SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Safar kaan kutagay  koonfurta masar ee aswaan

qaybtii kowaad  

diyaariyey abdirizak A.ali kaneec cairo | kaneec1@hotmail.com

Waxay ahayed maalin talaado ah ay taariiqdu ku beeganayed 28/2/06 saacaduna waxay ahayed sagaalkii oo rubi dhiman oo subaxnimo markii aan kasoo amba baxnay magaalada qaahira ee ee caasimada dalka masar Jawiga magaalada qaahira ayaa waxa uu ahaa markaasi mid adag waxaa dabaylo sida qabow aad uxun,Intii aan ku soo guda jiray safarkaygii ayaan waxaan soo marnay in kabadan dhowr iyo labnaatan magaalo aydoo ay magaalooyinkas ka muuqatay xamaasad xoog leh tasoo ah in ay aad u cayayeen dowlada denmar kadib markii xadgudub kusameen cay nabi maxamed csw.

Hadaba wadada isku xirta magaalada qaahita iyo azwaan ayaa ah mid aad u wanagsan oo amaan ah iyadoo aan dareemayo nabad galyo waasic ah markasta iyo meelkasta oo aan marayey

ayaa waxaa si aad ah u maansheeyay burbur lixaad leh oo ay u gayesteen roobabkii dhawaantan ka da'ay halkaasi aaydoo aad arkayso biyo aad u fara badan oo ku teedsan dhinacyada laamiga kuwaasoo sida la ii sheegayna wax yeeleeyay dalagyadii beeraha ee sanadkan la filayay maadaama uu g/ j/ hoose uu caanku yahay tabcashada dalaga beeraha.

Kasoo bixitaankii magaalda qaahira ayaa waxaa magaalo ahaan iigu xigatay magaalda banii suweef, 75 km u jirta magaalda qaahira magaalada banii suweef ayaa waxay tahay sida lasheego magaalo qadiimi ah ayadoo dadkeeda ay u badan yahaiin dad beeralay ah islamrkaana xiligii aan tagay magaalada banii suweef ay dadku ku kala mashquulsanayeen howlo maalmeedkoodii oo ay maagaladu u ekeyed mid cidlo ah maadaama ay dadka intooda badan yihiin beeraleey oo subaxdii u kalahaan beeraha galbahiina kasoo rawaxaan.

kadib waxaan kasii aday xaga iyo dhan magaalada asyuud oo ah magaladii uuku dhashay madaxwaynihii hore ee masar jamal cabdinaasir,asyuud waa magaalo aad u buxda waxaana dega dadka looyaqan saciidiyiinta oo dadka ugu tirada badan wadankan masar,waxay caan kuyihiin dagaalka iyo xaynaanimada, si kastaba ha ataate waxaan usii gudbay xaga asyuudh oo an joogay laba habeen kadib waxaan kasii aday magaalada aswaan oo magalaao ay kunoolyihiin dad iyagu somali u eg oo aad u wanagsan loona yaqaan dadka nuubiyiinta,nubiiyiinta ayaa caan ku ah in ay soodhoweeyaan dhamaan dadka afrikan ah

magaaladan waxan ku arkay hooyo somaliyeed oo tiri 43sano ma arag qof somali ah adigana iigu horeya qaybta danbe lasocda isbuuca danbe

diyaariyey abdirizak A.ali kaneec cairo | kaneec1@hotmail.com

cairo-egypt

Afeef: Aragtida qoraalkan waa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006