SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...


Wararkii Maanta:

  • Roobab isdaba jooga oo si wayn uga curtay Garowe iyo nawaaxigeeda.
  • Warar ku saabsan sababihii ciidamada Dowladda Federaalka ay uga soo baxeen…
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo looga digay inay weeraraan Magaalada Baydhabo…
  • Meles Zenawi “Saraakiisha ay qabteen Maxaakiimtu waa Oromada Qaxootiga ah..
  • Dagaallo cadowga lagu jabiyay iyo dad la laayay...
  • JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi...
  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya Sidee u Ciideen....

Garowe: Roobab isdaba jooga oo si wayn uga curtay Magaalada Garowe iyo nawaaxigeeda.

Roobabkan 2dii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa si wayn loogu qaboowsaday mana jiraan wax khasaaro ah oo ay ilaa iyo hada gaysteen  roobabkani.

Dhamaan Magaalada ayay biyo dhigeen roobabkani waxayna sidoo kale ka de'een meelo badan oo ka mid ah gobalka  isaga oo uu roobkani is haysto ilaa iyo dangorayo ilaa buurtinle  oo ka tirsan gobalka Nugaal ayaan ilaa iyo hada wax khasaro ahna laga soo sheegin degmooyinka iyo tuulooyinka uu roobkani ka da'ay sida wayna loogu qabowsaday.

Roobabkan sida wayn oo isdaba jooga ah uga da'ayay 2badii maalmood ee ugu danbeeyay magaalada Garowe iyo Nawaaxigeeda ayaa ah kuwo ku soo beegmay xili ay muslimiintu Ciidayaan iyaga oo soo gutay waajibaadkii bisha ramadaan ee aan hada ka baxnay.

Roobabkan ayaa si wayn loogu diirsay iyada oo lagu guda jiro xili roobaadkii dayrta oo hada maraya gaba gabo sida lawada ogsoonyahayna hadaan la helin roobabkale run ahaantii meelo badan oo dalka somalia ka mid ah ay soo food saari karto xaalada abaareed. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Warar ku saabsan sababihii ciidamada Dowladda Federaalka ay uga soo baxeen…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamadii Dowladda Federaalka iyo kuwii Itoobiya ee dhawaan soo gaaray magaalada Buur-Hakaba ay dib ugu laabteen Magaalada Baydhabo kaddib markii ay sidaasi lagu amray. Warar kala duwan ayaa ka soo baxa dib u laabashada ciidamadaasi, waxay wararku sheegayaan in khilaaf dhexdooda ah uu sababay dib u laabashada ciidamadaasi, iyadoo qaar ka mid ah ciidamada ay sheegeen in aysan horey uga dhaqaaqeen Buur-Hakaba.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada ay isugu jireen kuwo Puntlanad, kuwo ka socday Digil iyo Mirifle iyo kuwo iyana ka socday Beesha Hawiye, waxaana looga shakiyey in ciidamada Digil iyo Mirifle iyo kuwa Hawiye ay gacan siiyaan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana dib loogu celiyay Magaalada Baydhabo, iyadoo lagu xareeyay Xerada Manaas lana sheegay in Tababar kale ay gali doonaan. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in jabkii gaaray Barre Hiiraale uu sabab u ahaa dib u laabashada ciidamadaasi, waxaana la sheegay in haddii uu guulo gaari lahaa Barre ciidamadaasi ay u soo dhaqaaqi lahaayeen dhinacaa iyo Bali Doogle. Dhanka kale Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali M. Geeddi oo arrinta ciidamada ka baxay buurhakaba ka hadlaya waxa uu sheegay in ciidamada DFKMG ay markii hore Buur Hakaba  u tageen inay ammaanka iyo kala dambaynta soo celiyaan amarka, markii ay ku soo guuleysteena ay ka soo laabteen.

Halka lagu magacaabo Daynuunaay, ayaa waxaa haatan ku sugan labo rac oo Ciidamo Itoobiyaan oo isku jira 10Km waxayna loogu talagalay in ay magaalada Baydhabo ka difaacaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo looga digay inay weeraraan Magaalada Baydhabo…

Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu waday inay weeraraan Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda Federaalka ayaa ciidamadooda shalay dib uga soo gurteen magaalada Buur-Hakaba kaddib markii sidaasi amreen qaar ka mid ah wadamada Carbeed ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Maxaakiimta ayaa lagu wargeliyay in aysan wax weerar ah qaadin tan iyo inta uu ka qabsoomayo shirka Dib u heshiisiinta ah ee u dhexeeya Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka. Ciidamada Maxaa-kiimta oo watay tikniko aad u fara badan ayaa haatan fariisin ka dhigtay deegaanka Leego, hase yeeshee waxaa deegaanka Buur-Hakaba looga soo tagay maleeshiyo beeleedkii halkaasi horey ugu sugnaa. Ciidamadii Dowladda ayaa iyana dib ugu laabtay Baydhabo, waxaana meel 10Km u jirta Baydhab ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Meles Zenawi “Saraakiisha ay sheegeen in ay qabteen Maxaakiimta Islaamiga ah waa Oromada Qaxootiga ah ee ku sugan Soomaaliya”

Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiyaan Milles Zenawi ayaa ka waramay Xaaladda Soomaalia, waxa uuna sheegay in ciidamada Maxaakiimta ee qabsaday Koonfurta Soomaaliya ay halis ku yihiin dhamaan ammaanka Wadamada Geeska AFrika, isagoo sheegay in Maxaakiimta ku jiraan rar mitidiin ah oo doonaya inay falal argagixiso ka sameeyaan gudaha Wadanka Itoobiya, isagoo sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay doonayaan inay kiciyaan dadka dadka Soomaaliyeed ee ku sugan soonka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya iyo kuwa W/Bari Kenya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay tiradoodu gaareyso boqolaal Askari, waxa uuna sheegay in Ciidamadaasi ay yihiin tababarayaal doonaya inay tababar siiyaanb Ciidamada Dowladda Federaalka.

“Haddii Maxaakiimtu isku dayaan inay u soo gudbaan gudaha Dalka Itoobiya, waxaan u sheegeynaa in aan iska difaaci doono” ayuu yiri Milles oo sheegay inaysan marnaba ku deg degi doonin in ay iska hor yimaadaan iyaga iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.

Milles Zenawi waxa uu beeniyey wararka ka soo yeeraya Maxaakiimta Islaamiga ah ee sheegaya in kumanaan kun oo Askari oo Itoobiyaan ah ay u soo gudbeen gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raaad toona laheyn, sidoo kale Milles Zenawi waxa uu beeniyay in labo sarkaal oo Itoobiyaan ah ay dhawan Maxaakiimtu ku qabteen Magaalada Muqdisho, waxa uuna Milles Zenawi in raggaasi yihiin Oromada Qaxootiga ah ee ku sugan Soomaaliya, waxaa kalloo beeniyay in askari Itoobiyaan ah lagu qabtay dagaalki dhex maray Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale.

Mar uu ka hadlayey hadaladii ka soo yeeray Maxaakiimta ee ahaa in jihaad lagu qaado Dowladda Itoobiya, ayaa waxa uu yiri “Waxaa la doonayaa in lagu baneysto sidii falal argagixiso ah looga sameyn lahaa gudaha Dalka Itoobiya”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 October 2006
  • Ogaadeenya: Dagaallo cadowga lagu jabiyay iyo dad la laayay 
  • JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi. 
  • Itoobiya oo u hanjabtay Soomaaliya. 
  • Xubin kale oo ka tirsanaa guddi ka warbixiyay xasuuqii kal hore oo soo cararay. 
======================
 
Ogaadeenya: Dagaallo cadowga lagu jabiyay iyo dad la laayay
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo kala duwan oo cadowga lagu naafeyay, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
 
07/10/06 weerar gaadmo ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa gumaysiga Itoobiya ee fadhiya magaalada Huuraale, waxay kaga dileen 5 askari, 3 kalana way kaga dhaawaceen.
 
12/10/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar ku qaaday kolonyo babuur ah oo cadowgu leeyahay, kuwaasoo marayay Uubataale, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxayna halkaas ciidammada gumaysiga Itoobiya kaga dileen 21 askari, waxay sidoo kale u gaysteen dhaawac badan oon tirakoobkiisa la haynin.
 
17/10/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerareen kololnyo baabuur ah oo cadowgu leeyahay, kuwaasoo marayay meel u dhaxaysa Dalaad iyo Kabtii-naag, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxayna cadowga weerarkaas kaga dileen 35 askari, dhaawac badan way u gaysteen.
 
18/10/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxana weerarkaas kaga dileen in ka badan 17 askari, dhaawac aan faahfaahintiisa la haynin way u gaysteen. Ciidammada cadowga ayaa xeradii lagu weeraray ka guuray markii dhaawacaas xun la gaadhsiiyay.
 
Dhinaca kale wuxuu wariyahayaga Ogaadeenya noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 17/10/06 ay ciidammada gumaysiga ee fadhiya Iimey-Bari ka goosteen 8 askari oo hubkoodii wata. Markii ay askartani goosteen waxaa hubkii laga dhigay askartii kale ee la shaqayn jiray kuwa goostay. Waxaa sidoo kale magaalada Dhagaxmadow isla taariikhdaas laga qaaday askar labo baabuur laga buxiyay, kuwaasoo horay hubkii ooga ururiya, ka dib markii laga shakiyay inay goosanayaan, waxaana askartaas hawlgabka laga dhigay loo qaaday dhinaca galbeedka.
 
Wuxuu kaloo wariyuhu noo soo sheegay in ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay markii taarikhdu ahayd 18/10/06 ku dileen Alla ha naxariistee Axmed Nuur Faash meel u dhaxaysa Birqod iyo Baka. 
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan kulul ka soo saartay hadal uu dhawaan Baarlamaan ku-sheegga hortiisa ka jeediyay kaligii taliye Meles Zenawi, kaasoo uu ku sheegay inuu si wayn isugu hawlay inuu wadaxaajood la yeesho JWXO.
 
Hadalkaas ayay JWXO ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaana waxay Meles Zenawi ku edaysay inuu isagu yahay midka hortaagan in la helo wadaxaajood lagu baadigoobo is afgarad ku dhisan cadaalad iyo nabadgelyo.
 
JWXO ayaa sheegtay inay marar badan caddaysay sida ay diyaarka ugu tahay wadaxaajood nabadeed oo lagu dhammeeyo dhibaatada Ogaadeenya, iyadoo wadaxaajoodkaas lagu qabanayo waddan dhexdhexaad, daraf kale ood hexdhexeediye ahna uu goobjoog ka noqonayo, isla markaana aan wadaxaajoodka lagu xidhin shuruudo hordhac ah.
 
Hase yeeshee ay arrintaasi hirgali kari wayday, ka dib markii uu Meles Zenawi doortay inuu awood millatari ku baddalo wadaxaajoodka, isla markaana uu hawlgallo millatari oo aad u ballaadhan ka billaabay Ogaadeenya, kuwaasoo uu ku laayay dadwayne rayad ah oo kumayaal gaadhaya, qaar kale oo aad u badana ay ilaa iyo hadda ka buuxaan xabsiyada dulmiga ee gumaystada Itoobiya.
 
JWXO ayaa bayaankan ku sheegtay in hadalka Zenawi ee xilligan uu u muqdo mid hordhac u ah hawgallo kale oo millatari oo taliskiisu doonayo inuu Ogaadeenya ka hirgeliyo, hase yeeshee waxay JWXO sheegtay inay diyaar u tahay inay dadwayneheeda ka difaacdo taliska Zenawi een xilkaska ahayn iyo millatarigiisaba.
 
Itoobiya oo u hanjabtay Soomaaliya.
 
Xukuumadda gumaysatada ah ee Itoobiya isniintii ku hanjabtay inay si toos ah u gai doonto dagaallada ka soo cusboonaaday qaybo ka mid gobollada Soomaaliya haddii ay maxkamadaha islaamiga ahi weeraraan goobaha ay dowladdu ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya daggan tahay.
 
Xukuumadda Itoobiya waxay sheegtay inay difaaci doonto dowladda ku meelgaadhka ah ee Somaaliya haddii ay maxkamadaha islaamiga ahi isku dayaan inay talada kala wareegaan ama ay soo weeraraan goobaha ay dowladdu deggan tahay. 
 
Xukuumadda gumaystada Itoobiya waxay sheegtay in maxkamadaha islaamiga Soomaliya ay donayaan inay khalkhal galiyaan dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, isla markaana ay maxkamaduhu soo jiiteen dhammaanba dadka ay ugu yeedhay inay argagixiso yihiin, sidaas darted ay la dagaalami doonto haddii ay caddaato inay khatar galinayaan dowladda ku meelgaadhka ah.
 
Isniintii waxaa magaalada Buurhakaba ka cararay ciidammadii dhawaan qabsaday oo u badnaa kuwa Itoobiya, kuwaasoo magaalada ka cararay, ka dib markii ay xoogagga maxkamadaha islaamiga Soomaaliya ku soo dhawaadeen nawaaxiga Buurhakaba.
 
Xubin kale oo ka tirsanaa guddi ka warbixiyay xasuuqii kal hore oo soo cararay.
 
Xubin kale oo ka tirsanaa guddi hadda ka hor loo saaray inay soo baadhaan xasuuqii ay xukuumadda Zenawi u gaysatay dadkii kal hore ka gadooday musuqmaasuqii doorashada ayaa dalka dibaddiisa u baxsaday, ka dib markii uu naftiisa u baqay.
 
Guddigan ayaa dhawaan soo saaray natiijada baadhistii ay xasuuqaas ku sameeyeen, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay xasuuqaas ku dishay 193 qof oo rayad ah, 40 ka mid ahi ay carruur ahaayeen, isla markaana ay cidammada xukuumadda oo si toos ah uga amar qaadanayay Meles Zenawi ay si bahalnimo ah ula dhaqmen dadkii bannaanbaxyada samaynayay.
 
Ninkan waxaa lagu magacaabaa Mitiku Teshome, wuxuuna xubin ka ahaa guddigii soo baadhayay xasuuqa oo 10 xubnood ka koobnaa. Waxaana horay dalka uga baxsaday guddoomiyihii guddiga iyo ku xigeenkiisii Frehiwot Samuel iyo Wolde-Michael Meshesha.
 
24 October 2006.
Axmed Gaal-Eri           
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9450 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM  8:00  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2006

Yaa Gacanta ku haya Magaalada Buur-Hakaba
Wararka ka imanaya Buur-hakaba ayaa tibaaxay in ciidamadii DFKMG ay halkaasi ka baxeen, waxaana...
Guji... Oct 23

Barre Hiiraale oo Maxkamaduhu  ka qabsadeen 16 Gaari oo kuwa dagaalka ah
Wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya Bu'aale ayaa tibaaxay in ciidamada maxaakimta Islaamiga ay.... Guji....
 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD