SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


 GABAY: Cajaladahan lasoo duubayee noo cuntami waayey

C/naasir Axmed Ducaale
hurreaxmed@yahoo.co.uk

as/wr/wb

      bacda salaan gabaygani wuxuu ku wajahan yahay ama ka hadlayaa dhibaatada iyo dulmiga muga weyn ee lagu hayo mukhlisiinta kunool soomaaliya gaar ahaan arinta foosha xunee hada ka dhacday hargeysa oo lagu dhibaataynayo walaal muslima oo aan waxba galabsan ilaahayna waxaan uga rajeynayaa inuu wax khayr ugu bedelo gacanta cadowgana ka furfuro amiin amiin.

  • 1.      Caqliyada gumaysigu wataa ciirshe dunidiiye

  • 2.      Cashayoon cibaaraa dhacdaad lacajabay’saaye

  • 3.      Cadceedii baxdaba xaalku wuusii cakirayaaye

  • 4.      Waxaan cunaha kuudhaafikarin cadhana kaakeena

  • 5.      Culaysiyo xanuunkugu hayaad ciil la lediweeydo

  • 6.      Oo aad cuntada deynasiyo caanihiyo oonta

  • 7.      Cindigaagu wuxu diidayaad cimidh arkaysaaye

  •  
  • 8.      Cajladahan lasoo duubayee noo cuntami waayey

  • 9.      Oo cadhada nagu beeray weeyn ama caloolyoowga

  • 10.  Oo aan catawgii hablaha cidi ujoogaynin 

  • 11.  Oo’ya caruurtii hurdada caawa dhugan weyday

  • 12.  Ee uu casiisoow qalbigu nala cidhiidh yoomay

  • 13.  Cashrigiyo cariga eebahay laga canbaareeye 

  •  
  • 14.  Culumada ciqaabtooda iyo cidhib tirkaa diintu

  • 15.  Cadibaada loogeysto iyo kibir cayaareedka

  • 16.  Cabudhintiyo dhibaataynta iyo cagajug layntoodu

  • 17.  Waa camal ibleys uu watiyo cadwga islaameede

  • 18.  Waa caalaamadii lagguyiqiin cidaha shaaroone

  • 19.  Waa caadadii uu ninxumi caanka ku ahaaye

  •  
  • 20.  Cabdulaahi ina yuusufiyo coomirka hargeysa 

  • 21.  Cumaal weeye nimankaad hadeer kacabanay saane

  • 22.  Ceedhiinka nimankaan baraa soo cawaansadaye

  • 23.  Camadhlow amxaariy tigraa noo cimaamadaye

  • 24.  Iyagaa cuqaashooda ooywada’ciseeyaane

  • 25.  Iyagaa culuuntaw akhriya caasin mahayaane

  • 26.  Casharada waxay siinayaan kii cadaawa ahe

  • 27.  Caaqiidaday lacolyihiin caabidaka ilaahe

  •  
  •  28.  Cudud bay isbidi oo malaha ways cajebiyeene
  • 29.  Caafimaadku waa uga daraa ciirta kiiqubaye

  • 30.  Cosbsigani waa dhawr cishoo waalasoo celne

  • 31.  Ninkasto ilaah caasiyoo caasha korutaaga

  • 32.  Cududaha marbaa laga jebshaa lana cidaamaaye

  • 33.  Iilkii cidhiidhiga ahaa uu camira yaaye

  • 34.  Cadaabkii allena waw diyaar ama ciqaabtiise

  •  
  • 35.  Casiisoow ilaah adiga yaan cidi kudiidayne

  • 36.  Adigaa cadaaliya rabow caalam qeybna ahe

  • 37.  Adiguu qofkii kucuskada calan waleeyaaye

  •        38. Cunsurbaa allow naladegtiyo cadow yadaadiiye  
  • 39. Illaahoow ku caraade adiga oo kucaasiye’e
  • 40. Ciyaarbay allow kuu’arkaan kuma ciseeyaane
  • 41. Cadhadaada eebow dulasaar waysla carareene
  • 42. Culimada allow caawi iyo caabidkiyo shiikhda

C/naasir Axmed Ducaale
hurreaxmed@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»GABAY:: Gumaad iyo Gedood | C/naasir

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD