SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
WARBIXINTA QARAMADA MIDOOBEY

Warbixin dheer oo Qaramada Midoobey ka qortay Soomaaliya... Ka akhri halkan (PDF)
[Waa fayl culus oo dhan 1.97MB]
Faylka PDF waxa uu u baahan yahay in lagu akhriyo adobe (kasoo rogo halkan)




Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...



Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/
:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Nov 22, 2006

  • Warbixin dheeraad oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Iidaale..
  • Sheekh Max’ed Idiris “Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku gurmada..
  • Maanta oo laga yaabo in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateyta hubka ee saaran..
  • Hay’adda WFP oo raashin ka qaybisay deegaanka Raadaarka..
  • Ugaas Maxamuud Diiriye “Maxaa ku dhacay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed”
  • Dugsiga Caynaan oo xusay maalinta Macalinka...

Warbixin dheeraad oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Iidaale..

Waxaa dagaalo goos goos ah maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Bay ku dhex marayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya iyo kuwa Federaalka oo dhinaca iyo ciidamo ka tirsan kuwa Deegaanadaa oo taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah. Dagaalkii ugu horeeyay waxa uu ka dhacay deegaanka Bardaale, waxaana halkaasi ciidamada Itoobiya loogu gaystay khasaaro isugu jira labo gaari oo Ciidamada Itoobiya laga gubay iyo 7 askari oo halkaasi looga dilay, shalay galab ayaa mar kale isla goobtii waxa uu dagaal ku dhex maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Deegaanka, waxa uuna halkaasi Ciidamada Itoobiya looga gubay gaari, waxaa kalloo khasaaro laga gaarsiiyey dhowr gaari oo kale, balse ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya khasaaraha gaaray dhinaca kale, basle warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada deegaanka laga dilay labo qofood, shalay subaxnimadii ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayey in ay soo baabi’iyaan xarumaha looga soo duulayo ay ku duuleen gaar ahaan deegaanka Iidaale, waxaana halkaasi ku qabsadeen dagaal qaraar oo keenay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana la sheeg ay in ciidamada Itoobiyaanka laga gubay dhowr gaari lagana dilay dhowr iyo toban askari, balse dhinaca kale lama garanayo khasaarhaa gaaray inta uu dhan yahay, balse warar ayaa waxay sheeg ayaan in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen Deegaanka Iidaale, sidoo kale waxaa lagu waramay in ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan kuwa Dowladda Federaalka ay halkaasi ku go’doonsan yihiin, waxana haatan u kicitimay gurmad ka baxay Magaalada Baydhabo oo iyagu isla shalay gaaray, waxaana la sheegay in Ciidamada Itoobiya halkaasi ka dhigan doonaan fariisin, hase yeeshee waxaa socda dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah, waxaama Ciidamada Itoobiya ku furmay aak kale, iyadoo markii hore aagoodu ahaa dhinaca Magaalada Buur-Hakaba, warar ayaa waxay sheegyaaan in Maydkii iyo dhaawicii Ciidmaada Itoobiya shalay loo qaaday Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Sheekh Max’ed Idiris “Waxaan ogaaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku gurmada..

Sheekh Max’ed Idiris oo ah Sheekh Caan ah oo si weyn looga yaqaano dalka dibaddiisa iyo gudihiisa, haatanna ku sugan magaalada Muqdisho kana mid ah guddiga gurmadka deg dega ah ee Fatahaada ee ay Maxaakiimtu magacaabeen ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo markay timaado dhibaato isku gurmada.

“Waxaan ogaaday in shacabku yihiin kuwo isku dhiirageliya sidii ay isku caawini lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Max’ed Idiris oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiy sidii ay gacan isku siin lahaayeen, isla markaana uga maarmari lahaayeen gacan shisheeye. Sheekh Max’ed Idris oo qalabka warbaahinta kala hadlayey xiligii ay socotay uruurinta Lacaga lagu taburacayo dadka ay fatahaaduhu waxyeeleeyeen ayaa Sheekhu u duceeyay intii baxsatay, waxa uuna inta kale u soo jeediyey inay ku daydaan dadkaasi.

Intii ay socotay uruurinta deeqdaasi ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii bixiyey lacagaha, Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta oo isagu bixiyey 50-kun oo Doolar, waxaa kalloo ka mid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo bixiyey Kun Doolar, sidoo kale waxaa kaloo wax bixiyey Sheekh Yuusuf Indh-Cadde iyo toban Shirkadaha Xawaaladaha oo iyana bixiyey 30-kun oo doolar, isku soo wada duuboo daqliga soo xarooday hal maalin ayaa waxaa uu gaarayaa 300 oo Kun oo Doolar.

Maanta oo laga yaabo in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateyta hubka ee saaran..

Maanta ayaa la filayaa in Qaramada Midoobey isugu yimaadaan kal fadhi looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaddib markii uu sidaasi ay codsatay Dowladda Mareykanka.

Waxyaabaha looga hadli doono kal fadhingaan ayaa waxaa ka mid ah sidii Soomaaliya Cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa, waxayna wararku sheegayaan in go’aanka ka qaadista uu goluhu isku raaci doono.

Dowlado ayaa waxay qabaan in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya noqon doonto meel ay harqiyaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana laga cosaday Qaramada Midoobey inaysan ku deg degin qaadista cunaqaba-teyntaasi

Hay’adda WFP oo raashin ka qaybisay deegaanka Raadaarka..

Hay’adda WFP ayaa maalintii shalay ahayd raashin ka qaybiysay Deegaanka Raadarka ee Degmada Dayniile, waxa uuna raashinkaasi ka koobnaa 300 oo Kiintaal oo bariis ah iyo 19-caag oo labaatan qaad ah oo saliid ah, waxana raashinkaasi loo qaybiyey 400 oo qoys, hase yeeshee dadweynaha Deegaanka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi isugu yimaadeen, balse raashinkii uu kala gaari waayey, waxaana laga codsaday Hay’adda WFP in ay raashin la soo gaarto dadkaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, dhinada ammaanka Raashinkaasi waxaa sugayey Taliyaha ciidamada Deegaankasi Maxamuud Max’ed Abshir (Jaaloos), waxaana goob joog ka ahaa odeyga deegaankaasi Max’ed Maxamuud Siicow iyo xubno kale.

Ugaas Maxamuud Diiriye “Maxaa ku dhacay Dhakhaatiirta Soomaaliyeed”

Iyadoo lagu hawlan yahay sidii loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay fataahada wabiyada iyo roobabka ayaa haddana Ugaas Maxuud Diiriye Cusmaan oo ka mid ah waxgaradka Soomaa-liyeed ayaa si aad ah u dhaliilsan yahay dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo uu sheegay in aysan ka muuqan daqliga loo uruurinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaaraty fatahaadu.

“waxaan maqlay in dhakhtar ah oo ku sugan dalka Talyaaniga uu ku deeqay Kun Doolar, waxaan og nahay in Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu daqliga badan xiligaan, mana garanayo waxa ay u muuqan la’ yihiin” ayuu yiri Ugaas Maxamuud oo ugu baaqay dhakhaatiirta Soomaaliyeed inay gacan ka gaystaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen badbaadinta dadkooda, wuxuu kaloo sheegay in dhakhaatiirta xitaa looga fadhiyey tagaana goobaha fatahaadyadu ka dhaceen, maadaama ay cuduro halkaasi ka dhashay ay dad u dhinteen, sida shubanka iyo Malaariyada.

Dugsiga Caynaan oo xusay maalinta Macalinka...

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Caynaan ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, waxayna ku saabsaneyd xuska maalinta macallinka ee 21-ka November, waxaana ka qaybgalay macallimiin iyo arday iyo waliba marti sharaf kale, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay taariikhdii uu soo maray macallinka Soomaaliyeed.

Macallimiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegeen in maantoo kale loo baahan yahay in xasuuq gaar ah la siiyo macallimiinta maadaama ay yihiin kuwa wax-baraya carruurta Soomaaliyeed.

Ardayda dugsigaasi wax ka barata ayaa iyana halkaasi ku soo bandhigay barnaamijyo ka hadalaya macallinka, waxayna sheegeen in macallinku uu yahay Aabbaha labaad loona baahan yahay in ardaydu ay tixgelin gaar ah siiyaan.

Waalidiintii ka qaybgashay xafladaasi ayaa waxay ballanqaadeen in ay il gaar ah ku eegi doonaan Macallimiinta, isla markaan carruurtooda ay ku abaabin doonaan in ay ixtiraamaan Macallinka.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006


Ganacsade Soomaaliyeed oo Toogtey Labo Burcad ah
Koonfur Afrika: Burcadda oo dukaankiisa ugu soo gashay ganacsade labada lugood cuuryaan ka ah ayaa. Guji...

Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo Francous Fall..
»Cali Max’ed Geeddi oo ku eedeeyay beesha Caalamka in ay..
»Sheekh C/xakiim “Itoobiya gacanta waynu ug adkaan jirney..
»Dadweynaha Puntland oo soo dhaweeyey Go'aankii..
»Ganacsatada Gobalka Banaadir oo 120 kun...
»Baydhabo: Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha...
»Ramaas: jawaab calin faysal cali waraabe...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 21

Taageerid & Dhursugid ka timid Beesha Maxamed Cumar
waxana ay soo dhaweeyeen go’aankii ay ku dhawaaqday Dowlad Goboleedka Puntland...
Akhri..

Sida looga arkay Puntland ku Dhawaaqida Dowlada ee ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
Waxaa aad looga soo dhaweeyey Puntland hadalkii shalay kasoo yeeray DGPL, marka laga reebo... Akhri Warbixinta...

Taageero War saxaafadeedkii ka soo baxay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Shacabka reer Puntland ee ku dhaqan Kenya ayaa.. Guji...

Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay
kadib markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa Dekada Boosaaso... Akhri Waraysiga...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD