ah oo aan kala xiriirnay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu yiri “Waxaa maanta Nasiib darra ah in Garoonkii Diyaaradaha ee Gaalkacya ee loo dhisay in lagu difaaco qaranka in Maanta ay ka kacaan diyaaradaha Itoobiya”.

Askar Itoobiyaan ah oo ka baxsaday dagaalka oo gaarey wadanka..

Waxaa magaalada Mandheera ee W/Bari ee dalka Kenya maalintii shalay ahayd gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaareyso 34 askari, kuwaas oo ka baxsaday dagaalka u dhexeeya Soomaliya iyo Itoobiya, waxaana halkaasi ku qaabilay Dowladda Kenya.

Ciidankaan oo dalbaday mangelyo Siyaasadeed ayaa waxay sheegeen in sababaha ay u soo baxsadeen ay tahay iyadoo si aad ah uga soo horjeeday weerarka gardarada ah ee ay Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ciidamadaasi oo la wareystay ayaa waxay sheegeen in ciidamo fara badan ku soo jiraan wadada kuwaas oo doonaya in iyana la siiyo mangelyo Siyaasadeed, hase yeeshee Dowladda Itoobiya ilaa iyo haatan kama hadlin baxsashada ciidamadaasi.

Ma ahan markii ugu horeeyay ee ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka baxsadaan Itoobiya, ka hore ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Itoobiya ay ka baxsadeen deegaanka Nageyle iyagoo weydiistay mangelyo siyaasadeed iyo waliba deganaasho Dowladda Kenya.

Banaanbax looga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay..

Waxaa Magaalada Muqdisho shalay ka dhacay Banaanbax ka socdey waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, banaan baxaas oo looga soo hor jeeday dagaalada ciidamada Itoobiyanka ay ka wadaan gudaha waddanka Soomaaliya, waxayna b anaan baxayaashu klu dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Gaal Gaal dooni mayno,” “Ha Dhacdo Itoobiya”, “Itoobiya waxay mareyaa wadadii bur burka” iyo ereyo kale, banaan baxayaasha qaarkod ayaa xirayay goobaha ganacsiga, waxayna dadka u soo jeedinayeen in la aado Jihaadka.

Banaan baxayaasha oo wajiyadoodu ay ka muuqatay caro aad u fara badan ayaa waxa mararka qaarkood ay tuuryeynayeen goobaha ganacsiga iyadoo banaan baxayaasha ay dalbanayeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qaado dagaalka

Shalay waxaa la fasaxay dugsiyadii ay ardeydu wax ka baranayeen iyadoo qof kasta oo Muqdisha ku nool uu u dheg taagayay natiijada waxa uu ku danbayn doono dagaalka u u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo si weyn looga dareemey dagaalka u dhaxeeya..

Wararka naga soo gaaraya maamul Goboleed Puntland waxay sheegayaan in gobolada maamulkaasi uu ka taliyo si weyn looga dareemay dagaalka ka socd degaanka Bandiiradleey, waxaana magaalooyinka qaarkood lagu soo daadiyay ciidamo si weyn u baarayay gawaarida iyo dadka waxayna magaalooyinka qaar ka samaysteen kontoroolo.

Magaalada gaalkacyo oo ku dhow halka uu dagaalku ka socdo ayuu maamul goboleedku ka wel welsanaa in magaaladaasi ay ka bilowdaan kacdoono looga soo hor jeedo, waxaana magaalada marayay ciidamo Itoobiyan ah oo dadka si aad ah u baarayay, iyadoo lagu soo waramay in Isbitaalka Magaaqlada gaalkacyo la soo buuxiyay dhaawac aad u tira badan oo ku soo dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa Itoobiya, sidoo kale garoonka Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa la wareegay ciidamada Itoobiya, waxaana shalay ka kacayay garoonkaasi diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Itoobiya kuwaasoo duqeyn u geysanayay Aagga hore ee dagaalka.

Dowlad Kenya oo dooneys in ay kala dhexgasho Itoobiya iyo soomaaliya..

Dawlada Kiinya ayaa la sheegay inay waddo dadaal ay ku dooneyso inay ku dhex dhexaadiso Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Addis ababa gaaray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kiinya si mas’uuliyiinta itoobiya ay isula soo qaadaan xaaladda Soomaaliya oo haatan cirka isku shareertay.Sababa dawladda Kiinya ay arrimahan u waddo ayaa ah kaddib markii dagaalka u dhaxeeya ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya si weyn looga dareemay Kiinya, gaar ahaana Muslimiinta halkaa ku dhaqan ay si weyn uga caroodeen gar darada Ciidamada Itoobiya ay ku soo qaadeen Soomaaliya, waxaana waddanka Kiinya ka bilowdey is diiwaan gelinta dadka doonaya inay ka qayb galaan Dagaalaka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Zoonka 5aad ee Soomaalidu ay degto ee Itoobiya ayaa si weyn looga dareemay dagaalka u dhxeeya maxkamadaha Itoobiya, waxaana ka bilowdey Dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah .

Maalinta Carruuta Soomaaliyeed oo laga xusey Dalka..

Shalay oo ay ku beegneyd 24-ka December ayaa ahayd maalin loo aqoonsaday maalinta Carruuta Soomaaliyeed, waxaana xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta ka dhacday Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo xafladdaani ays oo qaban-qaabisay Hay’adda Somali Child Protection and Development (SOCPD).

Maanta waxay ku beegan tahay maalinkii xasuuqa loo gaystay arday Soomaaliyeed oo wax ka baraneysay dugsiga Sare ee Axmed Gurey, maalinkaas ayaana loo aqoonsaday maalinka Carruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda SOCPD mudane Max’ed Cabdi Max’ed oo ka hadlay xafladdaasi ayaa waxa uu sheegay in Carruurta Soomaliyeed ay haysteen awalba dhibaato kala duwan, waxaana sii muujiyey dhibaatooyin ay keeneen abaaraha, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hay’adaha kala ah SOCPD iyo TPO ay iska kaashadeen barnaamij wax loogu qabanayo dhibaatooyinka haysta Carruurta Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Wasiirka arrimaha dibada Sweden oo walaac ka muujiyey dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya

Iyadoo beesha caalamka ay si aad ah ula yaaban tahay gardarada qaawan ay cadowga soo jireenka ah ku soo qaadeen Soomaaliya iyagoo sheegtay iney difaacayaan dowlada taagta darran ee Beydhaba ku go'doonsan ayaa hadana durba waxaa soo yeereysa qeylo dhaan la xirriirta sidoo loo joojin lahaa dagaalka markiisa horeba ahaa anaa kaa awood badan ee cadowgu soo qaadeen.

Markii ugu horeysay ayaa dowlada cusub ee dhawaan ka dhisantay wadankan Sweden waxaa wasiirkeeda u qaabilsan arrimaha dibada Carl Bildt ka digay dagaalo lugu hoobto oo ku fida geeska Afrika. Waxaa uu sheegay iney muhiim tahay dib loogu laabto miiska wadahalada iyadoo la daminayo xiisada.

Hadalkan ayuu sheegay wasiirka xilli uu la hadlayey kooxo reer Yurub ah oo haatan ku howlan lo socdo xiisadda haatan ka cusboonatay waxaana uu tilmaamay iney muhiim tahay in cadaadis siyaasadeed la saaro dowlada maqaar saarka ee rajiimka Zanaawi hogaamiyo. Waana markii ugu horeysay ee dowlada Sweden ka hadasho dagaalada bareerka ah ee cadowga soo jireenka ah ku soo qaadeen jamhuuriyadda Xorta ah waxaana isagoo siyaalo kala duwan uga hadlaya arrimahaasi xusay iney muhiim tahay in beesha caalamka ay si deg deg ku demiso dagaalkaasi.


Diyaaradaha Itoobiya oo Weeraray Soomaaliya:::

Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeen in diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay weerar ku qaadeen Soomaaliya, waxayna weerareen dhawr Meelood oo ka tirsan gudaha Soomaaliya, Itoobiyana arrintaas si rasmi ayey u qiratay, taas oo ka dhigtay markii koowaad ee ay si toos ah u qoratay in ay dagaal kula jirto Soomaaliya, sida uu caddeeyey Afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya Solomon Abebe oo la hadlay warbaahinta.

Galkacyo: puntaland oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay maxaabiis maxkamadaha ah.

Dec 24: waraka ka imaanaya magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegay in xaaladau ay hada dagantahay dagaalna uusan caawa jirin kadib markii gacanta ay u gashay magaalada bandiiradley ciidamada puntland sida ay sheegayaan waraka halkaasi ka imanaya.

20 ka mid ah ciidamada maxkamada ayaa gacanta u galay kuwa puntland 8 kamid ahna ay dhaawacyihin kuwaas oo lagu dawaynayo isbitaalka guud ee magaalda Galkacyo sid aya sheegayaan saraakiisha ciidamada puntland ee ku sugan magaalada galkacyo.

Puntland ayaa asidoo kale xaqiijinaysa in ay gacanta ku dhigtay magaalada Bandiiradley ilaa iyo hada ma jiraan warar ka soo baxaya dhanka maxkamadaha oo xaqiijinaya wararka ka soo yeeraya dhinaca puntland.

si kastaba saaka ayay ahayd markii ay diyaaradaha qumnaatiga u kaca ee dawlada Ethiopia ay duqayn u gaysteen magaaalda baladwayne ee xarunta gobalka hiiraan waxaana soo abxay wararka sheegaya in ay si toos ah oo bereere ah ay haatan ugu lug leedahay dagaalda ka dhacaya dalka somalia dawlada Ethiopia halkii ay dagaaladii ilaa maalmahaan ka dacay dalka somalaia ay beeninaysay dawlada Ethiopia.

Dhinaca kalena dawlada Ethiopia ayaa maanta qiratay in ay si toos ah dagaal cir iyo dhul ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee ay colaadaha iyo dagaaladu la dageen ee somalia war ka soo baxay xafiiska raisal wasaaraha aha dalka Ethiopia ayaa lagu shegay in dagaal kharaar oo cirka iyo dhulka ah ay dawlada Ethiopia la gashay maanta dalka somalai taasi oo xaqiiqadeeda laga dareemay diryanka iyo rasaasta ay ciidaamada cirka ee dalka Ethiopia ku soo riden meelo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan.

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijinayaa in ay gantaalka ay soo riday diyaaradi uu ku dhacay dhabaha diyaaradaha ee magaalada Baladwayne

Bandiiradley: Dagaal kharaar oo ka qarxay Bandiiradley

Dec 24, 2006: Saaka hiirtii waabari ayaa dagaal kharaari ka qarxay aaga Bandiiradley ee gobalka Mudug oo ay indha waaleba isku horfadhiyeen ciidamada
Maxkamadaha iyo kuwa DGPL+cabdiqaybdiid oo gacan kahelaya ciidamda dalka Ethoipia.

ilaa iyo hada lama saadaalin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii saaka waxaase la cadaynayaa in ay jiraan khasaare nafiyo maalba leh.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ay soo gaareen labada dhinac ee ay dirurtu ku dhexmartay Bandiiradley khasaare ba'an oo ka dhashay dagaalkii saaka ka qarxay Bandiiradley.

DHinacba dhinac ayuu ku eedaynayaa eeda dagaalka in uu isagu bilaabay hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya cida leh gardarada rasmiga ah markla laga yimaado is eedaynta ay isu jeediyeen labada dhinac.

warkii ugu danbeeyay ee aaga Bandiiradleyna waxay xaqiijinyaaa in dhaawac laga keenay la soo gaarsiiyay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug si loogu wadeeyo halkaasi, kal kaaliyayaasha caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaaladaasi Galkacyo ayaa noo xaqiijiyay in ay jiraan dhaawac badan oo laga keenay aagasi Bandiiradley tirada rasmiga ah ayay ku sheegeen in ay gaarayso 21 dhaawac ah.

sidoo kale waxay kal kaaliyayaashu sheegeen in ay jiraan 3 kale oo mayd ah oo iyana la keenay Isbitalka saaka.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Madaxda DGPL hase ahaatee taliyaha ciidamada puntland ee Goblada Cayn iyo Mudug Maxamuud ilkacase ayaa sheegay in ay dagaalkiisaaka iyagu ku gacan sareeyaan waxana uu sheegay ay gacanta ku dhigeen magaalada Bandiiradley Taliyuhu ma uusan cara baabin khasraaha kale ee ay u gaysteen ciidamada maxkamadaha sidoo kalena ma usan carabaabin khasaaraha dhankooda soogaaray, hase ahaatee madaxa warfaafinta maxkamadaha u qaabilsan ee gobalada dhexe shiikh caga wayne ayaa isna dhinacooda sheegay in ay gacanta ku hayaan Degmada Bandiiradley oo aysan jirin cid gacanta uga dhigtay. shiikha ayaa sheegay in ay khasaare badan u gaysteen ciidamada Ethiopia iyo kuwa puntland waa sida uu hadalka u dhigaye waxana uu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay Ethoipia ku jirto gudaha dalka somalia isla markaana aysan jirin cid ay uga haybaysanyaan qaranimada dalka somalia. caga wayne waxa u sheegay in Somalia ay tahay dal jira ila markaana loo baahan yahay in la ilaaliyo qaranimada dalka somalia.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH