SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cumar C/rashiid oo Taageero Waydiistay Meles Zenawi

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | April 20, 2009

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaanka ayaa Isniin April 20, 2009 magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay faafisay wakaaladda wararka ee xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG waxa uu Itoobiya waydiistay in ay siiso tababar si ay DFKMG u agaasinto islamarkaasna ay maleeysiyadeeda kala baahsan isugu keento hoggaan dhexe oo laga hago sidaas daraadeedna ay la dagaalamaan kooxda argaggaxisada ee Alshabaab, sidaas waxaa wakaaladda ENA u sheegay Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesfin Seyoum.

Seyoum waxa kale oo uu yiri: Soomaaliya waxay u baahan tahay Ethiopia si ay u tababarto shaqaalaha ka hawlgala dhinacyada ammaanka, bulshada, maaliyadda, maamulka cashuur ururinta.

Warkii ENA ee kulanka Cumar C/rashiid iyo Zenawi oo AfSoomaali loo rogay hoos ka akhri:

Ethiopia Waxay Soomaaliya siin doontaa caawinaada loo baahan yahay oo ku salaysan weydiisashada Soomaaliya: Sidaas waxaa yiri Meles Zenawi

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: ENA  oo ah waa warbaahainta ay maamusho xukuumadda Itoobiya
cumar iyo zenawi
Cumar C.C. Sharmarke iyo Zenawi, April 20, 2009. ENA

Addis Ababa, April 20, 2009 - Ra'iisul Wasaare Meles Zenawi waxa uu yiri Ethiopia waxay caawinaada ku haboon u fidinaysaa Dawladda Federaalka Kumeelgaarka (DFKMG) ee Soomaaliya si ay (DFKMG) u wanaajiso awooda hawlqabadkeeda.

Mar uu Isniintii halkan (Addis Ababa) kula kulmay wafti uu hogaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayuu Meles arrintaas sheegay isagoo ka jawaabayey weydiisashada ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu Ethiopia weydiistay in ay u fidiso taageero si loo agaasimo hay'adaha dawladda dhexe.

Soomaaliya waxay u baahan tahay Ethiopia si ay u tababarto shaqaalaha ka hawlgala dhinacyada ammaanka, bulshada, maaliyadda, maamulka cashuur ururinta iyo customs-ka iwm. Hadalkaas waxaa (Hay'adda Wararka ee Ethiopia) ay ka werisay afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda (ee Ethiopia Mesfin Seyoum).

Intii uu kulanku u socday waxa uu Zenawi ka hadlay in Alshabab ay yihiin koox argaggaxiso ah oo halis ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhankiisa, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu Itoobiya waydiistay in ay siiso tababar si ay (DFKMG) u agaasinto islamarkaasna ay maleeysiyadeeda kala baahsan isugu keento hoggaan dhexe oo laga hago sidaas daraadeedna ay la dagaalamaan kooxda argaggaxisada ee Alshabaab, sidaas waxaa yiri Seyoum.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu Ethiopia weydiistay in ay ka qayb qaatado saamigeeda sidii ay Soomaaliya ugu caawin lahayd si ay lugaheeda isugu taagto.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa kale oo uu yiri Soomaaliya waxay u baahan tahay taageerada Ra'iisul wasaare Meles sababtoo ah hogaamintiisa gaamurtay iyo in uu raad kobcaya ku leeyahay siyaasadaha adduunka.

Labada dhinac waxa kale oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labada dhinac iyo naddaba iyo ammaanka.

Ilaa inta la gaarayo, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu mabsuud ku yahay wadahadalkii uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Meles. Sidaas waxaa warka ku gabagabaysay ENA. (Warkaas oo Ingriisi ah hoos ka akhri)

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG muxuu ka aaminsan yahay shareecada Islaamka

Dhanka kale, Idaacada VOA oo waraysi la yeelatay Cumar Cabdirashiid oo ku sugan Itoobiya ayaa waxa uu ku cadeeyey mowqifkiisa ku aadan waxa uu ka aaminsan yahay shareecada Islaamka ee ay ansixiyeen baarlamaanka DFKMG.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Cumar C/rashiid ayaa isku maalin, 8dii April 2009, waxa uu qalinka ku duugay laba wareegto oo mid ku saabsan tahay in Qaraamada Midoobay ay DFKMGu gudbinayso xog moojinaysa in badda Soomaaliya uu muran ku jiro ama lagu muran san yahay. Wareegtada labaad waxay ahayd "Go'aankii ay golaha wasiirada ee ku dhaqanka shareecada Islaamka"

XRW/00.63/02/2009 - Muqdisho 8/4/2009 (Shareecada)

XRW/0065/06/09 - Muqdisho 8dii April 2009 (Dhul-badeedka)


XRW/00.63/02/2009 | XRW/0065/06/09


zenawiHadal uu Zenawi mar sii horaysay ka yiri Shariifka iyo Shareecada Islaamka..  Dhegeyso  ama Soo Rogo (MP3)  ama Akhri... (English)


Wasiir ka tirsan DFKMG oo Sheegay in uu Gebi ahaanba ka soo Horjeedo Heshiiskii Badda ee Soomaaliya la gashay Kenya, kuna tilmaamay layaab, sheegayna in uu aad uga xunyahay... Waraysi wasiirka Jaaliyadaha (Dhegeysi/Akhris)


Warkii ENA (English Version) Hoos ka akhri:

Ethiopia Will Give Necessary Support To Somalia Based On Its Request: Meles

SOURCE: ENA (waa warbaahainta ay maamusho xukuumadda Itoobiya)

Addis Ababa, April 20, 2009 (Addis Ababa) - Prime Minister Meles Zenawi said Ethiopia would extend the necessary support to Transitional Federal Government (TFG) of Somalia to enhance its capacity.

While conferring with TFG's delegation presided over by Prime Minister of Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke here on Monday, Meles made the statement in response to the request made by the Somalia Prime Minister.

The Somalia Prime Minister has requested Ethiopia to extend support to establish central government institutions.

Somalia needs Ethiopia to train personnel in the areas of security, civil, finance, administration tax collection and customs, among others, according to a spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs.

Meles recalled during the talks that Alshabab is a terrorist group in which it is a threat to the security of both Somalia and Ethiopia.

Accordingly, the Prime Minister of Somalia has requested Ethiopia to provide training so as to organize and bring its scattered militia under central command thereby fight the Alshabab terrorist group, Seyoum said.

The Somalian Prime Minister requested Ethiopia to contribute its share in helping Somalia to stand on its feet.

The Somalian Prime Minister also said Somalia needs the support of Prime Minister Meles because of matured leadership and of his growing influence in the global politics.

The two sides also discussed bilateral relations and peace and security issues.

Meanwhile, the Somlian Prime said he was satisfied with his talks with Prime Minister Meles.

---END---


Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: