SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Waa kuma...

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid (Al-Rantiisi)

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2007

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sognaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulka SWC kor kiisa ha ahaato intaa ka dib .

Waxaa uu ahaa nin geesi ah oo aan ka baqin Gumaysiga dalkiisa haystay iyadoo in ku dhaw 10 jeer xabsiga la dhigay,waxaa uu ahaa nin go'aan adag leh iyadoo loo xiray mar lacag baad ah oo Yuhuudu ka qaadi jireen falastiiniyiinta uu oo diiday,waxaana uu ka mid ahaa Aas aasayashii Ururuka Xamaas,inta badan waxaa uu ahaa nin ku hamiya isagoo ku jira xaq u dagaalanka in ay dilaan Diyaaradaha Abajiga iyagoo nasiibkiisa Shahaadadii uu rabay ka helay ee uu waligiis niysan jiray.

Waxaa uu inta badan dhihi jiray '' labada wan wanaagsan ayaan mid helayaa ama nolol xoriyad ay ku dheehan tahay ama Geeri shahaadu ah''  

Qoraa Somaliyeed oo qormo carabi ah ka qoray geeridiisa ayaa yiri '' Shahaada [Geerida]Rantisi waa dhamaadka Gumaysiga.

Waxay ka simanaayeen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Cabdi casiis Al Rantisi Markii ay gumaystihii Yuhuuda iyo Ingiriisku isku si u waydiisteen iyagoo dalkooda ku sugan lacagta Baada ah [ee islaamku madax furashada uga qaadi jiray dadka aan islaamka ahayn jizyada loo yaqaan balse ay ku wareejiyeen islaamka ]

Waxaa uu shahiiday  

Hordhac

Asbuucii hore ayaan waxaan ku soo qaadanay Qoramdeena Shahiid Shiikh Axmed Yaasiin oo ahaa Aas aasihii Ururka iska caabinta Muslimiinta ah ee Xamaas,balse markii uu Shahiiday ka dib Shahiidkii ka danbeeyay ee talada Xamaas la wareegay ayaan ku soo qaadanayaa maanta.  

Shahiid Dr. Cabdicasiis Cali Cabdilxafiid  (Alrantiisi) wuxuu ku dhashay tuulo yar oo la yidhaahdo Yibnaa oo u dhaxaysa (Casqalaan iyo Yaafa)markay ahayd taariikhdu  23 October 1947kii ,Dagaalkii u dhexeeyay Carabta iyo Yuhuuda markii uu dhacay 1948 ayaa reerkii Al rantiisi ka qaxeen deegaankii ay daganaayeen oo waxay u wareegeen dhanka marinka Qaza gaar ahaana Xerada qaxootiga ee Khaanuunis waxana markaasi da'diisu ahayd 6 bilood oo kaliya waxaa uu ku soo dhex bar baaray Cabdicasiis Al rantiisi 9 caruur ah oo walaalihiis ah.

Markii uu ku biiray wax barashada  

Waxaa uu ku biiray School hoos yimaada Haayada u garkaariada iyo shaqo siinta  qaxootiga Falastiiniyiinta isagoo ay da'diisu tahay 6 sano,isla markaa reerkiisa ayaa waxay ku cadaadiyeen in uu u shaqeeyo si uu gacan uga gaysto luqmadul Caysha ay ku tiirsan yihiin maadaama ay yihiin dad qaxooti ah,nasiib wanaag Cabdicasiis Al Rantiisi waxaa uu soo afmeeray wax barashada Dugsiga Sare sanadkii 1965kii,waxaa uu sii watay wax barashadiisa Sare isagoo arday ka noqday Jaamacada Al Al iskandariya ee dalka masar kulliyada Caafimaadka waxaan uu ka qalin kabiyya sanadkii 1972kii,isagoo helay shahaadada Masterka qaybta caafimaadka ,waxaa uu shaqo ka bilaabay Isbitaalka Naasir oo ku yaalay xerada Khaan Yuunis. 1976kii isagoo noqday dhakhtar u gaar ah daawaynta caruurta.

Noloshiishii iyo fir circoonada dhanka siyaasada iyo Shaqadiisii.

-Waxaa uu ahaa Aabe dhalay 6 caruur ah oo 2 ka mid ahi yihiin wiilal halka 4na ay yihiin gabadhu.waxaa uu ka soo shaqeeyay haayadu kala gadisan oo ay ka mid tahay xubinimo gudiga maamulka Islaamiga ah,midowga dhakhaatiirta Carbeed ee Marinka Qaza,iyo waliba Bisha Cas ee falastiin.

- Dr Cabdicasiis Al Rantiisi, waxaa uu ka soo shaqeeyay  Jaamacadda Qaza tan iyo intii la furay sanadkii 1978kii isgoo ka dhi jigi jiray Coursooyin ku aadan science-ka iyo  geneticska iyo parasitologyka.  

Sanadkii 1983kii ayaa xabsiga la dhigay ka gadaal  markii lagu eedeeyay inuu ka dhaga adkaaday  bixinta cashuurta uu siinayo dawladda Israa'iil,[Taas oo ay ka wadeen Yuhuudu Jiziyada Islaamku ka qaadan jiray dadka aan muslimiinta ahayn mid la mid ah] dhibkaa iyo saxariirka ay ku jireen dadka Falastiiniyiinta ah ee gacanta gumaysiyga Yuhuuda oo ay bari gantaalaan dowladaha islaam diidka ah ee Reer Galbeedku ayaa uu u dul qaadan kari waayay taas oo lagu soo xasuusan karo Soomaali ahaan [Markii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka yimid Dhanka Yemen ay ciidamadii Gumaysiga ee Ingiriisku ameern markii uu ka soo dagay carada Soomaaliyeed dagada Magaalada Barbara inuu bixiyo lacag,balse markiiba ka dhaga furaystay oo diiday oo ay u bixiyeen The Mad Mullah Wadaadkii waalnaa isla markaana markii uu arkay dhibka ay ku wadaan dadka soomaliyeed aroorsaday ciidan la dagaalama oo aan wada xasuusano dagaaladii oo la galay ee lagu khaarajiyay Gumaysitihii madaxdii ugu saraysay oo uu ka mid ahaa Kofil]Sidaa si la mid ah ayaa ku dhacday Dr Cabdicasiis Al Rantisi oo dalkiisii ayaa lacag baad ah loogu sheegtay isagoo ay ku kaliftay dantu in uu ka dhaqaaqo waxii uu soo bartay inoo ku shaqeeyo inta laga xoraynayo dhulka falstiin.

Waxaa gacan lama ilaabaan ka ka gaystay samaynta Ururka Iska caabinta Islaamiga ah ee (Xamaas)Sanadkii 1987kii   markii uu bilaabay dhaq dhaqaaqa siyaasada xorimada doonka ah iyo Aas aaska Xamaas ayaa sanadkii 1988 ay xabsiga dhigeen Yuhuuda  iyadoo ku eedeeyay in uu ka qayb qaatay falal ka dhan ah Israa'iil waxaanu ku jiray muddo laba sano waxaana ooda laga qaaday sanadkii 1990,isla sanadkaasi ayaa mar kale xabsiga lagu celiyay waxaanala soo daayay, 1992  

. Nin dhulkiisii hooyo laga tariixlay buu noqday sanadkii 1992 ayaa isaga iyo 400 oo qof oo ka tirsanaa Ururka iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas iyo Ururka Jihaadul Islaam laga tarxiilay dhulka falstiin iyadoo loo gudbiyay dhanka koonfurta Lubnaan, halkaasoo ahayd meeshii uu magaciisu ku soo shaac baxay kaddib markii uu af hayeen u noqday dadka laga tarxiilay balse markii oo ka soo laabtay ayaa ay mar kale ciidamada Yuhuudu qabteen isagoo xirnaa ilaa sanadkii 1997 waxaana uu ka soo baxay xabsiga Kaddib markii uu xabsiga ka soo baxayna waxaa xabsiga haddana dhigay xukuumadda Falastiiniyiinta ee ka jirta Qasa iyo Daanta galbeed halkaasoo dhawr jeer lagu celceliyay iyadoo marka uu ka soo baxaba mar kale lagu celinayay wuxuuna guud ahaan ku jiray celcelis ahaan 27 bilood.  


Isku daygii dil ee uu ka bad baaday   Shahiid Rantiis iy Sahiid Axmed yaasiin  

Bishii Juun 2003dii  ayaa waxaa oo ka bad baaday Dr Rantisi isku day dil oo ay fuliyeen diyaaradaha Yuhuuda waxaana ka soo gaaray dhaawac isaga iyo wiilkiisa oo la socday,isku dayo dil iyo weeraru argagaxiso nimo ah ayaa ay sii wadeen Yuuudu ilaa ay ka dileen Hogaamiyihii Ururka Xamaas ee Ruuxiga ahaa Shahiid Shiikh Axmed Yaasiin 22kii Maarso 2004ta23 March 2004 ayaa Dr Cabdi casiis Al Rantisi loo doortay Gudoomiyaha Ururka iska caabinta Islaamiga ah ee (Xamaas) waxaana oo balan qaaday in intaam ama aargsoosi loo samayn doono Shahiid Yaasiin.  

waxaa Shaiiday Rantiisi iyo labo qof oo duqayn diayaa,Qabriga Rantiisii oo ay caruur u ducayayaan

Balse Waxba kama danbayn Shahiid Rantiisi Shahiid Yaasin mudu bil ah buu ahaa Gudoomiyaha Xamaas waxaana uu raacay wadadii uu maray Shahiid Axmed Yaasin waxaana ay diyaaradaha ciidamada Yuhuuudu ku rideen bambaanooyin gaari  uu saarnaa 17kii Abril 2004ta ayuu ku geeriyooday waxaana halkaasi oo kale oo ku shahiiday labo qof oo kale oo lasocotay Cabdicasiis Al Rantiisii. 


Maydka Shahiidka oo la wado Janadii eeba ha geeyee,Maydka Rantiisi iyo labadii qof ee la shahiiday.
 

Maydka Shahiid Cabdicasiis Al Rantiisi waxaa ka qayb  qaaday kumaaan qof oo falastiiniyiin ah janaasada lagu tukaday,waxayna ka bilaaabeen socodka Isbitaalkii oo yaalay Maydkiisu ee (Daarul Shifaa)waxayna sii mariyeen gurigiisii si ay eegida ugu danabyso isha u saaraan caruurtiisii iyo xaaskii oo daganaa Xaafada (Ridwaan)waxaana la sii marsiiyay oo kale Maydka Shahiida oo garbaha lagu sido Masaajidka wayn ee ku yaala Bartamaha Magaalada Qaza ee Al Cumayri iyadoo dadkii ay meel ay kala maraan waayeen janaasada salaadii lagu dukanayay, EEBE ha u naxariistu Cabdicasis Al Rantisi,  

Asbuucii hore ayaan waxaan Is bar bardhig ku samaynay DFKMG ee Soomaaliya +iyo Ururka Fatax ee Falastiin maantana waan is bar bardhigaynaa mar labaad dhanka kale.  

Maalmahaan waxaa aad u cakiran xaalada dhulka falastiin oo ay isku hayaan kooxda ugu taageerada Badan ee Xamaas sida maxaakimtii islaamiga ahayd ee laga awooda roonaaday ay ku ahaayeen dalka soomaaliya waxaana caqab ku noqday Xamaas Dowlad u shaqaysa danaha dowlada jecel kala fogaanta umadaha islaamka ah hadii ay midoobaan ay dhib ugu jirto,sidaa darteed ayaa habeenimadii sabtida ahayd Xusni Mubaarak waxaa uu dhaliilay Kooxda Xamaas oo uu ku tilmaamay in ay afganbi ku samaynayan dowlada Abaas.  

Marwaan Al Barquuthi oo ka mid ah Ururka Fatax oo ku xiran xabsiga Yuhuuda ayaa isagu waxaa uu taageersan yahay Kooxda Iska caabinta Islaamiga ah ee '' Xamaas''iisagoo ka hor yimid maamulka cusub ee Fatax ee uu madaxda ka yahy Maxmuud Cabaas,ka dib markii uu cabaas ka leexday jidkii Yaasir Carafaat ee ku dhisnaa Xoraynta Dhamaan dhulka falasteen markaasina caasimdiisu noqotu Qudusta la haysto.  

Mr Marquusthi ayaa waxaa lagu tilmaami karaa inoo yahay  nin muwaadin ah oo muwaadin nimadiisa ogteed xabsiga loo dhigay ka dib markii la arkay inoo yahay nin doonaya xoraynta dhulalka la haysto ee Falastiin,oo ay caasimad u tahay Qudus,halka Madaxa Fatax ee Iminka Abuu Masin oo yahay nin magaalada Raamalah ee ay ku taalo madaxtooyada ugu wayn ay tahay magaalo madaxda Falastiin  halka uu ka aamusy dhulka la haysto ee falastiiniyiinta taas ayaa waxay la mid ahay hadalkii Raisiul wasaare Prof Cali Mohamed Geedi ee uu 2005kii dabayaaqadiisii British Broadcasting Corporation u sheegay in ay soomaali dhul ma maqan jirin oo isla markaana Somaliland hadii la aqoon sado ay aqoonsanayaan taas oo ay dadku wal wal ka muujiyeen.  

Hogaamiyahaan ka tirsan Ururuka Fatax ee ku jira Xasbiga Yuhuuda Mr Marwaan Barquuthi ayaa gabi ahaaba ka hor imaadsan sida uu sheegay Fatax ka dib markii ay la dagaashay kooxda Xamaas isla markaana isku dayday in ay afgami ku samauyso Ismaciil Haniyaha Raisul wasaaraha Sharciga,waxaana uu la mid yahay Barquuthi xubnaha ka tirsanaa dowlada ee la casilay ee iminka la magac baxay Baarlamanka Xorta ah ee uu Shariif Xasan Shiikh Aadan Gudoomiyaha u yahay isla markaas xiligii ay dowlada ka tirsanayeen ayay ka soo hor jeedeen siyaasada dowlada FKMG ah ee ku aadanayd ciidamada ay soomaalidu u taqaan cadowga ugu wayn ay soo galisay DFKMG .  

Isku soo wada duub ka tirsanow ka hor imaad danta umadaada owgeed ayay ku shaqeeyaan Marwaan Barquuthi iyo Xunbaha baarlamanka sida uu qoraal soomaaliyeed qoraal ku sheegay.  

Dhamaad

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2007


Halkaan ka akhirso qoraaladii Hore ee M C M Bootaan

 

Waa Kuma, Maxaadse ka taqaan Taariikh Nololeedkiisii: Shiikh Axmed Yaasiin Aasaasaha Xamaas iyo is bar bardhig DFKMG Somalia iyo Fatax.
lix iyo toban jir markii uu ahaa,ayaa Shiikh Axmed Yaasiin,waxaa ku dhacay shil aad u khatarsanaa oo saamayn wayn ku yeeshay gabi ahaanba noloshiisa iyo  jiritaankiisa ilaa intii ay yuhuudu ka dileen ee uu ka shahiiday...

 

aaden cadde

Waa kuma Aadan Cadde Maxaase ka taqaanaa Taariikh nololeedkiisii,Madax waynihii ugu horeeyay Somalia.
Waa madax waynihii ugu horeeyay 53-da dal ee Qaarada Afirka oo idil si calaad ah uga dagay Kursiga madaxtimada taas oo soomaaliya Magac wayn u soo jeediy oo tusaale lama ilaabaan ah ay ka dhigtaan Madaxda afrika.

 

Waa kuma Mahathir Bin Maxamed Maxaadse ka taqaanaa taariikhdiisa horumarka oo dalkiisa gaarsiiyay sidee Soomaaliya ku gaarsiin karnaa ?

Waa mid ka mid ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee casrigaan, da'diisu iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.

Sheikh Sharif Sheikh AhmedWaa Kuma Masuulka dagaalo sokeey oo 16 sano ah ka dib Soomaali
oo dhan bad baadiyay oo 80% laga taageeray gobolada dalka soomaaliya oo dhan, laguna tilmaamo inuu yahay ninka ugu siyaasada iyo maamulka fiicnaa Soomaaliya 16 sano waa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Haddaba maxaad ka Taqaan Taarikhiisa...

Waa kuma: Aasaasihii Xarakada Ikhwaanu Muslimiinta maxaase ka taqaan taariikhiisa,qaab noocee ah baa loo dilay.
Aasaasihii Xarkada Islmaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin,Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Ustaad Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axed ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra.
 

Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan  maxaa ay soomaalidu u necebtahay?

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.


Tixraaca /isha: sawirada: Google search/news, yahoo search/news, wiki, wikipedia

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH