SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Turaabiga Soomaaliya, Sheekh Shariif

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Xasan At-Turaabi wuxuu mar ahaa ninka ugu magac dheer Suudaan looguna taageero badanyahay. Sida sheekh Shariif u ahaa guddoomiyaha fulinta ururkii Maxkamadaha ayaa Turaabi ahaa hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee Ummadda (Suudaan). Waxaa Turaabi loo doortay wasiirka caddaaladda. Markuu Suudaan ka dhacay cinqilaabkii uu horkacayey Cumar Al-Bashiirka hadda madaxweynaha ah 1989 ayaa sumcadda Turaabi cirka sii gashay – maxaa yeelay markaas labada nin waxay ahaayeen saaxiibbo isku koox ka soo jeeda. Turaabi waxaa loo doortay inuu ku biiro golihii ummadda oo u dhigmay barlamaan 1996 wuxuuna ahaa u hadlaha golahaas (sidii guddoomiye baarlamaan).

Cadaadiska iyo Xil-ka-xayuubintu waxey muujiyaan sawirka saxda ah ee qofka;

Waxaa cunaqabateyn la saaray Suudaan sida iyagoo lagu eedeeyey argagixiso iyo kasoo-horjeedka danta reer Galbeedka. Waxaa kaloo lagu heystay iney ka dambeeyeen isku-deygii dilka Xusni Mubaarak. Markaas kaddib ayaa hogaamiyaha Suudaan bilaabay inuu iska fogeeyo Turaabi. Sidoo kale markii maxkamadihii Shariifku guddoomiyaha ka ahaa laga awood batay wuxuu la soo baxay sheeko kale oon gadaal ku arki doonno. Saaxibadiisii kale ee wada kacdoonka Soomaaliya markay xoog badnaayeen iyo hadda oo la joogo waxba iskama bedelin mowqifkooda. Turaabigii calanwadeyn jiray waxaa xabsiga dhigay ninkii saaxibkiisa ahaa, Al-Bashiir sanadkii 2004-tii. Sheekh Shariif ogaanteen waxaa xabsiga dhigay Kenya markuu u adkeysanwaayey keymaha iyo dhoobeydii. Intuu xirnaa waxaa la showray CIA iyo xubno ka socda safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Turaabi wuxuu la soo shirtagay fikrad ah in Islaamka la hormarinkaro! Wuxuu fikraddiisa sal uga dhigay sheeko ay caan ku ahaayeen qaar ka mid ah ururka Ikhwaanka oo ah: xoreynta haweenta muslimka ah. Cilmaaniyiintuna waa qabtaa arrintaas. Iska daa ka hadalka dhaxalka iyo jagada dumarku qabankaraane, Turaabi wuxuu aaminsanyahay haddii haweyneyda Maraykanka ah ee Jendayi Frazer soo muslimto iney labada Shariif iyo Soomaalidaba imaam salaadeed ugu noqon karto masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho ku yaal! Micnuhu waa hadday muslimto oo iyagoo la shiraya waqtigii salaaddu soo gesho wey tujin kartaa iyaga! Turaabi wuxuu aaminsanyahay in la mideynkaro Sunniga iyo Shiicada. In heesaha iyo fanka la waafajiyo diinta Islaamka. Iyo in xuquuqda Islaamku siiyey dumarka kor loo qaado! Waxay la tahay in Ilaah iyo Rasuulkiisu (SCW) hagradeen dumarka! Ogoow waa Islaamka uu nabigu (SCW) lahaa jannadu waxay ku jirtaa hoosta lugaha hooyada. Waa Islaamka leh: hooyadaa ka horreysa aabbaha. Sheekh Shariif saaxibadiis qaar baa aaminsan iney ka dookh fiican yihiin nabiga (SCW) hadduuba isu quuray inuu guursado gabar 9 sano jirta! Jaahilkaasi wuxuu meesha ka saaray iney Caa’isho oo 9 sano jirta kheyr lala maagay. Been maaha iney da’ yarayd laakiin Ilaah baa u doortay iney ku barbaarto oo afo ka noqoto gurigii ugu fiicnaa adduunka. Yaa arkey qof dumar ah oo heysata xiriirkii iyo ciyaartii ay Caa’isha (RC) ku heysatay nabiga (SCW)? Soow hooyadeen Caa’isha maaha qofkii nabiga (SCW) ka dalbeysay inuu la daawado tabobar iyo ciyaar ay qolyo muslimiin ahi ku dhexsameynayeen masaajidka dabadeedna inta nabigu (SCW) irrida masjidka ee gurooga hortooda istaagay buu yiri garkaaga soo saaro garabkeyga dabadeedna daawo. Yaraantaas baa keentay in loo tabobaro caado aysan Carabtu horay u aqoon oo ah si fiican ula-dhaqanka xaaska. Yaa maqlay Caa’isha (RC) oo murugeysan markey arooska ahayd? Maalmo kaddib? Bilo kaddib? Sanado kaddib? Dhimashiii nabiga kaddib? Xitaa intey yarayd oo ay arooska ahayd waxay sii wadatay xoriyad ka sii badan tey ku heysatay guriga aabbaheed. Waxay guriga nabiga (SCW) keeni jirtay gabdho. Laanta waxaa la toosin karaa markey curdan tahay. Ilaah baa Xaakim ah laakiin waxaan fahmayaa in yaraantu faa’iidadaas lahayd. Marka Caa’isha waxaa lagu barbaariyey mucaasharada toosan ee saxda ah. Halka lammaane badan oo Yurub u dhashay oo markey bannaanka joogaana isu qosla laakiin markay khamri cabbaan nimanku xaasaskooda dilaan. Xitaa reer Galbeedka, lammaanayaashii si fiican isu dhaqda waxay arrintaas kaga daydeen nabi Muxamed (SCW) ileyn nabi Ciise (CS) kumeynaan maqal guure.

Sheekh Shariifkii shalay lahaa waxaan diyaar u ahay inaan ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeeyo diintooda ayaa hadda leh waxaan isu keenayaa Bush iyo muslimiinta! Wuxuu rabaa inuu wax la qeybsado Ashahaado-la-dirir sida korneylka, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed-dheere (sheekadii Turaabi ee Sunni iyo Shiico). Waxaad moodda inuu leeyahay waqtigan oo kale markii la joogo xalka lagama raadsho Islaamka ee waa in la aqbalo sheekada Bush iyo Golaha Ammaanka oo isla Bush horboodo. Sheekhu Tusaalihii uu usoo qaatay heshiiskii Xudeybiya oo intuusan BBC-da ka oran aan maqaal ugu digay in dad badan oo khiyaamo raba ay tusaale usoo qaataan heshiiskaas. Bal aan wax ka iftiimiyo:

  1. Xagee Xudeybiya ku taal? Waa Makah duleedkeeda. Nabiga (SCW) waxaa markaas saldhig u ahaa Madiina mana xukumin Makah. Marka nabiga (SCW) iyo saxaabadu iyagaa cibaado raadsanayey ee cidna ma soo weerarin lamana qabsan. Tusaalihiisu wuxuu sax noqon karaa innagoo rabna inaan Jigjiga iyo Diridhaba qabsanno ama galno oo la yiri intaad dagaali lahaydeen joojiya oo sanado kaddib baad si nabad ah ula wareegi doontaan.
  1. Markii dagaalkii dhufeyska/Axzaab Madiina la soo weeraray ayaa nabigu (SCW) u turay Ansaar oo wuxuu yiri huwanta Qureysh la socota qaar aan timir siinno si ay dagaalka uga baxaan. Sacad Binu Mucaad (RC) baa yiri nabi Allow ma Waxyi baa mise waa talo? Nabigu (SCW) wuxuu yiri: waa talo. Sacad wuxuu yiri: markaan gaalada ahaynba baad maanu bixin jirin oo waa naga iibsan jireen timirta marka annagoo hadda muslim ah ma bixineyno baad. Ummad la hareereeyey baa diiday iney xoogaa timir ah bixiyaan iska daa iney mabda’ooda Islaamka ah ka tanaasulaan ama cadow kale u yeertaane. Nasiibdarro dad muslim sheeganaya baa timir la siinayaa si waddankooda loo gumeysto, muslimiintana loo laayo.
  1. Nabiga (SCW) iyo saxaabada (RC) waajib kuma ahayn aadidda Kacbada markaas keliya waxay u socdeen Cumro aan markaas waajib ahayn. Waxay ogaayeen iyadoon cidna loo diidin Kacbada. Waxay ogaayeen in qofku xitaa uusan Xaramka kula dagaalin qofkii aabbihiis dilay. Marna muslimiintu isma oran iyagoo qaarkood ka yimid Makah baa loo diididoonaa Guriga Ilaahay. Marka halkaas waxaa ku ceeboobay Qureysh oo muslimiinta ula soo baxay ged aysan horay u aqoon. Waa taas midda keenta in reer Galbeedku ka hadlaan caddaalad iyo wanaag laakiin haddii koox muslimiin ahi wanaagaas keento waa isla iyaga kuwa la dagaala!
  1. Xitaa qoddobkii ay muslimiintu ka cabaneysay ee ahaa qofkii naga soo muslima noo soo cesha ma hirgelin oo qofkii soo muslima Madiina ma soo aadijirine wuxuu aadi jiray meel dhexe markaasu Qureysh iyo safarkeeda la dagaali jiray ilaa Qureyshi tiraahdo: wixii naga soo muslima ha kuu yimaadeen ee naga celi yeysan jidka noo galine.
  1. Marka Shariifku ha sheego meeshay ku taal iyadoo waddan muslim la heysto in tusaale loo soo qaato heshiiskii Xudeybiya? Wixii lalahaa hanaga joogeen Xudeybiya waxay ahaayeen muslimiinta. Marka sheekhoow mas’aladaas ku noqo.

Marka heshiishkii Xudeybiya ma tusinayo in muslimiintu ay wax ka badeleen manhajkooda. Heshiishkaas waxaa ceeb iyo guuldarro ka raacday Qureysh. Halka sheekh Shariif leeyahay ciidamadii UN-ka ah ee la ogaa waxay ka sameeyeen meelo u dhow meesha Shariifku kasoo jeedo – Jowhar! Maxaa laga sheegay kuwii la geeyey Baladweyne? Kuwii ciyaalka dabka korkiisa ku soloyey ee Kismaayo joogay? Kuwii kumaankunka qof ku laayey Xamar? Ciidamadii UN-ka ee Holland u dhashay ee muslimiintii Bosnia hoosaasiyey waatii iyagoo indhahoodu shan yihiin ay Serbia hoostooda kala baxeen. Kuwaan Ugaandha iyo Burundi u dhashay mey ka ceshaan shacabka Soomaaliyeed Tigreega? Mise sheekhu wuxuu leeyahay kuwa cad baa naxariis badan? Oo Holland miyeysan caddaan ahayn ileyn caddaankii kale ee u dhashay Bosnia difaaci waayee? Xitaa haddii la keeno ciidamo UN ka socda; Zenawi markuu rabuu soo galayaa Soomaaliya haddii aan la xanuujin oon xoog looga saarin. Marka Shariifku wuxuu rabaa in kacdoonka shacabka laga dhigo sacabooley.

Dadka waddada Turaabi raaca waxaa u dambeeya ceeb iyo sumcad darro. Waxaa Ilaahay dabodhigay iney khalad ka raadshaan Islaamka. Intaas oo xaddiis bey diideen. Xaddiisyo saxiix ah bey diideen markay caqligooda isticmaaleen. Waxaa ka mid ah haddii diqsi ku dhaco cabbitaan maxaa la sameyn. Turaabigii ku doodi jiray diinta Islaam hadda wuxuu la ururyahay kuwo xitaa aan muslim ahayn isagoo cimrigiisa ku soo khatimay inuu u khidmeeyo Dimuqraadiyad ka dhalata Suudaan. Sidii horay loo yiri soow Shariifka ma ahan ninkii qorigu deegta u saarnaa meel Baydhabo u dhow? Meeday Shareecadaad ka hadli jirtay? Dhowr beri ka hor waxay Nairobi ka lahaayeen waxaan wax ka sugeynaa Golaha Ammaanka/Bush halka muqaamadu leeyihiin Ilaahay bey xal ka sugayaan. Marka see loo simi dad noocaas ah.

Shaki iigama jiro haddii Bush iyo Golaha Ammaanku Turaabi usoo wakiishaan arrimaha Soomaaliya in la arki lahaa dad badan oo Kenya, Yurub iyo Ameerika jooga oo soo dhoweynaya. Ka warran boqollaalkii Shariifka ugu tagay hoolka Hilton? Kuwii ergeyga gaarka ee wakiilka Qaramada Midoobay ugu tagay London? Waa dhici kartaa in Axmed Cabdallah uu daacad ka yahay laakiin su’aashu waxay tahay yaa soo diray? Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Yaa doortay xoghayaha? Bush. Yaa Zenawi ku fasaxay Soomaaliya? Bush. Waagii hore Maraykanku hal mar ma wada isticmaalijirin usha iyo karootada. Sheekha saaxibadiis waxaa laga ugaaranayaa keymaha isaguna huteelo buu ku raaxeysanayaa saasooy tahay waxay la tahay inaysan jirin cid uga dadaal badan qayidda Soomaaliya!

Tolow muxuu oronayaa marka la weydiiyo | c/karim

Sh. Shariifoow xaal baan ku siinnay | Farhan

Turaabi iyo Sheekh Shariif, Maxaa isaga dan ah? |Dalmar

Abuu Mansuur Vs Sheekh Shariif - C/waaxid

Maxaynu Bakhtiga Ugu Afureynaa (Shirka Jibuuti)- C/waaxid

Ka: Sharaf; ku: Sharwadanimo (Labo Shariif iyo Yemen) Akhri - C/waaxid

Laguye Ergadii baa ka Didday Safiirka Itoobiya Maxaa sidii lo’ libaax aragtay “ergada” Soomaalidu uga dideen Akhri.. C/waaxid


yusuf iyo handuleXaggee Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska...
iyo Safiirka Soomaalida ee Moscow oo Ruushka ku casumey in ay xarun satellite-ka laga hago ka samaysataan Soomaaliya, iyo in ay soo saaraan macdanta laga sameeyo Nukliyeerka, batroolka iyo gaaska.. Akhri...

Qolyaha Casmara laftoodu wey ku khaldanyihiin in ay Xuseen Caydiidka sanka dadka ka geliyaan. Sheekh Xasan Daahir waxba kama sheegi karo sheekh Shariif haddiiba uu u arko Xuseen Caydiid halgame. Teeda kale waxaan kula talinlahaa ineysan khiyaamo dambe gelin oo aysan wax la mid ah Xuseen Caydiid u magacaabin jago. Haddii kale berri buu isagoo guddoomiye sheeganaya magaciinna la geli doonaa waddan kale. Hadduu rabo dib buu Zenawi ugu noqon.

Hal xaaraan ahi ma dhasho nirig xalaal ah. Haddii khiyaamo la geeyo Xaramka ma noqoneyso wax fiican. Soow Cali Mahdi iyo boqollaal odey lama geyn Sacuudiga bilo ka hor? Maxaa ka soo baxay? Marka haddii labada Shariif iyo Nuur-cadde tagaan Xaramka ama Sacuudiga maxaa iska bedelaya? Ilaah baa mahad leh oo Gabre ma tagi karo Makah sabab cad owgeed. Ogoow haddii Bush ku guuldarreyso inuu Gabre geeyo Xaramka wuxuu si dadban u geynaa ergeyga Axmed ileyn isagu waa muslime! Haddii ergey Axmed oo keligiis ah ama waddankiisa ka socdo uu arrimaha Soomaaliya ka hadlilahaa dhib uma arkeen ciddii u tagta laakiin mar hadduu si dadban uga socdo Bush micno ma leh wixii meeshaas ka soo baxa. Marka Turaabigii la ogaa ee adduunkoo dhan ka cabaaday (waxay u qabeen muslim daacad ah) wakaas maanta ku hadlaya wax aan soo marikarin afka Bush! Sidoo kale sheekada sheekh Shariif waxaa la yaabban dad badan oo reer Galbeed ah oo leh: oo ninku cidna ma xukumee maxuu la shirtagayaa? Marka sheekhu wuxuu jantay inuu ku noqdo meeshuu ka soo bilaabay siyaasadda oo ah gacan-yare Maxamed-dheere. Marka wuxuu ku dambeyndoonaa inuu gacan-yare u noqdo Gabre oo isagu sii xukuma korneylka iyo Maxamed-dheere. Sidaan horay u iri waxaad mooddaa in la soo celin doono dagaalkii ahaa Abgaal iyo Habargidir si Tigreegu nafis u helaan. Marka bal aan aragno waxa Shariifku ka dheefo. 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Abuu Mansuur Vs Sheekh Shariif

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS