SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


  Nidaamka Riyaale oo halkii kasii wada falalkii ka dhanka ahaa Islaamka iyo culimada Soomaaliyeed ee kacaankii 21kii Oktoobar.

Qore AbuGaala-eri
abduulkaariim@hotmail.com

Hordhac.

Inta badan dhulalkii uu gumeystihii reer galbeedku haystay, gaar ahaanna qaaradda Afrika ayaa si uu u wiiqo kacdoonnadii gobannimo doonka una yareeyo khasaarihii dhimasho ee soo gaarayey ciidamadiisa iyo shaqaalihiisa waxaa diyaariyey dabaqad ka mid ah bulshooyinkaas. Ku waas oo lagu magacaabi karo Damiir laawayaal aan lahayn shaqsiyad iyo karaamo toona.

Dabaqaddan ayaa waxaa shaqadeedu ahayd/walina tahay in ay halkii kasii wadaan qorshayaashii gumeystaha. Taasoo meesha looga saarayey in guulo wax ku ool ah iyo miroba laga dhaliyo dhiidhigii iyo kacdoonnadii shucuubta gumeyste la dirirka ahayd. Waxaa go’aannada sidoodii ay uga imanayaan: London, Rom iyo Paris. Waxaa dhammaanba laga taqalusay oo la baabi’iyey hoggaamiyayaashii dhaqdhaqaayadii xornimo doonka. Waxaa Ceeryaamo ka timid halkii Roobka laga filayey. Waxaa meesha ka baxay oo kaliya ninkii caddaa. Waxaa meelo fara badan oo (oo ay ka mid tahay Soomaaliya) dhulalkii la gumeysanayey awooddii la wareegey Boygii/booyaaskii ninka cad. Waxaa xitaa aan direyskii/labiskii laga badalin ciidammadii dalalkii curtay. Waxaa ilaa hadda oo lajoogo halkii ay kasii wadaan nidaamkii booliska iyo jir dilka muwaadinka. Waxaa ay dabaqaddaasi ilaa hadda si aan qarsoodi ahayn ixtiraam iyo qaddarin u hayaan gumeystihii oo iska daa in uu mag-dhow ka bixiyo dambiyadii uu ka galay bulshooyinka, aan waan ka xumahay wixii aan geystey xitaa laga hayn. Waxaa intaa dheer in halkii ugu yaraan bulshadu nacayb u hayn lahayd khasab looga dhigay in ay jeclaato.

Tusaale ahaan, shacabka Woqooyiga Soomaaliya ku dhaqan (intiisa badan) waxaa ka dhaadhacsan in Ingiriiska ay is xigaan. Oo wax la iskula yaabo ma ahan in golayaasha sidaa looga sheekaysto.  

Dhanka kale, Koonfurta Dalka waxaa qalbiga u fadhiya Talyaani, oo ninkii reer magaalnimadiisa doonaya in uu muujiyo waa in uu dhowrkii jumlaba hadalkiisa xabbado talyaani ah ku daro/qaso, illayn waa loo jajaban yahaye. 

Riyaale was head of the feared and powerful secret service, the National Security Service (NSS)  and now he is the President of Somaliland... Raaqiya Oomaar...

Nin aad taqaan yaad tahay lama yiraahdo!!!! 

Sida la wada ogsoon yahay Daahir Riyaale waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii loo yaqiin NNS-ta ama nabad sugidda ee rajiimkii Max’ed Siyaad.

Waxaan shaki ku jirin qaybtii ay ciidamadaasi ku lahaayeen arga-gixintii iyo gumaadkii uu rijiimkaasi ku hayey Ummadda Soomaaliyeed 21-kii sano ee uu haba kala darraadee Dalka ka talinayey. Waxaa la oron karaa dhammaanba waxaa siyaalo kala duwan looga dareemay degmada Soomaaliya bahalnimada nidaamkaas oo sidii aan kor ku soo xusnayba la oron karo waxaa uu wakiil ka ahaa gumeystayaashii Ingiriis iyo Talyaani. Marka aan nidaam ama rijiim ka hadlayo micnaheedu ma ahan madax weynaha oo kaliya, ee waa ciddii nidaamkaas lasoo shaqaysay, marka laga reebo shaqaalaha hoose ee hay’adaha Dalka. 

Haddaba dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollaada Woqooyi Soomaaliya waxaa ay ka hor yimaadeen nidaamkaas, waxa ayna sidii gobollo kale ku dhacdayba la kulmeen burbur iyo bara kac aan looga aabbe yeelin.

Sidaa waxaa Soomaaliya ku wadasaameeyey dagaallo ilaa nidaamkii iyo dowladdiba ay burburaan, oo meesha ka baxaan.

Waxaa gobollada Woqooyi Soomaaliya ay ku dhaqaaqeen in ay nidaam samaystaan ay kaga baxaan wixii soo maray1. Waxaa haddaba, la filayaa in maadaama ay nidaam dhibaato kala kulmeen kana dhiidhiyeen xumaantiisa, in talada ummadda loo dhiibo cid aan rijiimkaas ka tirsanayn. Waxa kaliya ee xubnaha rijiimkaasi ay istaahilaanna ay noqoto in maxkamad la hor geeyo, ugu yaraanna “haddii dambi lagu waayo” aan laga talo galin maamulka dalka maadaama ay rijiimkii wax laga tirsanayey ka soo jeedaan. Waana sida hadda Ciraaq iyo Afghaanistaamba lagaga dhaqmo iyo xizbul bacthigii iyo Taalibaanba aan maamulka laga qayb galin waaba haddii ayba jeel ka bad-baadaan.

Nasiib xumo, taasi kamay dhicin Hargeysa ee waxaa taladii la wareegay xubno ka mid ahaa walibana jagooyin sar-sare ka hayey rijiimkii 21-kii Okt. Kuwaas oo halkii kasii amba qaaday dardaarankii gumeysigii Ingiriiska/talyaaniga. Waxaa intaa sii dheer in reer 21-kii Okt. Iska dhaxlaan xukumka iyo maamulka Gobolladaas. Sidaan hordhaca ku soo xusay waxaa u caado ah dabaqadda damiir laawayaasha in halkii ay kasii wadaan nidaamkii gumeysiga. Waxaana taa marag madoonto u ah waxa maanta soo shaac baxay ee ka jira xabsiyada rijiimka Riyaale ee Hargeysa. Waxaad is weydiisaa akhristaha qiimaha lahow, su’aalaha la weydiinayo Sheekha sida waxshinnimada ah loola dhaqmayo su’aalahaas kuma jirto mid kaliya oo lagu eedaynayo in uu Hargeysa dambi ka galay. Waa wax lala yaabo lagana dhiidhiyo nin Soomaaliyeed iska Sheekhe oo dhul Soomaaliyeed rag “Soomaaliyeed” waxay u ciqaabayaan in uu neceb yahay Itoobiya iyo Maraykan. Waxa ugu weyn ee uu sameeyeyna waa afka oo uu kahadlay.  

Haddaba su’aasha jawaabta doonaysaa waxay tahay: Reer Hargeysa maxay ahayd wixii ay kula daagaallameen rijiimkii 21-kii Okt. Ma waxan maanta Hargeysa ka dhacaya wax aan ahayn ayuu galay?. Mise shacabkii maalinkaas joogey ayaan maanta wax ka harin? Mise damiirkii ayaa la iibsaday?  


Daahir Rayaale

Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil

Midna waxaan su’aalayaa rijiimka Riyaale. Ma waxaad dadka ka iibsatay damiirkii iyo dadnimadii ay rijiimkiinnii 21-kii Oktoobar kula dagaallameen? Mise samirkooda ayaad ku sirantay oo maanta waa soo afjarmay nidaamkaagii dugaagnimadu? Qab-qablayaashii xamar iyagoo sidaada Shacabka Soomaaliyeed ku baayac mushtara oo kay doonaan sidaada Itoobiya iyo Askarta maraykanka ee xeebta Jabuuti ku sugan ka iibsada ayaa maalin ceebtooda ilaahay dibadda keenay. Adna waxaad ka dambaysaaba waa dayrta maanta ahe.

Waxaa hore loo ogaa oo Bulshada Soomaaliyeed ka warhaysay in magaalooyin Soomaaliyeed oo ay Hargeysi ka mid tahay laga dhoofiyo oo laga iib geeyo Culimaa’uddiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed iyo dadyow Muslim ah oo cidna dambi ka galin. Waxaa Saddexda rijiim Hargeysa, Boosaaso iyo Baydhabo ee isku meesha ka amarka qaata la gaarey xilligii Bulshada Soomaaliyeed ay arki lahayd kuna baraarugu lahayd in aaanay iyaga ka mid ahayn matalina Karin. Sidaa darteed waxaa lagaarey xilligii sidaba shacabka Muqdisho, Kismaayo, Jawhar iyo magaalooyinka kaleba aynu iska xorayn lahayn inta ka harsan rijiimyadan inoogu wacan colaadda, kala qoqbnaanta iyo dib u dhaca dhaqan, dhaqaale iyo dhan walba ina saameeye. Waxaa lagaarey xilligii aynu hanan lahayn  haddaynu nahay Bulshada Soomaaliyeed (Min Raas-Casayr ilaa Raaskiyambooni) Madax bannaannida dhabta ah eek u salaysan isku xukumidda Sharciga Ilaahay iyo Diintiisa. 

Wabillaahi attawfiiq. 

Qore AbuGaala-eri
abduulkaariim@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD