Wararkii: Nov 22, 2006
- Warbixin
dheeraad oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Iidaale..
- Sheekh Max’ed Idiris “Waxaan ogaaday in
dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku gurmada..
- Maanta oo laga yaabo in Soomaaliya laga
qaado Cunaqabateyta hubka ee saaran..
- Hay’adda WFP oo raashin ka qaybisay
deegaanka Raadaarka..
- Ugaas Maxamuud Diiriye “Maxaa ku dhacay
Dhakhaatiirta Soomaaliyeed”
- Dugsiga Caynaan oo xusay maalinta Macalinka...
Warbixin
dheeraad oo ku saabsan Dagaalo ka dhacay Iidaale..
Waxaa dagaalo goos goos ah maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Bay ku
dhex marayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya iyo kuwa Federaalka oo dhinaca
iyo ciidamo ka tirsan kuwa Deegaanadaa oo taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah.
Dagaalkii ugu horeeyay waxa uu ka dhacay deegaanka Bardaale, waxaana halkaasi
ciidamada Itoobiya loogu gaystay khasaaro isugu jira labo gaari oo Ciidamada
Itoobiya laga gubay iyo 7 askari oo halkaasi looga dilay, shalay galab ayaa mar
kale isla goobtii waxa uu dagaal ku dhex maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa
Deegaanka, waxa uuna halkaasi Ciidamada Itoobiya looga gubay gaari, waxaa kalloo
khasaaro laga gaarsiiyey dhowr gaari oo kale, balse ma jiraan warar rasmi ah oo
sheegaya khasaaraha gaaray dhinaca kale, basle warar ayaa waxay sheegayaan in
ciidamada deegaanka laga dilay labo qofood, shalay subaxnimadii ayaa ciidamo
Itoobiyaan ah oo doonayey in ay soo baabi’iyaan xarumaha looga soo duulayo ay ku
duuleen gaar ahaan deegaanka Iidaale, waxaana halkaasi ku qabsadeen dagaal
qaraar oo keenay khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana la sheeg ay in ciidamada
Itoobiyaanka laga gubay dhowr gaari lagana dilay dhowr iyo toban askari, balse
dhinaca kale lama garanayo khasaarhaa gaaray inta uu dhan yahay, balse warar
ayaa waxay sheeg ayaan in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen Deegaanka Iidaale,
sidoo kale waxaa lagu waramay in ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan kuwa
Dowladda Federaalka ay halkaasi ku go’doonsan yihiin, waxana haatan u kicitimay
gurmad ka baxay Magaalada Baydhabo oo iyagu isla shalay gaaray, waxaana la
sheegay in Ciidamada Itoobiya halkaasi ka dhigan doonaan fariisin, hase yeeshee
waxaa socda dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah, waxaama Ciidamada Itoobiya ku furmay
aak kale, iyadoo markii hore aagoodu ahaa dhinaca Magaalada Buur-Hakaba, warar
ayaa waxay sheegyaaan in Maydkii iyo dhaawicii Ciidmaada Itoobiya shalay loo
qaaday Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.
Sheekh Max’ed Idiris “Waxaan ogaaday in
dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku gurmada..
Sheekh Max’ed Idiris oo ah Sheekh Caan ah oo si weyn looga yaqaano dalka
dibaddiisa iyo gudihiisa, haatanna ku sugan magaalada Muqdisho kana mid ah
guddiga gurmadka deg dega ah ee Fatahaada ee ay Maxaakiimtu magacaabeen ayaa
waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo markay timaado dhibaato
isku gurmada.
“Waxaan ogaaday in shacabku yihiin kuwo isku dhiirageliya sidii ay isku caawini
lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Max’ed Idiris oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed
looga fadhiy sidii ay gacan isku siin lahaayeen, isla markaana uga maarmari
lahaayeen gacan shisheeye. Sheekh Max’ed Idris oo qalabka warbaahinta kala
hadlayey xiligii ay socotay uruurinta Lacaga lagu taburacayo dadka ay
fatahaaduhu waxyeeleeyeen ayaa Sheekhu u duceeyay intii baxsatay, waxa uuna inta
kale u soo jeediyey inay ku daydaan dadkaasi.
Intii ay socotay uruurinta deeqdaasi ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii bixiyey
lacagaha, Sheekh Shariif Sheikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta
Maxaakiimta oo isagu bixiyey 50-kun oo Doolar, waxaa kalloo ka mid ahaa Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo bixiyey Kun Doolar, sidoo kale waxaa kaloo wax bixiyey
Sheekh Yuusuf Indh-Cadde iyo toban Shirkadaha Xawaaladaha oo iyana bixiyey
30-kun oo doolar, isku soo wada duuboo daqliga soo xarooday hal maalin ayaa
waxaa uu gaarayaa 300 oo Kun oo Doolar.
Maanta oo laga yaabo in Soomaaliya laga
qaado Cunaqabateyta hubka ee saaran..
Maanta ayaa la filayaa in Qaramada Midoobey isugu yimaadaan kal fadhi looga
hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaddib markii uu sidaasi ay codsatay Dowladda
Mareykanka.
Waxyaabaha looga hadli doono kal fadhingaan ayaa waxaa ka mid ah sidii
Soomaaliya Cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa, waxayna wararku sheegayaan in
go’aanka ka qaadista uu goluhu isku raaci doono.
