SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 20, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (79), Muqdisho (83), Beledweyne (86), Baydhabo (94),  Galkacyo (115),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: March 20, 2007

  • Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkey Kooxo aad u hubeysan
  • Weerarkii ugu xoogganaa oo lagu qaaday Dekedda Muqdisho mar uu ku soo xirtay Markab...
  • Laba qof oo Soomaali ah oo lagu gubey dalka Koofur afrika
  • Maamulka Puntland oo markii ugu horeysey ka Hadley Qoys lagu gubey
  • Diyaarado kuwa Dagaalka ah oo shaley lagu arkey Hawada Muqdisho..
  • Xiisad ka taagan Degmada Buulo Xaawo..

:::: Maxaad ka Taqaan Boqortooyadii Cusmaaniyiinta... Akhri....

Wadooyinka Muqdisho oo lagu arkey Kooxo aad u hubeysan

Wadooyin ka tirsan Magaaladda Muqdisho ayaa lagu arkey Kooxo hubeysan oo wata gawaaarida Teknikada kuwaas oo u muuqday kuwa aan cidna ka cabsaneyn oo qaarkood ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeey "Alaahu akbar..Alaahu Akbar."

Kooxahaan ayaan ku arkey Jidka weyn ee Soddonka iyagoo si aad ah u hubeysan waxaan arintaan la yaab ku noqotey Shacabka Magaaladda Muqdisho waxayna dadka u qaybsanaayeen laba qaybood kuwo waxay oranayeen "Haa mar hore ayaa laga doonayey in ay isa soo shaac bixiyaan oo ay ka baxaan dhuumaaleysiga", kuwa kale ayaa iyana oranayey "ma ahayn in ay markaan soo baxaan oo ay is muujiyaan inta xaaalada iska badeleyso". Kooxdaan ayaa la sheegey in ay u diyaar garoobayeeyn howlgal la damacsan yahay in laga fuliyo Magaaladda Muqdisho si ay isaga difaacaan waxayna sheegeen inay la dagaalami doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa damacsan in ay Muqdisho ka fulin doonaan howgal lagu sugayo amaanka Magaaladda Muqdisho.

Weerarkii ugu xoogganaa oo lagu qaaday Dekedda Muqdisho mar uu ku soo xirtay Markab...

Weerarkii ugu xoogganaa oo loo adeegsado Hoobiyayaal iyo Madaafiic kale ayaa lagu qaaday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, xiligaas oo uu ku soo xiranayey Markab kuwa ciidamada ah oo qalab Milatari ku siday ciidamada Uganda.

Madaafiicda lagu riday Dekedda ayaa la sheegay in intooda badan ku dhaceen Dekedda, marka laga reebo labo Madfac oo ku dhacay guryo ay deganaayeen dad rayid ah oo ku yaala Xaafadda Xamarjajab, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen labo ruux qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ku sugan dekedda iyo goobo kale oo ku yaal Magaalad Muqdisho ayaa ka bixiyey jawaabo madaafiicdaas lagu soo riday, waxayna madaafiicdii ciidamadaasi soo rideen ay ku dhaceen Xaafadaha Hawlwadaag, Beexaani, Towfiiq iyo Suuqa xoolaha, ilaa iyo haddana lama hayo khasaaraha ay gaysteen Madaafiicdaasi, Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqata mid aad u cakiran, iyadoo labada dhinac ee Dirirtu u dhexeyso ay yihiin kuwo aan wax tanaasul ah isu sameyneyn, iyadoo ay maalin walba ku dhimanayaan weerarada ay isku gaysanayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaafiic kale ayaa lagu garaacay xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha ay keeneen madaafiicdaasi, waxaana weerarkaani lagu tirinayaa weeraradii ugu xooggaa oo lagu qaado goobaha ay degan yihiin ciidamada Shisheeye, iyadoo Taliye ku xigeenka Ciidamada Uganda uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa jawi nabadeed oo ay ku wada hadlayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Laba qof oo Soomaali ah oo lagu gubey dalka Koofur afrika

Waxa habeen hore Dalka Koonfur Afrika gaar ahaam Tuulada la yiraahdo Muzalby ee Gobolka Keptown lagu gubey laba soomaali ah oo Dukaamo Ganacsi ku lahaa deegaanka

Labada nin ee la gubey ayaa waqtigaa ku dhex jirey Dukaamadooda waxaana mid ka miid ah la oran jirey Cabdulaahi Maxamed Muudeey Iyadoo midkii kale aan helin Magaciisa weli.

Falkaan ayaa waxaa si aad ah uga xumaadey dadka soomaaliyeed ee ku nool wadanka Koofur Afrika waxaana la sheegey in ay halkaa tageen Goor dhow

Falkan gubashada ah ayaa la sheegey in aysan waxba ka qaban Dowladda Koonfur Afrika iyadoo la og yahay in dadka soomaaliyeed ee ku nool wadankaas ayaa markasta lagu hayaa weeraro noocan ah waxaana maalintii doraad ahayd dukaankiisa lagu dhex diley nin ganacsade ahaa oo la sheegey in xitaa laga dhacay Hantidiisa

Sida ay soomaalida ugu bateen wadankaas ayaa waxaa la soo gudboonaadey Dilal joogto ah iyo dhac waxaa la yaab ahayd markii wiil dhalinyaro ah inta Xubnahiisa la qaley isagoo tol tolan la soo dhigey wadooyinka wadanka koofur afrika.

Maamulka Puntland oo markii ugu horeysey ka Hadley Qoys lagu gubey

Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyey Fal waxashnimo ah oo lagu la kacay Qoys Soomaaliyeed oo degenaa Magaalada Gaalkacyo waxaan qoyskaas lagu sameeyey inta Gurigooda lagu xirey Dab la qabadsiiyey wuxuuna maamulka ku tilmaamey mid Baniaadanimo ka baxsan

Cabdirashiid Aadan Dhuub oo ah Gudoomiyaha Degmadda Gaalkacyo ayaa sheegey in dadkii ka dambeeyey Falkaas lagu raad joogo isagoo amrey Ciidamada Booliiska in ay gacanta ku soo dhigaan Ragii ka dambeeyey falkaas

Hayadaha u dooda Xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey falkaa lagu gubey qoyskaas oo ka koobnaa ilaa Afar qofood ilaa iyo hada lama garanayo sababaha rasmiga ah ee loo gubey qoyskaas oo markoodii hore ka soo barakacay Koofurta Soomaaliya waxayna halkaas u tageen in ay noloshooda ku maareeyeen

Qoyska oo ku bas beelay Guriga ayaa mar dambe laga soo saarey iyagoo aad u gubtey waxaana la sheegey in ay ku jireen laba caruur ah

Falkan waxashnimada ayaa mudooyinkan aysan ka hadlin Maamulka Puntland hase yeeshee cadaadis kaga yimid Shacabka ayaa keentey in uu ka hadlo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

Diyaarado kuwa Dagaalka ah oo shaley lagu arkey Hawada Muqdisho..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Muqdisho lagu arkey Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo aan la garaneyn Cidda iska leh balse warar ayaa waxay sheegayaan in Diyaardahaasi ay leeyihiin Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Xeebaha Magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa soo xasuustay xiligii ay joogeen UNISOM waqtigaasi oo la arki jiray Diyaaradaha fara badan oo dul heehaabaya Magaalada Muqisho.

Sidoo kale Diyaarada AC-130 ayaa iyana Maalmahaan dul xawaareenayey Magaalada Muqisho kuwaasoo dhibaato ku haya Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho oo qaarkood marka ay maqlaan habeenkaasi aan wax hurda aan ka soo dhicin.

Diyaaradahaan ayaa la sheegay in ilaalinyaan Maraakiib kuwa Ciidamada ah oo Saacadaha soo socda ku soo xaran doono Dekadda Wayn Magaalada Muqdisho waxaan Dekadda maalmaahan lagu haya Weeraro joogta ah oo qalqal galiyey imaanshaha Maraakiibta ha noqdaan kuwa Ganacsi iyo kuwa Malatarei

Xiisad ka taagan Degmada Buulo Xaawo..

Wararka naga soo gaaraya Degamada Buulo Xaawo ee Gobolka Gado ayaa waxa ay sheegayaan in Degmadaasi ay ka taagan tahay Xiisad Colaadeed ka dib markii Degmada Buulo -Xaawo iyo Deegaano u dhow-dhow lagu dilay dhowr qof arimo la xiriira aana qabiil.

Dilalkaan ayaa waxaa saameyn ku yeesheen Dadwaynaha ku nool Deegaankaasi, waxaase socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo Xiisadaasi.

Dilalkaan xitaa waxay gaareen Deegaano ka tirsan Waqooyi Bari ee Dalka Kenya waxaase laga cabsi qabaa in Dowladda Kenya ay dib u xirto Xuduuda ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

Dadwaynaha ku nool Degmada Buulo Xaawo ayaa la sheegay Xiriir sokeeye la leeyihiin Dadwaynaha Degmada Mandhaara gaar ahaan dhinaca Badeecadaha iyo dhinaca Wax Barashada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 20, 2007

Hoobiyaal lagu weeraray Dekedda weyn ee Muqdisho..
.Mareykanka oo looga digay soo nooleyta Hogaamiye...
.Ninkii dilay Taliyahii Ciidanka Booliiska ee Kismaanyo oo..
.Madaafiic lagu garaacay goobo ay deganeyd DFKMG...
.DFKMG oo sheegtay inay ka go’an tahay sugida amaanka...
.Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kulumo la yeeshey..
.Xasan Sade Dhaqane "Naceyb Saxaafadeed ayaa la ii xirey"
.Siciid Mugaanbe oo sheegay in uu waxweyn ka bedeli doono
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 19


Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise
Ummadda Soomaaliyeed way salaaman yihiin meel ay joogaanba, salaan kadib wuxuu xisbiga Ramaas canbaaraynayaa dilkii foosha xumaa ee loo gaystay xaquuq udoode Ciise Cabdi Ciise, dilkaaso ahaa mid qorshaysan oo qoto dheer... Akhri halkan....

Zimbabwe oo mucaaridkeeda u diiday iney dalka ka baxaan
Mid kamid ah siyaasinta mucaaridka ku ah dowlada Zimbabwe ayaa booliska dalkaasi waxey kasoo qabteen gedida diyaaradaha magaalada Harere xilli uu siyaasigaasi dalka dibadiisa uga baxayey.... Akhri halkan....


Communiqué: FINDING A WAY OUT OF THE CURRENT SOMALI CRISIS
A NORTH AMERICAN SOMALI DIASPORA CONFERENCE

  • Range Resources Incurred an Operating Loss of $4.16 million
  • Canmex Announces Cdn $20 Million Private Placement
  • Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
    By Maj. Felix Kulayigye [UPDF spokesperson]

    Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2007



    Soomaali
    Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

    Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



     

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com