SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma...

Waa kuma Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Daar Madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2007


Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib
 
Qormada Asbuucaan waxaan ku soo qaadanayaa Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Daar Madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya (1908-June-8 -2007)
 
Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.
 
Waxaa ay dadka yaqaanay ku tilmaamijreen inuu ahaa nin wadani ah oo markaasi dadka iyo dalkaba dantooda aad u danayn jiray,waxaa uu ahaa nin aysan waligiis soo galin raad ama wado tuhun is dabamarin ama musuq maasuq,waxaana la sheegaa In mudadii uu xilka hayay oo mushaarkii xafiiskiisa oo ka qaadanayay inta uu kaydiyay dib ugu soo celiyay dowlada kaas oo dib loogu dhisay xarun ay ay dowladu ku lee dahay magaalada Afgooye,waxaa uu aamin sanaa Eebe ha geeyee Janadii In ay soomaaliya 5tii qayb ee Somaliweyn,waxaana oo diidanaa Soomaali Galbeed xayndaabka xuduudeed ee ragii la iska xoreeyay ay ku xeereen,

 

 Waxaa ay dadka yaqaanay ku tilmaamijreen inoo ahaa nin wadani ah oo markaasi dadka iyo dalkaba dantooda aad u danayn jiray,waxaa uu ahaa nin aysan waligiis soo galin raad ama wado tuhun is dabamarin,waxaana la sheegaa In mudadii uu xilka hayay oo mushaarkii xafiiskiisa oo ka qaadanayay inta uu kaydiyay dib ugu soo celiyay dowlada kaas oo dib loogu dhisay xarun ay ay dowladu ku lee dahay magaalada Afgooye,waxaa uu aamin sanaa Eebe ha geeyee Janadii In ay soomaaliya 5tii qayb ee Somaliweyn,waxaana oo diidanaa Soomaali Galbeed xayndaabka xuduudeed ee ragii la iska xoreeyay ay ku xeereen,

 

aaden caddeEEBE ha u naxariistee Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Daar waxaa uu dhashay sanadkii 1908 waxaana uu ku dhashay Magaalada Balad wayne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo isku xirta gobolada dhexe iyo kuwa koonfurta Soomaaliya.

 

Sanadkii 1929 ayaa waxaa uu ka dhameeyay magaalada Mogadishu waxbarashada Sare isagoo1941 dalal dibada ah wax ka soo bartay, waxaa uu bilaabay ganacsi isaga u gaar ah balse dalka soomaaliya uu ku jiray gacan shiyeeye ma uusan sii wadin ganacsigii waxaana sanadkii 1944 uu  ku biiray (Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Somali Youth Club).

 

Sanadkii 1946 ayaa waxaa ay Dhalinyaradii u magacaabeen xoghayahooda ee magaalada Balad wayne, 1951-1956 waxaa uu madax ka ahaa gobolka Mudug oo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya,isagoo wakiil uga ahaa (S.Y.L), 1954 waxaa uu madax u noqday Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League)isagoo sidoo kale xilkaasi sii hayay ilaa 1956 ,Waxaa mar kale dib loogu doortay madaxtimimada Ururka S.Y.L sanadkii 1958.

 

Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Daar uu ahaa Xildhibaan  waxaana loo doortay 1-Jully 1960 inoo noqdo madax waynihii ugu horeeyay ee Soomaaaliya isagoo madaxtimada dalka soomaaliya loo doortay mudo 1 (Hal sano ah) 1961 balse dib ayaa waxaa loo doortay Marxuum Aadan Cabdulle Cusman Daar mudu lix sano ah waxaana uu xilkaa ka dagay  sanadkii 1967,waxaana xiligaasi doorashadii dhacday ka guulaystay ,C/Rashiid Cali Sharma'arke,
 
25/May/1963dii ayaa waxaa uu ka qayb galay madax waynaha Soomaaliya Marxuum Aadan Cade dhismihii Ururka Midnimada Afirka isagoo ka mid ahaa ragii dhidbaha u taagay,

 

1964 Marxuum Aada Cade waxaa uu dalka Soomaaliya ka difaacay Ciidamada Cadowga ee Ethiopia oo xiligaas weerar ku soo qaaday Soomaaliya si ay u sii banaystaan gobolka Soomaali galbeed ee Soomaaliya.

 

Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan inta oo xukunka madaxtimada dalka soomaaliya hayay waxaa uu si aad ah ugu caan baxay.

 

1-Ku dadaalidii Soomaaliweyn sadexdii qaybood ee Soomaaliya ka jireen Gumaystihii Soomaaliya haystay,

2-Isku keenida iyo midaynta Maamulkii shuruucda iyo shaqaalihii labada qaybood ee uu dalka ka koobnaa.

3-Aasaaskii Ciidamada

4- Dhiiri galinta aqoonta iyo waxbarashada.

 

Intii ay dagaalada Sukeeya ka socdeen dalka Soomaaliya 16kii sano waxaa uu Aadan Cade Ku noolaa Degmada Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose halkaasi beer uu ku lahaa.

 

Marxuumka ayaa maalintii Jimacaha ahayd ee ay bishu ahayd 8 June 2007 waxaa uu ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi Hospital halkaasi oo uu in dhawaale ku naxnuun sanaa.
 
Waxaana la filayaa in maalinta bari ah ee 11 June lagu aaso magaalada Mogadisho ee caasimada Soomaaliya halkaasi oo aas qaran loo samayn doono,waxaan maydkiisa ka sagootinayo madax ka tirsan dowlada kenya.
 
Ma soo mari doonaa Soomaaliya Madax wayne la mid ah  MarxuumAadan Cade?
 
Dadka soomaalida ah ee siyaasada falanqeeya ayaa waxay is waydiiyaan ma soo mari doonaa Soomaaliya madax wayne la mid ah Marxuum Aadan cade,waxayna ku sheegaan in soomaaliya ku adag tahay arintaasi marka laga reebo hadii la helo shaqsi aamin san Diinta iyo danta Umada kaliya mooyee,
 
Soomaaliya ayaa iminka waxaa ka taagan in madaxdii talada dalka haysay ay Soo galiyeen Ciidamadii waligood la dagaali jiray Soomaalida oo 4 sano ka dib markii ay Soomaaliya Xoriyada heshay weerarka ku soo qaaday sanadkii 1964 balse oo dalka ka difaacay Marxuum Aadan Cade iyo ciidamadii Dalka Soomaaliya.
 
Arinta Mudan Is waydiintu waxay tahay Soomaaliya Xorinmo raadis ayay ahayd waxii ka horeeyay 1960 balse way heshay ilaa 1991 laakiinse 1991 ilaa iyo iminka waxay raadinaysay Dowladnimo balse 2007 ilaa goorma ayay raadin doontaa Xornimada cusub,ma waxaan u dhaxaynaynaa Xornimo raadin iyo dowlad raadin goorma ayaan raadin doonaa Hormarka iyo Technolegy-ga caalamku ku tiigsaday.
 
halkaan ku soo koobi Karin oo u baahan in lagu sameeyo baarintaano dheer,iyadoo qoramadu ay tahay mid aan asbuuc kasta ku soo qaadano shaqsi muhiim ah sidaa darteed asbuucaan uma aanan diyaar garoobin Taariikhada Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cade.
 
EEBE ayaan waxaan uga baryayaa Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan in Janadii Fardowsa Geeye Naf kasta way dhiman
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2007

 

Sreach :Wikipedia.org Aljeera.net,(Middle East Review 1981), Google


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

 

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin karnaa ?

Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh AhmedWaa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali
oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay.
Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH