SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 9, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (99), Muqdisho (103), Beledweyne (106), Baydhabo (114),  Galkacyo (135),
Sarbeebtii Diinaari


Dadkii Soomaalida ahaa ee ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe oo la sii daayay....

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Kampala-Uganda

April 9, 2007: Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Uganda C/qaadir Faarax oo ay taageerayaan Soomaali badan oo wadanka Uganda degan ayaa ku guuleystay in ay soo daayaan dadkii ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe Airport ee magaalada Kampala.

Siideynta dadkaan ayaa qaadatay muddo, waxaana dadaalkaa oo markii dambe lagu guuleystay in lagu soo daayay dadkii ku dhibbaanaa halkaas, waxaana dadkaas oo hada ku sugan magaalada Kampala ee caasimada wadanka Ugada ay u mahaceliyeen Dowladda Uganda oo u fidisay gacan bini'aanimo.

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

Siihayaha Safaaradda oo aan arrimahaas kala sheekeystay ayaa ii sheegay in dadka ay soo qaldeen shirkadii xamar ka soo qaaday, waayo sida uu sheegay waxay dadkan wateen Ticket one way ama ah oo aan Back laheyn, wuxuuna Safiirku sheegay in arrinkaas uu qalad yahay, aysan jirin dowlad aqbali kartaa, wuxuuna sheegay in qaladkaas uu ahaa midka sababay in la xayiro dadkaas.

Dadkan oo ka soo baxsaday dagaalada kharaar ee ka socda Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dowladda Uganda markii laga raali galiyay qaladka ay galeen dadkaas waxay ogolaatay in la fasaxo, waxaana dadkan ay dhamaantood ku qeylinayeen markii ay ka soo baxeen garoonka "Uganda ha noolaato iyo waad mahadsantihiin walaalaheena reer Uganda".

Dowladad Uganda ayaa soo dhaweysay dadkaas, waxayna ka raali galisay waqtigii garoonka ay ku xayirnaayeen, waxayna sheegtay in qodobka lagu heystay dadkaas uu ahaa sababatay wadan aysan laheyn ugu soo goosteen Ticket Go kaliya ah.

Dadkan oo markii hore tiradooda nala kugu shegay ay aheyd 67-qof ayaa markii dambe aan ogaanay in ay yihiin 58-qof oo caruur iyo wayeel u badnaa.

Safaaradda Soomaalida ayaa ugu baaqeysa in dadka Soomaalida ah ee safarada ku soo ah wadankan Uganda aan la soo qaldin, oo loo dhameystiro adeegyadooda safarka, waxayna Safaaradda iyo Safirku u mahadcelinayaan madaxda Dowladda Uganda oo gacan siisay dhibanayaal walaalahood ah.

Sidaas oo kale Soomaalida halkan ayaa u mahadcelisay Dowladda Ugannda oo u ogolaatay in dadka walaalahood ah loo fasaxo in ay magan-galyo nabadeed ay siiyaan.

Dowladda wadanka Uganda ayaa si weyn u tixgalisa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkeeda, waayo waxay mar kasta la soctaa in wadankooda uu ka taagan yahay dhib xoog leh ayna yihiin dad aan dhib badneyn oo qash-qashaad iyo fowdo kale aan laheyn oo danahooda iyo noloshooda ku mashquulsan

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Kampala-Uganda

67-qof oo Soomaali ah oo habeenkii labaad ku xiran Garoonka Diyaaradaha Entebbe Airport ee wadanka Uganda. [tirada saxda waa 58qof]

April 8, 2007: Waxaa garoonka Entebbe Airport oo 35-km u jira caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ku xiran dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo fakaday dagaalaada ka socda Magaaladda Caasimidda Soomaaliya ee muqdisho, waxaana dadkan oo tiradoodu dhan tahay 58-qof ku rafadsan yihiin habeenkii labaad gudaha garoonka Diyaaradaha Entebbe.

Ilaaladda Garoonka ayaa diiday in dadkan ay u gudbaan magaaladda Kampala, looguna dhifto fiisaha dal ku galka Baasaboorada ay wataan, hase ahaatee waxaa isku dayay in dadkaas ka soo daayaan garoonka madaxda Xaafiiska Jaaliayyda Soomaalida (Somali Community) ee wadanka Uganda iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Kampala, hase ahaatee waa u suuro gali weysay in ay ku guuleystaan soo deynta dadkaas masaakiinta ah.

Dadkan oo u badan Waayeel, Haween iyo Carruur ayaa sidaas oo kale Police-ka wadanka Kenya, gaar ahaan ilaaladda Garoonka Jomo Kinyato ay Habeenkii sabtida ku celiyeen Garoonka magaaladda Nairobi oo ay Transit ku ahaayeen, iyagoo sheegay in baaritaan ay ku sameynayeen, waxaana dadka oo dhammaantood ka soo qaxay magaaladda musiibadu ka taagan tahay ee Muqdisho ay dhibaato xoog leh ku heysaa Garoonka Entebbe ee duleedka Magaaladda Kampala.

Madaxda garoonka Entebbe iyo Ciidanka Police-ka Uganda ayaa sheegay in dadka ay kaliya sii deyn karaan markii ay helaan dabiin uga timaada dhinaca UN-ka, gaar ahaan Hey'adda Qaxootiga ee UNHCR, iyadoo dadka Soomaalida ah ee degan Magaaladdan Kampala ay dadaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa dadkaas dhibaateysan, waxay ku howlan yihiin sidii UN-ku u soo damiinan lahaa dadka xaniban.

Dadkan oo ay keentay Diyaaradda Kenya Airways ayaa gaajo, daal, jiro iyo Kaneecaba ay ku heysataa gudaha Garoonka oo aysan ka heleyn wax adeeg ah, sida Cunto, cabitaan iyo meel ay dhinaca dhigaan oo ay ku nastaan, iyagoo Police-ku ku horay iridda laga soo galo garoonka, inkasta oo xoogaa yar oo raashin iyo biyo ay u geeyeen gabdho Soomaaliyeed oo degan magaaladatan Kampala, waxaana dhib kale oo ku aaday quudinta dadkaas uu ka taagan yahay iyadoo garoonku uu ka durugsanyahay Caasimadda oo qof kastahu uusan tagi karin.

Caqabadda ugu horeysa ee sababtay in dadkan Soomaalida ah lagu qash-qashaado Garoomada Uganda iyo Kenya ayaa ah iyadoo ay soo qaldeen shirkadihii ka soo qaaday Soomaaliya, waayo waxay u soo jareen Ticket hal weji ah ama Go, arrintaas oo qalad ku ah safraha, waayo markii aad u socoto wadanka aad u dhalatay ama Passport-kiisa heysta ayaa qaadanka kartaa Ticket hal safar ah, waxaana arrinkaas u sii dheer in Ticket-ku uu ahaa mid aad qaali u ah oo looga soo iibiyay lacag gaaresa 1,500-dollar sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhibanayaasha, waxaana Dowladda Uganda ay sheegtay in qaladkaas uu yahay kan ugu horeeya ee lagu heysto dadkan Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday Dhibka xooga leh ee ka taagan Casimadda Soomaaliya.

Haddii ay suurogal noqonweyso in UN-ku uu dadkaas damiin ka soo fasaxo Dowladda Uganda, waxay noqoneysaa in dadkaas oo qaarkood xanuuno iyo dhaawacyo iyo cabsi ay qabaan uga soo cararay Muqdisho in lagu celiyo musiibadii ay ka soo fakadeen, arrinkaas oo dhib kale ku ah dadkaas Soomaaliyeed, laakiin dadaalka ay wadaan walaalahood ku nool Uganda ayaa u muuqda in dadkaas ay heli doonaan magan-galyo Nabadeed oo dowladda Uganda u fidiyo, iyadoo ilaa galabta iyo caawa ay dadaallo wax ku ool ah ay wadeen Safaaradda, guddiga iyo Xaafiiska Soomaalida ee Uganda.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Email: farahblue_545@hotmail.com
Kampala-Uganda, +256-774228112

 


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com