SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...


Wararkii: Oct 20, 2006

  • Kulan ay lahaayeen kooxda Xiriirka Somalia iyo DFKMG ka dhacay Nairobi iyo arimihii lagu soo qaaday... 
  • Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madax waynaha Kenya oo ku shiray Nairobi.
  • Suldaan Siciid oo shaaca ka qaaday in ay arimo ganacsi u tageen Jabuuti.
  • Shirkii khamiislaha ahaa oo ay yeelan jireen golaha xukuumada Puntland oo maanta lagu soo qaatay arimo dhawr ah.
  • Madaxwaynaha DFKMG oo noqday madaxa wafdiga u matalaya wada hadalada khartuum

Kulan ay lahaayeen kooxda Xiriirka Somalia iyo DFKMG ka dhacay Nairobi iyo arimihii lagu soo qaaday... 

Magaalada Nairobi ee caasimada kenya ayaa waxaa ka dhacay kulankii ugu horeeyay oo ay DFKMG iyo dawlada kenya madax ka tirsan ka qayb galaan oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Xiriirka Somalia ee loo yaqaan "contact group". 


madaxwaynaha DFKMG dhanka midig iyo affey iyo laba xubnood: Rueters. 

Kulankaasi ayaa waxaa uu ahaa mid albaabadu u xirnaayeen oo aan saxaafada loo ogolayn iyadoo shirkan ay goob joog ka ahaayeen dhamaan dawladaha ku jira kooxda Xiriirka Somalia ee Contact Group for Somalia, Dawladaha joogay ayaa waxaa ka mid ahaa Dawada Maraynka,Sweden, Tanzania, Norway, Italy iyadoo sidoo kale ay joogen madax ka tirsan IGAD oo uu ka mid yahay madax waynaha Kenya Mio Kibaki iyo waliba wasiirka arimaha dibada Kenya Repheil Tuju  madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed, wakiilka QM ee Somalia Mr Fall.

Kulankaan ayaa  waxaana furay wasiirka arimaha dibada ee Kenya Mr Rephel Tuju iyadoo ay hadalo ka jeediyeen madaxdii joogtay oo uu ka mid ahaa madaxwaynaha DFKMG. 

C/laahi Yusuf Axmed oo hadalkiisu u muuqday mid kululaa ayaa waxaa uu sheegay in ay Somalia joogaan, sida uu hadalka u dhigay, Argagaxiso ka timid aduunka oo bariga Africa halis wayn ku haya oo loo baahan yahay in beesha caalamku iska kaashadaan. 

Madax waynaha DFKMG ayaa waxaa uu sheegay in isaga iyo waliba madax kale oo ka tirsan dawlada Somalia ayaa sheegay in maxaakinta islaamiga ah ee somaliyed ay qoryeeshaan in ay shirqolan. 

Dhamaan Duplumasistin kulanka ka qayb gashay ayaa dawlada Somalia iyo maxakiimta islamiga ah ee somaliyed ku booriyay in ay ka qayb galaan siina wadan wada hadalada u dhexeeya labada dhinac ee la filayo in 30ka bishan ay ka dhacaya dalka Sudan. 

Kulanaan ayaa waxaana ka qayb galin waftigi maxaakinta islaamiga ah ee somaliayeed ee Khamiistii Nairobi yimid. 

Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madax waynaha Kenya oo ku shiray Nairobi.

Magaalada Nairobi ee caasimadsa Kenya ayaa waxaa kulan ku yeeshay subaxii hore ee shalay ee khamiista ahayd iyadoo kulanku ka dhacay xarunta State Houseka xarunta madaxtooyada Kenya ayaa waxaa ay labada madax wayne ka shireen arinta somaliya iyado madax wayanaha Kenya uu yahay iminka Gudoomiyaha Ururka IGAD .

Shirka dhex maray  labada Madaxweyne ayaa ahaa mid aan saxaafada laga xirdhay iridaha  waxaana saxaafada somalida ee Nairobi uga waribixiya safiirka Kenya ee somalia Maxmed Cabdi affey oo sheegay in labada dhinac ay si qoto dheer uga wadahadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo isbadaladii ugu daneyay ee somalia ka dhacay somalia. 

Kulankaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada madax wayne C/laahi Yusuf Axmed iyo Kibaki tan iyo waxii ka danbeyay markii madax waynaha DFKMG bishii hore 18keedii uu ka badbaaday isku day dil la dooyay in la  khaarajiyo. 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Naribi kenya
botaan1@hotmail.com
Faah Faahin Somali Talk


Garowe: Suldaan Siciid oo shaaca ka qaaday in ay arimo ganacsi u tageen Jabuuti.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo maanta u waramayay saxaafada ayaa shaaca ka qaatay in aysan jabuuti u tagin arimo siyaasadeed balse ay u tageen arimo la xiriira Ganacsiga taasina ay tahay waajib qof walba saaran in uu ganacsigiisa maareeyo uuna u xusho dal sidii ganacsigiisu uu sare ugu sii kici lahaa.

Suldaanka ayaa sheegay in aysan wax siyaasad ah iyagu ka isimo ahaan shaqo kulahayn Puntlandna ay tahay xukuumad ay Isimadu asaaseen sidaa darteena aysan marnaba aysan suurta gal noqon karin in ay wixii ay dhiseen 8sano kahor ay maanta iyaga oo mirahoodii laguranayo ay burburiyaan.

Suldaanka ayaa yiri Jabuuti cadow kuma aha Puntland, jabuuti waa wadan soomaaliyeed waana wadan madaxbanaan loona baahan yahay in wax lala qabsado si loo gaaro xirii iskashi dhaqaale iyo mid bulshaba.

Suldaanka ayaa intaa ku daray in ay Jabuuti ay ugu danbaysay isaga xiligii shirkii carta wixii ka danbeeyayna uu san mar danbe tagin waxana uu yiri waxaan marti qaad ka helnay madaxwaynaha Jabuti waan waajib in ay aqbalno martiqadka madaxwaynaha si buuyiri loo helo is dhexgal bulsho iyo xiriir wax wada qabsi oo dhamaystiran.

Dr.C/raxmaan Maxamed Bankax Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in ay saxaafadu buun-buunisay safarka Issimadu oo ku sheegay in ay dano gaara ay ugu socdaaleen dalka Jabuuti , cidkastaana ay xor u tahay in ay safaro shaqsiyeed ay ugu socdaali karaan dalkii ay doonaan , hase ahaatee arimaha siyaasada ay dawladu u xilsaaran tahay.

Garowe: Shirkii khamiislaha ahaa oo ay yeelan jireen golaha xukuumada Puntland oo maanta lagu soo qaatay arimo dhawr ah.

Shirkii khamiislaha ahaa ee ay maalin walba oo khamiis ah ay yeelan jireen  Golaha Xukumada Puntland oo maanta lagu soo qatay qodobo dhawr ah  oo ay ka mid yihiin  xaalada Nabadgalyada Guud ee Puntland, Xaalka Isimadii ka soo laabtay Jabuuti dhawaan, heshiis bilow ah oo wada shaqaynta Dawlada iyo Hayadaha caalamiga ah, Warbixin ay soo gudbisay wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka oo ku saabsan xaalka jidadka Puntland   iyo  sharciga waxbarashada DGPL oo ay dhawaan soo gudbisay wasaarada waxbarashada.

Shirkan oo uu maanta shir gudoominayay madaxwayne ku xigeenak DGPL ahna sii hayaha xilka madaxwaynaha Xassan Dahir Afqurac kana dhacayay qasriga madaxtooyada Puntland ee garowe ayaa la isla gorfeeyay dhamaanba qodobadaas oo runtii ahaa ku aad muhiim ugu ah bulshada wax ka qabashadooda oo hadii aan wax laga qabana ah arin mar walba ku taagan xukuumada puntland.

Dhamaan qodobada maanta looga hadlayay shirka ayaa waxaa talooyinka soo gudbinayay wasiir kasta sida uu kula talin lahaa hayadaha ku shaqada leh iyo sidii isaga ula quman oo wax looga qaban lahaa  waxaana dhamaan la isku raacay in sida ugu dhakhsaha badan loogu guntado oo wax looga qabto.

Si kastaba xaalka amaanka Puntland ayaa ah mid mar walba xukuumada Puntland ay afka ku hayso balse aan si mana jirto amaan daro hada ka jirta Puntland lakin hadana looguma hawlgalo sidii loo baahnaa waxaana jira dibu dhac badan oo xukuumadu ay ugu mar marsiyooto xaga amaanka.

Shirkan khamiisla ah ayaa ah mid khamiis walba ay isugu yimaadaan golaha xukuumada puntland  tan iyo markii la asaasay puntland mana jirto natiijo wanaagsan oo ka soo baxda shirka khamiislaha ah  oo shacabka farax galisa waxaan dariiqyada ay shacbku uga sheekaystaan waa un shir shaaha lagu cabo.

Xukuumada Puntland ayaa iyadu ka gaabisay wax qabad badan oo laga sugayay walina shacabku waxay dhagaha u taagayaan mudada sanadka ah ee u harsan xilka xukuumada puntland waxa u qabsoomi doona iyo sida uu ku dhamaato sanadka soo socda ee uu cade muse kursiga ku sii fadhiyayo.

Nairobi: Madaxwaynaha DFKMG oo noqday madaxa wafdiga u matalaya wada hadalada khartuum dawlada somalia.

Madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf axmed ayaa si rasmi ah u qabtay hogaanka sare ee wada xaajoodka shirka khartuum dawalada uu madaxda u yahay ka dib markii uu xilkaasi iska casilay gudoomiyaha baarlamaanka somalia shariif xasan shiikh aadan oo isagu horay xilkaasi u hayay.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu u kicitimi doono isaga oo horkacaya wafdiga xukuumada uga qaybgalaya dabayaaqada bishan 30 keeda shirka wadahadalada xukuumada iyo maxaakiimta ee ka dhici doona khartuum kaasi oo lagu soo afjarayo  tuhunka labada dhinac ay ka kala qabaan in ay cadaw isu yihiin iyo dhamaystirka wajigii 2aad  iyo sidii la iskula meel dhigi lahaa  xasilinta dalka somalia ee mudada 15 sano kabadan uu hareeyay dagaal sokeeye.

warar ka imanaya  Nairbi ayaa sheegaya in uu khilaaf soo kala dhexgalay madaxwaynaha  DFKG iyo raisal wasaaraha somalia Cali maxamed geedi.

Ra`iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu doonayay in wafdigaasi ay ahaada kuwo uga qayb gala qaab xukuumadeed, waxaana uu sheegay in uu ka xunyahay in wafdigaasi uu hogaamiyo madaxwaynaha Soomaaliya.

Si kastaba  wada hadaladaasi oo 30ka bishan ka furmaya magaalada Kharduum ayaa waxaa hogaamindoona  wafdiga xukuumadda  madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

Balse  wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Nairobi ayaa xaqiijinya in madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed  oo maanta ka qayb galay shirkii  kooxda loogu magacdaray Contact group uga furmay Nairobi ee xarunta dalka kenya uu hadal dheer uu ka jeediyay uu ku weeraray maxaakimta uuna ku tilmaamay in ay yihiinkuwo caawiya argagixisada somaliya gabaadna siiya iyagana ay ku jiraan kooxo badan oo argagixiso ah  sidoo kale madaxwayne C/laahi yuusuf ayaa codsatay in laga wareejiyo gacanta shirka wadahadalada somalida ee khartuum Jaamacada Carbta loona daayo Midowga Africa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Lama saadaalin karo sida uu xaalku noqon dono marka lagaaro 30ka bishan ee lagu balansan yahay in markale uu ka furmo dalka suudaan caasimadiisa khartuum wada hadalka dhinacyada siku haya xaalka dalka somaliya ee Xukuumda ku meel gaarka ah ee hada jirta iyo maxaakiimta muqdisho oo la rumaysan yahay in ay gacanta ku hayaan inta badan koonfurta somalia.

A/rizak koronto Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2006

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..
»Madaxwaynaha DFKMG oo Nairobi Soo Gaaray...
»Kulan addis ababa ku dhexmaray DFKMG iyo maamulka SL.
»Kooxda Contact Group oo maanta isa soo hor fariisiyaan..
»Ciidamo ka socda Maxaakiimta islaamiga oo ka ambabaxay..
»Warar ku saabsan Barre Hiiraale & halka uu ku sugan yahay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 19

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...
Sidaas waxaa caddeeyey shabakadii warkaas markii hore qortay, taas oo sheegtay in.... Guji...

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"
»Digil & Mirifle oo Baydhabo ku soo dhaweynaya maxkamadaha
»C/llaahi Yuusuf oo fariin soo gaarsiiyey Digil iyo Mirifle..
»Beesha Sade: Gen Cali Madoobe wax lug ah kuma lahayn..
»Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale oo isu jira
»Munaasabad lagu xusayey Maalinta Saboolnimada adduunka
»Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Xarardheere...
»C/laahi Yuusuf Axmed iyo Meles Zenawi oo shir yeeshay..
»Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed
»Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka u daruuray inuu..
»Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeeray...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 18


Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed oo ka soo direen W/Ameerika oo la gaarsiiyey qoysas u badan agoon iyo kuwo dhibaateysan...

 

Deeq ka koobneyd Lacag gaareysa $1800 oo haween Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka ay  soo direen ayaa maanta loo gaarsiiyey qoysaska caruur Soomaaliyeed oo ku agoontoobay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaaalada Muqdisho iyo kuwa dhibaateysan munaasabad ka dhacday xarunta Markaska dacwada Ummul-Qura oo ku yaala degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo haweenka soo diray deeqdaasi ay u soo mariyeen  dadkaasi agoonta ah iyo kuwa dhibaateysan  ayaa sheegay in haweenkan ku nool dalka Maraykanka ay lacagtan ugu talo galeen sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen munaasabada ciida Soonfureed farxadna ula ciidi lahaayeen qaar ka tirsan walaalahood agoonta ah ee ku dhibaateysan magaaladan Muqdisho iyo dadka kale ee tabaaleysan, isagoo xusay in lacagtan oo dhameyd illaa $1800 oo Dolar lagu sarifay boqolkii dolar 13,70,000, taasoo  cadadeeda guudna ka dhigtay 24,600,000 (Labaatan iyo afar Milyan iyo lix boqol oo kun Sh.So) ah.

 

 

“Deeqdan waxaa idin soo diray haween walaalihiin ah oo ku dhaqan W/Ameerika, kuwaasoo ka damqaday dhibaatada xiliggan heysata dadka Soomaliyeed gaar ahaan agoonta, waxaan u rajaynaynaa haweenka Muslimaadka ah ee ee deeqdan soo diray inuu ILAAHEY Siiyo bedel qeyr qaba, baaqigoodana u barakeeyo” ayuu yiri Abwaan Bacadle. 

 

Lacagtan ayaa ilaa shan milyan oo ka mid ah waxaa  qoo qeybiyey qoysas dhibaateysan oo marti ah oo goobta soo xaadiray, waxaana lacagtaasi inta ka hartay loo qeybiyey qoysas agoon ah oo iyagu dhibaato gaar ah qaba marka laga reebo Shan milyan iyo Afar boqol oo Sh.So ah oo lagu wareejiyey maamulaha Markaska dacwada Ummu-Xafsa Aamina C/raxmaan si ay gaarsiiso  isla qoysaska agoonta ee dhibaatada gaarka ah ay ka muuqato oo iyagu diiwaan gashanaa, hase ahaatee goobtaasi aan soo xaadirin.

 

Aamina C/kariim oo ka mid ah mas’uuliyiinta markaska dacwada ee Ummu-Xafsa ayaa u mahad celisay haweenkii muslimaadka ahaa ee deeqdaasi soo gaarsiiyey qoysaska caruurta Soomaaliyeed ee aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaaladii ka dhacay magaaladan Muqdisho, iyadoo xustay in deeqdan ay ku soo beegantay xili ay si weyn ugu baahnaayeen qoysaskaasi oo isla markaana ay soo dhowdahay munaasabadii ciida Soonfureed, waxayna ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda intaba iney u naxariistan agoonta Soomaaliyeed oo ay sheegtay iney ILAAHEY agtiisa maalinta Qiyaame ajir iyo xasanaad fara badan oo aan la soo koobi karin uga helayaan.  

Ma’ahan markii ugu horeysay ee haweenkan Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka  deeqo lacageed soo gaarsiiyaan agoonta iyo dadka tabaaleysan ee ku ku jira xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala qeybaha kala gedisan ee magaladan Muqdisho, waxayna dhowaanahanba soo gaarsiinayeen deeqo kala duwan dadka ku dhaqan goobahaasi oo iyagu si aad ah ugu baahnaa duruufo lixaad lehna ay uga muuqdeen, iyadoo haweenkan Soomaaliyeedna deeqaha la gaarsiinayo dadkaasi u soo marinayey abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

002521576666

002521653623
Oct 18, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD