SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


  Monday, October 02, 2006
Waraysi Sanaagweb la Yeelatay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.

Sheekh Maxamed Sh. Ismaciil waxaa la qabtay 2/10/2005, isaga oo ku socday meheraddiisa, waxana goobtaas ku sii sugayey ciidan CID ah sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah ehelada Sheekha, maalintaas oo 13 casho ka dambaysay maalintii ay dhacday shaqaaqadu, waxaana loo gudbiyey xabsiga magaalada Hargeisa iyada oo aan muddo sagaal bilood ah aan wax maxkamad ah la horkeenin, sida aanu ka soo xigannay Faysal Sheekh Ismaaciil oo la dhashay Sheekha Xidhan ee Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxa uu intaa ku daray in ay sababtay in sheekha iyo koox 7 qof ka koobnayd oo ay isku kiis ahaayeen la horkeeno maxkamadda ka dib markii ay shireen ehelada sideedda nin, oo ay soo saareen baaq, arrintaas oo dhalisay in maxkamadda la hor keeno.

Tan iyo mudadaa waxaa Sheekha maxkamadda la horkeenay illaa 14 fadhi iyada oo eedaymaha ugu waaweyn ee Sheekh Maxamed lagu haysto ay ka mid yihiin sida uu noo sheegay Faysal Sheekh Ismaaciil oo aanu waraysi la yeelanay Falal argagaxiso oo ka dhan ah JSL “waxaa maxkamadda la horkeenay illaa 21 Markhaati laakiin may jirin cid wax ku caddaysay Sheekha iyada oo aannu sugayno Judgement-gii oo naloo qabtay bacdal Ramadan” ayuu yidhi Faysal Sheekh Ismaaciil.

Waraysigii uu Sanaagweb la yeeshay Faysal Sheekh Ismaaciilna wuxuu u dhacay sidatan:

Waxaad nooga warantaa arrintan ayaamahan saxaafadda iyo dadweynuhuba isla dhex marayeen iyo waxa ka jira cajaladdan lagu soo bandhigay websiteska ee la sheegay?

Arrintaas annagu waa sidaan u aragnay, looyarkuna uu hore u keenay maxkamadda horteeda, waxaanuna aaminsannay in haddii laba qodob ay jiraan ay cajaladdani run tahay tan koowaad oo ah Qofkan la jidhdilayaa ma yahay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil tan labaad oo ah cod ahaanna ma yahay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil labadaa qodob ka dib wuxuu sheekhu noo xaqiiyey in jidh dilkaa lagu sameeyey.

S: Wax ma nooga sheegi kartaa dembiga lagu haysto sheekha?

J: Haa, dembiga sheekha lagu haystaa sida ku cad warqadda tirsigeedu yahay XIGH275/2006 ee xeer ilaalinta gobolka waxay ku soo eedeeyeen Sheekha falal argagixiso oo ka dhan ah JSL

S: Ka ehelo ahaan maxaad haddeer damacsan tihiin inaad samaysaan?

J: Annagu marwalba waxaannu arrintayada u daba fadhinaa sharciga oo aanu dawladda uga fadhinaa inay keento dadkii jidhdilka kula kacay Sheekha

S: Cajaladdan yaa helay? Maxaadse ka ogtihiin?

J: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay

S: Maxaad dareenteen markii aad cajaladda ka dhex aragteen sawirka ka muuqda?

J: Waxaannu dareennay wixii uu dareemi lahaa qof la dhibaataynayo walaalkii isagoo weliba ku jira gacanta dawladda.

S: Sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha ee JSL oo uu yidhi dadka la xidhxidhay waxaa ka mida qaar ka mida ehelada sheekha arrintaa maxaa ka jira? Imisa qof baase idinka xidhxidhan?

J: cid ehelada Sheekha ka mida oo rag iyo haween ah oo xidhxidhani ma jirto.

Ismail Hussein Mohammed
Sanaagweb.com webmaster

Xigasho: Sanaagweb.com

Waxaa soo tebiyey:
Cabdi Xasan 
abdi172@hotmail.com

Sawirka: xargaga

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD