Wararkii Nov 28, 2006
- Qoraal
loo gudbiyey Q/Midoobey, Ururka Midowga Afrika..
- Jaamac Max’ed Qaalib “Ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee
waa Itoobiya iyo Soomaaliya” ..
- Cali Max’ed Geeddi oo markii ugu horeysay qaatey Baasaboorka
cusub..
- Sheekh Shariif “Jalaabiibley iyo Garba-Saarley waxaa lag
doonaya in ay diinta saldhig ka dhigtaan..
- Guddoomiyaha Baarla-maanka oo kulan la yeeshey Madxweynaha
Jabuuti..
- Dadweynaha Balanbale oo u gacan haatinaya Maxkamadaha ...
- Ganacsatada oo loo soo jeediyey inay hubkooda ku wareejiyaan...
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah ugu soo dhawaanaya ...
Qoraal
loo gudbiyey Q/Midoobey, Ururka Midowga Afrika..
Qoraal ka kooban dhowr bog ayna qoreen Xildhibaano,
Aqoonyahano, waxgarad iyo dad caan ka ah Bulshada
Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaasi loo gudbiyey Qaramada
Midoobey, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Midowga Afrika,
IGAD iyo ururo kale ayaa waxaa looga hadlayey duulaanka ay
Ciidamada doonayaan in ay ku soo qaadaan gudaha dalka
Soomaaliya, waxaana qoraalkaasi uu si aad ah uga hadlayey
taariikhdii dheereed ee soo dhex martay Itoobiya iyo
Soomaaliya. Qoraalkan waxaa kaloo uu ka hadlayey in beesha
Caalamka ay ogaato gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ku
dooneyso inay ku soo weerarto gudaha Dalka Soomaaliya,
waxaana laga codsaday ururadaasi inay il gaar ah ku eegaan
gardarada Qaawan ee Ciidamada Itoobiya ku hayaan dhulka
Soomaaliya. Qoraalka waxaa kaloo lagu cambaareeyay hadalkii
ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miled Zenawi
waxayna ku tilmaameen mid keenaya dhibaato baahsan oo ka
dhacda wadamada Geeska Afrika.
Ururadaasi, waxaa laga
dalbaday in ay ergo xaqiiqo raadin ah u soo diraan dalka
Soomaaliya si ay ogaadaan faragelinta ay Itoobiya ku shayso
Soomaaliya, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa la sheegay
in ay qaadaneyso mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka
yimaada weerarka uu maagan yahay Miles Zenawi, waxaa kaloo
qoraalka lagu xusay in Dowladda Federaalka loo aasaasay
sidii ay u difaaci laheyd shacabka Soomaaliya, laakiin ma
aheyn in wadankeeda ku soo horseedo caddow aan la ogeyn
halka ay ku heshiiyeen ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa muuqda
saansaan colaadeed oo u dhexeysa Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo Dowladda Itoobiya, waxaana labada dhinac ay
ciidamo dhoobeen qaar ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya,
hase yeeshee mucaaradka Dalka Itoobiya ayaa Dowladda Miles
Zenawi ku eedeeyey in Ciidamada Itoobiya ay si gardaro ah ku
joogaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaa loo soo jeediyey
Miles Zenawi in Ciidamadiisa uu kala soo baxo Soomaaliya,
isla markaana isaga dhex baxo labada dhinaca ee iska soo
horjeeda, qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa Jeneral Jaamac
Max’ed Qaalib, Cumar Xaashi Aadan, Xildhibaan Max’ed Cabdi
Yuusuf, Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, Cumar Aadan Qaadi
iyo Xubno kale.
Jaamac Max’ed Qaalib “Ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee
waa Itoobiya iyo Soomaaliya” ..
Jeneral Jaamac Max’ed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay ka
hadlayey dood ku saabsaneyd doorka Haweenka ee Bulshada ayaa
waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed
ay u diyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen
caddowga ummadda Soomaaliyeed.
“ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee waa Itoobiya iyo
Soomaaliya” ayuu yiri Jaamac Max’ed Qaalib oo intaa raaciyey
“Adduunka marka la fiiriyo, markay Dowladi ku dhawaaqdo in
ay Dowlad kale ku duuleyso, waxay Dowladda lagu duulayo xaq
u leedahay in ay golaha ammaanka hor dhigto gardaradaasi,
hase yeeshee Dowladdii maanta aan ka fileyn arrintaasi, waxa
ay soo wadaa Dowladdii tiri waan ku duulayaa shacabka
Soomaaliyeed”.
Jaamac yare waxa uu intaa ku sii daray “Mas’uuliyadda wixii
dhibaato ah ee gaaray shacabka Soomaaliyeed ugana yimaada
dhinaca Itoobiya, waxaa xambaari doona Dowladda Federaalka,
waxaana nasiib daro ah in dad Soomaaliyeed ay yiraahdaan
Itoobiya waxaan nahay Saaxiibo, halkee ayaan saaxiibo ku
noqonay” ayuu is wediiyey Jaamac Yare oo xusay in Itoobiya
iyo Soomaaliya ay weligeed ka dhexeysay cadaawad.
Cali Max’ed Geeddi oo markii ugu horeysay qaatey Baasaboorka
cusub..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay shir jaraa’id
ku qabtay Magaalada Nayroobi waqti uu ku sii jeeday dalka
Nayjeeriya ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey Baasaboor cusub
oo ay sameysay Dowladda Federaalka, kaas oo ka kooban dhowr
qaybood, waxaana shalay la arkayey Ra’isul Wasaare Geeddi oo
kor u haya Baasaboorkii Diblumaasiga ahaa ee uu ku dhoofayey.
Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Baasaboorkaani uu
dhaqangalayo lix bilood, waxayna Dowladdu sheegtay in lixdaa
bilood ka horna la sii isticmaali doono kii hore.
Ra’isul Wasaaruhu mar uu ka hadlayey xaaladda dagaal ee u
dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta waxa uu meesha
ka saaray in Dowladdu aysan weerar ku aheyn Maxaakiimta
Islaamiga ah, isagoo sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay
weerarto wadanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarla-maanka oo kulan la yeeshey Madxweynaha
Jabuuti..
Maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada ee Dalka
Jabuuti waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Baarlmaanka
Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha
dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankasasi la
iskula soo qaaday xaaladda haatan uu marayo dalka Soomaaliya,
waxayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen in Xaaladda
Soomaaliya lagu dhameyn karo wada hadal iyo is afgarad, ee
aan lagu dhameyn Karin xoog iyo dagaal toona.
Shariif Xasan waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya looga
baahan yahay in ay si dhaqsi leh uga baxaan gudaha Dalka
Soomaaliya, waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay
si gardaro ku soo galeen gudaha dalka Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif “Jalaabiibley iyo Garba-Saarley waxaa laga doonaya in ay diinta saldhig ka dhigtaan..
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sheekh
Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka qaybgalay dood hal maalin
sooctay kuna saabsaneyd doorka Haweenka ee Arrimaha bulshada
ayaa waxa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Xildhibaanad
Caasho Xaaji Cilmi Aamin oo si aad ah ugu dheeraatay doorka
ay Haween ku leeyihiin bulshada, ha noqoto arrimaha u
adeegida Qoyska, Difaaca dalka, waxay kaloo sheegtay Caasho
Xaaji Cilmi in aan loo baahneyn in waqtigaan la inkiro
Doorkaas oo ay ku tilmaantay mid laf dhabar u ah bulshada
Soomaaliyeed.
Sheikh Shariif oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay
in Haweenka Soomaaliyeed ay weligood ahaayeen kuwo u taagnaa
sidii wadanka looga difaaci lahaa caddowga, maanta waxaa
looga baahan yahay inay dadaal intaasi ka sii badan la
yimaadaan.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Haweenka looga baahan
yahay in wax walba ay saldhig uga dhigtaan Diinta Islaamka,
ha noqdaan Jalaabiibley ama Garbasaarley.
Waxaa kaloo uu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay u qabteen
shirar fara badan Haweenka, maanta ay weli diyaar u yihiin
in ay gacan siiyaan Haweenka, waxa uuna meesha ka saaray in
wax xaqiraad ah ku sameeyeen Haweenka Soomaaliyeed.
Xubnihi kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maryan
Cabdule Qaawne oo sheegtay in Golaha Maxaakiimta in ay mar
kasta ogaadaan muhiimadda Haweenku bulshada u hayaan, sidoo
kale waxaa ka hadlay Xabiibo Xaaji Jimcaale oo sheegtay in
Golaha Maxaakiimta looga baahan yahay in ay hoos u eegaan
waxa ay Haweenka Soomaaliyeed ku nool yihiin, waana middaas
midda aan dooneyno, waxaa kaloo ka hadlay doodaasi Maryan
Xuseen Awreeye oo iyana sheegtay in Maxaakiimtu ay mar hore
uga fadhiyeen in gebi ahaanba ay mamnuucaan Dhoofinta
Dhuxusha laakiinse aysan habooneyn in ay fursad siiyaan kuwa
xaalufinaya dhirta Soomaaliyeed.
Dadweynaha Balanbale oo u gacan haatinaya Maxkamadaha ...
Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in
markii ay la wareegeen Maxaakiimtu Magaalada Cabudwaaq ayna
ku soo dabaaleen xasilooni iyo nabad ayna qaadeen
isbaarooyhinkii halkaasi ku yiilay ayaa dhanka kale
dadweynaha ku nool deegaanka Balanbale, waxa ay ka codsadeen
Maxaakiimta Islaamiga ah in ay si dhaqsi leh u soo gaaraan
deegaankaasi.
Dadweynuhu waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan kooxo
isbaaroley ah, iyo waliba Ciidamada Itoobiya, waxayna
wararku sheegayaan in maalmaha soo socda deegaankaasi ay
gaari doonaan xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta si ay u soo
eegaan xaaladda halkaasi ka jirta.
Dhanka kale dadweynihii ka qaxay Magaalada Cabud-Waaq ayaa
dib ugu soo laabtay kaddib markii ay ogaadeen in Maxaakiimtu
u socdaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, waxaana la
filayaa in berito degmada Cabud-Waaq looga dhawaaqo Maxkamad
Islaami ah.
Ganacsatada oo loo soo jeediyey inay hubkooda ku wareejiyaan...
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa wareegto soo saaray
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed,
waxayna wareegtadaasi sheegeysaa in laga bilaabo maalintii
shalay ahayd ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada
ay ka taliyaan Maxaakiimtu in ay si dhaqsi leh hubkooda
Waaweyn ugu soo wareejiyaan taliska Maxaakiimta.
Sheekh Shariif ayaa xusay in hubka laga wareejinayo uu ugu
yar yahay Qorga BKM oo ay Soomaalidu u taqaano Dabamiishaar,
waxay kaloo wareegto sheegeysay in hubkaasi qofka kasta uu
keeno xarunta Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed,
waxaana loo xilsaaray guddi 3 xubnood ah oo uu madax u yahay
Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).
Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah ugu soo dhawaanaya ...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay
sheegayaan in Magaalada Gaalkacyo gebi ahaanba la wareegeen
Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaan
jireen ciidamadii Puntland.
Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay u soo
dhaqaaqeen dhinacaa iyo Deegaanka Bandiiradley, gaar ahaan
halka lagu magacaabo Saddex Higlo , waxaana la sheegay in
Ciidamada Maxaakiimta iyo Kuwo Itoobiya isku jiraan wax ka
yar 10Km.
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu diyaar garoow
adag halkaasi ka wada, waxaana gaaray gurmaddii ugu
balaarnaa ee dhinaca Saadka iyo Ciidamada, sidoo kale waxaa
gaaray saraakiil ku xeel dheer dhinaca dagaalka oo ka
tirsanaan jiray ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas
oo horey dagaal ula galay Ciidamada Itoobiya, waxaana laga
cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu dagaal qaraar dhex
maro Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Nov 28, 2006


|