SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA FEB 8, 2006

  • Max’ed Dheere “Xildhibaano Digil iyo Mirifle oo aan xoog ku Haysto ma jirto.. 

  • Guddoomiyaha Baarla-maanka oo safar dhulka ah ugu kicitimaya...

  • Cali Marguus “Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u baahan yahay Siminaar..

  • Guddiga taakuleynta Qaranka ee Abaaraha oo sheegey in soo gaaryey 17 kun oo doolar.

  • Guddoomiyaha Baarla-maanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaarey Baydhabo...

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Jowhar...

  • Kulan Gaalkacyo ku dhex maraya C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan

Max’ed Dheere “Xildhibaano Digil iyo Mirifle oo aan xoog ku Haysto ma jirto.. 

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe ayaa si kulul u beeniyay warar maalmahan ay Saxaafaddu qorayeen ee ah in xubnaha labada Gole ee beelaha Digil iyo Mirifle aysan ka bixi karin Magaalada Jowhar, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo la doonayo in bulshada Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo. “Xildhibaanu Digil iyo Mirifle ah oo aan xoog ku haysto kuan sugan Magaalada  Jowhar ma jirto”, waxa uu intaasi sii raaciyay “Xubnaha labada Gole ee Dowladda waxaa Ra’isul Wasaare u ah Cali Max’ed Geedi isagana ayaana ka mas’uul ah bixitaankooda iyo joogintaakooda wax shuqul ah oo aan ku leeyahay ma jirto” Max’ed Dheere waxa uu sheegay in maamulkiisu uu aamisan yahay in la is dhaafsado afgaar wanaagsan iyo in dadka aan la caburin, waxana uu ka dalbaday Saxaafadda in wararka ay qorayaan ay noqdaan kuwo xaqiiqda ku dhow. Dhinaca Kale Max’ed Dheere ayaa maanta la filayaa in uu soo booqdo Degmooyinka Cadale iyo Warshiikh halkaas oo la sheegay in ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan saameysay dad iyo duunyo, isagoo sheegay in Gobalka uu ugu talagalay dadka abaaraha ay waxyeeladu ka soo gaartay 300 oo Milyan oo Shillin Soomaali ah, kuwaas oo uu sheegay in laga soo uruurshay dadweynaha Gobalka, wuxuuna u soo jeediyay Hay’adaha samafalka in ay gacan ka gaystaan sidii loo taakuleyn lahaa dadkaa ay abaaru wax yeeleeyeen ee ku sugan Dalka

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo safar dhulka ah ugu kicitimaya...

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay Sheegayaan in guddoomiyaha Baarlamaanka la filayo in safar dhinaca dhulka ah uu ugu kicitimo Magaalada Waajid oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, waxaana la filayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanku uu kulamo la yeesho xubnaha ku sugan halkaasi si ay uga qayb-qaadaataan soo dhaweynta xubnaha Baarlamaanka oo dhawaan la filayo in ay isugu yimaadaan kulan Magaalada baydhbo.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxaa horey u sii raacaya Wasiirka Cadaaladda Shiikh Aadan Max’ed Nuur (Shiish Aadan Madoobe), iyadoo intii ay joogaan Magaalada Waajid ay sidoo kale soo booqan doonaan ciidamada ku xareysan halkaasi kuwaasoo lagu wado in loo soo dhaqaajiyo dhinaca Magaalada Baydhabo, iyadoo Max’ed Ibraahim Xaabsade uu dhawaan shaaca ka qaaday in uu isaga keliya ku filan yahay xasiloonida Magaalada Baydhabo inta uu socdo kulanika Baarlamaanka.

Guddoomiyaha sidoo kale waxa uu booqan doonaan Magalad Xudur oo ay ku sugan yihiin qaar iyana ka mid ah xubnaha labada Gole ee dowladda.

Cali Marguus “Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u baahan yahay Siminaar..

Cali Aadan Marguus oo nala soo xiriiray Isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo kana mid ah guddiga soo dhaweynta xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in howlihii soo dhaweynta ay haatan marayaan meel wanaagsan.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Nabadgelyada cidda sugeysa waxa uu yiri “Nabadgelyada Magaalada Baydhabo waxaa sugi doona dhamaan siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle waxayna mideyn doonaan ciidamadooda meel kasta oo ay joogaan”.

Cali Marguus mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd, Waxaa dhawaan Ra’isul Wasaaruhu uu magacaabay guddi ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle oo isugu dubarida howlaha shirka Baarlamaanka, waxa uu yiri Cali Marguus “Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u baahan yahay in loo furo Siminaar waayo shaqo aan waxba ka quseyn ayuu mar kasta faraha la galaa”.

Ugu dambeyntii Cali Marguus waxa uu u soo jeediyay shacabka in ay gacan ka gaystaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Gobalka Bay si uu qabsoomo kulanka Baarlamaanka.  

Guddiga taakuleynta Qaranka ee Abaaraha oo sheegey in soo gaaryey 17 kun oo doolar.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda uruurinta kaalmo loogu talagalay in loogu gagaaro dadka ay waxyaaladu ka soo gaartay abaartu, waxaana uruurintaan loo xil-saaray guddi culumo ah oo iyagu xafiis ka furtay Magaalada Muqdisho.

