SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 Faallo Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar 

WQ C/Shakuur Cali Mire

Shakuur@somtv.net

London, uk

Bishaaan 26-keeda waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay uu ka dhaco kulankii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay yeeshaan xubnaha baarlamaanka  FKMG ah ee Soomaaliya  kaasoo ka dhacaya gudaha Soomaaliya tan iyo markii bishii Ogoosto 2004-tii lagu amaamudey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan oo ah mirihii heshiiskii Caddan ee ay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan  gaareen shantii bishii Janaayo ee sanadkaan ayey dadaal dheer kadib waxaa ay umuuqataa in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Adan ku qanciyeen dhinacyadii ay kala hoggaaminayeen inay aq-balaan kasoo qeybgalka shirka, inkastoo labada dhinac ee  kala taageerayey gudoomiyaha iyo madaxweynaha xubno badan oo ka mid ah  ay shaki weyn ka muujiyeen qaabka iyo nooca ay madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku ugu soo heshiiyeen magaalada xeebta ah ee Caddan haddana waxaa muuqata inay aq-baleen mabda`ahaan ka qeybgalka shirka Baydhabo. 

Faalladii middaan ka horeysay waxaan ku qaadaa dhiggey heshiiskii lagu saxiixay Caddan iyo  caqabadihiii hor-yaaley oo markii aan faafiyey mudo kadib ay qodobadii aan xusey in badan oo ka mid ah soo shaac baxeen, inkastoo ay jiraan arragtiyo iyo mowqifyo siyaasaddeed  oo si degdeg ah hadba iskubadalayey siyaasadda aan mabaadiida ku dhisneyn darteed. 

Waxaa jira dad badan oo shaki ka muujinaya qabsoomida shirka baydhabo ayagoo sabab uga dhigaya arrimo ay ka midyihiin, gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra`iisulwasaare Geeddi oo aan wali heshiiska ka gaarin cidda maamulaysa qaban-qaabada iyo dhaqaalaha shirka ku baxaya, (inkastoo  la saadaalinayo in  shirka gaalkacyo  la`iskula meeldhigi doonno xalna looga gaari doono qaab agaasinka shirka, kooxihii RRA oo aan wali heshiis rasmi ah kagaarin cidda looga dambeynayo sugidda ammaanka magaalada Baydhabo, ayadoo booqashada Kiish Bur iyo Sheekh Adan Madoobe tahay tallaabo iskusoo dhaweynaysa garabyadda RRA, haddana Shaati guduud wali waa ka maqan yahay magaalada Baydhabo, sidoo kale ciidamadii Xudur iyo Waajid wali looma oggolaan inay ka qeybqataan ammaanka magaalada Baydhabo waxaana magaalada si buuxda gacanta ugu haya ciidamo ka amar qaata xildhibaan Xaabsade, waxa laga yeelayo ciidamo la sheegay inay ka imaanayaan Puntland oo ay sugayaan ammaanka Madaxweynaha ayaa ayadana aan xal laga gaarin,  arrimahaas oo dhan waxaa lagu tilamaamayaa inay yihiin caqabado wali horyaal qabsoomida shirka balse annigu waxaan qabaa qodobka ku saabsan cidda looga dambeynayo gacan ku qabashada ammaanka magaalada maahane inta kale in ay yihiin qodobo laga gaari karo xal haddana ay u muuqataba inay wax ka bilowdeen.    

Haddaba qoramadaan waxaan ku eegeyaa haddiiba uu dhaco shirka Baydhabo ujeedooyin noocee ah ama natiijo noocee ah ayey ka doonayaan dhinacyadii horey khilaafku uga dhexeeyey ee ayagu aanan wali wax heshiis ah ka gaarin arrimihii ay isku khilaafsanaayeen marka laga reebo inay ku heshiiyeen inay kulankooda ugu horeeya  ku yeeshaan magaalada Baydhabo.  

Kooxda Madaxweynaha: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa uu u arkaa kulanka baarlamaanka ee ka dhacaya Baydhabo guul u soo hoyatay asaga iyo xubnaha ku fikirka ah, waxaa ayna shirka Baydhabo ka leeyihiin dhawr ujeeddo oo kala ah,  in beesha caalamka iyo dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee xujada  ka dhigay dowladdu waa iskhilaaf-santahay  meesha laga saaro xujadaas si loogu fasaxo dowladda wixii kaalmo ah ee loogu talagalay,  in ay xildhibaanada baarlamaanku isku- raacaan ama u codeeyaan in dowladdu ku shaqeyso magaalada Baydhabo inta laga xallinayo ammaanka iyo maamulka magaalada Muqdisho, in xildhibaanadu si wadajir ah ama aq-labiyad ah u oggolaadaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka si loo keeno ciidamo shisheeye. Waxaa intaas madaxweynaha u sii dheer sida warar xog-gaalihina sheegayaan in la`isku shaandheeyo  golaha wasiirada. 

Kooxda Shariif Xasan: Kooxda Shariif Xasan markaan waa taag yar yihiin isku-duubnaantii horena ma jirto, Aw-Qanyarena waa leexdey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Baarlamaankana waxaa muuqata in asaga iyo madaxweynuhu ay  meel qoto dheer isla gaareen taasoo keentay inuu Ra`iisul-wasaare Geeddi ka shakiyo waxa labada nin u qarsoon, balse xubno u badan xildhibaano caadi ah  oo ah kuwii horey u joogey Magaalada Muqdisho  oo uu  hormuud u yahay Xaaji Muuse Yalaxow oo ay ku xoog-sanyihiin Cusmaan Caato, Bootaan Ciiise Caalim, Cumar Xaashi waxaa ay ku socdaan ama shirka Baydhabo la imaanayaan dhawr ajande ama qorshe siyaasaddeed oo kala ah  in baarlamaanku u codeeyo in madaxweynaha, dowladda iyo baarlamaankuba Muqdisho fariisin ka dhigtaan iyo  in la keeno baarlamaanka Motion ka dhan Ra`iisul-wasaare Geeddi si jagada wasiirka koowaad loogu dhiibo siyaasi ku arragti ah inta badan beelweynta hawiye oo loo arkey inuu Geeddi ku guuldaraystay inuu hanto taageerada iyo arragtida beesha uu magaceeda ku hantay Ra`iisul-wasaaranimadda.  

Mala Ridi Doonnaa Geeddi? Shirkii ay madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku ku yeesheen magaalada Nairobi xilligii ay ku dhawaaqayeen waqtiga iyo magaalada lagu qabanayo shirka baarlamaanka  war lagu  kalsoonaan karo oo aan ka helay siyaasiyiin kusugnaa waqtigaas magaalada Nairobi waxaa ay ii xaqiijiyeen in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo gudoomiyaha baarlamaanku ay siwada jir ah ugu damaanad qaadeen Ra`iisulwasaare Geeddi inaan la ridi doonin arrintaasina inay dhacdo ay ka hortagi-doonaan ayagoo taas badelkeeda ka dalbadey inuu taageero qorshaha Baydhabo, sidoo kale xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa  Ra`iisul-wasaare Geeddi ugu qalbi qoboojiyey in wakiiladda beesha caalamku ay ka shaqeynayaan inaan shirka Baydhabo la keenin wax Motion  ah oo ka dhan ah Geeddi, Sidoo kale safarkii uu Ra`iisul-wasaare Geeddi ku tagay Addis-ababa waxaa lagu tilmaamey inuu ahaa safar loogu talagalay in Ra`iisul-wasaaraha lagu kalsooni galiyo inuusan si fudud kuwaayi doonin kursigiisa laguna dhameynayey madmadowgii soo kala dhexgalay asaga iyo madaxweynaha.

Inkastoo ay dhab tahay haddii madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka, wakiilada beesha caalamka, dowladda Itoobiya oo wada jira ay kashaqeeyaan inay ka hortagaan shaqo ka cayrin lagu sameeyo Ra`iisul-wasaare Geeddi ay tahay arrin suurta galin karta in uu Cali Geeddi sii ahaado Ra`iisul-wasaaraha xukuumadda  ayaa haddana  waxaa jirta in go`aanka rasmiga ah iyo awoodu ay gacanta ugu jirto 275 xildhibaan ee ku kulmi doona magaalada Baydhabo iyo sida ay uga go`an tahay inay shaqada ka qaadaan ama iskadaayaan balse aan sugno sida ay wax noqdaan. 

Maxaa Kasoo Bixi Kara Shirka? Maadaama shirkaan lagu magaacabay kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka taas macneheedu waxaa weeye inaan wali la isku raacsanayn in Baydhabo noqoto xarunta KMG ah ee dowladda sidaas-dareteed waxaa ugu horeeya ee fadhiga baarlamaanku hadduu qabsoomo uu go`aan kagaarayo waa xaggee dowladdu xarunta ka dhigataa? markii ay noqoto xildhibaanadu inay arrintaas go`aan ka gaaraan oo cod u qaadaan waxaa uu tilmaamayaa sahan laga dhex-sameeyey xildhibaanadu inay kala qabaan afar arragtiyood oo ku aadan meesha ay dowladda xarun ka dhiggan lahayd. Qaar waxaa ay qabaan inay u codeeyaan in  madaxweynaha, baarlamaanka, iyo xukuumadda intuba ay   xarun ka dhigtaan magaalada Baydhabo inta laga xalinayo ammaanka iyo maamulka Muqdisho, qeyb kale ayaa ayana qabta inay u codeeyaan in baarlamaanka iyo golaha wasiiradu xarunka dhigtaan Magaalada Muqdisho Madaxweynaha iyo madaxtoooyaduna sii joogaan Baydhabo inta laga xallinayo magaalada Muqdisho, koox kale ayaa ayana qabta inay u codeeyaan in madaxweynaha, baarlamaanka golaha wasiirada intuba ay xarun ka dhigtaan Muqdisho, halka Ra`iisul-wasaare Geeddi iyo tiro yar oo wasiiro ah qabaan in madaxweynaha iyo dowladdu xaruntoodu ahaato Jowhar baarlamaankuna xarunka dhigto Baydhabo. 

Inkastoo ay adagtahay in ay dhamaan xubnaha baarlamaanku haldhinac isku raacaan haddana waxaa kaliya ee arrintaas go`aan looga gaari karo  waa in marka hore intaan baarlamaanku cod qaadin la`isla gaaro  xeer jajab noqon kara in hay`addaha dowladda loo kala qeybiyo Baydhabo iyo Muqdisho hadiise ay dhacdo in ay xildhbaanada inta badan u codeeyaan in dhamaan hay`aadaha dowladdu ay halmeel saldhig ka dhigtaan sida Baydhabo ama Muqdisho taasi waxaa ay noqonaysaa in ay dhinicii dhanka codka looga tug-tugroonaado ku gacanseyraan dhinaca kale,  oo waa inaan maanka ku heynaa in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ay ku adag-tahay hay`addaha dowladda oo dhan waxaa ay tagayaan Muqdisho, sidoo kale hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo ku dadaaban ayagana uma cuntami doonto dhamaan hay`aadaha dowladda xarun haka dhigteen Baydhabo Muqdishana yaan la tagin haddii ay taasi dhacdo waxaa ay arrintu ku noqon kartaa meeshii ay taagnayd shirkii Caddan ka hore iyo meel kasii liidata waana lagama maarmaan in la helo xal meel dhexe ah.

Guntii iyo gabagabadii  waxaa ay u muuqataa shirkan  kooxaha  iyo dhinacyada ka qeybgalaya in ay koox  kasta la imaanayso qorsheheeda iyo ajandaheeda gaarka ah ayna iskudayi doonto inay meel-marsato ajandahaas, waxaan dhihi lahaa “Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar” oo aan ula jeedo in qolo walba qorshe u gaar ah latageyso ee uusan aheyn shir lagu tagayo hal qorshe oo meel looga soowada jeedo,  balse aan sugno wixii ay la timaado siyaasadda isbadbadelka badan ee aan qofna saadaalin karin maadaama ay tahay siyaasad aan ku dhisnayn fikrad iyo arragti wax lagu badbaadinayo, waxana qabaa wali aan waqti kale siino inta ay ka gaarayaan meeshii ay ku kala leexan jireen.

WQ C/Shakuur Cali Mire
Shakuur@somtv.net

London, uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006