SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 4, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (94), Muqdisho (98), Beledweyne (101), Baydhabo (109),  Galkacyo (130),
Sarbeebtii Diinaari

APRIL 4, 2007


Minnesota: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye

Xaaladaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya ee awooda looga qaadey Maxkamadaha Islamka iyadoo la doonayo in Muqdisho xoog lagu geeyo qolada dowlada sheegata ee aan shacbiyada lahayn uuna garwadeenka ka yahay Abdullahi Yusuf ayaa hada isu badashey mid aargoosi iyo hub ka dhigis lagu sameeyo beesha Hawiye iyadoo la isticmaalaayo nidaamka argagixiso la dagaalanka lana dagaal galinayo ciidamada Ethiopia iyo kuwa beelaha ka soo jeeda deegaanka Puntland.

Arintan ayaa ku abuurtey argagax iyo anfariir dhamaan ummadda Somaaliyeed, qaasatan dadka ku abtirsada beesha Hawiye. Dhaqankan ayaa ah mid lidi ku ah sababihii loo soo dhisey TFGda ee ahaa dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee ay colaadu dilootey. 

Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha Hawiye ee Gobolka Minnesota ayaa shalay, April 1, 2007, galabnimadii qabtey shir lagu taageeraayo go'aanadii gudiga Hawiye ay ka soo saareen Somaliya, Gobolka Banadir. 

Si kastaba, Hawiyaha gobolka Minnesota ayaa shirkan ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan dhaqan xumada, dilka, dhaca, kufsiga iyo aargoosiga Abdullahi Yusuf iyo ciidamada Ethiopianku ka sameynayaan Soomaaliya. Dadkii meesha ka hadley iyo ka soo qayb galayaashii shirka ayaa sidoo kale muujiyey rabitaankooda nabad kula dhaqanka iyo wax wadaaga xalaashaha ah ee beelaha Soomaaliyeed. Dadkii meesha ka hadley oo u badnaa hogaamiye dhaqameedka iyo mutacalimiinta beeshan Hawiye ayaa waxaa ka mid ahaa;  

  • Curadka beesha Hawiye Xaaji Ali Soomow                         - Karanle
  • Imamka beelaha Hiraab – Imam Abdi Yusuf                        - Mudulood
  • Nabadoon. Sh. Abdirahman Sh. Abdullahi Sh. Mohamed        - Shiiqaal
  • Ugaas Mohamed Ismail Shuke                                          - Habargidir
  • Nabadoon. Abdinasir Macalin Aden (Sanjeex)                      - Gugundhabe
  • Nabadoon. Dr. Abdullahi Mohamed Hassan                          - Silcis
  • Ugaas Xuseen Ali Iidle                                                    - Xawaadle
  • Nabadoon Abdi macalin (Abdi-door)
  • Avv. Abdirahman Haji Ereg
  • Drs. Zaynab Hassan
  • Drs. Halimo Ibrahim
  • Col. Isaq Culusow
  • Col. Hassan Mohamed (Hassan Korneyl)
Waxaa gabayo qiiro badan leh shirka ku soo gudbiyey Avv. Abdirahman Haji Ereg iyo Nabadoon. Sh. Abdirahman Sh. Abdullahi. [Hoos ka akhri...]

Beesha Hawiye ee Gobolka

Minnesota, U.S.A.

BAYAAN

Waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, iyo siyaasiinta  beesha Hawiye ee ku nool W/Ameerika waxay walaac badan ka muujineyaan xaalada ka soo cusboonaatey gobolka Banaadir iyo in Soomaaliya ay mar kale dib ugu laabaneyso dagaalkii ehliga. Cabdullahi Yusuf oo isticmaalaaya ciidamada cadowga Soomaaliyeed ee Ethiopia iyo ciidamado qabiil ayaa u geysanaya xasuuq dhamaan dadka degan deegaanka oo u badan beesha Hawiye.  Caasimada Soomaaliya, Muqdishu, ee la heysto waa mid khatar galineysa jiritaanka qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed. 

Beeshu waxay ka digaysaa cawaaqib xumada laga dhaxli karo dagaalka ehliga ee uu Cabdullahi Yusuf dib uga bilaabey Soomaaliya. Waxay beeshu soo jeedineysaa in beelaha iyo waalidiinta caruurtoodu u dagaalameyso Cabdullahi Yusuf iyo Ethiopianka ey bad baadiyaan ummadda iyo qaranka Soomaaliyeed oo ay ka hor istaagaan xasuuqa ummadda Soomaaliyeed.  

Beeshu waxay dhaleeceyn adag u soo jeedinaysaa dowlada Ethiopia oo si aan kala sooc laheyn u xasuuqeyso shacabka reer Muqdisho. 

Sidaas oo kale waxay beeshu dhaleeceen u soo jeedinaysaa beesha Caalamka oo indhaha ka qabsaday xasuuqa, barakaca iyo xadgudubka ay ciidamada Cabdullahi Yusuf iyo kuwa Itoobiya u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed.  

Iyadoo laga tixraacayo erayada kor ku xusan & xaalada wadanku hada galey, Beesha Hawiye ee gobolka Minnesota waxay isku afgarteen qodobadan; 

  1. waxay si buuxda u taageereyaan dhammaan baaqyadii ay odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye ka soo saareen magaalada Muqdisho.
  2. Waxay ugu baaqayaan waxgaradka iyo odayaasha beesha Hawiye ee ku nool caasimadda Muqdisho inay ilaaliyaan midnimada beesha kana feejignaadaan kuwa isku dayaya inay kala qeybiyaan.
  3. Waxay ka codsanayaan guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan beesha Hawiye meel kasta oo ay dunida ka joogaanba inay isgarab taagaan dadaallada ay odayaasha iyo waxgaradka Hawiye ee Muqdisho ugu jiraaan xal u helidda xasuuqa iyo barakaca lagu hayo shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Muqdisho.
  4. Waxay ka dalbaneyaan dhammaan ururada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamka ee ka shaqeeya dhinacyada caafimaadka, xuquuqul insaanka, wax u qabashada qaxootiga, iyo dib u heshiisiinta, inay si deg deg ah gargaar ugu fidiyaan faragalina ugu sameeyaan xasuuqa iyo barakaca ay Itoobiya ku hayso shacabka reer Muqdisho.
  5. Waxay ka dalbanaynaa dhammaan odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobolka Puntland inay si deg deg ah ugala baxaan magaalada madaxda Muqdisho ciidamadooda iyo inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed ey walaalaha yihiin ee reer Muqdisho.
  6. Waxay gudiga Hawiye soo jeedinayaan in ay kalsoonidii kala noqdeen dawlada maqaarsaarka ah ee loogu adeego cadowga Soomaaliyeed laguna baabinayo ummadda iyo jiritaanka Soomaaliyeed.

    Magacyada Dadka Sixiixay Bayaanka 

Magacyada 188 qof oo ku saxiixnaa qoraalkan kala xiriir: mnhawiye@gmail.com



Gabey 1   -   Avv. Abdirahman Haji Ereg 

“Ninka duul tir-tirayaa ma Ilaahii dunidaa! 

  1. Degallada burburay iyo
  2. Dabka Xamar ka baxayaa
  3. Waa duluc ujedeeda leh
  4. Waa duullaan qorshaysan
  5. Iyo gumaysi damacii
  6. Waa dakano facweyno
  7. Iyo aarsi doqonnimo
  8. Waa duqayn waxshinimo
  9. Waa ummulo dooxnimo
  10. Iyo maato dabar goyn
  11. Isku soo dabbaaloo
  12. Waa dambiiyada dagaalkiyo
  13. Iyo xadgudubyi dooro
  14. Aan melba loo dayin
  15. Waa godob da’weynoo
  16. Ninka duul tirtirayaa
  17. Ma Ilaahi dunidaa!
  18. Kuwaa daadihiyaa
  19. Ee duubka loo xiray
  20. Waa daba-dhilfiyo
  21. Daalimiin isbiirsaday
  22. Dadku wuxu layaabaa
  23. Dalka haddii ay burburiyaan
  24. Dadkiisana idleeyaan
  25. Dibaddana u saraan
  26. Waa maxy dawladnimada
  27. Iyo duulka au xukumayaan
  28. Alla dooriyaashaas
  29. Malaha diirnaxa iyo
  30. Damiir iyo xishood iyo
  31. Waxaa daadihiya
  32. Danahooda gaarka iyo
  33. Damacooda bahalka ah
  34. Waxaa loo dan leeyahay
  35. Diintayda wacan iyo
  36. Qarankeena  doorka ah
  37. Calankayga dahabiga
  38. Duntayda sharafta leh
  39. Taariikhdayda duugga
  40. Sidii loo dumin laha.
  41. Khayraadkayga dihinyo
  42. Ciiddayda dahabka
  43. Sidii loo dal-dalan lahaa 
     
  44. Ninkastaa ha duur xulo
  45. Xabashada ha soo dumo
  46. Dabalif ha waheshado
  47. Ha soo kiciyo dullaan
  48. Qarannimadu waa damal
  49. Dumimayso waligeed
  50. Daljirkeedi baan ahay
  51. Diracyiyo nin door iyo
  52. Naftood hurayaal dumar iyo
  53. Iyo hanadyo daacada
  54. Diffaaceeda ugu jira  

Gobay 2  -  Nabadoon. Sh. Abdirahman Sh. Abdullahi 

Gabeygan waa sarbeeb u faran qofkasta inuu furo ama wax ku daro. Sarbeebtan gabey ayaa dhexmartey gabar iyo ninka curiyey magaalada Muqdisho xiligii ciidamada cadowgu soo galeen caasimada. Gabayaaga iyo gabadha doodu dhexmartey ayaa labaduba ka yimid dibadaha 6 bilood ee nabada. 

Nin: Sanaawi muxuu rabaa?

Gabar: Wuxuu raba bad weynta India (Indian Ocean) ilaa Addis Ababa inuu usu furto. Nin: Ayaa soo direy? Ayaa soo horkacey?

Gabar: jawaab.  
 

  1. Nin tilmaaman ayaa jira oo horseeda ayaa jira
  2. Nin bukooday baa jira oo la hogaansadaa jira, madax doona baa jira
  3. Nin la yaaban baa jira
  4. Nin socdaal ah baa jira oo Addis tagaa jira, nin hor jooga baa jira
  5. Nin hurdoodey baa jira boqolaal sanaa jira, ninka toosiyaa jira
  6. Nin tilmaaman baa jira ninka sheegey baa jira
  7. Ninka ciida leh ayaa jira Ku caweertey baa jira
  8. Xigmad badan baa jira kun ku raacey baa jira
  9. Nin hormood ah baa jira ninka heybiya jiraa
  10. Calan iibiye ayaa jira nin horjoogsadey baa jira
  11. Xoolaha nin baa dila Nin u diiday baa jira
  12. Ax yaa wadani ninka diiday baa jira
  13. Calan iibiyaa jira
  14. Raadka raace baa jira
  15. Nin gadoodayaa jira iska diiday baa jira
  16. Shafku shaashle baa jira
  17. Xooga sheegtey baa jira
  18. Kii abuurtey baa jira ina raacey baa jira

la xiriir: mnhawiye@gmail.com

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com