SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashadda dawlad Goboleedka Puntland oo La sheegay in uu is casiley... Laakiin markii dambe ka laabtay Iscasilaada...

Axad, Feb 18, 2007: Sida ay faafiyeen warbaahinta Puntland, Wasiirkii waxbarashada DGPL Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa Axadii (Feb 18, 2007) waraaqdiisii is casilaadda u gudbiyey madaxtooyada DGPL ee magaalada Garoowe halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo maalin ka hor yimid Garoowe, laakiin arrintaas is casilaadda aysan durbadiiba madaxtooyadu war cad ka soo saarin.

Waxaa wararku intaas ku dareen in is casilaadda ay ka dambeysey muran dhex maray Wasaaradda Maaliyadda iyo iyo Wasaaradda Waxbarashada. Taas oo la sheegay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu ka biyo diidey amar diidmo la sheegay in uu kala kulmay dhanka Wasaarada Maaliyada ee uu wasiirka ka yahay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, arrintaas oo sida la sheegay la xariirta mushaharka 200 oo macalin. Tiradaas macallimiinta ah oo tiro ay DGPL hore u qorshaysay in mushaharkooda ay bixiso Wasaaradda Maaliyadda DGPL.

Sida ay weriyeen warbaahinta Puntland, arrintaas mushahar siinta 200 oo macallin waxaa ka hor yimid wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, taas oo la sheegay in ay markaas ay sabab u noqotay in wasiirkii wasaaradda Waxbarashadu is casilo.

awnuurLaakiin sida ay weriyey shabakadda Garowe Online, in "Wasiirka Waxbarashada la soo gudboonaday culeys ka dib markii qaar ka mid ah saxaafada xorta ah ay soo gudbiyeen warar tiibaaxaaya in Wasaarada Waxbarashada Puntland ay si khaldan u maamushay buugaag loogu deeqay ardayda degaanka." Waxaana warkaasi intaas ku daray "Sida ay qoreen qaar ka mid ah saxaafada, buugaag ay hay’adaha Qaramada Midoobey ugu deeqeen Wasaarada Waxbarashada ayaa lagu arkay ayagoo lagu iibinaayo suuqyada caasimada Garoowe."

Isniin, Feb 19, 2007: Waxaa soo baxay warar sheegaya in wasiirka waxbarashadu uu ka laabtay is casilaadiisii, arrintaas oo lagu sheegay in ay ka dambeysey kaddib markii madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, uu kulan la yeeshay wasiirka. Warbaahinta ku hadasha afka DGPL waxay arrintaas ka qoreen in "Kulankaas ka dib ayaa madaxwaynuhu sheegay in uusan marna diyaar u ahayn inuu aqbalo codsiga wasiirka oo ahaa iscasilaad, maadaama uu yahay xubin aad muhiim ugu ah dowladiisa. Madaxwaynhu wuxuu ku tilmaamay, Wasiir shaqadiisa ku fiican, horumarna gaarsiiyey wasaardiisa isla markaana aad isugu taxalujiya sidii ubadka puntland ay u heli lahaayeen fursad waxbarasho oo tayo leh."


SomaliTalk.com: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn

  • SomaliTalk.com | Feb 11, 2007

Bishii Janaayo 30, 2007 ayaa magaalada Garoowe, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Waxbarashadda ee DGPL waxaa lagu qabtay xaflad, taas oo  hay'adda UNESCO ay Wasaaradda Waxbarashadda DGPL ku wareejisey qalab ay ka mid ahaayeen: Buugaagta Dugsiyada, Compuyuutarro iyo gaari ah nooca Land-cruiser.

Kulankii qalabkaas ay hay'addu ku wareejineysey waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Axmed Siciid Aw-Nuur iyo madax kale oo ka tirsan DGPL.

Maalmo intii aan laga soo wareegin ayaa suuqyada magaalada Garoowe waxaa lagu arkay qaar ka mid ah buugaagtii deeqda loo siiyey waxbarashada Puntland oo lagu kala iibsanayo si suuq madow ah.

Markaas ayaa qoraal arrintaas suuqa madow la xiriirta waxay SomaliTalk.com ka qortay Febraayo 6, 2007.

Isla maalintaas Feb 6, 2007 ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Axmed Saciid Aw-Nuur, waxa uu u yeertay qaar saxaafadda ka mid ah waxana uu yiri: "waa been abuur warka lagu daabacay Websitka Somalitalk ee wax looga sheegay Wasaarada Waxbarashada", waa sida laga soo weriyey'e. Waxana uu intaas ku daray: in SomaliTalk.com yahay "mid horay si wayn ugu mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada." Wasiirka markii hadalkaas laga soo weriyey waxaa halkaas goob joog ka ahaa Wasiir-kuxigeenka Cabdi Goobe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Maxamed Jibriil. Waxana uu intaas ku daray in SomaliTalk.com "laga doonayo in uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah," Waa sida laga soo weriyey'e.

Ugu horayn, SomaliTalk.com waxay akhristayaasha u cadayneysaa in warkii aan daabacnay Feb 6, 2007 uu ahaa xaqiiqo, arrinta buugaagta lagu kala iibsadey suuqa madowna ay ku timid musuqmaasuqa ka jira Puntland, waxaana xusuusin mudan in buugaagtaasi  suuqa madow lagu arkay ay qayb ka ahaayeen buugaag ay haayada UNESCO ugu deeqday in la siiyo xarumaha waxbarashada ee deegaanada Puntland gaar ahaana dugisyada sare, buugaagtaas oo la gudoonsiiyay Wasaaradda Waxbarashada DGPL.

Sida ku cad warbixintii hore ee SomaliTalk.com waxaa markiiba ka gadooday wasiirka waxbarashada DGPL Axmed Siciid Awnuur oo isagu weydiistey maamulka SomaliTalk in ay cadayso ama ay raali galin ka bixiso, hadaba anaga oo arintaas tixraacayna waxaan Wasiirka u sheegeynaa in: Halkii buug oo ka mid ah buugaagta dugsiga sare ay hay'adda UNESCO ugu deeqday in suuqa madow ee magaalada Garoowe lagu kala siisanayay kharash gaaraya $15 ilaa $20 dollarka Maraykanka. Waxaana lagu iibinayey mid ka mid ah xaafadaha magaalada Garowe.

Sida lawada ogsoonyahayna waxaa deeqda ka mid ahaa gaari kaasi oo ay Soomaalidu u taqaano "Layli Calaawi" ama Land-Cruiser, baarbuurkaas ayaa waxaa ilo wargal ah waxay sheegeen in uu qaaday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DGPL oo isagu, sida la sheegay, "ku xaragooda" ama ku qabsado danahiisa gaarka ah, mana jirto cid kale oo loo ogol yahay ama iskuul la gudoonsiyay ama shaqo kale oo uu u qabto bulshada marka laga reebo wasiirka oo ku adeegta.


Gaarigii UNESCO siisay waxbarashada Puntland


Dad badan oo ku dhaqan magaalada Garowe ayaa SomaliTalk.com u cadeeyay in ay jirto gadashada buugaagtaasi iyo waliba adeegsiga gaarigaasi oo uu wasiirku sida gaarka ah u adeegsado.

Arartaas ka dib jaallee wasiir: sida ay dhici karto in aad xusuusatid, xukuumadii Soomaali oo wada jirta ay lahayd tii ugu dambeysey, wax yaabaha loo tiriyo in ay burburisey waxaa ka mid ahaa markii shacabkii si xad dhaaf ah loo caburiyey, musuqmaasuqii oo baaheyna aysan jirin cid ka hadli kartey, oo ilaa markii dambe la gaarey in fiilooyinka korontada qaada ee ah maarta iyo naxaasta lagala baxayey dariiqyada oo wax laga qoro ha joogtee aan laga hadli karin nintooxsiga jirey awgeed, waxa keliya ee xukuumaddaasi ay ogolayd waxa uu ahaa in la ammaano. Laakiin ogsoonow faraqa xukuumadaas iyo DGPL u dhexeeya in ay tahay in xukuumadii Kacaanka ahayd ay bilowgeedii hore isku dayday in ay dadka Soomaaliyeed xagga jahliga ka xoreyso, waxayna qortay AfSoomaaliga, taas oo miriihii ka dhashay aan weli guraneyno oo qoraalkani uu ku qoran yahay AfSoomaali ay xukuumaddaasi hir gelisey.

Jaalle wasiir: waxaa lagaa soo xigtey in aad tiri, mar aad ka hadleysey warka buugaagta ee aan daabacnay, in aad ku tilmaantay "in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaasna maamulka wabka laga doonayo in uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah". Haddaba jaalle wasiir: Sida aan kor kusoo cadaynay buugaagtaas waxaa lagu gaday meelo ka mid ah magaalada caasimadda u ah DGPL ee Garoowe, qiimaha lagu gadayna sida aan kor kusoo xusnay waxay ahaayeen inta u dhexeysa $15 ilaa $20. Sidaas daraadeed ma ahayn been abuur, mana jirto wax nagu khasbaya in aan been qorno, ee bal sacaadatul wasiir wasaaradaada dib ula xisaabtan oo weydii cidda gaday.

Haddii aan u soo laabano cinwaanka qormadan oo ah: "Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn" - waxa uu cinwaan kaasi nooga soo baxay hadlakii laga soo weriyey Wasiirka oo ahaa: in SomaliTalk.com yahay "mid horay si wayn ugu mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada."

Halkaas marka loo fiirsado waxaa kuu soo baxaya in wasiirku aad uga caraysan yahay in wax laga qoro arrimaha Macdanta/shidaalka, isagoo aan afhayeen u ahayn wasaaradda Macadanta iyo Shidaalka ee Puntland. Mar haddii uu ku dhiiradey in uu ka jawaabo arrimaha shidaalka, waxaan wasiirka farriimo u fareynaa wasaaradda Macdanta iyo shidaalka u qaabilsan Puntland:

Farriimahaas oo ah:

DGPL waxay heshiis la gashay shirkad lagu magacaabo "CONSORT PVT LTD", taas oo ka diiwaan gashay dalka Maldives, sida ay dhowaan shaaca ka qaaday Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives. Sida uu sheegay agaasimihii hore Range Resources, Mr. Jim Marinis, shirkaddaas "Consort" agaasimayaasheeda waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland. Shirkadda CONSORT markii la sameeyey durbadiiba waxaa la siisay gebi ahaanba xuquuqda baarida khayraadka ku jira dhulka Puntland. Muddo ka dib waxaa saamiyadii shirkaddaas lagu wareejiyey shirkadda kale ee Range Resources, taas oo sheegtay in ay saamiyadaas kaga iibsaneyso lacag aan ka yarayn $20 million oo doolar iyo weliba 2.5% oo ah waxa loo yaqaan Royalty. Range Resources si ay lacagtaas u hesho waxay saamiyadii boqolkiiba 80% ka sii iibisey shirkadda CANMEX. Haddaba waxaa in badan oo reer Puntland ah is weydiinayaan: Maadaama la sheegay in CONSORT ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda sare ee Puntland, maxay DGPL usoo bandhigi la'dahay meesha ay aadi doonto lacagta la siin doono ama la siiyey shirkadda CONSORT?. Jaalle Wasiir farriinta halkaas ku jirtaa waxay tahay: Shacabku sow xaq uma leh in ay ogaadaan arrintaas maadaama macdanta iyo shidaalku ay yihiin maalka ummadda ka dhexeeya?

Shirkadda Range Resources warbixin ay soo saartay (Jan 31, 2007) waxay shaaca kaga qaaday in ay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ay sannadkii 2006 siisay lacag dhan $313,000 doolarka Maraykanka. Laakiin Wasiirka Maaliyadda DGPL isagoo joogey xafiiskiisa Garoowe September 9, 2006 waxa uu $95,000 USD ku guddoonsiiyaya odayaasha iyo masuuliyiinta garoonka Garoowe, taas oo markaas lagu sheegay in ay ka timid Range Resources. Ilaa hadda DGPL wax cadayn ah kama bixin lacagta inta ka dhiman ($218,000) meesha ay ku baxday. Marka Jaalle Wasiir shacabka reer Puntland, gaar ahaan reer Garoowe miyeysan xaq u lahayn in ay ogaadaan lacagtaas magacooda lagu siiyey meesha ay hadda taal ama martay?.

Jariidadda Sydney Morning Herald ee ka soo baxda dalka Australia ayaa (Janaayo 29, 2007) waxay shaaca ka qaaday in Shirkadda Range Resources la siinayo lacag aan hore loo shaacin oo ah baqshiish. Lacagtaas oo markii hore qarsoodi ahayd ee baqshiishka loo siinayo Range waxay jariidaddu ku sheegtay inay dhan tahay inta u dhexeysa $US3 million ilaa $US7 million. Agaasimaha Range Resources, Peter Landau, waxa uu sheegay inuu lacagtaas qayb ka mid ah la qaybsanayaan Dawlad Goboleedka Puntland. Jaalle Wasiir arrintaas weli DGPL war kama soo saarin ee sow ma ahan in shacabku ogaadaan?

Canmex waxay bishii September 2006 haysatey $C3.5 million oo lacag caddaan ah iyo $C3.3 million oo ah kayd ahaan oo ah Doolarka CANADA, sida ay sheegtay jariidada Herald. Waxaana durbadiiba la is weydiiyey meesha ay shirkadda CANMEX ka keeni doonto lacagta $US50 million ee loo baahan yahay in lagu kharashgareeyo barnaamijka (lagu baarayo khayraadka Puntland muddo lix sano ah ee lagu barayo Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal). Waxaana xusid mudan in dawladda Kenya ceel laga baarayey shidaal in muddo 45 cisho ah ay ku baxday $100 million oo doolar. Haddaba jaalle wasiir shacabku xaq ma u leeyihiin in ay ogaadaan sida ay ku dhici karto in la yiraahdo shirkad lacag caddaan ah ka haysata $3 million oo USD ($C3.5 million) in ay muddo lix sannadood ah shidaal ka baareyso dhul aad u baaxad weyn oo ku yaal Puntland, mudadaas lixda sano ahna baaritaanka ku kharash garatn doonto $US50 million oo keliya?

Jaalle Wasiir maxaad kala socotaa wararka sheegaya in ay Puntland xilligan xaadirka ah in shirkadaha sheegay in ay shidaal baarayaan ay dad u dirsadaan goobo ka mid ah Puntland si looga soo ururiyo dhagxaan ah macdano, kaddibna la keeno Boosaaso halkaasna lagu kala ogaado nooca dhagaxa qiimaha leh, kaddibna loo dhoofiyo meelo aan la cayimin oo dibada ka ah dalka, dib dambena aan looga war helin dhagxaantaas?

Jalle wasiir markii aad dheheysey, sida lagaa soo xigtey, (SomaliTalk waa ) "mid horay si wayn ugu mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada," mala orankaraa arrimahaas sare ayaad maskaxda ku haysey. Sidaas daraadeed ayaan farriintaan kuu faray si aad u gaarsiisid qaybaha DGPL ee ay khuseyso, wixii aad kala kulantidna inaad warsaxaafadeed ka qabtid oo dadweynaha u soo bandhigtid jawaabaha, waa haddii arrintu aysan ahayn sida cinwaanka qormadani tilmaamay.

Jaalle Wasiir, waxaan intaas ku darsaneynaa farriin aan kuu fareyno madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi, farriintaas oo ah:

Gen. Sonthi Boonyaratglin
XABSIGA THAILAND::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 |

Taariikhdu markey ahayd April 24, 2006 ayaa saddexda Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) sano oo xarig ah mid kasta. Saddexdaad dhallinyarada ahaa waxaa xeebta Soomaaliya laga qafaalay iyagoo ku dhex jira hawshii ay u hayeen Soomaalida, magacyadooduna waa: Yusuf Aden Seed, Mohamud Abdullahi Jama, Hussen Abdullahi Aden. Haddaba Jaalle wasiir farriintu waxay tahay: Madaxweyne Gen. Cadde Muuse gaarsii in ay aad u haboonaan lahayd in sida uu Dubai ugu safrayo oo kale uu u safro Bangkok, Thailand, si uu ula kulmo hoggaamiyaha ka midka ah xukunka cusub ee dalka ee inqilaabka kula wareegey 19kii September 2006, Gen. Sonthi Boonyaratglin, ninkaas oo hadda ah madaxa Ammaanka Qaranka Tahiland, waa nin Muslim ah oo ah Muslimkii ugu horeeyey ee dalka Thailand hoggaankiisa sare ka mid noqda. Mar haddii maamulka sare wax iska bedeleena waa fursad cafis loo weydiin karo dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran. Waxaana xusid mudan in boqorka dalkaas Thailand, boqor Bhumibol Adulyadej, uu ogolaaday in uu ogolaaday inqilaabka, sidaas daraadeedna Gen. Sonthi Boonyaratglin uu yahay nin meel adag ku xiran oo dhallinyaradaas cafis loo weydiin karo.

Taas marka aan halkaas kaga gudubno, jaalle wasiir: Waxaan ku xusuusineynaa hal arrin oo ay dhici karto in aadan ku baraarugsanayn, taas oo ah in: haddii qof muwaadin ah ee Soomaaliyeed uu arrin ka qoro "qoraal adag" ama afka qalaad loogu yeero "Critique" in aysan ahayn in wax la burburinayo ee ay tahay in madaxda wasaarada, ama hay'ada, ama dawladda ama cidda ay khuseyso loo tilmaamayo arrin ay dhici karto in ay ka dahsoon tahay. Marka sacaadatul wasiir taas ku darso qorshahaaga.

Gabagabo:

Akhristayaasha waxaan xusuusineynaa in aan helay qoraalo la xiriira jawaabta uu wasiirku ka bixiyey qormadii hore, waxaana qoraaladaas ka mid ah qoraa naga codsaday in aanaan magaciisa sheegin, kaas oo la baxay "MUSUQMAASUQ LA DIRIR", sheegayna in uu qoraalo xiriir ah ka soo qori doono madaxda DGPL waxyaabihii ay uu qabteen bulshada, waxana uu ugu horeysiiyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee DGPL, ee halkan ka akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2007


::: GEDO & GALGUDUUD:::

Reer Columbus, Ohio oo waxbarashada Gedo & Galguduud ugu deeqay $64,000.. Guji..
:::JAAMACADDA HIIRAAN:::

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar.. Guji

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


MA ANIGAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA

  • Jibriil | Email: talo-keen@hotmail.co.uk | Feb 7, 2007
  • Aaway qaybtii Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu deeqday Puntland.....

Assalaamu caleykum, Waxaan akhriyey qoraal cabasho ah oo uu Wasiirka Tacliinta P/land kaga cabanayo Webka SomaliTalk, Webkaas oo uu ku eedaynayo inuu been abuur ka sameeyey Wasaaraddiisa kaas oo ku saabsan Buugaagtii P/land loogu deeqay oo lagu sheegay in Suuqyada Garoowe lagu xaraashayo.

Haddaba waxaan la yaabay Wasiirka oo ay isaga iyo Agaasimayaashiisu soo qoreen sida ay Buugaagtaas u qaybiyeen oo ah sidan hoos ku qoran:-

Gambool Garoowe ............................602 Book
Buurtinle Nugaal ..............................132 Book
D/sare Boosaaso .............................602 Book
Najax Boosaso ................................287 Book
White Tower/Boosaaso ....................132 Book
Shaafici/Boosaaso .......................... 35 Book
Qardho Karkaar .............................. 287 Book
Muuse Yuusuf/Laascnood ................. 287 Book
Xuddun Sool .................................. 30 Book
Cumar Samatar/Gaalkacyo Mudug ...... 602 Book
Galdogob Mudug ............................. 132 Book
Total Guud .................................. 3128 Books

Gobolka Bari 1021 Book
Gobolka Nugaal 734 Book
Gobolka Mudug 734 Book
Gobolka Sool 317 Book
Gobolka Karkaar 287 Book
Gobolka Sanaag -----???
Gobolka Cayn -----???
Gobolka Haylaan -----???

Laascaanood waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare, Waxaa saami helay mid keliya, Buuhoodle waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare haddana midna lama tirin, Xuddun waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare mid baa sandareero la siiyey, Fiqi-fuliye waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Ceerigaabo waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare midna lama tirin, Badhan waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Waxaana dhici karta inay jiraan Degmooyinka kale oo la mid ahi.

Guud ahaan waxaan la tebin 8 Dugsi oo sare oo guud ahaanba ku yaalla 4 Gobol oo ay P/land tirsato waa Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan, Halka Gobolka Bari oo keliya laga siiyey 1021 Buug.

Haddaba waa yaabe! Wasiirku muxuu dulmiga intaas le’eg ugu badheedhay oo uu sidaas wax ugu qaybiyey? Haddiise ay sidaas la noqotay oo aanay dad badani la ogeyn miyaanay caqli-xumo u ahayn inuu misana weliba isagu Weriyeyaal xaqiiq soo helay cambaareeyo oo uu raalli gelin weydiisto.

Waxaa jirey Gabay uu Cali Cilmi Afyare Xukuumaddii Millateriga ahayd u tiriyey oo ay ka mid ahayd:- (Gargaarkay shisheeyuhu baxshaan waw gudboonnahaye, Boosaaso gaadhsiiya waad gelin karaysaane).

Haddaba Horjoogayaasha maamula P/land waxaan kula talin lahaa inay xaqsoor u sameeyaan Deegaannada ay sheegtaan inay ka taliyaan, Hana ogaadeen inuu nin weliba waxa shacabka u hor marsado leeyahay oo ay ka horreeyaan.

Wasiirka ina Siciid Awnuurna waxaan kula talin lahaa inaanu ceebihiisa dadka dunida ku filiqsan usoo bandhigin, Soomaalidu waxay tidhaahdaa:- (Nin Guri Quraarad ah ku jiraa wax ma shiidho).

Waxba ha la yaabina waxaaba dhici karta inuu Wasiirkani yahay Wasiirka Maamullada Soomaaliya hadda ka jira Min Bari ilaa Bogox ugu caddaaladda badane, Wasalaamu caleykum.

Jibriil | Email: talo-keen@hotmail.co.uk 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan | Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2007


GAROOWE : Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland " waa been abuur warka lagu daabacay Websitka Somalitalk ee wax looga sheegay Wasaarada Waxbarashada"
Posted to the Web Feb 06, 2007 17:36
 

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Punland Axmed Siciid Aw-nuur ayaa maanta warsaxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe ayuu wuxuu si wayn u beeniyay war been abuur ah oo lagu daabacay Wabsaytka Somalitalk ka soo lagu sheegay in suuq-madow ee Garoowe lagu arkay buugaag ay dhawaan Hay’adda UNESCO ay ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ,  Wasiirku wuxuu sheegay in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaasna maamulka wabka laga doonayo in uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah.

 

Wasiirka oo warsaxaafadeedkiisa ay ku waheliyaan Wasiirkuxigeenka Cabdi Goobe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Jibriil ayaa waxay soo ban-dhigeen documentiyadii ay ugu qaybiyeen Iskuuladda , cidda la siiyay ,  tirada Iskuulaadka la siiyay iyo waliba magacyada Iskuulaadka waxaana halkan idinka muuqda Docomentiga lagu qaybiyay oo ay saxiixeen Agaasimaha Guud , Maamulayaasha Iskuuladda la siiyay iyo waliba Hay’adda bixisay bugaagta.

 

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Axmed Siciid Aw-nuur Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland wuxuu wabka Somalitalk ku sheegay  waa siduu hadalka u dhigaye mid horay si wayn ugu mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada.

 

Mar labaad Masuuliiinta waxbarashada waxay maamulka Somalitalk ka codsadeen in ay soo caddayn sax ah ay u keenaan  warkan haddii kale ay ka bixiyaan cududaar rasmi ah.
 
Waxaa xusid mudan sawirka loo qaatay warkan been-abuurka ah uu ahaa sawirkii laga qaaday xaflada lagu bixiyay buugaagta.
 

Waa tan sida loo qaybiyay buugaagta Iskuulaadka la siiyay iyo tirooyinka la siiyay:-

 

Gambool                                              602 Book

Buurtinle                                               132  Book

D/sare Boosaaso                                  602 Book

Najax-bosaso                                       287 Book

White Tower/Bosaso                            132 Book

Shaafici/Boosaaso                                35 Book

Qardho                                                 287 Book

Muuse Yuusuf/Laascnood                     287 Book

Xudun                                                  30 Book

Cumar Samatar/Gaalkacyo                   602 Book

Galdogob                                             132 Book

 

Total Gud                                              3128
 
Axmed C/salaam
Garoowe , Puntlandpost.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh websiteka ku saxiixan

Aaway qaybtii Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu deeqday Puntland, jawaabta waxaa laga sugayaa wasiirka waxbarashada Puntland.


Garoowe: Qalab ay haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.

Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.

Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib sida (Not for Sale).

Sikastaba  ha ahaate suuqa madow ee deegaanada Puntland ayaa mar walba waxaa lagu kala gataa waxyaabaha aan munaasibka ahayn in laga macaasho kuwaasi oo u baahan xanaanayn gaara ah iyo ka faa'iidaysi haday ahaan lahayd buugaag iyo qalabka kale ee ay haayaduhu ku deeqaan sida Computerrada, qalbaadka xafiisyada iyo kuwo kale.

Wasiirka oo isagu gudoomay qalabkan la gudoonsiiyay wasaaradiisa waxbarashada ayaan ilaa iyo hada ka hadlin sababta keenatay in la gato qalab deeq ahaan loogu deeqaya shacbawaynaha puntland, in kasta oo ay tanina qayb ka tahay musuqmaasuqa waynaaday ee ragaadiyay puntland hadana waa waxyaabo aysan samayn karin dad damiir leh una damqanaya sharaftooda iyo karaamadooda in ay gataan qalab deeq ahaan loogu talagalay ubadka Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan.

Wasaarada waxbarashada oo iyadu ka mas'uul ah hawlaha waxbarasho ee baaxada waynleh ee ka socda Deegaanada puntland ayaa iyadu ka mas'uul ah ragaadinta waxbarashada yar ee ay haystaan kumaa kun oo reer Puntland ah maadaama aysan marna wasaraadaasi u raadin ardayda sanad walba ka qalin jabinaya dugsiyada sare ee puntland deeq waxbarasho oo lacag la'aan ah iyada oo u heli karta si fudud waliba isla markaana aan ku tala galin in ay xataa gudaha puntland ka hirgaliso jaamacd tayo sare leh oo xamili karta ardayda dugsiyada ka soo qalin jebinaya ama ay dhanka kale u raadiso ardayda shaqo ay kaga gabadaan baagamuuntada iyo shaqo la'aanta ka jirta dhulka puntland, intaas badalkeeda ayay wasaraadu ugu badashay ardayda in ay ragaadiso oo ay ka musuqmaasuqdo wixii ay baranayeen iyo qalabkii loo keenay iyada oo sanad walbana ay ardaydu ku jiraan muran iyo dagaal kagadaal marka la keeno sixitaanka imtixaanada puntland xiligaasoo ay wasaaraadu u baahato in ay hesho lacag si ay ardayduna u helaan natiijada imtixaanada iyada oo dhaafsiisanaysa shilimaan musuqmaasuq jira awgii.

Manajirto ilaa iyo hada cid ka hadashay qalabka waxbarashada ee deeqda loo bixiyey ee lagu kala gadanayo suuqa madow ee sida dadka reer Garoowe aaminsan yihiin ay wado wasaarada waxbarashadu maadaama ay iyadu ka mas'uulka ahayd ama ay ba lahayd gudoominta alaabtaasi.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD