SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma...

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib .

   
Waxaa uu ahaan jiray nin aad u jecel midimada dadka reer falastiin isla markaana mar kasta ku hamin jiray ilaa laga soo bilaabo markii uu jira 12 sano in uu dulmiga ka dul qaado dadka reer falastiin.
 
Waxaa uu ahaa nin Daciif dhanka jirka ah oo ku socda gaariga Curyaamiinta,codkiisana xabeeb ay ku jirto balse saamayn weayn ku leh Falastiiniyiinta dhexdooda gaar ahaana kooxaha iska caabinta dhamaan.
 
Maxaad ka taqaana Shahiid Shiikh Axmed Ismaaciil Yaasiin Ilaahay ha u naxariistee waxaa uu ku dhashay tuulo yar oo caan ah oo la yidhaahdo Jawrah oo u dhow halka maanta loo yaqaano (Casqalaan) waxaa shaki uu ku jiraa xiliga uu dhashay waxaa ugu qornaa Passport-kiisa inuu dhashay ( 1 January 1929)balse markii danbe ayaa waxaa uu sheegtay Shiikh Axmed Yaasiin in uu dhashay sanadkii 1938 waxay ka baqooleen deegaankii Jawrah ee uu ku dhashay ka dib markii uu bur buriyay dagaalkii u dhexeeyay Carabta iyo Yuhuuda,waxaana uu u soo joogay sheikhu jabkii loo gaystay carabta sanadkii 1948,waxaana uu xiligaasi jiray 12 sano isagoo dagaalkaasi ka qaatay fikirka uu ku dhintay ee ah in dhulka falastiin laga xoreeyo gumaysiga Yuhuuda.
 
Qaxii ay reerkiisu u Qaza u qaxeen.
 
Waxaa uu ku biiray dugsiga hoose dhexe  ilaa uu ka gaaray fasalka shanaad, hase yeeshee markii uu dhacay jabkii waynaa ayaa waxaa ay ka barakeceen ehelkiisii magaaladii ay joogeen sanadkii 1948kii.
 
Waxaa uu ka tagay sanadkii 1949-1950kii waxbarashadiisa si uu uga qayb qaato hawsha reerkooda oo ka koobnaa 7 qof waxaana ay sameysteen meel Hotelka oo laga cuno cuntada Fuulka loo yaqaano balse markii danbe ayaa waxaa uu ku laabtay Shiikh Axmed Yaasiin wax barashadiisii.
 
Cudurka Baraliska markii uu ku dhacay (paraplegic)
 
lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday,waxaana dhibkaasi ku dhacay sanadkii 1952 markii isagoo la ciyaaraya dhalinyaro ay isku da'ahaayeen xiligaasi uu ka jabay surka,45 maalin  kaddib markii nuuraddii qoorta lagaga duuduubay laga furay la ogaaday in uusan kabin isla markaana uu noqon noday qof baralis ah waxaana u sii weheliyay jirdilkii ay ciidamada Yuhuudu u gaysteen.
 
Macalin buu noqday Shiikh Axmed Yaasiin
 
1957/8dii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare,waxaana uu  bilaabay shaqo macalinimo ahayd,dakhliga soo gali jirayna uu ka heli jiray macalinimada taas oo uu ku kaabi jiray dhaqaalaha reerkiisa ama waaladkiis.
 
Markii uu ku soo biiray siyaasada
 
Waxaa uu ka qayb qaatay Shiikh Axmed Yaasiin isagoo ay tahay da'diisu 20 sano jir (labaatan) banaan bax aad u balaaran oo ka dhacay magaalada Qaza banaan baxaasi oo looga soo horjeeday cadowtimada dagaalkii sadex geesoodka ahaa sanadkii 1956 lala beegsaday dalka Masar ,waxaana banaan baxaasi uu ka jeediyay shiikh Axmed Yaasiin khudbado aad u fiican oo meel kasta uu ku taabtaywaxaana khudbadiisa si wayn u soo dhaweeyay dhamaan dhalinyaradii iyo dadkii ka qayb qaadanaysya banaan baxa,waxaana uu ku baaqay in ay ay dowlada Masar ku soo laabato dhamaan gobolkii ay ka baxday. 
 
Qabashadiisii ugu horaysay
 
Waxaa ka mid ahaa EEBE waxyaalaha uu ku manaaystay Shikh Axmed Yaasiin khudbadaha saamaynta leh,Sanadkii 1965kii ayayna xabsiga u taxaabeen sirdoonka Masar  iyagoo ku eedeeyay inuu xiriiir la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,waxaana uu xabsiga ku qaatay mudu hal bil oo kaliya ah.
 
Firikirkiisa iyo maysha uu ku tiirsanaa
 
Shiikh Axmed ismaaciil Yaasiin,waxaa uu fikir ahaan aamin sanaa afkaarta Ururka Ikhwaanulmusliim kaas oo uu aas aasay Shiikh Xasan Albanaa sanadkii 1928 ,ururkaasi oo dadka ugu yeera sida ay sheegaan fahamka islaamka faman saxiix ah.
 
Aasaaskii Dhaq dhaqaaqa iska caabinta islaamiga ah ee '' Xamaas''
 
Waxaa uu kula hishiiyay Shiikh Axmed Yaasiin,sanadkii 1987k ii,koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiin oo ku sugnaa ''Marinta Qaza'' samaynta Urur hubaysan oo la dagaala ciidamada Yuhuuda si dhulka falastiin looga xoreeyo waxayna ku magacaabeen  (Xarakada Muqaawamada Islaamiga ah ) oo marka magaceeda la soo gaabiyo noqonayso (Xamaas)  waxayna dowr muhiim ka ka ciyaartay kacdoonka falastiiniyiinta,ilaa markii laga aas aasay Xamaas waxaa uu ahaa Shiikh Axmed Yaasiin hogaamiyahooda laga danbeeyo ilaa uu ka Shahiiday,waxaa ay ciidamada Yuhuudu had iyo jeerba wadeen caga juglaynta iyo xirista Hogaamiayaha Xamaas Shiikh Axmed Yaasiin, 18kii May 1989kii  labo sano ka dib Aas aaskii ''Xamaas'' ayaa Shiikh Axmed Yaasiin iyo xubno badan oo ka tirsan ururka ''Xamaas'' xabsiga la dhigay iyadoo dawladda Israa'iil ku eedaysay  inuu isagu ka dambeeyay fikirka Aasaaska ururka ''Xamaas''balse ugu dabayntii waxaa uu ka soo baxay Xabsigii Yuhuuda.
 
Balse labo sano ka dib ayaa mar kale uu ku noqday dhibka Yuhuudu ku hayso madaxda ''xamaas'' isagoo 16kii bishii Obtoobar sanadkii 1991kii ayaa,maxkamad milatari ku  riday xukun xabsi daayin iyo waliba 15 sano oo siyaado ah,waxaana lagu eedeeyay inuu ku dhiiri galiyay ururkiisa in ay sameeyaan afduub ay ku soo xir xirayaan ciidamada Yuhuuda,laakiise xabsi dheer ka dib ayaa waxaa la soo sii dayay shiikh Axmed Yaasiin sanadkii1997 bilowgii Bishii Octobar,ka gadaal markii boqortooyada Urdun ee Shaashimiyiintu gacan ka gaystay is waydaari maxaabiis ayaa lagu soo sii daayay Shiikh Axmed Yaasiin.
 
Isku day dil oo uu ka bad baaday Shiikh Yaasiin.Markii uu shahiiday Shiikh Axmed Yaasiin
 
Shiikh Axmed Yaasiin waxaa uu la kulmay 6 Decmber 2003 weerar ay ku qaadeen diyaaradaha ciidamada Yuhuuda,waxaana la socday Raiisul wasaaraha Iminka Dowlada Falastiin Dr Ismaacil Haniya ee uu maxamuud Cabaas ku dhawaaqay asbuucaan inuu xilka ka qaaday balse,oo isagu diiday,waxaa uu dhaawac ka soo gaaray aad u fudud Shiikh Axmed yaasiin dhudhunkiisa midig.
 
Markii uu Shahiiday Shiikh Axmed Yaasiin 22 March 2004.
 
Waxaa uu Shahiiday Shiikh Axmed Yaasiin,isagoo ay da'diisu tahay 65 sano jir,salaad subax isagoo ka soo baxay hiirtii hore ee waa bariga ayaa ciidamada Sahyuuniyiintu weerar ku qaadeen Gaari curyaameedkii uu saarnaa oo ka soo baqoolay masaajidka la yiraahdo ( Mujatamac Al islaami) kuna soo jeeday gurigisa,waxaana halkaasi ay diyaaradahu weerar ay gaysteen la beegsadeen dhalada gaariga yar ee uu saarnaa Shahiidka waxaana cad cad u kala go'ay jirkiisa iyadoo ay meesha ku shahiideen 8 qof oo kale oo ay ku jireen labo wiil uu dhalay Shahiid Axmed Yaasiin,waxaya dowlada Isra'il ay sheegtay in ay weerarkaa hadafkiisu ahaa dilka Shiikha,waxayna taariidu ahayd 22 March 2004,maalino isniin,markii aan maqlay abaarihii 6:45 daqiiqo qiyaasii warka dilka Shiikh Axmed Yaasiin waxaa ii dhalatay subax madow waxaana indhayga ka soo tifiqday ilo naxdineed iyo mid faraxadeed waa mid naxdineed oo waxaa uu ahaa nin isago dalkiisa iyo dadkiisa isku xiri jiray oo difaaci jiray iyagoo isku dooban waan tan kalee waxaa aan u farxay waxaa uu ku dhintay isagoo wayso qaba markaasina salaad ka soo baxay waana uu shahiiday shahiidnimada ayaan ku farxay.
 
(Xamaas+Maxaakimta = Dalkeena anakaa leh gacan shisheeya dooni mayno ) Fatax+ DFKMG ah ee Somalia gacan shisheye hadii aanan helin ragan way na afganbiyaan)
 
Ururka iska caabinta islaamiga ah ee Xamaas iyo kooxda Fatax ayaa waxay ku jiraan asbuucaan hardan dhanka siyaasada ah iyadoo ay dagaalada dhex marayana ay ku dhinteen dad ku dhow 100 qof waxaana dab la qabadsiiyay xafiisyo badan waxayna isku hayaan oo kaliya, yuhuuda dalkeena qaybo ka mid ah haystada aan iska difaacno iyo maya ee aan faraha ka qaadno,sidoo kale waxay isku hayaan Qaza aan maamul oo faraha ka qaad Quduz Ismaaciil  Haniyah Raiisul wasaaraha Falastiin ayaa yiri asbuucaan '' Falastiin waa mid mana kala qaybsamayso dadkeeduna waa mid ma kala qayb samayaan '' balse Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in oo xilkii ka qaaday Haniyaha ka dib dagaal dhex maray labada dhinac,jaamacada carabta ayaa u kala hiilisay Xamaas iyo Fatax oo waxay taageertay Fatax,iskaa Qaramada Midoobay oo inta la laynayo shacabka aan hubaysnayn aan ka hadli jirin ayaa tiri '' waxaan soo dhex dhigaynaa Ciidamo nabad ilaaliyaal ah'' taas ayaa waxaa lagu macneeyay waxaan wiiqaynaa awooda Xamaas.
 
Xamaas waxaa sanadkii 2006kii ay cod aad u saraya ku heshay doorashadii dhacday oo ay ka adkaaday Fatax iyo dhamaan axsaabti kale ee la taramayay waxayna sidaa ku heshay dowlada in ay Raiisul wasaare ka noqoto,taas oo ay si wayn uga xumadeen Reer galbeedka iyo Israil iyo waliba Fatax oo ay khasab ku noqotay in ay taageerto Xamaas balse cadaadis kaga yimid Dhanka Dibada ayay ku abuurtay Fatax rabshadu ka dhan ah Xamaas.
 
Maxaakimta islaamiga ah iyo Dowlada Federalka KMG ah ee Soomaaliyna waxay sida Fatax iyo Xamaas isku dirireen '' dalka ha keenina Cadowga Umada soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo cadow maahee waa saaxiibadeen cadowgu waxaa uu ahaa maamulkii hore ee la riday 1991 ee Ethiopia sidaa darteed bay ku dagaaleen oo cadowga umada soomaaliyeed uga dhex faa'iidaystay.
 
Fatax iyo DFKMG ah ee Soomaaliya waxaa ay dadka siyaasada falanqeeya ay ku tilmaameen in yihiin laba maamul ka siman o adeegisata ama la shaqaynta cadowga umadooda,waxaana taageero dhalaanteed ah ka helaan wadamada bixiya deeqada diriirta lagu taakuleeyo dadka ku shaqeeyo waxa ay aamin san yihiin ee ah in diinta iyo dowlada la kala saaro .
 
 
Tixraaca qoraalkaan waxaa ka helaysa hoos iyo Soo bandhista SomaliTalk.com
( 1) Aljazeera.net Shiikh Axmed Yaasiin Arabic
  (2)Wikipedia.org Shiekh Ahmed Yashin English
(3) palestine-info.info Shiikh Axmed Yaasiin Arabic

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia.
Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

 

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin karnaa ?

Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh AhmedWaa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali
oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay.
Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH