SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 20, 2007
  • Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.
  • Madaafiic xalay mar kale laga maqlay Muqdisho..
  • Qarax lala beegsaday Gaari ay lahaayeen Ciidamada Booliiska .
  • Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...
  • C/llaahi Yuusuf oo Nayroobi kulan kula yeeshey intii uusan..
  • Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay laba arrimood u tageen..
  • Gacma Dheere oo kulamo la leh maamulka Gobolka Banaadir iyo….
  • Idaacadaha Ugu W/weyn Muqdisho Oo Markii Labaad Looga Yeeray Xafiiska Nabad-sugidda Ee Dowlada Kmg ah.

Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.

Ardeyda Jaamacadda Kismayo ayaa haatan u fadhida imtixaankii semistarka koowaad ee sanad waxbarasheedka 2006/2007 .

Imtixaanka oo ah kii ugu horreeyay ee ay jaamacaddu ku soo gabagabeyneyso xilli waxbarasheed ayaa wuxuu bilowday 17/kii febraayo 2007da isaga oo socon doona muddo taban casho ah . waxayna ardeyda labada kulliyadood ee ay jaamacaddu ka kooban tahay (kulliyadda waxbarashada , iyo kulliyadda maamulka iyo dhaqaaluhu) ay qaatay duruus la xiriirta takhasuskooda mudadii 5-ta bilood ahayd ee ay jaamacaddu socotay.


Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka

Xuseen Cabdi Aadan madaxa akadeemiyada jaamacadda Kismayo oo aannu wax ka weydiinay habsami u socodka hawlaha jaamacadda ayaa wuxuu tibaaxay in ardeydayda jaamacaddu ay muujiyeen dadaal iyo firfircooni dheeraad ah intii uu socday semistarka aannu hadda gabagabeyneyno, sidoo kale wuxuu profosoorku mahad ballaaran u celiyay macalimiinta Jaamacadda kismaayo sida weyn ee ay ugu suxul duubteen kor uqaadida tayada waxbarasho ee jaamacadda , iyagoo muujiyay xilkasnimo waqti uu dalku marayo xaalad aad udag.

Mid ka mid ah ardeyda Jamacadda oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dhameeyo semistarkii koowaad isagoo u rajeeyay Jaamacadda guul iyo horumar.


Kuliyadda Waxbarashada

Jaamacadda Kismayo ayaa ah jaamacaddii ugu horreeysay ee laga hirgaliyay magaalada Kismayo iyo guud ahaan gobolda Jubbooyinka .

Abdiraxmaan Al- Muhaajiri
Kismaayo – Somaliya
Email: xadur06@hotmail.com
 

MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside

Madaafiic xalay mar kale laga maqlay Muqdisho..

Iyadoo weli (xilligii warkan la qorayey) ay socdaan madaafiicda ay is weydaar-sanayaan ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Muqaawamada ayaa xalay fiidnimadii waxaa madaafiic ku soo dhacday agagaarka Al-Baraka, NBC iyo goobo kale.

Dad goob joog ahaa ayaa waxay inoo sheegeen in madaafiicdaas lagu riday Wasaaradda Gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, iyagoo soo jawaabeen, ilaa iyo haddana lama oga qasaaraha labada dhinac.

Madaafiicda la rido Habeenkii iyo kuwo maalintii way kala duwan, waayo kuwo habeenkii la rido dadku ma helaan wax gargaar degdeg ah, oo dadku waxay dhiig bax mararka qaar ugu dhintaan xaafadaha, balse kuwo maalintii ayaa iyagu dadka ku waxyeelooba waxay helaan gagaar, iyagoo Isbitaalada loola cararo, inkastoo ay mararka qaarkood la kulmaan baro Koontaroolo ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.

Qarax lala beegsaday Gaari ay lahaayeen Ciidamada Booliiska .

Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa shalay gaari marayey agagaarka Warshadda Caanaha waxaa qabsaday qarax, waxa uuna qaraxaasi sababay in ay halkasi ku dhaawacmaan ilaa iyo todobo askari oo Ciidamada Booliiska ah.

Qaraxaan oo aad looga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo baxay warar kala duwan, qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaani uu ahaa qoriga Baasuukaha halka kuwo kalana ay sheegayaan in uu ahaa Miino loo dhigay Gaarigaasi.

Doraad ayey ahayd markii labo goobood lagu weeraray ciidamada Booliiska Federaalka ah, waxaana halkaasi ku dhintay labo askari, waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo lix qofood oo qaarkood ay ahaayeen dad rayid ah.

Salaad Cali Jeele ayaa ciidamadaasi lala weeraray ku tilmaamay kuwo aan loo fisixin in ay tagaan goobahaasi, isla markaana aan loo dirsan, sidoo kale waxa uu sheegay in qarixii lala beegsaday gaarigii MarkII uu ahaa qarax ay isku sameeyeen wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah, isagoo sheegay in ay u socdeen hawlgal ay doonayeen in ay hoobiyayaal ku ridaan gobo ay degan yihiin ciidamada Dowladda iyo Itoobiyaanka ah.

Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

C/llaahi Yuusuf oo Nayroobi kulan kula yeeshey intii uusan..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa intii uusan u ambixin Magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa waxa uu Nayroobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii Midowga Yurub door muhiim uga qaadan lahaa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay wado sidii ay u heshiisiin lahayd dhamaan beelaha Soomaliyeed ee dirirtu dhex martay mudadii 16-ka sano ahayd, hase yeeshee Midowga Yurub ayaa C/llaahi Yuusuf u sheegay in dib u heshiisiinta ay rabaan ay tahay sidii meel la isugu keeni lahaa kooxaha isku haya talada dalka Soomaaliya oo ay ku jiraan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Midowga Yurub waxay sheegeen in ay weli xayiran tahay dhaqaalihii ay ugu talagaleen Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ku bixin karaan haddii ay Dowladdu la timaado tanaasul oo ay ka dhabeyso dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la og yahay in lacagta Dowladda ka xayiran ay gaareyso ilaa iyo 70- Milyan oo Doolar.

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay laba arrimood u tageen..

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay Soomaaliya u tageen labo arimood oo kala ah in ay dalka ka saaraan Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay Qatar ku ahaayeen Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxa uu sheegay inay Soomaaliya u galeen ciidamadoodu inay ka hor tagaan kooxaha Mucaaradka ku ah Itoobiya oo ay Maxaakiimtu hubeynayeen sida uu sheegay.

“Uma tagin Soomaaliya in an taageerno Dowladda Federaalka, ee danteenu waxay ahayd in aan kooxahaasi ka hor tango” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo sheegay in todobaadyada soo socda Ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa horey waxa uu u sheegay in ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya ay halkaasi u tageen sidii ay uga hortagi lahaayeen qatar weyn oo ku soo food lahayd Itoobiya, isagoo sheegay in taasina ay ku guuleystay, isla markaana dhawaan ciidamadiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo bixin doonaan dalka Soomaaliya.

Gacma Dheere oo kulamo la leh maamulka Gobolka Banaadir iyo….

Max’ed Maxamuud Guuleed Gacma Dheere oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulamo la leh, maamulka Gobalka Banaadir, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, isagoo kala hadlaya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.

Mar uu la kulmay Maamulka Gobalka Banaadir waxa uu uga mahadceliyey sida ay uga shaqeynayaan nabadgelyada, isagoo sheegayc in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an sidii ay gacan uga gaysan lahayd nabad lagu soo dabaalo Gobalka Banaadir.

Gacma Dheere waxaa kaloo la kulmay Guddiga Nabadgelyada ee Gobalka Banaadir, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo sheegay in Ciidamada Booliiska ay ku jiraan hawlgalo ay ku soo qabqabanayaan kooxaha caadeystay inay arbushaan nabadgelyada Magaalada.

Mar uu la kulmay Odoyaasha dhaqanka waxa uu sheegay in Odoyaasha looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Muqdisho.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



Wararkii Shalay Galay:::

Idaacadaha Ugu W/weyn Muqdisho Oo Markii Labaad Looga Yeeray Xafiiska Nabad-sugidda Ee Dowlada Kmg ah.

Feb 19, 2007: Xarunta Nabad sugidda qaranka ayaa maanta waxay warqado qoraal ah soo gaarsiisey idaacadaha madaxa banaan ee ka jira magaalada muqdisho ee kala ah shabeele ,horn afrik iyo weliba radio banaadir iyadoo qoraalkan ay ku dalbanayeen inay masuuliyiinta idaacadahaas ay yimaadaan xarunta nabad-sugidda ee dowlada kmg ah ee muqdisho.

Halkas oo Kulan kaga qayb galeen dhinacyada masuuliyiinta idaacadaha iyo nabad sugidda oo uu hogaaminayay Taliye K/xigeenka nabad sugidda qaranka Gen. Nuur Max'ed Buur Shirbow, waxaana lagu eedeeyay 3-da idaacadood in ay buun buuniyeen waxyaabo xagga amaanka wax u dhimaya oo ka jira magaalada Muqdisho.

Gen. Nuur Shirbow ayaa u sheegay masuuliyiintii ka socotey 3-da idaacadood in aan laga hadli karin howl-galada ay ciidamada dowladda kmg ahi iyo kuwa Ethiopia ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in aan la soo hadal qaadin dadka barakacaya iyo ee weliba ka qaxaya dhibaatada amaan xumo ee magaalada Muqdisho.

SIdoo kale Gen, shirbow ayaa carabka ku dhuftay in dalku ku jiro xaalad deg- deg ah sidaas darteedna aan la ogolayn saxaafad madax banaan oo dhameystiran maadaama ay jiraan waxyaabo badan inta lagu jiro xaalada deg-dega ah ka dhacaya magaalada muqdisho.

Waxa uu kaloo intaas ku daray in dhowaan ay idaacadaha u soo diri doonaan wakiilo ka socda dowladda oo tifaftira wararka ka baxaya 3-da idaacadood, iyadoo uu xusay inuu idaacadaha Codad laga soo uruuriyo dadweynaha laga sii daayo islamarkaana ka sheekaynaya madaafiic kaga soo dhaceysa dhinaca ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Ethiopia .

Si kastaba ha ahaatee Ma aha markii ugu horeysay oo warbaahinta xorta ah looga yeero xafiiska nabad sugidda dowladda kmg ah , iyadoo bartamihii bishii janaayo la hakiyey howl maal meedkoodii idaacadahan Hornafrik, Shabelle iyo IQk.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Iska Hor Imaad Ku Dhex Maray Milayshiyo Hubaysan Iyo Ciidamada Madaniga Ee Xaafadaha Isgoyska Howl-wadaag

Isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaal iskaga hor yimid ciidamada ilaalada xaafadaas oo loo yaqaano madaniga iyo milayshiyo aan cidna ka amar qaadan iyadoo halkaas ay ku dhaawacmeen labo qof.

Israsaasayntan oo ka bilaamatay xarunta Boosteejada u ah baabuurta gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshta suuqa bakaaraha iyo Waqooyiga Muqdisho oo ku taala Bartamaha suuqa Bakaaraha ayaa labada qof ee dhaawacu soo gaaray mid ka mid ah waxa uu ahaa Dableydii isdhaafsaneysay rasaasta halka midka kalena uu ahaa qof rayid ah oo dhaawaciisu sahlanaa .

Goob joogayaal ku sugnaa goobtaas is-rasaasayntu ka dhacday ayaa waxay ii xaqiijiyeen in milayshiyaadkani isku maandhaafeen lacago baad ah oo ay ka qaadanayeen baabuurta yar-yar iyo kuwa waaweyn ee ka baxa halkaas .

Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa dhex muquurayso amaan la,aan iyo weliba jid gooyooyin dadka iyo baabuurta lacagta baada ah lagaga qaado oo dib usoo noqday ,islamarkaana ay xaafadaha qaarkood ay shacabku markii ay arkeen dhibaatada ka haysata dhinaca amaanka ay bilaaben inay samaystaan ciidamo madani ah oo jiri jirey xiligii maxaakiimta islaamka ka hor .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin@hotmail.com

Dagaal Dhex Maray Ciidamo Booliska Dowlada Kmg ah Iyo Kooxo Dablay Ah Oo Hubaysan

Dagaal ka dhashay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday gaari ay wateen ciidamada booliska dowlada kmg ah oo marayay wadada warshada Caanaha ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho hal qof iyo dhaawac gaaraya 12 qofood inta la og yahay oo shan kamida ay tahay ciidamada booliska dowlada kmg ah.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii kooxaha dablayda ah oo hubaysnaa ay gantaal afsaar uga dhigeen gaari nooca soomaalidu u taqaano cabdi-bileha (land curuser) oo uu ku rakibnaa qori dhishiike ah oo ay wateen ciidamada dowladda KMG ah ee Somaliya, iyadoo gantaalkaasi oo lala waayay uu ku dhacay meel aan ka sidaa uga sii fogeyn gaariga, islamrkaana ay halkaas fooda laysku daray oo ay ka dheceen israsaaseyn xoogan oo socotey waqti kooban .

Dhaawaca gaaraya 12 -ka qof ee dhaawaca ah ayaa isugu jira dhaawacyo sahlan iyo mid aad u liita islamrkaana ay ku jiraan 5 askari oo boolis ah ayaa loola cararay Isbitalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo ah isbitaalka keliya ee sida lacag la,aan ah loogu daaweeyo dadka soo dhaawacma sida ay noo xaqiijiyeen kal kaaliyeyaal caafimaad oo halkaasi kawada shaqooyinkooda caafimaad.

Maaha markii ugu horaysay ee la weeraro ciidamada dowlada kmg ee ku sugan caasimada muqdisho oo hada noqotay meel amaankeedu faraha ka baxay maalintii shalay ahayd ayaa kooxo hubaysani ku dileen hal askari ,mid kalena kaga tageen dhaawac halis ah xaafada caymiska ee magaalada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Feb 19, 2007

Magaalada London oo laga qaban-qaabinayo banaanbax looga soo horjeedo C/llaahi Yuusuf..
.Gacan ka hadal: Askari Soomaali ah iyo mid Itoobiyaan ah.
.Labo goobood oo lagu weeraray ciidamada Booliiska DFKM
.Warbixin ku saabsan qaraxii lala beegsaday Gaari..
.Dowladda Yemen oo wada sidii ay Itoobiya uga dhaadhicin
.Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha oo amar
.Siminaar HIV/AIDS oo ka furmay xarunta Gobolka Hiiraan
.Hay’adda SOYDEN oo Siminnaar u furtay dhallinyaro
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 19

::Wasiirkii Waxbarashadda Puntland oo is casiley
::Bayaan: ka soo baxay Beesha Sade ee Denmark
::Qiilmawaaye oo soo dhoweeyay Maamullada J/Hoose


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH