8-da March, Maalinta Haweenka iyo
Halgankii Dheeraa Ee la Soo Maray! - Qaybtii 3-aad.
Afrika iyo Haweeka
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
Dabaylaha is baddal-doonka
siyaasadaha, af-gambiyada is-dabajoogga ah, dagaalada
sokeeye ee aan dhammaadka lahayn, horu-mar la'aanta Jahligu
sabab u yahay, cudurrada dilaagaa, gaajada, macaluusha,
faqriga aan kasoo kabashada lahayn iyo maskax aan waxba
fahmin oo hoos u foorarta, oo qaaradda hareeyey, ayaa
haweenka Afrika ka reebey qayr-kood.
Qofku markuu helo daryeel -
caafimaad, wax barasho, amni IWM- ayey maskaxdiisu wixii ka
maqan gocataa. Taas waxaan uga golleeyahay haweenka Afrika
ayaa ah kuwa dhibka ugu badan uu soo gaaro iyagoo ay isu
kaashadeen dagaallo, cudurro - HIV/ ADIS iyo kuwa kaloo
dilaa ah-ba - macaluul, kufsi iyo dil, kuwaasoo ka moosay in
ayba u hanqal-taagaan sidii ay xuquuqdooda ku
baadi-goobilahaayeen: Hadday ahaan lahayd in ay helaan
xuquuq wax barasho, amni iyo xaqa ay u leeyihiin in ay
codkooda dibadda u soo saaraan.
Si kastaba ha ahaatee
hannaanka talo-wadaageynta (Democratization Process) ee
Afrika kol-dhow ayuu bilowday, walina qaaradda inteeda badan
maggaarin xorayn buuxda (full emancipation) oo ay helaan
muwaadaniintooda. In kastoo kooxaha bulshada rayidkaa (Civil
Society Groups) ay u ola-oleeyaan in ay bilaabaan hab cusub
oo siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo dowlado ku dhisan hannaanka
talo-wadaagga.,
Marka la eego haweenka
Afrika seddexdii dumaraba labaa dhibaataysan. Cudurka
HIV/AIDS-ka ayaa si xun fara ugu haya. Aqooni maba jirto
hadday jirtana waa mid hoosaysa, waa yar yihiin siminaarro
aqoonta kor luugu qaado, nolasha ayaa qiil-qiil ku
jidha.Is-kabaddaa haweene bulshada kale ayaan xuquuq sare
lahayn iyagoo ku hoos nool siyaasadda macangag-nimadaa
(Hard-line Policy). Si kastooy ahaataba haweenka Afrika wali
ma aysan gaarin in ay helaan xuquuq buuxda oo ay kala mid
noqdaan haweenka bulsho weynta caalamka si ay uga qayb
qaataan arrima bulshada iyo siyaasadda.
Waxaa jira dowlado xoogaa
ah oo iyagu aad mooddid in ay yara ogaadeen in ay haweenku
la mid yihiin bulshada in teeda kale. Eritrea, Uganda, iyo
Tanzania ayaa soo saaray sida jinsigu uga qayb galayo
baarlamaanka.
Inta badan xisbiyada ka
jira Botswana, South Africa iyo Zambia ayaa iyaguna wajiyo
cusub oo dhinaca haweenkaa sameeyey. Angola, Capes Verde,
Guinea, Guinea-Bissau iyo Sao Tome, ayaa saamiga haweenka ee
baarlamaanka kor u qaaday.
Is-bar-bar dhiggaas ayaa
aad ugu sarreeya Ethopia, South Afrika iyo Mozambique,
dhanka kale Kenya ayaa haweenka u ogol in ay ka qayb-qataan
siyaasada.
Soomaaliya marka loo eego
Afrikada kale nasiibdarro waxba saas ugama duwana, iyagoo
sidii ay haweenku doonayaan aysan kahelin bulshda ay ku dhex
nool yihiin. Waxaa hubaal ah in ay Dumarka Soomaali-yeed soo
mareen xilli ay aad bulshada uga hooseeyeen, iyagoo aysan
bulshada kala sinnaan jirin xuquuqda wax barasho, shaqo, iyo
wixii la hal maala.
Iyagoo haweenka
dhibaatadaas wax barasha la'aanta iyo kuwa kalaba lagu hayey,
ayaa dowladdii militeriga ahayd ee 1969-1990kii, si-ku
daydey in ay wax-u-qabto haweenka soomaaliyeed.
Muddadaas waxaa laga
qayb-galiyey wax barashada, shaqooyinka dowladda iyagoo qaar
kamid ahna loo magacaabay jagooyin siyaasadeed iyo kuwa
maamul oo heer dhexe ah.
Waxaanan la qarinkarin
kaalinta ay haweenka Soomaali-yeed ka soo qaateen hal-gankii
xornimo-doonka, horumarinta dalka iyo dadka taasoo ay ku
muteysteen iney baal dahab ah ka galaan taarii-khda Qaranka
Soomaali-yeed, iyagoo hal-yeeyaashii haweenka ee u soo
hal-gamay madax-bannaanida ay kamid ahaayeen Xaawo Cusmaan (Xaawo
Taako), Timiro Cukaash iyo kuwo kalaba.
Markii ay dhacday dowladdii
dhexe ee soomaaliya, ayaa haweenka waxaa soo maray waxaan
waligood horay u soo marin, waxaana loo geystay xad-gudubyo
ka dhan ah Beni-Aadiminada, iyadoo taasina ay keentay bur-burka
lixaadka leh ee dalka ku habsaday iyo weliba sharcigii iyo
kala dambeyntii oo meesha ka baxay.
In dhawaalahaan ayaa waxaa
soo if-baxay dhaq-dhaqaaqyo xooggan, oo ay haweenku ku
muujinayaan dareen-kooda, si ay bulshada uga dhaadhiciyaan
kaalin-tooda, waxayna samaysteen ururo u dooda xuquuqdooda
oo ay kamid yihiin IIDA, Women Dev. Org, COGWO, hay'adda
Ismaaciil Jimcaale Cosoble ee Xuquuqda Aadanaha, S.S.W.C,
S.W.C, R.R.O, S.W.A, ururka garoobada iyo kuwo kale. Waxayna
qayb libaax ka qaateen dib-u-heshiisiinta Soomaaliya gaar
ahaan labadii shir ee ugu dambaysay (Carta & Mbagathi)
iyagoo labadaba ka qayb-galay baarlamaanka iyo xukuumadda.
Carta kuraasta baarlamaanka waxaa laga siiyey 10%, halka
Embagathi ay ka heleen 8%, iyagoo loo qoondeeyey markii hore
12%.
Is-ku soo wada duuboo
hannaanka fallaadhaha ilayska oo ay abuureen saxaafadda,
ururada u shaqeeya haweenka Soomaali-yeed,
aqoon-isweydaarsiga loo qabanayo, isku-soobaxa haweenka
aqoon-yahannada iyo workshop-yada ay qaban-qaabiyaan, ayaa
unkay dowrka ay haweenku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,
tasoo haweenka Soomaali-yeed u horseedi karta mustaqbal
wacan.
Dhammaad.
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
»Qaybtii
1aad:
8-dda March, Maalinta haweenka iyo Halgankii dheeraa [Nayruus]
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan