SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
ItoApril 14, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (104), Muqdisho (108), Beledweyne (111), Baydhabo (119),  Galkacyo (140),
Sarbeebtii Diinaari

 Beesha Tanade Daarood oo kalsoonidii kala laabatay DFKMG.

Waxgaradka, aqoonyahanada, culimadada iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha Tanade Daarood oo baaq usoo jeediyay shacabka Soomaaliyeed.

Ku: Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed

Ka: Waxgaradka, aqoonyahanada, culimadada iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha Tanade Daarood

Goldogob oo ah deegaanka ugu weyn ee Beesha Leelkase degto 1982 waxaa ka dhacay xasuuq iyo bara kac ka daran kii hargeysa iyo Muqdisho marka loo eego qiyaasta yaraanta degmada iyo waxa ku dhacay. Firxadkii bulshada Tanade ilaa maanta qaar baan la hayn. Nasiib daro Xasuuqa loo geystay reer Goldogob looma gurman lama xaal iyo xaqsiin nasiib darro kale colka waxa uu ahaa Ciidamada Ethiopia oo uu horkacayey Cabdilaahi Yusufka maanta sheeganaya madaxweynaha Soomaaliya

Beesha Tanade ayadoo aqoon iyo khibrad u leh cadowtinimada iyo naxariis la aanta ciidamada Ethiopioa iyo daba dhilif Cabdilaahi Yusuf waxaa ay xanuunka la wadaagaysaa walaalaheena Soomaaliyeed ee maanta ku dhibaataysan Muqdisho. Xasuuqa Xamar waxaa uu na xasuusinayaa xasuuqii Goldogob. Xasuuqa ay ka wadaan ciidamada Ethiopia iyo Cabdilaahi Yusuf Muqdisho kama duwana kii ay ka geysteen Balanbale iyo Goldogob 1982.

Baaqa Beesha qodobadiisa waxaa ka mid ah

1) In la joojiyo Ethiopia iyo Cabdilaahi yusuf inaanay xasuuqa sii wadin, No more Genocide

2) In Soomaalidu u gurmato walaalahooda Muqdisho lagu xasuuqay

3) Wiilasha Tanade Daarood kama qayb qaadan karaan dagaalada lagu waxyeelaynayo walaalaheen Hawiye. Wiilasha Tanade askari uma noqon karaan Cabdilaahi Yusuf

4) Reer Puntland iyo dhamaan tolweynaha Daarood waxaan ugu baaqeynaa inay wiilashooda ka reebtaan Cabdilaahi Yusuf. Daarood iyo Hawiye waa walaalo mana aha Inay Cabdilaahi Yusuf iyo Ethiopia isku diraan.

5) Dhibta ay geeysteen ciidamada Ethiopia iyo Cabdilaahi Yusuf iyo TFG waxaan cadeynaynaa in Beesha Tanade Daarood ka xun tahay kalsoonidiina kala laabatay TFG.

6) Qurbo joogta beesha iyo kuwa dalka gudishiisa ku sugan waxaa la farayaa inay intii karaankooda ah xusuustaan xasuuqii 1982 ee Cabdilahi Yusuf iyo amxaarada ee Goldogob iyo qaxii oo ay ka qayb qaataan u gurmashada walaalahood dhibaataysan

Caydiid mohamed
MhmAhm266@aol.com

April 14, 2007

Bayaanadii 2006 ee Beesha Leelkase  


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com