Guddigaan ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ilaa iyo haatan soo gaartaay lacag gaareysa 17-Kun oo Doolar iyo Dahab aad u fara badan oo ay Dumarka Soomaaliyeed ugu deeqeen dadka tabaaleysan.

Guddiga oo furay Account kana furay shirkadda Dahabshiil oo Nabarkiisu yahay 2282 ama Amal Bank oo isna Nambarkiisu yahay 10739.

Guddigu wuxuu u soo jeediyay shacabka Soomaaliyee in aysan waxba ka sugin wax dibadda laga keeno oo iyagu ay isku tashadaan waxa uu u mahadceliyay intii isku soo howshay wax u qabashada dadkaas abaaruhu saameeyeen, kuwana kale waxa uu ugu baaqayaa in ay ku daydaan oo ay la soo gaaraan dadkaasi wax kasta oo ay heli karaan

Guddoomiyaha Baarla-maanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaarey Baydhabo...

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo luxayay caleemo qoyan, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Shariifkoow ku soo dhawoow deegaankii”, “Dowladdu hadda ayay is raacday”.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxaa la socday xubno ka tirsan labada Gole wuxuuna safarkiisa uu la xiriiraa sidii uu u soo ogaan lahaa xaaladda Magaalada Baydhabo iyo sida loogu diyaargaroobay kulana Baarlamaana ee la qabanayo bishan.

Guddoomiyaha waxa uu markiiba kulamo la yeeshay xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada baydhabo oo uu horkacayay Xildhibaan Ma’xed Ibraahim Xaabsade iyo Wasiirka Gasoorka Shiikh Aadan Madoobe, waxaana kulanaasi la iskula soo qaaday sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Baydhabo isla markaana loo mideyn lahaa ciidamada.

Guddoomiyaha Baarla-maanka marka uu dhameysto safarka uu Magaalada Baydhabo ku joogo waxa uu dhaqaaqi doonaa dhinaca Magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu ka dhici doono kulan saddex geesood ah oo ay yeelan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare si ay iskula meel dhigaan sidii uu u qabsoomi lahaa kulana ugu horeeya ee Baralmaanka, isla markaana ay u qorsheyn lahaayeen wixii tasiilaad ah oo uu baahan yahay qabsoomidda kulankaasi, sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo afjarayaa khilaafka u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isu Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isagu bilwoday markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in Magaalada Baydhabo ay noqoneyso halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.       

Iska hor imaad shalay ka dhacay Magaalada Jowhar...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaa in maalintii shalay ahayd magaaladaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidamo taabacsan Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere.

Iska hor imaadkaas waxa uu ka dhacay saldhiga Booliiska ee Magaalada Jowhar waxaana ku dhintay hal qof dhowrna kalana way ku dhaawacmeen ilaa iyo hadda lama faahfaahin ujeedadii waxa dhaliyay iska hor imaadkaas, balse warar ayaa waxay sheegayaan in koox maleeshiyo ah ay dooneysay in ay saldhiga kala baxaan dhowr qof oo saldhiga ku xirnaa, hase yeeshee waxaa is hor istaagay ciidamada ilaaliya saldhigaasi.

Goobtii uu ka dhacay iska hor imaadku waxaa yimid Guddoomiyaha Max’ed Dheere oo isagu gebi ahaanba xir xiray wixii ka dambeeyay iska hor imaadkaas, iyadoo xaaladda Magaalada Jowhar ay markiiba caadi ku soo laabatay kaddib markii uu yara istaagay ganacsigii iyo isku socodkii.

Kulan Gaalkacyo ku dhex maraya C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ku sunga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka waxaana la filayaa in maalmaha soo socda Magaaladaasi uu kulan ku dhex maro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, kulanaasi ayaa waxa uu yahay mid lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya xubnaha sarsare ee Dowladda gaar ahaan khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kaasoo ka dhashay markii uu Cali Max’ed Geedi ka carooday in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlaamanka.

Warar ayaa waxay sheegayaan in marka uu dhamaado kulankaasi Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay u ambabixi doonaan Magaalada Baydhabo si ay u soo eegaan halka uu marayo qabanqaabada kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ay booqan doonaan Magaalada Jowhar oo xarun ah qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8,2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 February 2006
 
Siyaasiyiin Oromo ah oo Meles dhaleeceeyay.
 
Waaqow Guuto oo Nairobi ku geeriyooday.
 
 Qaramada Midoobey oo Bariga Afrika ergay cusub u magacawday.
 
C/llaahi Yuusuf iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay Gaalkacyo.
 
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Ayaandarida Haysata Daba-dhilifyada).
 
======================   
 
Xubno ka tirsan Baarlamaan ku sheegga Itoobiya ayaa keligii taliye Meles Zenawi si wayn ugu dhaleeceeyay xaaladda siyaasadeed ee Oromiya. Xubnaha baarlamaanka ee xisbi Oromo ah oo ku jira Baaramaan ku sheegga Itoobiya ayaa keligii taliye Meles Zenawi aad u dhaleeceeyay mar khamiistii uu Baarlamaanka Itoobiya fadhigiisii caadiga ahaa yeeshay.
 
Xubnaha Oromada ahi waxay ka cadhoodeen warbixin ay xukuumadda Zenawi ka diyaarisay xaaladda siyaasadeed ee Oromiya, taasoo sheegtay in dhibaatada kaliya ee Oromiya ka jirta ay tahay dagaalka uu ka wado Ururka OLF.
 
Keligii taliye Meles Zenawi ayaa bishii Janwari ka ballanqaaday wasiirka horumarinta ee dalka Britain inuu baadhis madaxbannaan ku samayn doono xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee la sheegay in loo gaystay dadwaynaha Oromada ah.
 
Xubanaha Oromada ah ee Baarlamaan ku sheegga Itoobiya ayaa sheegay in ciidammada dawladu ay cadaadis badan ku hayaan dadka Oromada ah, isla markaana boqollaal qof oo rayad ah loo gaystay jidhdil, xabsi iyo dil, ka dib markii lagu tuhmay inay taageerayaal u yihiin Ururka OLF.
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Amnesty Inernational ayaa toddobaadkii hore xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay seddexdii bilood ee u denbeeyay xabsiyada ka buuxisay dad kumanaan gaadhaya oo isugu jira arday, macalimiin, ganacsato iyo beeralay, kuwaasoo u dhashay qowmiyada Oromada, wuxuuna ururku tilmaamay qaar badan oo dadkaas ka mid ahi ay khatar u yihiin in jidhdil loo gaysto, sidaas darteed wuxuu dunida ugu baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado Itoobiya sidii dadkaas loo sii dayn lahaa.
 
Waaqow Guuto oo Nairobi ku geeriyooday.
 
Maalintii khamiista ahayd ee bisha Febrawari 2-da ahayd waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday Alla ha u naxariistee Waaqow Guuto, oo ahaa ninkii dhidibbada u taagay halganka hubaysan ee qowmiyada Oromiya kula jirto gumaysiga Itoobiya.
 
Waaqow Guuto muddo dheer ayuu halganka hubaysan ee Oromiya ku soo dhex jiray, wuxuuna ahaa nin aad ugu dadaali jiray in qowmiyada Oromiya ka hoosbaxdo gumaysatada Itoobiya, isagoo halganka hormuud ka soo ahaa tan iyo xilligii uu talada gumaysatada Itoobiya haystay Xayle Salaase.
 
Wuxuu sidoo kale ahaa nin aad u taageersan halganka hubaysan ee Ogaadeenya ka socda ee lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.
 
Qaramada Midoobey oo Bariga Afrika ergay cusub u magacawday.
 
Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa ra’iisal wasaarihii hore ee dalak Norway Kjell Magne Bondevik u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha bani’aadamnimada ee Geeska iyo Bariga Afrika.
 
In ka badan 40% ka mid ah dadwaynaha gobolka Geeska Afrika ayaa macaluul ba’ani haysaa, iyadoo macluusha gobolkaas ka jirta lagu tilmaamay inay tahay mid ka mid ah cunto yaraantii  adduunka ugu ba’nayd ee soo marta.
 
Sida uu sheegay Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey, waxay abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika khatar ku yihiin nolosha 11 milyan oo qof, oo ku kala dhaqan dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.
 
Qaramada Midoobey ayaa jimcihii sheegtay in abaaraha gobolka ka jira ay sii calwiyeen dhibaatooyin kale oo gobolka daashaday oo ay ka mid yihiin nafaqo xumo sannado badan ka jirtay, cunto la’aan aan ka dhammaanin iyo dagaallada ka socda.
 
C/llaahi Yuusuf iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay Gaalkacyo.
 
Madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yahay kula yeeshay magaalada Gaalkacyo saraakiil Itoobiyaan ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Afrika.
 
Kulankani wuxuu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo saxaafadda loo diiday, hase yeeshee xogo ka soo baxay ayaa sheegaya in madaxwaynaha lagala hadlayay arrimo la sheegay inay ku saabsanaayeen waxa loogu yeedhay ”xal u-helidda nabadgelyada gobolka Geeska Afrika”.
 
Waxaa kaloo madaxwaynaha lagala hadlayay sidii ciidammada Itoobiya ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlaha nabad ilaalineed ee laga fulin doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidammada la doonayo inay sugaan ammaanka kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee daba-yaaqada bishan lagu qaban doono magaalada Baydhabo.
 
Ilaa iyo hadda dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya si rasmi ah uma ayna sheegin cidda ilaalin doonta nabadgelyada kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo lagu qaban doono, hase yeeshee xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa u ololaynayso in iyada gacanta loo galiyo, si ay u fushato danheeda gumaysi ee ay ku kala qoqobayso siyaasiyiinta soomaaliyeed oo ay ku dadaasho inayna marna u heshiinin danta guud ee qarnka Soomaaliya.
 
Radio Xoriyo
 07 February 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Banaanbax balaaran oo roob doon ah oo ka dhacay magaalada kismayo
iyo Warar Googoos ah oo ku saabsan Soomaaliya Akhri.. Feb 7