SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Burcad Badeed: Arin siyaasadeed mise burcadnimo?


Hordhac


Sida la wada ogsoon yahay waxaa waxaa waayadaan dame badda soomaaliyeed ka dilaacay afduub loo geysanaayo maraakiibta halkaas marta. Ilaa iminka maraakiibta la qabsaday waxaa ay kor u dhaafayaan boqol. Badankood maraakiibtaas waxaa lagu sii daayaa madax furasho. Arintani waxaa ay biyaha badda ee soomaaliya ka dhigtay mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan aduunka ee ay maraakiibtu maraan. Taasi waxaa ay keentay in aduunku aad iyo aad uga hadlo arimahaan ka dhacaya badda soomaaliya.Balse wadamada qaarkood waxaa ay usoo direen maraakiib ay leeyihiin waxaa ay wardiyeynayaan jidkaas badda ee la maro. Haddaba waxaan maqaalkaan kaga faaloon doonaa arintan burcad baddeeda oo siyaabo kala duwan loo arko. Suŕashu waxaa weeyaan burcad badeednimadu ma arin siyaasadeedbaa mise waa mid burcadnimo?Maxaase keenay in ay arintu xiiso u yeelato wadamada aduunka?

Burcadnimo mise siyaasad dahsoon

Dhaqanka afduubka ka dhaca biyaha badda korkooda ma ahayn mid ay soomaalidu caan ku ahayd. Waxaa jirey wadamo kale oo arinkaan ku sifoobey. Howshatani waa mid ku cusub soomaaliya. Iney cusub tahay waxaa kuu caddeyneysa ineynaan xitaa luqadeenu lahayn arey bixin lagu sifeyn karo falalka ay sameynayaan nimanka wax afduuba. Sannadihii ugu dameeyey ee ay soomaaliya jahwareerka ku jirtey waxaa jirey in gobolada iyo magaalooyinka soomaaliyeed qaarkood laga sameyn jirey jid-gooyin dadka lacag looga qaado. Ficilkaas oo ay dadka soomaaliyeed u yaqaanaan “Isbaaro”. Balse waxaan aragnaa in dhaqankaasi hadda u gudbey xagaa iyo badda dusheeda. Afkaar kala duwan ayaa laga qabaa ujeedada rasmiga ah ee ka dameysa afduubka maraakiibta ee ka dhaca badeena. Dadka qaar waxaa ay aaminsan yihiin inuu salka ku hayo ujeedo dhaqaale. Taas oo macneheedu yahay nimnaka wax afduubaa waxaa keliya oo ay daneynayaan dhaqaale. Kolkii ay dhaqaalahooda ka qaataana waa iska siideyanyaan markabkaas, ka dibna waxaa ay bilaabayaan qorshihii ay kusoo qaban lahaayeen markab cusub. Dad kale waxaa ay aaminsan yihiin arintu ma aha mid dhaqaale ee waa mid siyaasadeed oo la huwiyey ujeedo dhaqaale. Fikirkan dadka qaba oo ay ka mid yihiin aqoonyahano badan oo reer galbeed ah waxaa ay leeyihiin nimanka wax afduubaa waxaa ay doonayaan in arinka soomaaliya ee wareeray xal loo helo. Taasna waxaa ay u marayaan wadada ah iney khatar ku abuuraan dhaqaalaha aduunka oo haddaba ciriir ku jira. Arinkani waxaa uu waafaqsan yahay hadal uu yiri nin u hadlay burcad badeeda, kaas oo laga wareystay BBC-da afka soomaaliga. Ninkaas waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Baddayadii waa la bililiqeystay, waxaa laga dhameystay kaluunkii, waxaa lagu shubay qashin, waxaan nahay dal burburay oo baabaŕsanaa in badan.Sidaas darteed waxaanu qabsaneynaa markab kasta oo badda soo mara.Maraakiibtaas badda soo marta ayaa nooga dhigan kaluun”

Hadalkaan waxaa ku cad inaan arinka qafaalashadu aanu ka mareyn xagga siyaasada.

Qolo kale oo sadexaad ayaa jirta oo iyana aaminsan in ujeedada burcad badeedu tahay labada arimood ee aan kor kusoo sheegnay oo la isku daray.Kuwaas oo ah ujeedo dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qoladaani waxaa ay qabaan arinka qafaalashada maraakiibtu kolkii hore waxaa uu ku bilaamay hab burcadnimo balse kolkii burcadu ogaadeen muhiimada ay leedahay badda soomaaliyeed waxaa ay arinka u bedeleen mid siyaasadeed.

Gebagabo

Arrinkan burcadnimada baddu, si kasta haku bilowdo kolkii hore, balse waxaa muuqata inuu hadda isu bedeley dhinac siyaasadeed. Dhamaan idaacadaha waaweyn ee reer galbeedka iyo jaraaědka ayaa aad iyo aad u hadal haya arinta burcad badeeda. Haddaba si shicibka reergalbeedku u fahmaan waxaa ay tahay burcad badeedu waxaa ay idaacaduhu sharaxaan soomaaliya guud ahaan, qaab siyaasadeedka, dhaqanka, dhaqaalaha iwm. Waxaa ay aad ugu dheeraadaan jahwareerka siyaasadeed ee soomaaliya ka jirey 18-kii sano ee ugu dameeyey. Waxaa ay sheegaan in aaney soomaaliya ka jirin dowlad dhexe oo awood leh oo ku baahsan dalka oo dhan waxna ka qaban karta nabadgelyada guud ee dalka, bad iyo beriba. Waxaa kale oo reer galbeedku aad uga hadlaan beryahaan saameynta ay burcadnimada badda soomaaliya ku leedahay dhaqaalaha aduunka.

Arrinkaan burcadnimada ,waxaa ay dhaqaalayanada aduunku isku raaceen inuu yahay mid aad u saameyn kara sicirka badeecadaha aduunka, qiimaha doolarka, qiimaha saliida qeeriin, batroolka iwm. Waxaa la sheegay haddii maraakiibtu ka wareegaan jidka badda ee soomaaliya iney ku qaadan doonto ugu yaraan 10-15 ayaamood oo dheeraad ah si uu u gaaro halkii markabku ku socdey. Maxaa yeelay waa in maraakiibtu kusoo wareegaan afrika oo dhan inta aaney tegin halkii ay ku socdeen.Maalmahaas dheeraadka ah ee markabku sii socda waxaa ku baxaya kharash aad u badan oo gaaraaya ilaa hal bilyan oo doolar. Lacagtaas waa in lagu daraa qiimaha alaabtii uu sidey markabku. Halkaas waxaa inooga cad in jidka badda ee soomaaliya uu yahay mid muhiib u ah isu socodka ganacsiga aduunka. Taas oo keeni karta in ay reer galbeedku isku dayaan iney xaliyaan arinta siyaasadeed ee soomaaliya si ay u helaan jid nabad ah oo ay maraan. Waxaa la yaab leh in maanta aduun ka oo dhan uu ka hadlaayo jidka badda ee ay burcadu jareen, waxaa reergalbeedka ka muuqata murogo ay ka muujinayaan arintan. Waxaa ay ka doodaan saameynta dhaqaalaha, waxaa ay ka falanqoodaan sidii loo xalin lahaa.

Balse reer galbeedka iyo xulufadoodu marna masoo qaadaan, kamana doodaan, boqolaalka soomaaliyeed ee maalin kasta ku dhimaneysa soomaaliya.Shicib dhan oo burburay, noqdayna wax caddow laayey, wax gaajo laysay, wax qaxay iyo wax quustay. Haddaba inagoon u cudurdaareyn burcadnimo, miyaan la oran karin burcadnimada baddu waxaa ay salka ku haysaa cadaalad xumada iyo munaafaqnimada aduunku ku hayo soomaaliya. Dooda arinkaas dadweyanaha ayaan u daayey!

Mahadsanidin
cabdirisaqC/risaq Maxamed Xuseen
Master degree economics
Eskilstuna,Sweden
habdirisak@hotmail.com

Cudur maskaxeedka loo yaqaan ”Autism” oo ku soo badanaaya caruurta soomaaliyeed ee qurbaha. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2008

Duulaan Burcad Badeed (Piracy attack)
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay in xayiraad lagu soo rogo qof kasta oo gacan ka gaysta hurinta rabshadaha iyo deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya.. Akhri....

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS