SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -UK

Sultan Hurre Human Rights Focus oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Xasuuqa Muqdisho

Sunday, 08 April 2007
Ref: SHHRF 0090/2007 (somali)

Uj: Waxa ka dhacay Muqdisho ka wayn xasuuq

Laga soo bilaabo 1991 carriga Soomaaliya waxa hareeyey dad xasuuq iyo ku tumasho xaquuqul iinsaan. Nasiib darro adduunku aad uma danayn arrintaas ama waxaa lagu mashquulshanaa arrimo ka xoog badan marka loo eego danta adduunweynaha. Malaha waxay ahayd ayaan darro in mar kasta ee arrinta Soomaaliyo xumaato in meelo kale ee adduunka ah ay ka aloosmaan xasarado kharaar markaasna Soomaaliya la iska ilaawo, ayadoo loogaga tagayo Soomaalida micida dagaal oogel oo ilaa maanta daadinaya dhiigga dadkiisa.

Maanta Soomaaliya waxay maraysaa meeshii ugu xumayd marka loo eego iska horimaad dad iyo "dawladdood". Dawladda hadda magac ahaan u jirta ee ku tiirsan cududda Itoobiya waxay galaysaa tacaddi iyo xasuuq ku wajahan dadka Muqdisho iyo qaar kaleba.. Dawaladdaan ay ku xoog badan yihiin qab-qablayaashii dagaalku waxay tahay mid ku dadaasha oo kaliya waxa ay is-leedahay waad ku fiican tahay oo ah xasuuqa shacabka. Qab-qable Somaaliyeed oo dhan waxay faraha la soo galeen dhiig dad ay u arkeen inay ka soo horjeedeen. Taasi ma dhammaan ka dib markii lagu wada magacaabay wasiir, guddoomiye ama madaxweyne.

Ayaandarrrada maanta ka socota Muqdishu waa tii ka dhici jirtay goobihii ay hore uga talin jireen qab-qablayaasha dagaalku oo la sii bari-taaray. Madaxwyne dagaal-oogee Cabdullaahi Yusuf wuxuu barqo cad soo laayey dad Soomaali ah ee ku sugan gobolkii uu xukumi jiray ee Puntland, asagoo istcmaalaya saanadda iyo qoryaha Itoobiya. Asagoo helin ciqaabtii uu mudnaa, ayay haddan dhacday inuu sii wado tabta uu ku caano maali jiray ee ahayd ka takhalus wixii kaa soo horjeedaa. Madaafiic ku duqaynta Muqdishu waa tab ka mid tabihii uu kula soo dhaqmay Puntland, wallee ama idin dilay ama i raacde.

In kastoon dambiga loo sinnayn, kooxaha kacdoonka ka wada Muqdishu waa in la xusaa inay eedda masuuliyadda xasuuqa wax ku leeyihiin. Itoobiya oo ka jawaabaysa xabbadaha kacdoonka ayaa si waxashnimo ah helikobtar iyo madaafiic ugu garaacday xaafado ka mid ah Muqdishu ayadoon cidna loo aabo yeelin. Waxa ka socda Muqdishu ma aha xasuuq keliya ee waa tir-tirid shacab.

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) waxay ku baaqaysaa in joogista iyo haysashada ciidamada Itoobiya u dhammaato si dhakhso ah. Ma jirto sabab ciidamo Itoobiyaan ay u sii joogaan Soomaaliya, ayadoo la qoondeeyo ciidama dhex-dhexaad ee ah ee ka yimid AU iyo UN. Maadaama uusan jirin boolis qaran ee laguwada kalsoon yahay, waa in la helaa ciidamo nabad ilaalin si nabad waarta loo gaaro. Nabad waarta waxaa lagu gaari karaa wada hadal dhab ee ku dhisan niyad wanaag. Shir dib-u-heshiineed ee ay dawladdu hagayso waa wakhti lumis, marka hadalka la soo kobo. Waxaa hadda socdaa waxay leeyihiin ifa-faalihii shirkii muddada loo fadhiyey Mbegati ee dhalay aafada hadda socota. La yaab ma leh waayo waxaa shirkaas hagayey dagaal-oogayaal iyo dawlado dano gaar ah.

SHHRF waxay si xooggan u dhaleecaynaysaa dilka dadka Soomaalida ahi ay kula kacayaan ciidamada Itoobiyaanka, kuwaas oo taageeraya dawladda ku shaqaynaysa caqiga qab-qablayaasha. Waxaan caalamka ka codsanayaa in baaris qoddo dheer lagu sameeyo arrinta ummad tir-tirtirka ee ka dhacday Muqdishu.

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
webmaster@suldanhurre.org

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2007

Senator Coleman oo warqad dacwo ah
oo ku saabsan tacadiga iyo barakaca loo geystay shacabka Muqdisho gaarsiiyey Jendayi Frazer... Akhri...

Xisbiga RPP ee Puntland oo Digniin u Diray Geeddi
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka RPP ee midowga Yurub ayaa...
Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com