Dowlado ayaa waxay qabaan in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka
ay Soomaaliya noqon doonto meel ay harqiyaan hubka noocyadiisa kala duwan,
waxaana laga cosaday Qaramada Midoobey inaysan ku deg degin qaadista
cunaqaba-teyntaasi
Hay’adda WFP oo raashin ka qaybisay
deegaanka Raadaarka..
Hay’adda WFP ayaa maalintii shalay ahayd raashin ka qaybiysay Deegaanka Raadarka
ee Degmada Dayniile, waxa uuna raashinkaasi ka koobnaa 300 oo Kiintaal oo bariis
ah iyo 19-caag oo labaatan qaad ah oo saliid ah, waxana raashinkaasi loo
qaybiyey 400 oo qoys, hase yeeshee dadweynaha Deegaanka ayaa waxaa la sheegay
inay halkaasi isugu yimaadeen, balse raashinkii uu kala gaari waayey, waxaana
laga codsaday Hay’adda WFP in ay raashin la soo gaarto dadkaasi oo ay waxyeelo
ka soo gaartay dagaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, dhinada ammaanka
Raashinkaasi waxaa sugayey Taliyaha ciidamada Deegaankasi Maxamuud Max’ed Abshir
(Jaaloos), waxaana goob joog ka ahaa odeyga deegaankaasi Max’ed Maxamuud Siicow
iyo xubno kale.
Ugaas Maxamuud Diiriye “Maxaa ku dhacay
Dhakhaatiirta Soomaaliyeed”
Iyadoo lagu hawlan yahay sidii loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed ee
waxyeeladu ka soo gaartay fataahada wabiyada iyo roobabka ayaa haddana Ugaas
Maxuud Diiriye Cusmaan oo ka mid ah waxgaradka Soomaa-liyeed ayaa si aad ah u
dhaliilsan yahay dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo uu sheegay in aysan ka muuqan
daqliga loo uruurinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaaraty fatahaadu.
“waxaan maqlay in dhakhtar ah oo ku sugan dalka
Talyaaniga uu ku deeqay Kun Doolar, waxaan og nahay in Dhakhaatiirta
Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu daqliga badan xiligaan, mana garanayo waxa ay u
muuqan la’ yihiin” ayuu yiri Ugaas Maxamuud oo ugu baaqay dhakhaatiirta
Soomaaliyeed inay gacan ka gaystaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen
badbaadinta dadkooda, wuxuu kaloo sheegay in dhakhaatiirta xitaa looga fadhiyey
tagaana goobaha fatahaadyadu ka dhaceen, maadaama ay cuduro halkaasi ka dhashay
ay dad u dhinteen, sida shubanka iyo Malaariyada.
Dugsiga Caynaan oo xusay maalinta Macalinka...
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday dugsiga Hoose/Dhexe iyo
Sare ee Caynaan ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, waxayna ku saabsaneyd
xuska maalinta macallinka ee 21-ka November, waxaana ka qaybgalay macallimiin
iyo arday iyo waliba marti sharaf kale, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay
taariikhdii uu soo maray macallinka Soomaaliyeed.
Macallimiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegeen in maantoo kale loo
baahan yahay in xasuuq gaar ah la siiyo macallimiinta maadaama ay yihiin kuwa
wax-baraya carruurta Soomaaliyeed.
Ardayda dugsigaasi wax ka barata ayaa iyana halkaasi ku soo bandhigay
barnaamijyo ka hadalaya macallinka, waxayna sheegeen in macallinku uu yahay
Aabbaha labaad loona baahan yahay in ardaydu ay tixgelin gaar ah siiyaan.
Waalidiintii ka qaybgashay xafladaasi ayaa waxay ballanqaadeen in ay il gaar ah
ku eegi doonaan Macallimiinta, isla markaan carruurtooda ay ku abaabin doonaan
in ay ixtiraamaan Macallinka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006
Ganacsade
Soomaaliyeed oo Toogtey Labo Burcad ah
Koonfur Afrika: Burcadda oo dukaankiisa
ugu soo gashay ganacsade labada lugood cuuryaan ka ah ayaa.
Guji...
Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo
Francous Fall..
»Cali
Max’ed Geeddi oo ku eedeeyay beesha Caalamka in ay..
»Sheekh
C/xakiim “Itoobiya gacanta waynu ug adkaan jirney..
»Dadweynaha
Puntland oo soo dhaweeyey Go'aankii..
»Ganacsatada
Gobalka Banaadir oo 120 kun...
»Baydhabo:
Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha...
»Ramaas:
jawaab calin faysal cali waraabe...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov
21
Taageerid & Dhursugid ka
timid Beesha Maxamed Cumar
waxana ay soo dhaweeyeen go’aankii ay ku dhawaaqday Dowlad Goboleedka
Puntland...
Akhri..
Sida looga arkay
Puntland ku Dhawaaqida Dowlada ee ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
Waxaa aad looga soo
dhaweeyey Puntland hadalkii shalay kasoo yeeray DGPL, marka laga reebo...
Akhri Warbixinta...
Taageero War
saxaafadeedkii ka soo baxay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Shacabka reer Puntland ee ku dhaqan Kenya
ayaa..
Guji...
Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay
SomaliTalk layeelatay
kadib
markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa
Dekada Boosaaso...
Akhri Waraysiga... |