RIYADA MADXAWYNHA
PUNTLAND INUU SEEXDAA KA HOREEYSA.?.
W.Q. Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil "
sheekhaduun"
sheekhaduun@hotmail.com
tel 002525727387
Caabuqa siyaaseed ee Puntland ka jira xiligaan
ayaa ah mid qoto fog leh .
caqali ahaan waa wax lala yaabo in xiliftanka
siyaasadu ka abuurmo dhaqaale baxay iyadoo shacabka Puntland og yahay wax walba
oo ka socda gudaha Puntland, lama qarin karo hurgunka dhaawaca siyaasadda aan
jihada lahayn u Gaystay qalbiyada Dadweynaha Nadiifka ah..
Mudo sanad ka badan ayaa dadku odorasayeen
Nidaam ka fiican midkii kan ka horeeyey ee Puntland ka jiri jiray, hase ahaate
Natiijaddii soo baxday ayaa noqotayQuusasho.,Gebihaan wasaaradaha Puntland ayaa
u muuqdada kuwa shaqooyinkoodii gabay. Shirarka Maalinta khamiista ah ay marmar
isugu yimaadadan Golaha Xukuumadda ayaa lagu sheegi karaa kuwa ku salaysan is
maaweelin iyo nolol dheeraysasho siyaasadeed. Golaha xukuumadda ee iminka jira
ayaa ah Ma xishoodayaal aan ka khajilin waxyaabaha runta ah ee jira, shaqaalihii
iyo ciidamaddii ayaan mushaharkoodii la siin dhowr bilood, waxay goaamiyeen
lacagta shaqaalaha 15% in laga jaro, lacagtaas ka maqan shaqaalaha iyo
ciidamadda ayaa qaatay . xagee ku laalantahay aqoontii waqti la sheegi jiray
haday xukunka qabato barwaaqo ayaa la gaarayaa, aaway kuwii wax dhaliili jiray
ee iyagu isu haystay inay wax qaban karaa, aaway ciidamaddii wax badbaadinta ee
puntland ka badbaadin lahaa amni xumadda iyo fawdadad, aaway aqoon yahanadii
maamulka ee isbedelka dhan walba ah samayn lahaa, aaway….aaway….aaway…
Aan dib u xusuusano waqtigii uu Puntland
Madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yusuf. Ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda
Iminka Eng Caydaruus Cismaan Wargeyska Kaaha Bari ee ka soo Baxa Magaladda
Bosaso waxa uu ku qori jiray Sheeko siyaasadeed halku dhigeedu ahaa NIN GEEDO
TIRIYEY OO YAAQ KA TEGEY GEEDO MA TIRIN. Qoraalkan ayuu Eng,
Caydaruus wuxuu ku iftiimiyey in raga ku haboon inay hogaanka dalka wax ka
qabtaan aanay waqtigaa ka mid ahayn . si cadifadi ka muuqato ayuu qoraalkiisaas
ugu soo bandhigay in hogaanka dalka wax looga dhiibo kuwa waqtigaas dibadda ka
joogay oo uu aragtidiisa ku tilmaamay kuwa wax qaban kara marka dhinac walba
laga eego .
Haddaba qorihii sheeka siyaasadeedkaas Alifay
waa Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Puntland maanta. Ma oran karaa Eng .
Caydaruus waxa ayuu soo kordhiyey ka wanaagsan raggii uu dhaliilayey ee isaga ka
horeeyey kanay ku tahay maamulka mugga leh ee ka socda Madaxtooyadda looga
arimiyo Puntland.. Jawaabtu waa Maya.
Madaxweynaha la doortay ee Puntland ayaa
Biloowgii Xukunkiisa soo bandhigay Barnaamij dadweynaha aad u soo jiitay, waxaa
iftiimay in Madaxweynaha qalbigiisa ay ka guuxayso inuu wax qabto, waa la
garwasaday in Madaxweynaha uu ku jiro Hami fog oo Higsadkiisu yahay Horumarin,
Nasiib daro waxaa qorshahaas Yididiiladda Lahaa Xagal daaciyey Golaha Xukuumadda
iyo rag iyagu isu arka inay Ehel u yihiin Madaxtinimadda Madaxweynaha oo isku
xoomiyey Macnaha Hadafkooduna yahay maxaa ka soo dhaca Jeebka Madaxweynaha…………..
Kuwan ayaa isaga yimid meel walba oo dunida dacaladeeda ah. Maxay doonayaan ayaa
la is waydiinkaraa? Jawaabtu waa Fududahay waa maxaan Cunaa……………………….
Marka aad yaraha qooransato Wasaaraha Puntland
yaad waxaad ku macnayn karataa wasaaradda Maaliyadda, Wasiirkeedana waxaad ugu
yeeri kartaa Raiisal wasaaraha Puntland, Wasiiro, Barlamaan, shaqaale , ciidan
iyo xataa Afmiisharadda Puntland ee afmaalka ah waxay si toos ah u hoos tagaan
Wasiirka Maaliyaada, waxaa kaloo la oran karaa wasaaradda Maaliyadda waa dhuunta
Quudisa Puntland , ha la yaabin haddi wasiirka Wasaaraddaas uu ku qubaysto
Biyaha sifaysan ee Al-Farduus, oo aanay inta badan Cabin dadka reer Puntland. Ma
jirto cid la xisaabtami kartaa, waxayna dadku xantooda ku sheegaan Madaxweynaha
iyo madaxweyna ku xigeenku Taabo ayey qaataan , taabasghada ayaa ah eray
bixin Cusub oo la jaanqaaday dawladda uu Gen Cadde Muuse Madaxda ka yahay. Halka
tii Cabdulaahi erayga loo aqoon jiray Biyo Cabaal ..
Dadweynaha Puntland Canshuurta waa ay bixiyaan,
waxba kuma Baaqdaan, ah..iyo way… meelay martayse Bal adba. Wasaaradda
Maaliyadda ayaa noqotay yaa lala xisaabtamaa yaase la xisaabiyaa.
Madxaweynaha ayaa dhowr jeer ku hanjabay inuu
isbedel samaynayo, kolkii hadalkiissii isa soo tariwaayey ayaa waxaa soo baxday
halku dhiga reer wuqooyigu ku kaftamaan ee Karleeye….Bakhleeye. Taas oo
macna ahaan noqonaysa qof aan waxba samayn Karin ee iska hadala. Ruux walbaa
waxa uu sugayaa Murayadda uu ka dawan dono dawladda lagu sheegay mid sal
balaaran ee la soo dhisi doono, tolow ma la bedeli karayaa wasiiradda awooda
badan ee aynu u naqaan hebel iyo hebel? . mar uun ma dhici doontaa in laga
horleexiyo reer Puntland
Aan ka qosliyo warbixinadda ay wasaraha
Puntland u soo gudbiyaan Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa qor ragg aan puntland
u shaqayn, waxaana lagu soo qoraa goobaha lagu qayilo taas oo macnaheedu yahay
waxay Puntland ku dhisan tahay warbixino been abuur ah, tusaale ahaan
Madxweynaha ayaa sheegay in qulqulad dagaal oo habeen ka dhacday Magaaladda
Bosaaso ay ka dambeeyeeen ciidamadda Amaanka, Nasiib daro ninkii amniga loo
diray haduu abuurayo amni daro.
Kooxo ayaa caadaystay inay talantaaliyaan
warbixino been ah oo isku dir hulaaban kuwaan oo madaxda sare ee Puntland ee
goaan qaadashada Fudud ku ridi karta haadaan siyasadeed oo aan laga soo noqon
Karin, madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay isku
direen Afmiishaariin iyo dulaaliin dawladda ka tirsan, maxaa laga fili karaa
shaqsi caadi ah haddii Madaxweyne ku xigaankii lagu diray Madaxweynihii.?
Madaweynuhu kolkii uu gelayey safarkiisa ugu
dambeeyey ayuu waxa uu dhisay guddi Nabadgelyo,aan is weydiine yuu u magacaabay
waa suaal furan raagan iminka amaanka puntland looga seexday ma yihiin kuwa
amaan keeni kara, reer Puntland waa is yaqaanaan…….maanta waxaa loo baahan yahay
in la derso Puntland siday u dhisan tahay oo beelo isku isir ah oo aanay beeline
beesha kale u dawladayn Karin, shaly kuwii dibadda u baxay ayaa maanta gudaha ku
jira, waa kuwee kuwa dibad meerka noqonaya oo ka qaday khayraadka dhulka
Puntland ee la wada wadaago,? yaan taladda wax ku yeelian Karin oo daawadayaal
noqonaya?, yaa gaajoonaya ?yaase dhergaya? Yaana reer Puntland ahayn ? yaase
reer Puntland ah.
W axaa muuqata wacyiga ku jirto Puntland Maanta
in si furan la isu eegay macquul ma tahay dunida in ninka xukunka haya , kan
amniga sugaya, kan sirdoonka ah, kan dadka dembiga ku soo oogaya, kan xukumaya,
kan xiraya ay isku nin noqdaan..
Puntland kama jirto saxafad madax banaan oo si
run ah u qeexi karat waxyaabaha jira ee runta ah, waxay saxaafadani magan u
tahay siyaasiyiin ku leh oo danahooda siyaasadeed eeganaya, kuwan oo ka gaabiyey
inay daddar geliyaan sixitaanka dhabta ah ee lagu doonayo in Puntland ku jaaan
qaaado.kolkii saxaafaddii sidaas noqotay ayaa la waayey iraado ay shacabku ku
soo bandhigaan tabashadooda dhabta ah, saxaafadda Puntland ayaa oodafo saartay
is barbaryaaca maamuul ee aan daaha ku qarsoonayn ee ka jira gobolkan.
Puntland oo la dhidbay 1998-dii ayaa iminka
saaran wax la oran karo dooni badweyn ciirciiraysa oo hadba dhan u dheeliyeysa,
shacabka looma qeexin waxyaabaha dhabta ah ee u hoos jira soo saarka khayraadka
dhulka Puntland, cidina ma diidana in khayraadka lala soo baxo sowse ma
haboonaan lahayn in sharciga la waafajiyo golayaasha dawladda laga ansixiyo,
waxaynu is weydiinkaraa maxaa ku koobay in yar oo dan wadaag ah, taas macnawiya
sow shaki ma abuuri karto, soomalida ayaa ku maah maahda CANTUUGA JEELAA
CANBA CAN AYUU BIDAA. Inta wasiirka Maaliyadda Keligii hawsha khayraadka
lagu aaminayo sow kama haboonayn in dawladda Puntland dhisto Guddi loo dhan
yahay oo la socda hawlaha xasasiga ah ee khayraadka dhulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa isagu si niyad sami
ah u doonaya in wax loo qabto,waxaa socda dhowr mashruuc oo uu ugu weynyahay kan
Garoonka magaaladda Bosaso, wadooyin furid dhulka lama gaaraanka loo yaqaan iyo
kor u qaadid nolosha shaqaalaha , samayn maamul wanaagsan oo dadka iyo dalka wax
u qabta. Madaxweynuhu waa laabxaaran yahay waxa uu soo bandhiga wax walba oo uu
doonayo inuu sameeyo,waxaase dadweynuhu is weydiinayaa goorta uu madaxweynuhu
fulin doon wax qabadkiisa.
Dadka dhaliila siyaasadda Madaxweynaha ayaa
iyagu sheega in madaxweynaha ay ku xeeran yihiin ragg aan doonayn in
Madaxweynuhu siyaasad ahaan guulaysto kuwan oo ay ugu yeeraan maseexdayaasha
hadd iyo jeer kolkaad Madaxweynaha la kulanto iyagu ag fadhiya. Maxay
maleegayaan ayaa la isweydiiyaa…………
Guntii iyo gababagadii ayaan maqaalkayga ku soo
xiraya a niyadd samida Madaxweynaha ee ah higsadkiisa Riyaddiisa niyad samida
leh ee uu doonayo inuu gaarsiiyo Puntlad baraare iyo barwaaqo waxaa ka horeeya
halku dhiga ah Riyadda Madaxweynaha Puntland inuu Seexdaa ka Horeeyasa.?.ama
la Jiiftaa Ka horeeysa
W.Q. Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil " sheekhaduun"
sheekhaduun@hotmail.com
tel 002525727387
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006 |