SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Sannadguuradii 15d ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali

W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle

Feb. 10, 2006

Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2006, beesha Nuux Maxamuud meel kasta oo ay dunida ka joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh u xusayaan sannadguuradii 15d ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo dhammaantood ka tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah loogu gumaaday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho taariikhdu markii ay ahayd Feb. 10, 1991.

 

Maalintaas iyada ah ciidamo hubeysan oo daacad u ahaa maamulkii Cali Mahdi Maxamed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, ayaa si banii-aadannimada ka baxsan u xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan waxba galabsan loo xasuuqayna waxay ahayd cadownimo qabiil oo xilligaas si gaar ah loola beegsaday guud ahaan beelaha ku abtirsada Daarood.

Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho ee lagu riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxayna saarnaayeen gaari xammuul ah oo ay ku qaxayeen, kadibna waxaa xoog ku qabsaday maleeshiyo hubeysan iyagoo maraya tuulo la yiraahdo Mubaarak oo u dhaw degmada Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu celiyey magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay hore uga soo barakaceen.

Markii Muqdisho lagu celiyey, waxaa loo gacan geliyey ciidamo nacayb gaar ah u qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla markiina, guddi si gaar ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna ansixiyeen in la xasuuqo dhammaan dadkaas, iyaga oo aan waxba galabsan, dembina lagu soo oogin.

Taariikhdu markii ay ahayd 10-kii Febaraayo 1991, ayaa xukunkaasi lagu hor fuliyey guddi sare oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas. Dadkaas waxaa lagu laayay qoriga loo yaqaan Baroon, meydkoodiina waxaa lagu aasay hal god!


Goobtii Lagu Aasay Dadkii La Xasuuqay! [ Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun ].

Wax yar ka dib, marki la fuliyey xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa wareysiyo kala duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan Jabhaddii USC la dilay kadib markii looga shakiyey in ay abuurayaan amni-darro carqalad ku ah jabhaddii USC. Hadalkaas waxaa laga sheegay Idaacadda ku hadasha codka maamulkiisa, wuxuuna ahaa marin-habaabin loola jeedey in lagu baabi’iyo dambiyada dagaal ee la fuliyey. Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad ku abtirsada beesha Nuux Maxamuud waxayna ab-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen kamana mid ahayn jabhaddii USC. Sidoo kale ma ahayn dad hubeysan.

Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday, ganacsato iyo culumaa’udiin, da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir). Cali Mahdi Maxamed wuxuu wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd ilaa 50 qofood balse tirada runta ah waxay dhammayd lix iyo siddeetan (86) qofood. Bayaanka idaacadda laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo ahayd in uu daboolo ama qariyo falalka banii-aadannimada ka baxsan ee maamulkiisu ku kacay.

Xasuuqani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argaggax leh ee isugu jira: jirdil, kufsi iyo afduubyo loo geystay beesha Nuux Maxamuud. Falalkaas oo dhammaantood diiwaan-gashan xilliyadii ay dhaceen iyo goobihii laga fuliyeyba waxaa weeye kuwo naxdin leh oo argaggax kugu beeraya.

Xuskan sannadguurada 15d ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo ah mid aan ka baabi’i doonin xusuusta dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, wuxuu kamid yahay dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Haddaba, waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo hey'adaha aan dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil weyn iska saaraan sidii looga hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah banii-aadannimada loona aqoonsado kuwa ka dambeeya dambiilayaal-dagaal.

Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa dhammaan Ururrada Bulshada oo ay saxaafadda Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo ololaha wacyi-gelineed ee ku wajahan nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si loo abuuro jawi nabadeed oo saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaadaan si nabad ah oo caddaalad iyo sinnaan ku dhisan, loogana digo kuwa geysanaya xad-gudubyada ka baxsan xuquuqda aadanaha ee dhacaya goor walba.

Warbixintan waxaa diyaariyay:

Cabdulfataax M. Cabdulle
warbaahinta@yahoo.com

________________________________________________________________

::: ENGLISH VERSION :::

15th Commemoration of the Massacre at Mohamud Ahmed Ali Secondary School

By: Abdulfatah M. Abdulle

Today, February 10, 2006, the Nuh Mohamud clan all over the world is commemorating, with deep sorrow and pain, the 15th commemoration of the massacre of 86 victims of their people. These victims were deliberately massacred in the then Mohamud Ahmed Ali Secondary School, located at Kaaraan District of Mogadishu, Somalia, on February 10th, 1991.

On that day, the execution has been carried out by armed militia loyal to the then Ali Mahdi administration, appointed in Djibouti. The reason for killing these innocent civilians was a part of well planned ethnic cleansing towards Darod population who were, at that time, singly targeted for massacre in and around Hawiye dominated area.

The massacred victims fled from the ongoing civil war that resulted the ousting of former regime of Mohammed Siyad Barre. They were captured by heavily armed militia while traveling on transport trucks in Mubarak, near the district of Afgoi. They were forcibly returned to Mogadishu and held as prisoners in the Mohamud Ahmed Ali Secondary School.

Immediately, the captives were handed over to another militia from the tribes neighboring with Nuh Mohamud clan and then a special selected committee of Mahdi's administration held an emergency meeting in Towfiq Hotel. The committee issued a decree authorizing to massacre all of these innocent civilians. Their order has been implemented on Feb. 10th, 1991 with the presence of some of high status officers. The victims were massacred with heavy machineguns and buried in a mass grave!

Shortly thereafter, Mr. Ali Mahdi issued statements in different interviews that totally denied the facts. He said that about 50 men of the United Somali Congress (USC) had been killed after they were allegedly creating instability in their community. His statements were broadcasted from a radio station of his own administration and were meant to hide the atrocities committed by his administration.

On the contrary, the victims were unarmed, innocent civilians of Nuh Mohamud, a subclan of Majeerteen, and were never part of the USC.

The victims were students, businessmen and religious people between the ages of 8 and 65 years. This massacre was the first of its kind in Mogadishu. It officially cleared the way for further prosecutions in the form of torture, killing, rape, intimidation, blackmail, etc. against the Nuh Mohamud clan. These documented facts are events, which will leave everyone with a great sorrow.

The 15th commemoration of the Mohamud Ahmed Ali Secondary School massacre, which is unforgettable event to all peace-loving Somalis everywhere, particularly the Nuh Mohamud community, is just one of the inhuman crimes happened in Somalia during the past 15 years.

Therefore, I am appealing to all the Somali people and pro-human rights non-governmental organizations for ideas on ways to confront atrocities against humanity and recognize those behind them as war criminals.

I am also appealing to the local and/or international media groups as well as the civil societies to increase the awareness of human rights in order to create a peaceful environment for the Somali people. A peace based on justice and equality that will always remind those committing crimes against humanity of the wrongness of their deeds.

Abdulfatah M. Abdulle
warbaahinta@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006